Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Sadaqadaha Sawiran (Saymaha ifaafaale Soo-bax ah)

Sacabba sacab u dhiib. Sawirna sawir u dhiib. Sawdba sawd u dhiib. Waa sanqadh. Waa sooryo. Waa sunuud. Waa sarrif. Waa saliid. Waa sarreen. Waa saab. Waa baco subkan. Waa silic. Waa saymo. 

Halkan ka daalaco qoramadii oo dhamaystiran

 

 

 

 

Sadaqadaha Sawiran

(Saymaha ifaafaale Soo-bax ah)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Sacabba sacab u dhiib. Sawirna sawir u dhiib. Sawdba sawd u dhiib. Waa sanqadh. Waa sooryo. Waa sunuud. Waa sarrif. Waa saliid. Waa sarreen. Waa saab. Waa baco subkan. Waa silic. Waa saymo. Waa soomal-haad. Waa safrad. Waa surmi iyo harraad. Waa sur-gooyo. Waa silloon. Waa siifad. Waa saxriir. Waa saxal. Waa sadaqad. Waa mid sawaaban. Waa mid saafan… Sawiran…..Waa mid sawaxan badan. Waa mid aan sarriigan oo aan sarbeebnayn. Lama sogordohin. Waa soobir qaawan……Sandahan……. Waa saan-cad. Waa safqad. Waa doollar sirgacan iyo Yuuro sillan. Waa surimmo shidhadh dahab ahi sudhan yihiin. Sawir baa daba yaal. Samada, Satelaytka, Suhra iyo Mariikh baa wax lagu kala saxeexanayaa.

Yaanay suudheeda qadhmuun iyo sandareertada ay tahay ila fogaannin e’, waa wax suuqyada caynsaaban lagu kala iibsado oo saanta Soomaaliyeed ee qaawan lagu suuq-geeyo. Sicir-goynteeda dad baa yaqaan, sida loo baayacana dad baa yaqaan. Sida lagu urursado ee loogu danaysto in baa sargooyadeeda taqaan. Soofkeeda iyo saylad-geynteeda in samada heehaabaysa oo suuqyo ka furataa u sacabbo-tumata oo aan sohdimaha ay u samaysteen loogu gelin. In baa sadqo yar laga siiyaa, wixii ka soo hadhana in baa saro dhaadheer ka dhisata, saboolkuna inta badan ma arko waxaa sinjigooda, sawracooda iyo saantooda siibantay ee solantay lagu soo urursaday.

Bal hadda aan daalacanno saymihii Cabdillaahi Suldaan sawiray toddobaatannadii ee uu dadka Soomaaliyeed uga duceeyay, waa kii lahaa:

“Abaar solohday jiilaal surgucan, samada oo qiiqday,

Dhulkoo seemman geedkoo solmiyo, cawsha socon weyday,

Siigadii Hawaariyo ilaa, saxalkii Dooryaanle,

Intay sigatay waxa ii warramay, soo-jireennada e’,

Mid ka sii fad kulul maynu arag, sebenka maantaaye,

Waa tii saraayiyo colaad, loo sakaar-jabaye,

Seydheerihii muu onkodo, lala saqaafaayay,

Subuc iyo waxaa lagu baqdaa, sadarka Yaasiine,

Samir iyo salad iyo ducaa, lagu sugnaadaaye,

Markay suruqdo uun bay indhaha, sare u yuubtaaye,

Subaxday nimcadu taagan tahay, waa sidii kale e’,

Haddii aad is-wada saamaxdaan, saaka wuu curanne,

Ilaahii dhibcaha siin jirow, way silloon tahaye,”

Iyada oo ay horeba u jirtay oo ay dadweynaha daawatada ahi khaati ka joogeen shaashado lagu dawarsado, ayaa intan abaaraha Soomaaliya soo kordheenna xaaladdii ka sii dartayba. Warbaahintii, gaar ahaa telefishannadii ayaa waxa aad mooddaa in ay la wareegeenba wadaaddo magaca diinta ku dawarsanayaa. Xataa in aynu bishii Ramadaan ku jirno waa la illoobay oo TV-yada qaarkood baryadaasi saacado ayay ka socotaa oo dadkii ka khatoobeen oo iskaba xidheen. Wax kale oo dhanba marka aad dhaafto, xataa cibaadaysiga Ramadaanta ayaa qiiro qiiro ku jira oo halkii aad xasanaad ka shaqaysan lahayd, wadaadkaa baryo-bilaashta la soo mutuxani ku dhego-barjaynayaa. Dadku TV-yada waxay u furteen: aqoon-korodhsi guud, war-helid, korodhsi aqoon-diineed iyo mid cilmiyeedba, medadaalo iyo inta barnaamajyo kale noloshooda kaabi kartaba. Bal ka warrama haddii shaashadihiiba ay la wareegaan niman shaashadaha laftoodii wax ku dhacayaa. Miyaan denbigaa lala wadaagayn!

