Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Wehelkaygii halgankii hubeysnaa

Maansadiisii Dhayalsi ee 6dii Ogos 1984kiiShahiid Axmed Maxamed Warsame oo loo yaqaannay‘Genius’ka hor tiriyay madashii Shirweynihii 4aad ee SNM tuducyo ku jiray waxa ka mid ahaa:

 

Waatan qormadii oo dhamaystiran

 

Wehelkaygii halgankii hubeysnaa

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Maansadiisii Dhayalsi ee 6dii Ogos 1984kiiShahiid Axmed Maxamed Warsame oo loo yaqaannay‘Genius’ka hor tiriyay madashii Shirweynihii 4aad ee SNM tuducyo ku jiray waxa ka mid ahaa:

“Dhiito-cabka leebkiyo,

Dhuunta qorigu way wehel,”

Aniguna Qormadaydan xiisaha leh aan ballaysin iyo bilowba uga dhigo:

“Qacda kamaradaydiyo,

Buug xusuusta qaadiyo,

Qabashada rikoodhkiyo,

Qalinkiyo dawaaddiyo,

Qoraalkaygu way wehel,”

Bishii Ogos 1982kii ayaan si toos ah ugu soo biiray halgankii hubeysnaa ee SNM oo markaa ka socday ama laga hoggaaminayayba saldhigyo ku yaallay dalkaa Itoobiya. Bilowgii 1982kii ayaan dib uga noqday Addis Ababa aniga oo dhowr bilood ka mid ahaa Ururkii SSDF-ta. Intaa ka horna, waxa aan ka tirsanaan jiray Jabhaddii Xoreynta ee Somali-galbeed (WSLF) oo aan ka mid ahaa Golihii Dhexe isla markaana aan ahaan jiray Badhasaabkii Gobolka Xarshimeed. Intaa ka horna waxaan hawl-wadeen ka ahaan jiray Xaruntii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, Hoggaankiisii Aydiyoolajiyada aniga oo isla markaana xubin ka ahaa Guddidii Qoraalka ee wargeyskii XHKS ee ‘Halgan’. Isla beryahaa waxaanu qori jirnay toddobaadlihii ‘Ogaal’ ee la rogi jiray.

Ogos 1982kii markan aan SNM ugu imanayo Itoobiya waxa aan ka soo kala ambo-baxay Jabuuti, Cadan iyo Qaahira oo aan ku danbeeyay. Halgan hubeysnaa oo dibuxoreyn Qaran ahaa ayaan u soo ambo-baxay. Intii aan soo diyaar-garoobi karayay waa aan soo diyaar-garoobay, aniga oo soo qoondaystay kuna qanacsanaa qaybta aan ka gelayo halgankaa hubeysnaa. Iyada oo uu ururka SNM guud ahaanba hagayay halgankaa hubeysnaa, haddana meesha kama ay maqnayn in qof waliba wixii uu yaqaannay la shir-imanayay..

Aniguna si aan xil-halgameedkaa u guto waxa aan soo qoondaystay in aan ka hawl-galo qaybihii warfaafinta iyo siyaasadda oo aan noloshayda intii ugu badnayd uguna danbeysay ku soo jiray. Hawlaha maalmahaa aan qorshaystay wax aka mid ahaa inta aan halgankaa hubeysan ku jiro in aan qoro Deelleeydii oo aan beryahaaba ku taamayay. Sidaa dareteed ayaa markii aan Jabuuti ka ambo-baxayay Dukaankii Cajaladaha ee “Boodhari’ ee Ibraahin-gadhle aan uga sii iibsaday 12 cajaladood oo Deelleeydii ahaa. Deelleeydu wax igu cusub ma ay ahayn ee waan ku soo dhex noolaa intii la tirinayayba, aniga oo ka mid noqday dadkii u eedoobay faafinteedii iyo qaybinteediiba.

