Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Dagaalkii Qaboobaa iyo Qalalaasihii Gantaalaha ee Cuba

Marka la raaco dagaalkii dunida ee labaad, waxa adduunka ku soo kordhay laba quwadood oo waaweyn oo kala ahaa: Gobollada Midoobay ee Maraykanka

 

 

 

Dagaalkii Qaboobaa iyo Qalalaasihii Gantaalaha ee Cuba

Xusuusta diblomaasi Afrikaan ah oo markaa Moscow ka daawanayay

Qalinkii: Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)

Tarjumaddii: Boobe Yuusuf Ducaale

Hordhac

Marka la raaco dagaalkii dunida ee labaad, waxa adduunka ku soo kordhay laba quwadood oo waaweyn oo kala ahaa: Gobollada Midoobay ee Maraykanka oo ku dhaqmayay nidaam hanti-goosiya iyo Midowgii Soofiyeti ee burburay oo ku dhaqmayay nidaam shuuciya. Maraykanku waxa ay ku tallaabsadeen samaynta hub nukliyer ah oo Madaxweynihii Maraykanka ee Harry S. Truman go’aansaday in uu u adeegsado goobo ku yaallay dalkaa Japan oo kala ahaa Hiroshima iyo Nagasaki; dhacdadaas oo ku qasabtay dalka Japan in uu is-dhiibo isla markaana nabad baadi-goobo! Jarmalka oo Hitler ka talinayay mar hore ayaa la jebiyay, dagaalkiina waa la soo af-jaray. Si aan looga tegin ama aan looga badinba Midowgii Soofiyeti ee hore qunbulad nukliyer ah ayuu qarxiyay 1949kii.

Dagaalkii qaboobaa

Labada nidaaam ee iska soo hor jeeday ee aynu kor ku xusnay awgeed, waxa bilaabmay dagaalkii qaboobaa ee Galbeedka oo Maraykanku hoggaaminayay iyo Bariga oo Midowgii Soofiyeti hagayay. Amba-qaadkii tartanka hubka halista ahi xawliga ku dhaqaaqay, waxa ay dunidii noqotay meel halis ah oo baqdin joogto ah laga qabay dagaal nukliyer ah oo qarxa.

Bishii Sebtember, 1960kii hoggaamiyayaashii adduunka intoodii badnayd waxay wefdiyadoodii u kaxeeyeen Shirkii Golaha loo dhan yahay ee Qarammada Midoobay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: Madaxweyne Dwight Eisenhower iyo Nikita Khrushchev. Sida oo kale ilaa 16 dal oo Afrikaan ah oo dhawaan xoroobay oo ay Soomaaliya ku jirtay ayaa iyaguna ergooyinkoodii dirtay si ay xubno uga noqdaan Qarammada Midoobay. Hoggaamiyayaashii dunida saddexaad kuma ay guulaysan wixii ay tamar iyo taagba ku bixiyeen sidii ay iskugu soo jiidi lahaayeen labadii quwadood ee Galbeedka iyo Bariga.

Khrushchev ayaa kabtiisii ku garaacay miiskii uu fadhiyay, isaga oo Hammarskjold, Xoghayihii Guud ee QM ku eedaynaya in uu u xaglinayo reer Galbeedka, mar uu khudbad ka jeedinayay Golaha. Wefdigayaga Soomaaliyeed waxa uu fadhiyay meel ka hoosaysay halkii uu fadhiyay wefdigii Midowga Soofiyeti ee madashii kala sarraysay ee Golaha loo dhan yahay ee QM, sida ka muuqatay sawirradii la qaaday.

Isla maalintaa gelinkeedii danbe, Khrushchev ayaa xaflad shaah ah ku marti-qaaday dalalkii dhawaan xoroobay ee Afrika. Aniga ayaa wakiil ka ahaa wefdiga Soomaaliyeed. Mid naga mid ahaa ayaa ku tilmaamay kabtii miiska lagu garaacay in aanay dhaqan fiican ahayn marka indho dad Afrikaan ah lagu eego. Khrushchev ayaa ku jawaabay in uu markii hore labada gacmoodba adeegsaday bal se ay xanuuneen. Cudur-daar ayuu ka bixiyay.

Dalalkii dunida saddexaad oo markii danbe 1963kii loo aqoonsaday Kooxda Afro-Asian ayaa ku guulaystay in ay samaystaan Ururkoodii Dalalka Dhex-dhexaadka ah oo ay hoggaamiyayaal ka noqdeen: Marshal Tito ee Yugoslavia, Nehru ee Hindiya, Jamaal Cabdinaasir ee Masar, Sukaarno ee Indoniisiya, Nakruuma ee Ghana, iyo qaar kaleba.