Maansadii Cabdi Cali Weyd ee Deelleeydii ku jirtay ee “Dacaw baa cir ku onkoday”, tuducyadii ku jiray wax aka mid ahaa:

“Ninkii dabin libaax dhigay,

Daf u tidhi sakaaradu,

Markuu soo dul-joogsaday,

Wuxu yidhi umaba daban,”

Alleylehe, shacbiga Soomaaliyeed ayaan shaashadaha Soomaaliyeed tan oo kale ugaga dabanba.

Aafadani waa mid London ka soo burqanaysa oo aan meelo kale inagaga imanayn. Bal u fiirsada sida ay u tahay cudur London uun ku kooban oo aan degellada Soomaaliyeed - gude iyo dibadba - lagu aqoon. Waa wax u baahan in laga gurmado.

Dhowrtada

Bal hadda inta aanan halkan ka sii gudbin aan cabbaar ku hakanno dhaqankii Soomaaliyeed iyo wixii laga qabay baryada oo ku bilaabantay wax la odhan jiray ama loo yiqiinnayba ‘dhowrto’.

Dhowrtada waxa kale oo loo yaqaannay ‘Qaraamaad’. Beryihii miyiga la deggenaa ee dadka Soomaaliyeed u badnaa xoolo-dhaqatada, qaraamaadka ama dhowrtada waxa loo guri jiray dadka saboolka ah ee reeraha la deggen, ama aan xoolahaba lahayn. Waxa lagu magacaabi jiray qaraamaadkii nabadgelyada. Nabaadiino-xidh ayaa la raacin jiray ahaa:

“Waa ta belo kaa dhowrta,

Waa ta baadi kaa dhowrta,

Waa ta bahal kaa dhowrta,”

Reeraha ugu calafka yar ayaa la siin jiray. Inta badan caano la ururiyay oo weel meel la dhigay reerba in ku shubi jiray ayaa la odhan jiray dhowrto ama qaraamaadba. Beryihii danbe ee maamulkii gumeysigu yimid ee magaalooyinku samaysmeen ayay dhowrtadii soo gashay noloshii cusbayd ee dadka Soomaaliyeed. Meelaha qaarkood magacii dhowrtada ayaa la adeegsaday. Meelo kale waxa ereygaa loo beddelay dawarsi, halka meelo kalena laga yidhaahdo qarafo. Meelo kale ayaa looga yaqaannay tuugsi, halka meelo kalena looga yaqaannay masaakiin. Ereyadani xilliyada qaar macno ayay samayn jireen, maxaa yeelay xilliyada qaar oo beryihii hore ah waxa loo dawarsan jiray si wax loogu barto, gaar ahaan diinta. Taasi kuma koobnayn Somaliland oo keliya, bal se mararka qaarkood dadku waxay u socdaali jireen magaalada Harar oo aanay qaraabo iyo xigto u joogin haddana dawarsigaa ayay wax ku baran jireen.

Waxa kale oo lixdannadii iyo bilowgii toddobaatannadii soo gaadhay wax lagu magacaabi jiray ‘Maqdarad’ oo qudheedu iska ahayd dawarsi reer-magaalaysan. Warqado marti-qaad iyo ogeysiinba isugu jiray ayuu qofka baahani u qori jiray saaxiibbadii iyo inta uu ku tuhmayo in ay gacan u geysan karaan. Saacad iyo habeen ayaa la ballami jiray. Meel ayaa si fiican loo gogli jiray. Tiriigyo ayaa la soo shidi jiray, ka dibna qof waliba waxa uu bixinayo halkaas ayuu keeni jiray. Waraaqahaa ogeysiinta iyo marti-qaadka afka Carabiga ayaa lagu qori jiray galna waa lagu ridi jiray. Ciyaalka dugsiyada ayaa qori jiray isla markaana qaybin jiray. Ciyaalkaa qudhooda marka lacagta meel la isugu keeno abaal-gud aan badnayn ayaa laga siin jiray. Mararka qaarkood macawiso yar yar oo jaban ayaa loo iibin jiray. Noloshayda waxaan xusuusta in aan mar ka mid noqday ciyaalkaas oo macawiso naloo iibiyay. Waxa aan is-leeyahay waa dhaqan dadka Soomaaliyeed kaga yimid dalalkii Carabta ee xidhiidhada badan lala wadaagi jiray. Ereyga ‘Maqdarad’ naftiisa ayaa tilmaamaya ‘Intii karaankaaga ah’ ama af-jabhadeedkii ku noqonaya ‘Waxba ha igala xishoonin.’