Waxa kale oo aan si fiican u xusuustaa in aan Jabuuti ka sii qaatay sahay suugaaneed oo ku dhaweyd ilaa kontameeyo cajaladood oo heeso iyo maansooyin isugu jiray. Jabuuti waxa ka jiri jiray dhaqan baahsanaa oo ay dad badani ku keydin jireen cajaladaha suugaanta, heesaha iyo riwaayadahaba. Been ku hadli maayo haddii aan idhaahdo dhaqankaa wanaagsanaa ee baahsanaa Jabuuti cidna laba kuma ay ahayn, run ahaantiina waa wax lagu ammaanaa. Nin Xasan Wadaad la yidhaahdo oo aanu xilliyadaa aan Jabuuti joogay wada fadhiisan jirnay mefrishkii Aakhiro ee xaafadda 5aad ayaan ka qaatay jawaan buuxa oo cajalado ah. Ka dib inta aan la tegay xaafaddii Cabdi Muxumed Diiriye oo aan deggenaa ayaan cajalado soo iibsaday oo ka duubtay intii aan xushay. Cajaladahaa lambarro ayaan siiyay, maantana keydkayga cajaladaha ee guriga yaalla waxa kaga hadhay laba keliya: cajaladdii ay ku duubnaayeen heesihii 26kii Juun ee lixdankii iyo cajaladdii ugu horreysay Deelleeyda. Nasiib wanaag Deelleeydii mar labaad ayaan Jabuuti ka raadiyay iyada oo la iigu sheegay nin Cali-doonbiro la yidhaahdo in ay ku danbaysay. Ilaahay mahaddii, Cumar Dheere oo Somaliland u fadhiyay Jabuuti ayaan ka codsaday in uu ii baadi doono, ka dibna iigu soo dhiibay Yuusuf Cabdillaahi.

Jidda mar aan sii maray ayaan iyadana ka sii qaatay rikoodh yar iyo Radio-rikoodh isku jira oo waxoogaa ka yar weyn kan hore. Waa 1982kii oo aan Qaahira sii maray halkaas oo aan Addis Ababa uga sii gudbay. Axmed Yuusuf Ducaale ayaan halkaa ku sii maray oo aan uga tegay Rikoodhkii iyo radio-gii isku jiray.

Sidaa ayaan ugu gudbay goobihii gobannimo-u-dirirka ee SNM ka dagaallamaysay bishii ogos 1982kii. Joogis koobnayd oo Addis Ababa ahayd, waxa aan uga gudbay Diri-dhabe oo aanan ku raagin. Markiiba Jigjiga ayaan gaadhay oo SNM dhammaanteed deggenayd Hudheel la odhan jiray ‘Havana’. Malahayga qof iyo laba ayaa ka deggenaa Hudheel kale oo ‘Ogaden’ la odhan jiray. Hal baabuur oo Landrover ah ayaa u joogay, muddo yar ka dibna waxa ku soo biirtay Iska-rogadii caseyd ee Guraaye, Ilaahay ha u naxariisto e’.

Wax saldhig ciidan ah waxaka jiray saldhiggii ugu horreeyay ee Durya ee ay deggenayd Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Somali-galbeed ka soo tallowday sidaana ku noqotay unuggii ciidan ee SNM ka aasaasantay.

Waxa intaa ii weheliyay buugaagtii xusuus-qorrada oo inta badan laba ahayd: mid weyn oo ka miiska ah iyo mid yar oo ka jeebka ah. Inta badan si fudud ayaan ku heli jiray xusuuska qorka weyn, bal se kuwa yar yar inta badan waxa aan heli jiray marka safar dibadda iiga yimaaddo gaar ahaan nin la odhan jiray Cali Cumar Ismaaciil (Cali-qodaal) oo Jidda deggenaa oo taakulo badan aniga iyo reerkaygaba u geystay intii aan halgankaa hubeysnaa ku jiray. Waxa kale oo aan si joogto ah u adeegsan jiray buugaag laba nooc ahayd oo aan wax ku qoran jiray: qaar waaweyn oo aan magaalooyinka ku isticmaali jiray iyo qaar yar yar oo aan la safri jiray, inta bandanna aan jiidaha hore la tegi jiray.

