Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Isha Qarsoon: Danyare weli ba askari ah.

Hargeysa waa magaalo ballaadhan, badh dhergay, badh qada, badh kibray badh na lagu kibro. Intaas oo xero oo ka oodan caasimadda Somaliland

waxa dhici karta, ama ay u muuqataa ba in aan surin loo kala maro oo isku xidhaa jirin; qeexid ahaan waa isma aragto aan is ogayn.

Haddii aad ladan tahay, dabaqadda yar ee kooban ee wax haysata tahay quruska aad fiidka hore cuntaa wuxuu ku kici karaa toban doollar ugu yaraan. Meel kugu dheer oo magaalada ka mid ahi ma jirto, baabuurkaaga dheereeya ayaa goob kasta ku geyn kara. Haddii se aad badhka qadoodiga ku nool tahay sawirka noloshaadu kaas aad buu uga duwan yahay.

Waxa lagu jiraa bishii Rabadaan. Hudheelka aan seexdo suxuurta lagu cunaa waxa ay ka timaaddaa debedda. Cid kasta oo hudheelka ku xidhan, macmiil iyo shaqaale suxuurtaas debedda ka timi ayaa lagu mabsuudaa. Weelka suxuurtaas laga rito ayaa mararka qaarkood debedda lagaga tagaa. Maalmihii bishu bilowga ahayd ayaan casar liiq iska fadhiistay hudheelka hortiisa. Waxa aan daawanayay nolosha jidka hortayda ka socotay. Halgan qadhaadh oo aad uga duwan, ka na fog ka aan meelaha qaarkood ku soo arkay ayaa indhahaygu qabanayeen kolkii aan ku war helay nin dheer, maryo uskag badan xidhan, diif iyo darxumo badani ka muuqato oo dhankayga usoo socda.

In waalli uu magaalada ka qoran yahay ayaan is dareensiiyay. Wuu degdegsan yahay, meel buu ku maqan yahay. Siduu u maqiiqnaa ayuu i weydaartay oo laba maddiibadood oo jaandi ah oo meel jaranjaro ah is agyaal kor u dhufsaday, mid baa inyar oo sarreen ah oo qabowday oo weli ba siigo korka ka sii fuushay ku naban yahay. Weji faraxsan intuu ku eegay ayuu degdeg u murdiyay sarreenkii yaraa oo intuu maddiibaddii dhigay iska lugeeyay.

Cid kale oo sida aan ninkaas baahan ugu fiirsaday fashay ma jirin ayaan qabaa. Waxaan xusuustay baahida magaalada taalla, ta haysata dadka sida ninkaas oo kale maankoodu dhiman yahay. Waxa aan xusuustay moogidda inta wax haysataa ka dhoy la'yihiin dadka ninkaasi ku jiro. Waxa se jira duul kale, baahan, hawl culus na loo dirtay, dhib iyo dhibaato na ku qaba, dheefta ay ka helaanna tahay mid qiimo la': waa duulka lagu aammino ammaanka dalka oo dhan.

Nabaddu waa doqonta ugu weyn ee Somaliland lagu maalo. Waa haleelo aan ka gaagixin inta ku mamtay gaawaheeda ee hadh iyo habeen shubaalinaysa. Haddidaadda, cagajuglaynta iyo isqaadqaadka suldaanka, boqorka, caaqilka iyo odayga cimaamadda xidhani ay ku hayaan nabaddu waa ib irmaan oo ay ku ceeshaan, nolol iyo dheef na ay ka dhigteen; ummadda ay magaceeda sida beenta iyo doqonniimada ah ugu tuntaanna waa u quus iyo mugdi mustaqbalkooda ku hadoodilan. In duulka noocaas ah looga sedburiyo ilaaliyaha ammaankooda iyo kan ummadda oo dhan waa guuldarro siyaasadeed oo hoggaanka iyo maamulka saaran.

