Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Fankii sahaminta jeebka iyo jabhadayntii

Waa Qormo kooban oo wax ka taabanaysa noloshii jabhadnimo iyo waayihii adkaa ee aanu sannadihii noloshayada ugu fiicnaa ku soo qaadannay.

 

 

Fankii sahaminta jeebka iyo jabhadayntii

Qalinkii: BoobeYuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Waa Qormo kooban oo wax ka taabanaysa noloshii jabhadnimo iyo waayihii adkaa ee aanu sannadihii noloshayada ugu fiicnaa ku soo qaadannay. Nolosha aanu beryahaa ku jirnay mid adag ayay ahayd. Halgan hubeysnaa oo dibuxoreyn qaran ahaa ayaanu ku jirnay. Dibadda ayaa la isugu soo baxay oo xil-qarsiimo ma jirin. Inta maalintii la wada joogo lama kala tegayn bal se ilaa hurdadana geed hoostii ayuun baa la wada seexanayay. Khuuradaada iyo riyodaada, midna ma qarsoonayn. Ninkii jilicsanaa, ninkii abaabulka-darnaa, ninkii aan is-ururin karayn Ilaahay uma xil-qarin ee daleed bannaan oo la is-wada daawanayo ayaa la wadhnaa. Cidna dhaqankeeda iyo qaab-nololeedkeedu uma qarsoonayn. Waa la is-wada daawanayay.

Si aydaan iiga yar jeedsan oo aydaan sawirka ugu mashquulin bal aan in yar isaga ku hakado, si aad ii raacdaan oo aydaan iiga hadhin.

Madashan la fadhiyaa waa Kal-fadhi Gole Dhexe oo SNM oo ku qabsoomay Xaruntii SNM ee Balli-gubadle Feeberweri 1989kii. Kal-fadhigii ayaa socda. Waxa sawirka idiin ka muuqda dad door ah oo laga yaabo intiinna waaweyni in aad garataan. Cabdi Cali Mahdi ayaa Maxamed Kaahin hortiisa ka sii jeeda. Cabdi waxa ka danbeeya Maxamed Kaahin oo ‘Jacket’ xidhan isla markaana shammaakhdiisii ku doonyaystay.

Cabdi Cali Mahdi iyo Maxamed Kaahin dhexdooda waxa ka muuqdaYuusuf Xaaji Aadan iyo Sheekh Axmed Nuux oo ka danbeeya.

Waxa ka sii shisheeya oo is-ag fadhiya Belel iyo Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf. Gadaashooda waxa ka muuqda Muuse Dalab. Sawirrada inta kale bal isku daya in aad idinku buuxsataan. Waxay ila tahay in aad garan kartaan halka la wada eegayo oo ah bartii Shir-guddoonku fadhiyay.

Maxamed Kaahin Axmed sawirkiisa bal hadda u fiirsada? Waxaynu ku hakanaynaa gacantiisa bidix ee uu jeebka ‘Jacket-ka’ kula jiro. Maxay idin la tahay in uu qabanayo? Waxaan sitay ‘Kameradaydii’ yareyd aniga ayaana sawirka qaaday.

Laba maah-maahoodba aad ayaa jabhadnimadii loo adeegsan jiray, kuwaas oo kala ahaa: Ma goosarad xabaal taallaa iyo Ma baakidh jabhadi furtay baa? Labadan maah-maahood waxa la adeegsan jiray marka laga yaabo cimriga wax markaa dhashay ama la bilaabay oo il-bidhiqsiyo ku dhammaaday. Bal adigu baakidh sigaar ah jabhad wada afku-dable ah ku dhex furo. Ballanka Ilaahay bacda aad ka furtay iyo baakidhka meel isku mid ah ayaad kaga tegaysayy.

Aan ku soo nqonno jilaageennii Maxamed Kaahin Axmed. Bal hadda sawirka u fiirsada. Gacantiisa bidix ee jeebkiisa u aroortay waxaan is-idhi ama ay ila noqotay in ay baadi-doon tahay.Waxaan is-idhi Maxamed wuxu rabaa in uu xabbad sigaar ah la soo baxo. Dhaqanku waxa uu ahaa in aad baakidhka oo jeebka ku jira kala soo baxdo xabbadda aad cabbayso oo qudheedu aanay muuqan oo gacantu ku duuban tahay. Waxaad meel yar ka bannaynaysaa halka aad ka shidayso iyo halka aad ka nuugayso. Si qarsoodiya ayaad u shidaysaa ‘Birikeega’ adiga oo dabka ama ololka ka soo baxaya aad u gaabinaya si aan loo arkin. Waxa kale oo aad ku qasbanaanaysaa in aad qiiqa qariso oo aanu qiiqba kaa soo bixin. Haddii aad ka maarmi weydo in uu soo baxo, kollay inta badani waa ay kugu tegaysaaye inta aad soo celinayso aayar ayaad hadba in soo tufaysaa adiga oo hoos u dhigaya si aan loo arkin oo aan sanka loola soo raacin. Inta badan sida ugaadha ayaad iska ilaalinaysaa in aad dadka xagga dabaysha ka marto, weliba marka aad qiiqa sigaarka afkaaga ka soo celinayso, sidii waxaad riwaayad jilayso ayaad afka maroorinaysaa si uu qiiqu u cabbudho oo in yar in yar u soo baxo. Waxa ay ahayad fan gooniya.