Nasiib wanaag markii aan cabbaar joogay ayaa waxa ii suurto gashay in aan helo ‘Camera’ aan sawirrada ku qaado. Ilaahay mahadi ha ka gaadho e’ saaxiib aanu hawl-wadaag ku ahaan jirnay Muqdisho oo Sucuudiga degganaa ayaan ka codsaday in uu ‘Camera’ ii soo diro oo weliba laba ‘Lens’ ii soo raaciyo. Xaashi Xuseen Caabbi wuxu ii soo diray “Camera’ nooceedu ahaa ‘Cannon A1’ oo laba ‘Lens’ wadatay: mid dheer oo ‘Zoom’ahaa iyo mid gaaban. Xaashi Xuseen Caabbi wuxu maanta ka tirsan yahay Golaha Wakiillada ee JSL. Ilaahay isagana ha ka abaal-mariyo e’ waxa ii soo qaaday oo I guddoonsiiyay Aadan Maxamed Hoorri oo loo yaqaanno Mataan ama Mataan Al-Humaami oo xubin ka ah Golaha Wakiillada ee Somaliland. Xilligu waa badhtamihii 1983kii.

‘Camera-daa’ iyo kuwii ka danbeeyayba sawirro badan ayaan ku qaaday. Dad badan ayaa I weydiiya sidii aan ku heli jiray filimmada amaba aan u sifeyn jiray. Helista filimmadu ma ay adkayn, waxaanan adeegsan jiray qaacidad ama farsamo iska fududayd. Intaa aanu jabhadda ku jirnay dhaqan ayay iska ahayd in la shaxaado dadka dibadaha ka yimaadda. Anigu inta badan dadkaa dibadaha ka yimid marka ay noqonayaan ayaan ka codsan jiray in ay ii soo diraan inta badan filimmo madow iyo midabba ah. Ilaahay ha ka abaal-mariyo e’ waa ay ii soo diri jireen oo dad badan oo dibadaha ka iman jiray ayaa ii keeni jiray hadyadahaa raakhiiska ahaa isla markaana qaaliga ahaa. Mararka qaarkood ayaan dadka xigtada ii ah weydiisan jiray in ay filimmadaa ii soo diraan.

Wax aan badnayn oo filimmadaa ka mid ahaa, gaar ahaan ‘Black & white-ka’, waxa aan ku sifaysan jiray ‘Studio’ ku yaallay Jigjiga oo uu lahaan jiray nin la odhan jiray ‘Kifle’ oo Itoobiyaan ahaa. Juulay 2010kii mar aan Addis Ababa ka soo noqday oo aan Jigjiga soo marayay ayaan soo booqday Taswiirlihii Kifle, bal se nasiib-darro waxa la ii sheegay in uu dhintay. Xaaskiisii oo taswiirle noqotay ayaan halkii kula kulmay. Hubaal ayay ahayd haddii aan Kifle heli lahaa in aan sawirradii SNM wax badan ka heli lahaa. Waxa maalintaa I waday Aniis oo ka mid ahaa barbaarta HAVOYOCO u joogta magaaladaa Jigjiga. Wuu ila yaabay markii aan ku idhi: “Waxa aad I geysaa ‘Studio-gii’ Kifle.”Aad ayuu ii la yaabay Aniis.

Marka ay sifaynta sawirrada noqoto, gaar ahaan kuwii midabka ahaa, hawshaa dhaxal-galka ahayd waxa u xil-saarrayd oo nafteedii iyo hantideediiba u hurtay walaashayda aan ku dhalashada xigay oo London deggenayd. Magaca kama ay ahayn miskiinad. Waa Sacdiya Yuusuf Ducaale oo ay hooyaday Xaajiya Cibaado-war-li’ ula baxday Baar-cad. London ayay deggenayd. Iyada ayaan filimmada ugu badan u diri jiray si ay iigu soo sifayso, waayo waxaan ku kalsoonaa is-xilqaankeeda iyo in aanay waxba iga luminayn.