Sadaqadda

Ereygan ‘Sadaqaddu’ in kasta oo aanan baadhis qoto dheer ku samaynin, haddana waa erey carabiya oo la socday soo gelitaankii diinta Islaamka. Waa erey samafal oo Ilaahay iyo diintuba ina farayaan in aynu bixinno oo aynu dadka saboolka ah siinno. Waa wax Ilaahay dadka bixinteeda iyo huriddeeda caadaystaba if iyo aakhiroba ugu gargaaro, waana wax Eebbe inagu faray Quraankiisa Kariimka ah. (Eeg Suuradaha iyo Aayadaha ku lammaan ee Ibraahim: 31, Al ambiyaa: 73, Nuur: 37, Al Naml: 3, Al xadiid: 18)

Sadaqaddu haddii ay xilliyada qaarkood ku koobnayd wax qof ama qoys sabool ah la siiyo, beryahan danbe dabarka ayay goosatay oo waxa laga hadlayaa dalal ama ummado aafo ku habsatay. Aafadaasi waa ay noocyo badan tahay oo waxa ka mid ah: dhul-gariirka, duufaannada, abaaraha, cudurrada faafa iyo waxyaabo la mid ah.

Sadaqadda si loo bixiyaa dhaqan iyo hannaan la raaco ayay lahayd. Soomaalidu marka ay roobka tilmaamayso farta kuma fiiqdo, bal se gacanta oo duuban ayay ku fiiqdaa. Waxaanu soo gaadhnay oo jiri jirtay sadaqadda oo gacanta midig oo keliya lagu bixin jiray. Gacantaasi waa ay laabnayd oo gacanta kale ee bidixdu ma ay arkayn waxa gacanta midig ee ku lammaani bixinayso. Dhaqan oo keliya ma ay ahayn bal se, waxa sidaa ina faray Ilaaha Maxamed samo ku uumay iyo Nebigeennii suubbanaa (SCW) oo kor iyo hoosba xadiisyadiisa inoogu sheegay. Sadaqaddu waxay macno ku samaysaa, ajarna ku leedahay asturaadda iyo qarsoodiga. Dhaqan-xumo iyo diin-darro ayay ahaan jirtay sadaqad la muujiyaa ama lagu sayaxaaba. Xadiis Abu-hurayra ka wariyay Nabigeennii suubbanaa (naxariis iyo nabadgeliyo korkiisa ha ahaato e’), wuxuu ku tilmaamay qofka sadaqad ku bixiya gacantiisa midig isla markaana ta bidix aanay ogaanin, in uu ka mid yahay toddobada Ilaahay hadheeyay maalinta Qiyaamaha.

Maanta maalin ay sadaqad-bixintii ka liidato ama ka magac-xumo badan tahay ma jirto. Sida aan hore u soo taabtay ama u xusayba sadaqaddii waa ay dhaaftay labadii qof ama labadii dhinac ee isa siinayayba. Horto sayaxaad iyo sannaadh dhegehu ku qarxayaan ayay maanta gashay.

Sadaqad-bixintii dabarka ayay goosatay oo adduunyada oo dhan ayaa laga og yahay cidda bixisay, cidda qaadatay, cidda dhiibtay iyo ciddii maragga ka ahaydba oo aynu ku jirno innaga oo aan dalban in aynu markhaatigaa noqonno, bal se ay TV-yada aynaan waxba ka qaban karayn, ee aan ra’yigeenna iyo xuquuqdeenna aan ixtiramaynini inagu qasbeen. Shaashadihiiba waxay iska noqdeen i daawo ama ha i daawan. Qawaacidkii, xeer iyo xaagaan wixii ay warbaahintu lahayd waa hore ayaa laga dhaqaaqay.

Inta sadaqadda ku qadhaabata, inta loo soo diro ee isku sawirta iyo inta ka dhex kalluumaysataaba warbaahin kale ma adeegsadaan oo aan ahayn TV-da. Raadyow iyo wargeysyo waa hore ayaa laga jaqaafiyay. Waxa lagu xaraarad baxaa waa shaashad lagu hor jimicsado oo la isku kala bixiyo. Bal hadda aan tusaale yar oo kooban ka soo qaato barnaamajyo taxane ahaa oo aan habeen baas oo sheydaan i hor orday, waxooga ka milicsaday, markii danbena indho-xanuun iyo dheg-xarraanba ka qaaday.