Xiisaddii Gacanka Doofaarrada

Xiisaddii Gacanka Doofaarrada oo ahayd isku-daygii aan aadka u bislaan ee Abriil 1961kii CIA-da Maraykanku doonaysay in ay ku taageerto qurba-joogga Cuba si ay xukunka uga tuuraan Fidel Castro, ayaa aad uga cadhaysiiyay amaba u argaggax-geliyay Kennedy oo lagu xaman jiray in aanu waayo-arag ahayn. Waxa kale oo ka cadhaysiiyay tallaabadii geesinnimada lahayd ee Khrushchev ee Ogos 1961kii ee uu ku dhisay derbigii Baarliin si uu u hakiyo ama u hor-joogsadaba Jarmalkii Bariga Baarliin ka baxsanayay ee Galbeedka u cararayay.

Bishii Feeberweri ee 1962kii, hoggaamiyeyaasha labada quwadood ee addunka oo kala ahaa Khrushchev iyo Kennedy ayaa ku kulmay magaalada Vienna si ay u qiimeeyaan xaaladda addunka. Khrushchev, noloshiisa wuxu ka soo bilaabay safafka hoose ee ururradii shaqaalaha si uu uga mid noqdo hoggaankii dalkiisa, markii danbena loollan ba’an oo loo galay hoggaaminta dalkiisa ayuu ku guulaystay in uu dhaxlo Stalin 1953kii isaga oo ka guulaystay Bulganin iyo geesigii dagaalkii dunida ee labaad, Marshal Zukov. Duruuftaa duruuf ka duwan ayuu Kennedy ku soo koray isaga oo ahaa nin dheer, qurux badan, da’yar oo ka soo jeeday qoys hodan ah oo siyaasadda ku xeel-dheeraa.

Intii ay kulankaa ku jireen, Khrushchev wuxu ku hawlanaa ajende u qarsoonaa oo ahaa in uu iska jitaabiyo oo mashqaca geliyo Kennedy. Waxa se la sheegay in uu Moscow ku noqday isaga oo aamminay in uu ka adkaan karo ama jabsanba karo Kennedy, sida ay qortay saxaafaddii Galbeedku.

Qalalaasihii Gantaalaha ee Cuba

Marka uu sii xumaado iska-hor-imaadka iyo is-hirdiga labada dhinac, xaaladdu waa ay sii adkaanaysay gaar ahaan tobankii maalmood ee ugu danbeeyay Oktoobar, 1962kii. Khrushchev waxa uu ku sii dhiirranayay in gantaalaha nukliyerka ah ee riddada dhexe uu ku rakibo Cuba oo 90 meyl u jirta Maraykanka, isaga oo is-lahaa waad ka baxsan karaysaa am aka dhuuman karaysaaba ilaalada raadaarrada Maraykanka. Waa hubaal in uu xisaab-xumaystay ama ay tiraduba ka gedmatay!

Qalalaasihii arrintan ka dhashay waxa lagu gorfeeyay Golaha Ammaanka ee QM. Ambassador Adlai Stevenson, oo dawladda Maraykanka ka wakiil ahaa ayaa si cadho leh u weydiiyay Ambassador Valerian Zorin oo ka wakiil ahaa Midowgii Soofiyeti: “Ma gantaalo nukliyer ah oo Midowga Soofiyeti leeyahay ayaa ku rakiban Cuba? Haa ama maya mid ku jawaab.” Zorin si kooban oo deggan ayuu u yidhi: “Ma hor taagni maxkamad Maraykan ah si aan su’aashaada uga jawaabo.” Xiisaddii iyo xamaasaddii Golaha dhexdiisa iyo adduunkaba ka taagnayd ayaa cirkaa isku shareertay.

Run ahaantii Kennedy daw kale uma bannaanayn oo aan ahayn in uu digniin kama-danbays ah u diro Khrushchev si uu ula noqdo ama dib ugu rarto gantaalihiisa haddii kale uu burburin doono. Waxa la soo weriyay in ay labada hoggaamiye xidhiidho door ah sameeyeen ama yeesheenba maalmahaa halista adduunyadu daaqaysay ama ku jirtayba. Adduunyadu waxay ku jirtay dheg-taag, wadnaha ayaana farta lagu wada hayay!!!

Cawayskii 27kii Oktoobar ayaa ‘Concert’ lagu dhigay masraxa haybadda leh ee ‘Bolshoi’ ee ku yaalla Moscow. Waxa halkaa lagu soo bandhigay ‘The Triple Concerto’ oo uu curinteeda iska lahaa Beethoven. ‘Concert’-kaas waxa soo bandhigayay: ‘Cellist’ Mstislav Rostropovich, ‘Pianist’ Sviatoslav Richter iyo ‘Violinist’ David Oistrakh. Madaxdii ergooyinka diblomaasiyadeed ayaa la marti-qaaday. (Anigu markaa waxa aan ahaa Ambassadorka Soomaaliya u fadhiyay Moscow). Khrushchev oo aan weji-furnayn oo daalna ka muuqdo iyo xubno ka tirsanaa Guddidii Sare ee siyaasadda ee Midowgii Soofiyeti ayaa iyaguna madasha lagu marti-qaaday si ay u daawadaan ‘Concert-ka’.