Halgamaa weyn ayay ahayd oo af iyo addinba halgankii hubeysnaa waa ay ka taageeri jirtay. Waxa aanan illoobayn hadyado yar yar oo ay ii soo raacin jirtay sawirradii ay soo sifaysay oo ay igu odhan jirtay: “Walaal halgamayaasha u qaybi.” Waxaan si fiican u xusuustaa dhowr jeer oo ay qalimmo ii soo dirtay faro badan oo aan ku saydhiyay Mujaahidiintii xeradii Idaacadda igala hawl geli jirtay. Qayb aanan illoobi karin ayay kaga jirtay noloshaydii qoys ahaaneed, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd, ka-sokow in ay ahayd taageere buuxa oo aan ka maqnaan jirin bannaan-baxyada London laga dhigayo iyo lacag-ururintaba.

Xusuus-qorrada in kasta oo aanan maalin walba wax ku qori jirin haddana in badan ayaan ku keydiyay dhacdooyinkii agtayda iyo ururka dhexdiisaba ka dhacayay. Mararka qaarkood waayuhu wuxu qasbayay in aan qoro dhacdooyin aan dad ka maqlay ama idaacadahaba. Mar kasta oo aan haleel lahaaba waxa aan isku deyi jiray bal in aan si’ uun u adeegsado qoraalka iyo sawirka, in kasta oo aanan duubista rikoodhkana ka madhnayn. Jiidaha hore waxa aan u qaadan jiray ‘Camera’-da, buugaagta yar yar iyo xuus-qorrada jeebka. Jiidaha danbena waxa aan u adeegsan jiray xusuus-qorrada waaweyn iyo ‘note-books-ka’ waaweyn. Gaar ahaan buugaagtan waaweyneyd waxa kale oo aan u isticmaali jiray hadal-qorka shirarka iyo fadhiyada maxaa yeelay inta badan waa ay dhaadheeraayeen.

Dhaqan ayaan ka dhigtay keydinta iyo qoraalka caynkaas ah in kasta oo aanu sidii aan idiin soo sheegay u joogtaysnayn oo aan xilliyada ama maalmaha qaarba ka boodi jiray. Maanta qolka kaydka ee gurigayga waxa yaalla inta aan hubo dhammaan xusuus-qorradii aan isticmaalayay laga soo bilaabo 1982kii. Haddii laga tegi waayo xusuus-qorkaygii 1983kii oo keliya ayaa ka maqan, kaasna waxa la igaga xaday oo shandaddaydii lagala baxay bishii Noofambar 1983kii aniga oo markaa ku sugnaa isla markaana deggenaa gurigii SNM-ta ee Diri-dhabe. Waan malayn karayaa qofka qaatay eek ala baxay, isagana Ilaahay denbigiisa ka dhaafo.

Waxa intaa ii dheeraa aniga oo keydin jiray ama xafidi jirayba wixii waraaqo ah ee qoran ee aan u arko in ay qiimo leeyihiin.Tusaale waxa aan u soo qaadan karaa laba heesood. Heesta hore oo la yidhaahdo ‘Bilicdii dhallaannimo’ iyada oo warqad yar ku qoran ayaan ka qaaday Shahiid Axmed Daahir oo maansoyahan ahaa annaga oo markaa joognay Awaare 1984kii. Heestii waan garaacay, waxaanay ku jirtay keydka buugaagta iyo waraaqaha. Heesta labaad waxay ahayd heestii ugu danbaysay ee Maxamed Mooge Liibaan tiriyo kuna qaado dabayaaqadii bishii Meey 1984kii annaga oo markaa Awaare joognay. Laxankii heestu waa uu naga lumay bal se iyada oo warqad yar oo googo’an gacan ku qoran ayaan ka qaaday Mujaahid Maxamuud Ismaaciil oo Gaabuush loo yaqaannay. Qudheeda waan garaacay waxaana noo suurtowday in aanu miyuusig ku tunno 25 sannadood ka dib markii Maxamed Mooge Liibaan shahiiday, 4/6/1984kii.

