Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Isha Qarsoon: Masaajidku waa guri Eebbe(swt), sow maaha?

Bishu waa Rabadaan, afurka hortii waxa la iska fadhiistaa meel qorraxdu tahay tii la odhan jiray waxa wada wiil. Inkasta oo xantu xidhan tahay misana niyadda waxa ku soo dhaca adigu ma maarayn kartid.

 

Qofku muxuu kaa eegayaa, ayuu maanku iskii isaga odhan karaa. Nin calaamado wadaad leh oo kitaab gacanta ku sita ayaa dhawr galabood na weydaartay, dalka na intii muddo ah(20 sannadood iyo dheeraad) waxa ku soo batay halqabsiga ah ‘salaantii Islaamka’. Maalin keli ah na ma uu salaamin. Maanka ayaan ka idhi maxaa jira, salaantii Islaamka ee halhayska noqotay miyuu wadaadku idinkaga bakhayl mise?

Waa Jimce, waa Hargeysa. Laba masaajid oo iska warhaya ayaan dhexdooda degganahay, mid baa se ii dhow, aad iigu dhow. Kaas baan cammiraa, sow la inama farin inaynu masaajiddada cammirro. Laba Jimce oo hore midkood waxan helay meel qabow oo aan waxsheegga iyo cibaadada ba kaga bogto, mid se cidlo ayaan ku dhacay. Habsan dhankayga ah iyo masaajidka oo aad loo cammirro ayaa isu kay raacay, bacadka kartoon lagu kala bixiyay ayaan isbaday ama aan idhaahdee dantu i badday. Arrinkaasi in aanu mar dambe igu dhicin ayaan Jimcahan ku talagalay. Laba iyo tobankii hadhgalnimo ayaan masaajidkii isku maqiiqay. Baryo Oromo oo carruur dhego’adag, cod dhuuban, aan xiiqayn oo adeerow keen kugu asqaysiinaysa loo soo dhiibay ayaan dhababaco ku dhaafay. Baahidu dalka waa ku badan tahay, ta se Oromada waddaa waa macno kale, baadhitaan iyo xal loo helo malahay way u baahan tahay ayaan is idhi.

Judhii ba waxa i hakiyay cidhiidhiga hortayda ka samaysmay, masaajidku dhawr kun oo qof ayuu qaadaa. Muddo kooban ayaan meel sal la dhigo kaga soo quustay. Hammi kale ayaa igu dhashay. Masaajidka kale ee dhankaas had iyo jeer eedaankiisu kaaga soo dhaco miyaan Jimcaha lagu tukan ayaan isweydiiyay oo iska soo dhaqaaqay. Ilaaliye hudheelka aan degganahay hor fadhiya ayaan la tashaday, warcelin hakad ku jiro ayuu iigu sheegay in Masjid Jaamac lagu tukado Jimcayaasha.

Weligay ba Masjid Jaamac waan iska jeclaa, maaha kan Hargeysa, saa isaga ma ba aan aqoonnin, waa Masjid Jaamac oo dhan. Wuxuun baa igu yidhi wuxuu kulmiyaa masaajiddada. Arrin kale na maankayga way ku mudnayd, soddon sannadood ka hor Masjid Jaamacyadu waxa ay ahaayeen meel qabow, neecaw raxmadeed kaaga soo kaahdo, wadaad cod hoose ku hadlayaa fadhiyo dadku na qunyar u dhex socdaan ama ugu cibaadaystaan. Isbeddel wuu dhacay, uma se kuur gelin maanta ka hortow.

Iska lugeeyay. Waxa aan soo gaadhay Masjid Jaamacii aan u socday. Kolkii ba waxa indhahaygu ku dhaceen laba arrin oo uu masaajidkii iga buuxsamay kaga duwan yahay. Marka hore waxaan ku farxay inuu badh madhan yahay, boqcad aan la igu cidhiidhin in aan helayo ayaan qoondaystay. Marka labaad waxa ii muuqday dayac badan iyo baahi masaajidka ka muuqatay. Sida masaajiddada kale u caado noqotay kabaha sanduuq loox ah oo lagu guraa ma oollin, kitaabada kabadho lagu ridaa ma jirin, roogga ku goglani wuxuu ahaa mid duug ah.

Laba ragcadood intaan tukaday ayaan iska fadhiistay. Wadaad kolkii aan soo galay u holladay inuu hadlo ayaa khudbaddiisii bilaabay. Af Carbeed inuu qalo ku yahay ay ka muuqato, xiise iyo ka bogasho badan se u hayo ayuu khudbadda ku bilaabay. Codkiisu wuxuu ahaa mid deggan, qaylo iyo xanaaq badani kama muuqan, cid gaar ah na farta ku ma uu fiiqaynin. Nin cid ka sii yaacaysa soo celinaya ama cid joogta meesha ku hay is leh mid na uma uu muuqan. Wax kale ayaa iyana iiga baxay, dharkiisa oo dhammi wuu caddaa.