Waxa shaashaddii soo fadhiistay nin ku yaboohsanayay magaca iyo muuqaallada murugada leh ee dadkii Soomaaliya ku baro-kacay. “Yaa Alle wax siiyay”, ayuu cod dheer ku leeyahay. Waxa hadba dhawaaqiisa dhiillada leh badhxaya, Sheekh ag fadhiya oo isagu u qaybsan hadba wixii dadka lacagaha bixinayaa ay soo weydiistaan. Hadda u fiirsada! Arrintu noo ducee ma aha, bal se Sheekhani waa mid karaamaysan oo dadku ku odhanaya: “Ii sheegaa waxaad doonaysaan si aan idiin ku duceeyo, ama dalabkiinna Ilaahay ugu gudbiyo.” Mararka qaarkood isaga ayaa inta uu duceeyo haddana ducadii ajiibaya. Habeenkaa baas ee aan yar milicsaday, Ilaahay denbigii daawashadaa ha iga dhaafo e’, gabadh lacag bixisay ayaa Sheekha weydiisatay in uu Ilaahay ubad u weydiiyo. Ku-ye ninkii Sheekha ahaa: “Marka hore siddeed – afar wiil iyo afar gabdhood – ayaanu kuugu ducaynay. Waxa danbena waa aynu isku soo gaadhi doonnaa.” Subxaan bal hadda waxa aynu maqlayno ee daawanayno eega!

Ninkii yaboohda naadinayay ee daawatada ku beer-laxawsanayay muuqaallada dhiillada leh ayaa shaashaddii ku soo noqday:

“Guntin doollaruu yidhi,

‘Yaa godkiisa hoosiyo,

Geysanaaya aakhiro’?”

“Rag wixii kobtaa yimid,

Ku go’ baa la wada yidhi,

Dumar baa se kiishado,

Iyo kabadhadii furay.”

Gabadh magaceeda ku sheegtay Aamina oo tidhi Hargeysa ayaan ka soo hadlayaa ayaa ku yaboohday boqol doollar. Gabadh kale oo Sweden ka soo hadlaysay ayaa iyaduna boqol doollar oo kale ku yaboohday. Xilligii ducada ayay gaadhay. Sheekhii ayaa makrifoonkii la wareegay si uu hablaha lacagta bixiyay uga qaado codsiga ay rabaan in Ilaahay loogu gudbiyo. Bal se wuxu ka horreysiiyay, waxoogaa canaan ah. Ku-ye Sheekheennii wakiilka Ilaahay iskaga keen dhigay ee ducooyinkeenna sheegtay in uu sii qaadayo:

“Afrika dadka jooga waanu ka garowsanaynaa boqol doollar, bal se dadka Yurub ka soo hadlaya ka siisan meynno.”

Subxaan! Tolow dadka xoolahooda miyuu la leeyahay. Waxa nimankaa u soo jawaabaya ee wax bixinayaa inta badan waa haween aad iska garanayso in qurbihii iyo dhibaatooyinkii qoys ee ku habsaday wax yeeleen. Waa dumarkan “stress-ku” maankoodii iyo miyirkoodiiba rogay, markii ay rag-baaskii qabayna mefrishyada barriinsadeen. Waa dumar ku asqoobay waayaha dibadeed ee aanay haysan cid uga miciinta iyo hawlaha baaxadda leh ee ku soo baxsaday. Waa dumar shaashadda uun hor fadhiya oo cidlada keligood carruurtii ku mashquulsan.

Habeen- baaskaa aan shaashaddaa indhahayga u quudhay, dhegahaygana u dulleeyay, waxa kale oo aan u soo joogay gabadh London ka soo hadashay oo kun doollar bixisay. Ninkii wax yaboohinayay iyo Sheekhii ayaa mar keliya dhegaha taagay. Labadii indhood ayaa iyaguna intii ay ahaayeen ka waaweynaaday. Sidii wax la deldelayo oo seftii kurka hor dhigaysay kellida laga gujiyay, ayay luquntii soo dheeratay. Ninkii lacagta yaboohsanayay ayaa gabadhii ku yidhi: “Magacaa?” Iskama ay waalin e’ si deggen oo milgo iyo maamuusba leh ayay ugu tidhi: “Hooyo Soomaaliyeed.” Dhowr jeer ayuu ku celiyay, bal se marwadeennii Soomaaliyeed kileeshka ugama soo kicin. Ku cel-celi iyaduna ku adkaysatay Hooyannimadii. Maxaa ka qiimo badan qof sheegatay “Hooyo Soomaaliyeed!” Aynu hooyadaa qabka iyo sharaftaba sheegatay ku hanbalyayno mowqifta ay is-taagtay iyo xaraarta ay butaysatay oo ku nidhaahno: “Magacaa ha jiro, milgahaagu korodh.”