Waxyaabaha ay akhristayaasha Qormooyinkaygu sida aadka ah u xiiseeyaa daneeyaan, waxa ka mid ah Qormo dheereyd oo taariikhi ahayd oo ku suntanayd “Maalinka-qorka Heshiiskii Mengistu iyo Siyaad Barre.” Waa Qormoo maalmaysan oo saacadaysan. Bal ka warrama haddii aan Qormadaa qoray maalmihii dhacdooyinkaasi dhacayeen oo aan ku qoray ‘Block note’ weyn oo aan beryahan danbe idiin ka soo minguuriyay aniga oo ku sameeyay tifaf-tir aan badnayn! Bal ka warrama haddii aanan dhacdooyinkaasi sidii ay u wada qornaayeen idiin ku soo gudbin, bal se in badan oo ka mid ahi hadhsan tahay oo aan idiin kala reebay! Bal ka warrama waxa ugu badan ee aan reebay haddii ay yihiin khudbadihii iyo waraaqihii la xidhiidhay! Maalin aan manta ahayn ayaynu intaana isugu iman doonnaa. Malaha dhareerkii ayaa idinka soo daatayba. Hadda yar ceshada.

Agabkii aan qoraalka u adeegsan jiray dabcan qalinka ayaa ugu mudnaa oo waa sidii Hadraawi u yidhi:

“Qalinkaa wax suureeya,

Kugu sima halkaad doonto,

Saaxiib kal furan weeye.

Sunto faro-ku-hayntiisaa

Weligaa ha sii daynin,”

Run ahaantii qalinku kaas ayuu ahaa, la’aantiina waxbaba noqon meysid haddii aanad mahadhooyinka ku soo mara raad waara oo lagaaga aayo ka reebayn.

Waxa kale oo xusid mudan in aan beryihii danbe adeegsan jiray makiinadda waxa lagu garaaco ee Teebka loo yaqaanno, weliba mid yar oo aan la guur-guuri jiray. Inta badan se makiinaddaa waxa aan u adeegsan jiray waxyaabaha rasmiga ah ee mudan in nuqullo laga reebo oo u badnaa xilalkii aan SNM u hayay. Laba xil ayaa ugu mudnaa xilalkii aan SNM u soo qabtay intii lagu jiray halgankii hubeysnaa ee SNM, kuwaas oo kala ahaa: Xoghayaha Golaha Dhexe oo aan muddo badan hayay iyo laba jeer oo aan noqday Xoghayaha Waaxda Warfaafinta ee SNM. In aan idhaahdo waa la iga dhigay sida dadka qaarkii, waxaan ka jecelahay in aan idhaahdo waan noqday oo xilalkan ayaa ahaa waxaan qaban karayay oo aan isla markaana hanan karayay. Waxay ahaayeen xilal aan mudnaa in aan qabto. Xataa intaa aan Xoghayaha Golaha Dhexe ahaa kama aan madhnayn hawlaha warfaafinta oo waan ka ag dhawaa, inta badanna waxaan deggenaaba xaruntii waaxda ee ay Idaacaddu taallay. Maa daama markii dalka la soo galay ama la xoreeyayba aan ahaa Xoghayihii Waaxda Warfaafinta ee SNM, mar kale ayaan degay xaruntii Waaxdaas, ilaa maantadaa aynu joognana kama fogi warbaahinta oo aan inta badan wax ku qoro ama ka jeediyaba.