Bisha Ogos oo lix ah, casargaab shantii galabnimo saacaddu marayso ayaan ka soo dhaadhacay jidka hormara hudheelka weyn ee Ambassador. Waxa aan arkay askari gaadhan oo meel suryo ah taagan, dhinaca kale ee jidka na mid baa taagnaa. Laba kale ayaan arkay, saddex kale, shan kale, gabadh dirays xidhan oo baabuur jid yar lagu gooyay hor taagan. Sidaas ayaan ku waday ilaa aan soo gaadhay tuurta looga dhaadhaco gacanta weyn, halkaas ayaa la igu joojiyay. Askarigii i joojiyay ayaan ku idhi “maxaa dhacay?” “Madaxweynihii ayaa dhoofaya” ayuu iigu warceliyay. “Miyuu waxan oo askar ah u baahan yahay?” ayaan ku idhi askarigii. Nin diif badani ka muuqato, xayaad karah ah, isla markaa na sida aan askarta badankooda ku arkay shaqadiisii qabsanaaya ayuu iila ekaa. “Haddii aanu u baahnayn kollay ba askartan badan la ma keeneen” ayuu igu yidhi. Waxa i weydaartay baabuur tiro badan oo xidhiidhsan, waan soo gudbay, ilaa saldhigga dhexe ee weyn waxa taxnaa askar tarabtarab ah. Taasi waa dhacdo keli ah, maalin gelinkeed ah.

Goor fiid ah, makhribkii na roob laxaad leh uu da'ay, ayaan soo dhuftay jidka dheer ee beerta xorriyadda hormara. Askari meel rukun ah ku naban ayaa igu soo booday, siidhi ka wiqiiq siiyay, amar degdeg ah igu riday in aan laydhka hore bakhtiiyo, ka gudaha shido, muraayadaha dambe na dejiyo. Intaas kolkaan fuliyay ayuu indho daal ka muuqdo igu eegay; “waar roob xun ayaa i qooyay ee waxaan sigaar siisto i sii?” ayuu igu yidhi. Kor iyo kal ayaan indhaha la raacay, dirayska uu xidhan yahay oo dhammi waa qoyan yahay, nin jir meel cidlo ah ka helay oo qadhqadhaya ayuu ahaa.

Xilli dambe oo magaalada badankeedu hoyatay ayaan ka soo hulleelay hudheelka Maansoor. Isgoyska kaalinta Total ayaa askari da' yar oo taagani siidhiga igu afuufay. Juuq intaanu odhan ayaan muraayadahii baabuurka dejiyay. “Ma dhaxanta ayaad iska xidhay?” ayuu igu yidhi. Madaxa ayaan ruxay. “Bal ninka caawa dhan halkaas u taagan ka warran?” ayuu si cabasho leh iigu yidhi oo “iska soco” ii raacshay.

Muddo yar ka dib ayaan soo gaadhay isgoyska Telesom ee suuqa badhtankiisa, saddex askari oo taagan ayaa i joojiyay. Kolkay u holladeen in ay dhaqaaq i yidhaahdaan ayaan ku idhi; “Taliyihiinnu waa kuma? Ra'yi ayaan u sheegi lahaaye”. Mid baa gamcaha fiiqfiiqay oo iska soco igu yidhi, mid na hadalkaygii ayuu xiiseeyay oo i warsaday. Barta ay taagan yihiin waa isgoys, habeen oo dhan ayay joogaan. Qofkii raba inuu wax xeerka ka soo horjeeda falaa uma baahna inuu isgoyskan soo maro. Meel boqol tallaabo u jirta oo hudheelka City Center u dhow ayaa goor fiidkii ah si xun loogu dhaawacay gabadh saaxiibaddeed oo shandaddii gacanta xejisanaysa is leh u hiili. In askarta dhaxantan taagani ku waxtar fiicnaan lahayd in laga hawlgeliyo suuqyada cammiran ee magaalada oo ay ammaanka bulshada sugaan ayaan nimankii jidka tubnaa ku la shawray. Waa arrin wanaagsan oo annaga na jidkaas daalka iyo siigadu nagu dishoodeen naga dhaqaajinaysa ayay isku raaceen.