Markii ay kileeshkii uga soo dhaqaaqi weyday ayaa ninkii yaboohsanayay Sheekhii u gudbiyay si uu ugu duceeyo. Sheekheennii karaamooyinku hiirta waa-beri ku soo hormanayeen ee isagu isu xil-saaray in uu ducooyinka Ilaahay inoogu gudbiyo oo sida ay ila tahay ama ay iigu muuqataba dee keligii yaqaannay marinnada la sii mariyaa, dadka lacagta yar bixiya laba laba iyo saddex saddex inta uu isu raaciyo ayuu ducadooda gudbiyaa, sida uu ina leeyahay. Bal se kuwa lacagta badan bixiya malahayga sida aan sawirtay, waanan qaldanaan karaaye, qofkiiba mar ayaa ducadiisa laga qaadaa oo Sheekhu gudbiyaa.

Sheekheennii ‘Karaamoole’ waa kan soo hankaabsaday. Ku-ye: “Maxay tahay Hooyo Soomaaliyeed? Miyaanay gabadhu magac lahayn? Maxay magaceeda u qarinaysaa? Waa maxay sidani!” Sheekheennii ‘Haybadaale’ waa xanaaqsan yahay, anigu se sababta garan maayo. Hooyadan Soomaaliyeed ee kunka dollar ee geedaysan bixisay, iyadu markii ay lacagta ku dhawaaqday ayaa hadal ugu danbeysay, ka dibna malahayga iyada oo sinta bidix ka laafyoonaysa iska tagtay. Bal waa kan e’ kaalaya Sheekheennii aammusiiya. Ku-ye haddana mar kale: “Magaceeda in ay qariso ma ay ahayn! Maxay u qarinaysaa? Ilaahay in magaca la qariyo iyo in la sheegaba waa uu jideeyay.” Sheekheennu intan uu duryamayo hiifka iyo hiirtaanyada ka muuqata waad yaabtaa. Waxaan is-idhi Sheekhaa haddii habeenkaa la sari lahaa bar dhiig ahi kama timaaddeen. Bal maxaa luray muu lacagtan geedaysan iska qaato. Bal adba!

Nin aanu saaxiibbo nahay ayaa ii sheegay habeen uu shaashadahaa baas daawanayay in Sheekhu sidii ‘Taraafikada’ baabuurta kala hagta inta uu farta xaggaa bidix u lulay isaga oo is-gaabinaya dadka TV-ga daawanayay ku lahaa: “Ilaahay kheyr ha idin siiyo e’ hadda u leexda oo u beydha xagga kunka dollar.” Sheekhu taagiisa sidii xoolo la meyracayo ayuu doonayaa in uu dadka u duwo ama u dabbaalaba khaanadaha yaboohda ee kunka dollar. Bal tabaalahaa daya!

20kii Ogos 2011ka, xilli ay saacaddu ku beegnayd 9kii iyo 12 daqiiqadood ee habeennimo ayaan garaacay tilifoonkii shaashadda HCTV ku yaallay ee lagu dawarsanayay. Markaa waxa hadlayay ninkii tilifoonnada u qabanayay Sheekha ducooyinka qaabbilsan. Aniga oo daawanaya ayaan garaacay Lambarkan 00-44-20-33711739. Nin ayaa iga qabtay. Ku-ye: “Waa ayo”. Waxaan ugu jawaabay waa nin barnaamajka ka qayb-gelaya ee ii gudbi barnaamajka. Wuxu iigu jawaabay: “Ii sheeg waxaad doonayso.” Waxaan ugu jawaabay barnaamajka ayaan u sheegayaa. Ka dibna wuxu igu yidhi: “Aniga ii sheeg.” Anna waan ka diiday oo tilifoonkii ayaan iska dhigay.

Waxa halkaa iiga caddaatay in aanay dadku u fasaxnayn in ay toos ula hadlaan barnaamajka bal se la sii marayo faaf-reeb ama ‘censorship’. Bal dhagarta intaa le’eg ee dadka loo qarinayo ee eega. Ummad yahay dadka muuqaallada murugada leh idin ku beer-laxawsanayaa waa kuwaa ee hantidiinna ka fiirsada.