Waxa kale oo aan iga hadhi jirin hu’gaygii iyo gogoshii aan ku seexan jiray. Dabcan dharku laba ayuu ahaa: mid jiidaha hore ahaa iyo mid inta badan magaalooyinka iska yaallay. Jiidaha hore waxaan la tegi jiray gogosha iyo dhar fudud oo u badnaa: laba surwaal oo shiingee ah iyo laba garan. Suunkii aan xidhan jiray ayaa xusuus gaar ah igu leh oo maantana ka mid ah waxyaabaha taariikhiga ah ee xafiiskayga sudhan. Waxa kale oo wehel igu lammaanaa ahaa gogoshaydii oo dhowr shay oo fudud ka koobnayd. Go’a iyo macawista waxa ii raacay buste yar iyo ‘Ground Sheet’. Shiraaq kaakiya ayuu ahaa ‘Ground Sheet’-ku. Waxa nasiib wanaag ah in aan ilaa maanta hayo ‘Garound Sheet’-kaas oo ururka SNM I siiyay 1984kii. Waxa ii weheliyay Qori Nuur-madoobe ah oo isagana la iga siiyay bakhaarkii hubka ee SNM ee magaalada Xarshin 1984kii.

Waqti aan is-leeyahay wuxu ku beegnaa 1985kii ayaa ‘Cameradii’ ahayd ‘Cannon A1’ laga jabsaday sanduuq ay ku jirtay oo yaallay guri Diri-dhabe ahaa. Waxa lagu qaatay ‘Lens-kii’ gaabnaa ama yaraaba. Aad ayaan uga xumaaday, ka dibna walaashay Sacdiya (Baar-cad) oo London joogtay ayaan ka dalbaday in ay mid kale ii soo dirto. Waxay ii soo dirtay mid yar oo kuwan dhinaca lagu xidho ah oo iyadu is-wadday (Automatic) oo sawirradii danbe oo dhan aan ku qaaday. ‘Zoom’ ‘Lens-kii’ oo ka soo hadhay ‘Cameradii’ hore ee la xaday waxa iga codsaday in aan ugu deeqo Shahiid Maxamuud Xaaji Xasan (Hurre) oo ahaa taliyihii saldhiggii SNM ee Gawlalaale. Sidii ayaan ku siiyay isaga oo aad u jeclaa in uu wax sawiro, in kasta oo Mujaahidiin faro badani igu dudduucaysay in aanu iibinno oo maalmihii adkaa qaar ka mid ah ku dhaafno. Waan se ka adkaystay oo saaxiib halgamaa ahaa oo ku shahiiday xoreyntii dalka iyo dadka ayaan hadyad halgameed u siiyay. Ilaaha I waafajiyay ayaa mahadda iska leh.

Gebegabada sheekada

Maanta ma qorayo ama wax kama qorayo dharaarahaa ina soo maray, bal se maalmahaa dhacdooyinkii taagnaa ayaan markii ay hortayda iyo agtaydaba ka dhacayeen wax ka qoray. Ku-talo-gal ayay ahayd oo waan dhaaddanaa haddii la noolaado in waxan marka la isu geeggeeyo loo baahanayo. Waxa iga dardaaran ah oo da’yarta Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay qalinka, warqadda (buugga), ‘Camera-da’, Rikoodhka iyo wax kasta oo wax keydinayaba ay wehelkooda rumaad ka dhigtaan. Wax yar oo maalin ku soo hor maray oo aad raad ka reebtay, maleyn meysaan sannado ka dib sida uu kuu farxad gelinayo. Bal maantaba jitaabo ka qaada oo waxyaabaha hortaada ka dhacaya ama aad maqlaysaba qor, sawir, dhoob, falki, asal, duub, tun ama si kaleba ku keydi oo daawo ama akhriso sannado ka dib. Malayn kari maysaan sidaad ugu raaxaysan doontaan iyo waxa ay noloshiinna ka tari doonaanba. Fadlan bal isku daya si wax loo keydiyana ku dedaala.

Akhris wanaagsan iyo saamayn togan oo waarta.

 

 

 

Additional information