Bal hadda u fiirsada Maxamed Kaahin gacantiisa midig sida ay diyaarka ugu tahay in ay ka qayb-qaadato hawl-galkan qarsoodiga ah ee xabbadda sigaarka ah lagu soo tahriibayo isla markaana sida qarsoodiga ah dabka loogu qabanayo. Waxa ay u badan tahay in sigaarka iyo “Birikeeguba’ ay Maxamed Kaahin jeeb qudh ah ugu wada jiraan. Gacanta bidix wuxu ku qabsan doonaa sigaarka, gacanta midigtana ‘Birikeega’. Markaas ayuu inta uu shito qiiqana si aan la arkayn u afuufi doonaa, iyada oo inta badani sambabbada ku noqon doonto.

116 EditedBal sawirkan kale u fiirsada. Sigaarkii iyo ‘Birikeegii’ ayaa is-dul saran oo miis qaawan yaalla. Waxa sawirkan ka muuqda Ibraahin Meygaag Samatar, Guddoonshihii Golaha Dhexe oo xabbad sigaar ah ka shitay Cabdiraxmaan Tuur oo markaas uun u celinaya. Laakiin waa madal lagu shirayay oo cid u soo kacaysa in ay sigaarkaa shidataa ma jirin, bal se haaddii aan shirkaa la fadhiyin in kasta oo aan lagu wada dhiirradeen sigaarkaa Guddoomiyaha SNM, haddana madaxda iyo saraakiisha odeyga ku dhawi ma deyseen. Tan kale ee sawirkani kaga duwan yahay kan ka sarreeyaa waa markan oo dalka la soo galay oo waxyaabo badani is-beddeleen. Haynta dadka ayaa sii badanaysay ama kordhaysayba, inta dadku wada joogaana waa ay soo ururaysay oo waxay ku soo koobmaysay inta la shaqaynayo. In kasta oo ay magaalooyinku dunsanaayeen, haddana meelo lagu kala dhuunto ama lagu kala hoydo ayaa la helay.

Qarinta sigaarka iyo dareenno badan oo kaleba waxa iyaduna ka qayb-qaadan doonta muraayaddan madow ee indhihii Mujaahidka qarisay. Inta badan saraakiisha (ciidan iyo rayid) ayaa muraayadahan qaadashadooda dhaqan u lahayd. Waxaanu is-nidhi dadka ayay ilbaxnimada kaga horreeyeen. Mujaahidiintii yar-yarayd ayaa markii danbe iibsatay muraayadihii. Waxaan xusuustaa Mustafe Xasan Nuur oo maalin xidhan oo aan ka soo hor baxay. Ku-ye: “Show muraayadahan madow haddii la xidho dadka oo aan ku arkayn ayaad daawanaysaa.oo lamaba khajilo.”

Jeebabka Mujaahidiinta waxyaabo badan ayaa geli jiray, noloshuna waa ay badnayd. Marka aad jiidaha hore ku sugan tahay ee aad xero ciidan deggan tahay baahidu waa ay iska koobnayd. Waxa se darraa mararka aad magaalooyinka dib ugu noqoto ee aanu dakhli la yaqaan oo joogto ahi jirin. Maalin-la-nool ayaad iska noqonaysaa. Maadda iyo tahriibta kale ee jeebabku magaalooyinka ayay ka dhici jirtay.

Adiga oo makhaayad fadhiya ama meel maraya ayaa Mujaahid kaa soo hor bixi jiray ama adiguba aad ka soo hor bixi jirtay. Waa la is-shaxaadi jiray. Illeyn waa la is-hor taagan yahay e’ inta badan waa laga soo diyaar-garoobi jiray. Lacagtu inta badan waxa ay ahaan jirtay “Birta” Itoobiyaanka. Ragga qaar ayaa jeebba qayb ku ridi jiray. Tusaale ahaan boqolka jeeb, kontonka jeeb, tobanka jeeb iwm. Markaa waxa ay isla doonan jireen qofka shaxaaday iyo jeebka uu wax ku leeyahay. Mujaahidiinta qaar baa lacagtooda jeeb keliya ku wada ridan jiray oo gacantoodu sida bir labta oo kale ahayd oo hadba ta ay doonayaan soo dhufan jirtay iyada oo jeebka ku jirta. Ma ay jirin lacag qofka wax ku weydiistay lagu soo hor saaro oo lagu baadh-baadhaa.

Mar mar ayaa Mujaahidiintu illoobaan sida ay lacgtu jeebabka ugu kala jirto oo inta ay qaldamaan qof toban “Birr” weydiiyay ay boqol “Birr” u soo saaraan. Markaas ayay inta ay hoos u foorarsadaan oo boqolkii jeebka ku celiyaan odhan jireen: “Waa jeebkii qaldanaa.”

 

 

 


Additional information