Mahadhadan aan soo taxay waa mid ka mid ah meheradaha la yaabka leh ee casriga ah ee diinta food-saarada looga dhiganayo. Muuqaalladan dhiillada leh bal hadda aynu ka boganno kuwa kale ee ag yaalla.

Sadaqadda waa tii Ilaah iyo Rasuulba ina fareen in la asturo. Sadaqaddu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu mudan samafalka ee loo geysan karo dad u baahan. Sadaqadda marka keliya la bixiyo waxa ka sii mudan sadaqadda la geliyo Masaajiidda, ceelasha iyo meelaha kale ee la munaafacaadsado. Sadaqadda caynkaas ah waxa lagu tilmaamaa mid joogto ah ama socotaba (Sadaqad jaariya).

Hadda qofka aan baahin sadaqadda uu bixinayo ee aan weliba TV iska daawan sadaqadi uma bixin. Waa wax joogto ah oo aad shaashadaha habeen walba ka daawanayso. Waa inta dad aan ku jiraa habeenkii waqti kooban haleesho, aniga oo ka tacsiyadaynaya inta Ilaahay baday in ay maalintiina sawirradaa murugada leh indhahooda iyo dhegahoodaba u dulleeyaan.

Meeshaad doonto joog, sida ay doontana sadaqadda la sheegayaa ha u kala badato, halka aad ka daawataa waa shaashadihii TV-yada weliba ha u badnaadeen kuwa gaarka loo leeyahay e’. Sadaqadda la soo diray marka ay sheegayaan “Deeq’ ayay ku sheegaan, waxa deeqda la yidhaahdana Ilaahay oo keliya ayaa bixiya ee ma aha wax adamaha u sugnaaday. Deeqdu waa wax aan dhammaan. Waa wax aan idlaan. Waa wax kafeeya ama daboola baahiyaha dadka la siiyay. Waxaana Ilaahay ayuun baa bixiya oo waa sida ay magacyadiisa milgahha iyo maamuuskuba u sugnaadeen ay uga mid yihiin: “Al-Rasaaqu” iyo “Al-Qaniyu” oo aan aadami sheegan karin. Magacaa Eebbe u sugnaaday ayuu beni-aadam uu uuntay sheeganayaa, sida ay dadka qaarkiiba u saluugeen sida Eebbe u uumay ee ay isugu dayaan in ay jidhkooda wax ka beddelaan ama u midab-doorsadaanba. Haa….Wax badan ayaa la illoobay. Haa daaraha waa aynu dhisi karnaa. Haa waddooyinka waa aynu samayn karnaa. Laakiin qof iyo noole kale midna ma abuuri karno. Awoodda intaa le’eg Ilaaha Maxamed samo ku uumay ayaa iska leh oo haysta oo aanay cidina ku qordin karin. “Al-musawiru” iyo “Al-Khaaliqu” waa magacyo kale oo Eebbe u sugnaaday oo aynaan ku qabsan karin sida hadda dhacdaba.

Aynu ku soo noqonno mowduuceennii ahaa ‘Sadaqadaha Sawiran.” Taagta ay doonto ha yeelato e’ wixii la soo ururiyay qayb ka mid ahi soo gaadhay dadkii ay u socotay. La iskama bixiyo ee shuruudo ayaa lagu bixiyaa diin iyo dhaqanba ka taggan. Warbaahin kale looma baahdo e’ hor iyo horraanba waa in goobtaa loogu yeedhaa TV. Qofkii ama ciddii sunuuddan loo soo dirayna haddii ay qof tahay iyo haddii ay qoysas tahayba waa in goobtaa la soo tuba iyada oo laga sii cayimay dad tabaalaysan oo hadallo gaar ah la sii qaybsiiyay oo u badan baryo gacmaha loo hoorsanayo ciddii waxan soo dirtay, loo mahad-naqayo isla markaana la ogeysiinayo in kaalmo kale looga fadhiyo. Mararka qaar warqad weyn oo midabbo leh oo daabacan ayaa meesha lagu dhejiyaa, taas oo sheegaysa munaasabadda. Waxa kale oo warqaddaa daabacan ka muuqda cidda loo soo diray iyo cidda soo dirtay. Waxa kale oo shardiya in qofkan ama qofafkan wax gudbinayaa soo lebbistaan soonaa diyaar-garoobaan oo khudbado madasha la yimaaddaan.