Aniga oo khudbadda wixii aan ka gartay iskaga maararoobaya ayaan dareemay in masaajidkii soo buuxsamay. Dadkii soo galay ayaan aad uga bogtay. Dad waayeel badani ka muuqdo ayay ahaayeen, dhallinyaro saammi wanaagsan ah ayaa iyana soo gelaysay. Intooda badani waxa ay siteen farolaab geed laga gooyay, budhadh iyo bakoorado u badan. Dad gaar ah oo aanan masaajidkii hore ku arag ayay iila muuqdeen.

Magaalada Hargeysa waa is huwan, isku dul nool. Dabaqado samaysmay oo aan intooda sarraysaa inta hoose dareensanayn ayay leedahay. Dadkii Masjid Jaamaca iigu yimi waxa aan u gartay muruqmaal hantidoodu aad u yar tahay.

Wuxuu wadaadkii af Carbeedkii labadayada ba ku qalada ahaa kol ba soo dudduuca ba meel duco looga baaqi karo ayuu gadhka u soo saaray. Salligii Nebi Muxamad(NNKHA) oo aan lagu masuugayn ayuu gadhka noo geliyay, dabaqaddayadii muruqmaalka u badnayd na jiibta ku ma aannu masuugin. Dhawr jeer oo aan is idhi wuxuu nagaga raadinayay midnimo iyo isku duubni bulsho ayuu noogu celiyay, annagu na si qiiro iyo wadajir leh ayaannu ugu hagarbaxnay.

Luuq qurux badan oo shimbiraha joojinaysa ayuu aayado uu noo soo xulay noogu hoggaanshay. Aammiinta la raacshay laabta kugu xigta gariirka ka baxayaa wuxuu ruxayay daaqado naga durugsanaa. Kolkii aannu labadii ragcadood dhammaysannay ayuu wadaadkii duco sii raacshay, dadku inay baahi u qabaan ducada ayaad dareemaysay. Salligii Nebi Muxamad(NNKHA) ayuu hadda na soo rogaalceliyay. In arrimuhu sidan u dhacaan oo la isla bartay ayaan jiibta aad uga fahmay.

Qof wali ba wuxuu haabhaabtay kabihiisii, anigu na cagocaddaan in aan masaajidka kaga baxo ku ma talagelin, labadaydii intaan illaday ayaan kadinka boobay.

Arrin igu mudnaa in aan hubiyo ayaan u yara hakaday oo dadkii sida daadka masaajidka uga soo dareerayay indhaha la raacay. Ururradii bulshada danyarta ah ee Hantiwadaaggu u baaqi jiray, isku dhogorta ahaa, isku dhererka ahaa, isku dhumucda ahaa, isku dheriga ahaa, wadajirka iyo isku duubnida na ka heli jiray ee aad ugu qiiroon jiray in dadka masaajidka ka soo dareeray yihiin ayaan is dareensiiyay.

Sawirka ii muuqday ayaan barbar dhigay kii masaajidka kale ee aan badsado igaga soo bixi jiray. Kaaf iyo kala dheeri ayaa ii muuqatay. Bulsho kala durugsanaanta dhaqaale ee dhextaallaa xitaa cibaadada iyo meelaha lagu gutaa kala muujinayso ayaa iisoo baxday. Dayacii badnaa ee masaajidka ka muuqday ayaan fahmay meesha uu salka ku hayn karo. In Hantigoosadku weligii dantiisa raacdo ayaan xusuustay.

Malaha u ma aynu fiirsan ee inta isku jeebka ahi ba meel ayay ku wada cibaadaystaan ayaan is idhi. Arrin kale ayaan xusuustay. Masaajidka aan maanta u tukasho tegay khudbadda laga akhriyay ima didin, wadaad wacdi wada ayuu ila ahaa. Khudbado kale oo masaajidka kale ee aan rigliga ku ahaa laga mariyay se waa i daareen, dareen baan ka qaaday. In had iyo jeer eedi jirto ayaa ka dhadhamaysay, eeddaasi na cid uun saaran tahay.

Wadaadku inuu u muuqdo nin cid meel ku horjooga oo weere soo socda yur ka leh maaha. In dareenka laabtiisa ku jiraa hafiyo farriintii khudbaddiisa na laga wanaagsan, bilxaqiiqan in ra’yigayga qof ahaaneed khudbad Jimce soo galo laga wanaagsan ayay ila tahay.

Iska soo hulleelay, ka na imi masaajidkii muruqmaalku isugu yimi. Waxa maankayga ku soo dhacay ninkii calaamadaha wadaadka lahaa iyo salaan ku masuugistiisii. Hantigoosad intayada kale u arkayay Hantiwadaag aan salaanta loo quudhin ayaan u maleeyay.

Si kasta oo aynu bulsho ahaan isugu fiirsanno hadda na laga wanaagsan in caqiiqada la isugu faano, la na muujiyo weji tusaya in aad qofka kale ka iimaan wanaagsan tahay. Taas iyo xisaabteeda waxa leh Eebbe(swt), anigu se addoon uun baan ahay la siman addoomihiisa kale.

Masaajidku na waa guri Eebbe(swt), in mid na danyar cammirto ka kale na inta shaaha isu shubi kartaa ka dhex muuqato malaha laga wanaagsan, in weli ba ka danyartu ku badan tahay laga dareemo derbiyadiisa laga sii wanaagsan.

Cabdillaahi Cawed Cige, Hargeysa Somaliland This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

 

Additional information