Sidaan madaxdiinna u gaadhsiin karaa kolkaan idhi, wargeysyada ayaad ku qori kartaa ayay igu yidhaahdeen oo ii raacsheen, in iyaga halkaas uun lagu daadiyo hadhow na ay ka lugeeyaan.

Maalintii xigtay, xilli ku beegan labadii duhurnimo oo cadceeddu colaad gooni ah dhakadaada inay u hayso aad moodayso ayaan tegay garoonka dayuuraduhu ka haadaan. Meesha laga galo garoonka waxa taagnaa askari. Waxa aannu dhoofinaynay islaan, inanteedii ayaa ila socotay. Waxa naga horreeyay oday wiilkiisii la socda. “Yaa dhoofaya?” ayuu askarigii yidhi. “Inankaygan” ayuu odaygii ku warceliyay. “Keligii ayaa la oggol yahay” ayuu askarigii yidhi. Odaygii inuu inankiisa raaco oo sii dhoweeyo ayuu doonay. Xitaa inuu laaluush siiyo askarigii ayuu doonay, waan ku soo marayaa iyo erayo la mid ah ayuu ku maaweeliyay. Amar la i siiyay ayuun baan fulinayaa ayuu askarigii ku waashay. Odaygii si foolxun ayuu askarigii u caayay. Ninkaas askariga ah waxa ka muuqatay diif xun, wuxuu ahaa oo guudkiisa aad ka akhrisanaysay danyare baahi badani hayso. Wuu cadhooday, si aad ah. Indhaha ayaa casaaday, dibnihiisa ayuu qaniinay, dhabannada wejigiisa ayaa kurbaday, saanta foodda hore ayuu ururshay, ilmo ayaa ku soo joogsatay. Wuu sii jeestay, cabbaar dhaqaaqay oo soo jeestay. Si ciil leh ayuu u yidhi; “Maxaan sameeyaa kii aan idhaahdo meesha gelimaysid ba sidaas buu ii caayayaaye?”

Waxa aan dareemay xanuunka iyo diiqadda askarigaas ka dhex bulaamaysay. Waxa aan dareemay ammaanka(Nabaddu waa eray khaldan) uu heeganka u yahay ee uu ilaalinayo iyo dhibta ka soo gaadhaysa. Waxa aan is dareensiiyay qoriga degtiisa sudhan iyo inuu qof ahaan qarxi karo, la soo degi karo qorigaas isla markaana ka aargudan karo maangaab ku gefaya isaga oo aan is ogayn.

Waxa ii muuqatay kuwii kale ee boodhka, roobka, cidlada iyo sarajoogga u taagnaa, ee hadda na nidaamxumo awgeed meel halka ay taagan yihiin inyar u jirta muwadiniinta lagu boobayay, lagu na dhaawacayay.

Waxa aan barbar dhigay odayga ku faanaya inuu dunida rogi karo, nabaddu na gacantiisa ku jirto, sidaas awgeed na ku maalaya hantida dadweynaha kii xaqa iyo xeerka u lahaa ka gaajaysan yahay isaga oo gaadh ka haya ammaankii dalka iyo dadka.

Horumarka iyo ilbaxnimada bulsho gaadhaa waxa ay ku xidhan tahay sida ay u daryeesho danyarteeda, weli ba kolka danyartaasi yihiin dar haya ammaanka inta kale ku seexato, ku na soo toosto.

Askarigu maaha dhagax la qoray oo dabaysha iyo roobka looga maarmi karo, odayga laga dhowaysanayaa na meel uu maanta bulshada ugu kawiran yahay oo la odhan karo doorkaas buu hayaa ma jirto. Eexda labadaas loo kala galaa waa dulmi dumin kara waxkasta oo bulshadu yabyabato.

Cabdillaahi Cawed Cige, Hargeysa Somaliland This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Additional information