Ma aanu ogeyn e’, show Khrushchev waqti hore oo maalinnimadii ah ayuu is-dhiibay oo oggolaaday dalabyadii Kennedy ee ahaa in uu si degdeg ah ula noqdo ama u furfuro gantaalahaa uu Cuba ku rakibay. Kennedy waxa kale oo Khrushchev ku sii karaamo iyo haybadba jebiyay isaga oo ku adkaystay in ciidammada badda ee Maraykanku ay fuulaan maraakiibta Midowga Soofiyeeti ee gantaalaha sii qaadaysa oo ay isla markaana hubiyaan in la celiyay. Khrushchev wuxu ku oggolaaday dalabkan Maraykanka isaga oo is-na markiisa codsaday in gantaalaha nukliyerka ah ee Maraykanka laga qaado dalka Turkiga iyo nidar ah in aanay dawladda Maraykanku wax weerar ah ku qaadi doonin Cuba. Kennedy waa uu oggolaaday. Waa Ilaahay mahaddiiye, qalalaasihii gantaaluhu halkaas ayuu ku dhammaaday adduunyadiina ku nefistay.

Dhowr maalmood ka dib ayaa xaflad soo-dhaweyn ah loogu sameeyay Kremlinka oo Midowgii Soofiyet looga talin jiray Madaxweyne ajnebi ah oo markaa booqasho ku yimid. Sidii dhaqanku ahaa munaasabadahaas oo kale waxa lagu marti-qaadi jiray dhammaan Madaxda Ergooyinka Diblomaasiga ah. Khrushchev, oo u muuqday qof daallan oo miisaankuna ka yara dhacay ayaa ku dheeraaday ka-sheekaynta qalalaasihii gantaalaha iyo guud ahaanba xaaladdii addunyadu markaa ku sugnayd. Hadalladiisii waxa ka mid ahaa: “Dadka qaar ayaa yidhaahda Midowga Soofiyeti ayaa guulaystay. Qaar kalena waxa ay yidhaahdaan Maraykanka ayaa guulaystay, aniguna waxa aan leeyahay beni-aadamka ayaa guulaystay!” Wuxu u muuqday in uu ku lib sheeganayo in uu adduunyada ka badbaadiyay dagaal nukliyer ah.

Gunaanad

14kii Oktoobar 1964kii waxa la isla dhex marayay magaalada Moscow in Khrushchev xilkii laga qaaday. Maalintii ku xigtay xubno ka tirsanaa Guddidii Sare ee siyaasadda ee Midowgii Soofiyeti iyo Madaxdii Ergooyinkii Dibloomaasiyadeed ayaa u boqoolay madaarka dayuuradaha ee Vonucovo oo Moscow duleedkeeda ku yaal si loo soo dhaweeyo marti-sharaf ajnabiya oo imanaysay.

Munaasabadahan oo kale dhaqanku wuxu ahaa in sawirrada Guddida Siyaasadda lagu dhejiyo derbi ka soo hor jeeday madaarka. Maalintaa waxa ka maqnaa sawirkii Khrushchev. Waxa aan la sheekaysanayay Sir Humphreys Trevelyan oo ahaa Ambassador-ka Britain u fadhiyay Midowgii Soofiyeti. Waxaan soo qaaday sawirka maqan. Wuxu isaguna ii sheegay in Andrei Gromyko, Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Midowga Soofiyeti ee rug-caddaaga ahaa u caddeeyay daqiiqado ka hor in Khrushchev la riday ama xilkiiba laga qaaday maalin ka hor.

Khrushchev waxa xilkii ka xayuubiyay saaxiibbadiisii naxariista darraa ee ay wada ahaayeen Guddida Sare ee siyaasadda. Dhacdadii Cuba ee gantaalaha iyo Billaddii Lenin oo ahayd Billad-sharaftii ugu sarreysay Midowga Soofiyeti ee uu ku abaal-mariyay Cabdinaasirkii Masaarida Madaxweynaha u ahaa, ayaa ugu horreeyay 29 eedood oo Khrushchev in uu galay lagu soo daabacay wargeyskii caanka ahaa ee Pravda.

Meey, 1965kii ayaa la ii beddelay Washington, waxaan ka tegay Moscow oo uu faraska saran yahay dalkiisana madax ka yahay Leoneid Breszhnev.

10kii Ogos, 2010kii

Dhammaad

 

Additional information