Dadka waxan samaynaya ee sadaqadahan isku sawiraya ama TV-yada dalbanayaa waa: Xildhibaanno, waa rag iyo dumar ka kala socda ururrada samafalka, waa musheekhdii dadka hagi lahayd ee tilmaami lahayd. Waxba yaan hadal idin ku daallin e’ cidi kama maqna.

Wax yar ayaad magaca Ilaahay maqlaysaa ama iyada oo loo mahad-celinayo ama wax la weydiisanayo. Inta badan se mahad-naqa iyo dalabkaba waxa loo sameeyaa aadame inta uu wax gaadhsiiyaa gun dhowdahay. Subxaan! “Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa.”

Waxaan soo xusuustaa hadba, beri annaga oo koox cilmi-baadhayaal ah oo gobollada maraynay uu odey nagu yidhi:

“Intii aanu Hay’ad baryaynay ee aanu ka dhur-sugaynay, haddii aanu Ilaahay baryi lahayn beri hore ayuu noo soo jawaabi lahaa.”

Mararka qaarkood waxa ay ku odhanayaan waxaanu guraynaa ilaa boqol kun oo dollar oo dadka abaaraha ku tabaaloobay cunto loo siiyo. Hadda cunto-siintaa waxa la bilaabayaa marka boqolkaa kun ee dollar la soo ururiyo. Yaa nool yaa dhintay markaa. Maah-maahdii Soomaaliyeed ayaa ahayd: “Dhicisku inta mindida loo soo sido ayuu ka bakhtiyaa.” Bal caqliyaddaa ka warrama! Inta lacagtaa loo gurayo, miyaanu Ilaahay awoodi karayn in uu xaaladdooda mid tan ka roon ugu beddelo! Hubaal wuu u beddeli karaa. Ilaahay miyaanay u sugnaanin: “Kun faya kuun.”

Sow tii uu Hadraawi maansadiisa Daba-huwan ku yidhi mar uu awoodaha Ilaahay ka hadlayay:

“Adoo is-la doonay laba,

Adaan midi kaa durkayn,”

Bal hadda arrintan hoos u eega oo u fiirsada. Qofaf/qoysas tabaalaysan ayaa wax loo qaybinayaa. Wixii la soo diray iyo cidda soo dirtayba waa lagu dhawaaqayaa iyada oo mararka qaarkood faallooyin la raacinayo. Dadkan wax loo soo diray ayaa u mahad-naqaya cidda wax u soo dirtay isla markaana ka codsanaysa in loo soo kordhiyo. Qofkan guddoonsiinaya ayaa shaashadda hor dhigaya wixii la soo diray. Adigu marka aan soo koobo hadal iyo dhammaantii waa sheeko ku taxan aadame isu xayd-xaydaya wax aanu waxba ka qaban karayn.

Bal ka warrama nimankan musheekhda ah ee yaboohinaya kharash ama adduun Masaajiddo Britain lagaga dhiso ee halkudheggoodii iyo halhayskoodiiba noqday doollar iyo bedlad dahab ah. Tv-ga ayaad daawanaysaa, mise waxaad khaatiyaan ka joogsanaysaa: “Yaa labeeyay iyo yaa saddexeeyay,” oo ah “Yaa bedladihii hore ee dahabka ahaa mid kale ku daray.” Mararka qaar dalabku waa ‘Sijaadad’. Garan waayay waxa ay uga jeedaan. Maanta aniga oo ra’iisle aan ka xiirtay ka soo baxay ayuun buu mid igu yidhi: “Sijaadaddu waa 500 oo Gini oo waa qiyaas ah inta qof ku tukado.” Dhismaha Masaajidku miyaanu ahayn wax dadka ka dhexeeya oo qof kastaa wixii uu karayo ku darsan karo? Mid hayn yar iyo mid hayn badanba miyaan dhismaha Masaajidka xil ka saarrayn? Dahabka ma wada haysanno ee dumarka oo keliya ayaa haysta, markaa dhismaha Masaajidku ma wax haweenka uun xil ka saran yahay baa? Markaa marka nimankan musheekhda ahi soo fadhiistaan shaashadaha ee ay ku dhawaaqaan: “Caawa toban ‘shidh’ ama bedladood oo dahab ah ayaanu idiin ka fadhinaa.” Ma gar baa hadalkaasi? Waxa aad ka sii yaabaysaa marka ay dahabka ay doonayaan u ab-tiriyaan oo laga yaabo in ay uga aqoon badan yihiin dumarka xidhashadiisa laasimay. Dadkan TV-yada leh ee waxan ku soo daynayaa dadka, ma iyaga ayaa ka mas’uul ah halka hantidan ay qaadashadeeda iyo ururinteeda fududeeyeen ay tegayso? Miyay noo soo xaqiijin karaan? Sidee ayay se uga eed baxayaan waxan ay fududaynayaan? Sow tii Hadraawi maansadiisa ‘Heeliyo’ ku lahaa:

“Dadkii sow tan haadkiyo,

Haanraawe boobeen,”

Libaaxu marka uu neefka ishinka ah dilo ilaa uu iskii uga tago, cidina kama dul dhqaajin karto. Habar dugaag iyo haadba wixii raqdaa wax ka sugayaa meel aan ka fogayn ayay ka quud-darreeyaan. Waxaa raqda libaaxa sugaya oo dhan, ka ugu yar ilaa ka ugu weyn, ayay dadkii af Soomaaliga igu dhaamay Haanraawe iigu sheegeen.

Waxa kale oo la yaab leh in aanay barnaamajyada noocan ah ee haweenka lagu boobayaa ka dhicin degellada Soomaalidu degto oo dhan bal se ay ku kooban yihiin culimada London oo keliya deggan. Dhagarta intan le’eki kama dhacdo: Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti, Soomaalida Itoobiya degta, Soomaalida Kiiniya degta iyo weliba meelaha kale ee qurbaha ah. Ma is-tidhaahdeen daad hor leh oo in la mooso u baahan ayaa inagu soo jabay. Miyaynaan u baahnayn in aynu ka gaashaamanno oo ka hor tagno inta aan ummaddeenna la caydhin oo aan sabool qaawan laga wada dhigin, gaar ahaan haweenka weliba inta qurbo-joogta ah.

Mar kale ma waxa inagu soo noqotay ama inagu soo baxsatayba xaaladdii Hadraawi sawiray 1987kii markii uu lahaa:

“Furta dahabka ooryaha,

Iyo duluca gaarida,”

Berigaana direys ciidan iyo qori ayaa dahabka haweenka lagu furanayay, maantana indhaheennii oo shan ah ayaa shaashadihii guryaheenna yaallay lagu furanayaa haweenkii Soomaaliyeed iyada oo diin iyo aafo dabiiciya oo dhacday loogu soo gabbanayo. Geedkii ay gudintu goysay ayaa laga hayaa: “Haddii aanu badhkay kugu jirin ima goyseen.” Maanta haweenkeenna beer-laxawsi diineed laguma dhaceen haddii aanay shaashadaha guryaha aynu dhigannay la inoo adeegsanayn. Miyaan la odhan: “Lax waliba shillalka ay si-dhigto, ayaa lagu qalaa.”

Gebegabada sheekada:

Hadda dulucda sheekada ugama gol lihi dadka Soomaaliyeed ee tabaalaysan meel ay joogaanba yaan la taakulayn. Xaasha! Af iyo addinba ha la adeegsado oo dadkaa tabaalaysan yaan waxba laga hakran. Bal se qaabka wax loo yaboohinayo, halka lagu ururinayo, cidda guddoonsiinaysa, qaabka loo guddoonsiinayo, sida looga xisaabtamayo iyo waxyaabo kale oo badanba waa in laga heshiiyaa oo la isla meel dhigaa. Sidii odhaahda Carbeed “Masaa’ibu qowmin, cinda Qowmin fawaa’idu” arrintu haddii ay inaga noqoto oo tabaalahaa Soomaaliyeed qaar ku tanaada is-yidhaahdaan, if iyo aakhiroba cidhib-xumo ayay inagu noqonaysaa. Weliba mid aynaan ka soo kaban oo aynu adhaxda kaga jabno ayay noqonaysaa. Sida shaashadaha qaarkood ka muuqatana xaalkiiba ganacsi iyo meherad ayuu iska noqday.

Waxaanu leenahay sadaqadda ha lala baxo oo si diin iyo dhaqanba huwan oo asturan ha loola baxo, ha loo ururiyo, ha loo qaybiyo oo ha looga xisaabtamo.

Ilaahay ha soo qaboojiyo dadka Soomaaliyeed ee abaarahaa ku tabaaloobay, halkan aanu annagu joogno ee Somalilandna taakuleyntu si fiican ayay uga socotaa, wixii tamartayada ahna waxba ka hagran meynno. Nin ka tabaabushaystay oo sheed iyo dal shisheeye ka daawanayaana noo sheegi maayo wixii aanu walaalahayo tari lahayn.

Ramadan Karim, Wa Billaahi Towfiiq.

 

Additional information