Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Xeerkii Maaliyadda ee SNM‏

Toddobaadkan waxaanu halkan idiin ku soo gudbinaynaa Xeerkii Maaliyadda ee ugu danbeeyay ee SNM. Xeerkani wuxu soo maray heerar kala duwan oo hadba waa la qabyo-tirayay,

nuqulkanna waa kii ugu danbeeyay ee ay Guddidii Joogtada ahayd ee Golaha Dhexe ee SNM oggolaato. Hore waxaanu idiin ku soo gudbinnay Barnaamajkii Siyaasiga ahaa ee SNM oo ilaa immika ku jira mareegtan. Waxaanu idin ka ballan-qaadaynaa in aanu hadba Dokumentigii aasaasiga ahaa ee SNM iyo Xeerarkiiba intii aanu diyaarinno idiin soo gudbinno. Waxaanu is-leenahay waa sida keliya ee aad ku garan karaysaan SNM iyo ma-dhaafaankii ay u taagnayd ee fal iyo fiiraba lahaa (theory and practice). Haddaba ka noolaada waa kan Xeerkii Maaliyaddu e'. Waxaan Xeerkan idiin ku soo gudbiyay sidii uu qornaa oo ay muddo ka danbaysay. waxaad raalli ka ahaataan wixii tirsiga qodobbada ka soo baxa oo ay is-qaban waayeen Soomaaligii iyo kombiyuutarkii oo Ingiriisi ku qoran.

 

Waatan qormadii oo dhamaystirani

 

 

Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ee Soomaaliyeed

(SNM)

Xafiiska Xoghayaha Golaha Dhexe iyo Guddida Joogtada ee SNM

Ujeeddo: Xeerka Maaliyadda:

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Xeerka Maaliyadda ee Ururka SNM ee Lambarkiisu yahay: XM/GDH/505/88kii, soona baxay 12/3/1988kii.

Xeerkan Maaliyadda waxa oggolaaday Guddida Joogtada ah oo ku camal-falaysa go’aankii Kal-fadhigii 1aad ee aan Caadiga ahayn ee Golaha Dhexe oo farayay in Guddida Joogtadu Xeerar Xeerkani ku jiro oggolaato. Guddida Joogtadu fadhi ay yeelatay 12/3/1988kii oo ay ka soo qayb-galeen:

  1. Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi): Guddoomiye,
  2. Cabdi Yuusuf Duaale (Boobe): Xoghaye,
  3. Carab Nuur Xandulle: Xubin,
  4. Jaamac Saalax Axmed: Xubin,
  5. Cumar Maxamed Warsame (Xiin-waal): Xubin,
  6. Axmed Jaamac Siciid (Jibiiqe): Xubin,
  7. Cabdi Xasan Liibaan (Nah-nahle): Xubin,
  8. Yuusuf Sheekh Ibraahim (Quraab): Xubin,
  9. Ismaaciil Xaaji Cabdi: Xubin,
  10. Yaasiin Axmed Xaaji Nuur: Xubin,

Waxay ku oggolaatay Xeerkan Maaliyadda,

Guul iyo gobannimo,

Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe)–Xoghayaha Golaha Dhexe iyo Guddida Joogtada ah,

Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ee Soomaaliyeed

(SNM)

Xafiiska Xoghayaha Golaha Dhexe iyo Guddida Joogtada

Xeerka Maaliyadda ee SNM:

Lambarka Xeerka: XM/GDHJ/505/88ka,

Soo baxay: 12/3/88ka, Xarunta Dhexe,

Qod. 1aad: Xeerkan waxa saldhig u ah Dastuurka Ururka SNM,

Qod. 2aad: Xeerkan waxa lagula dhaqmayaa Mujaahidka Ururka SNM ka tirsan iyo dadweynaha taageersan,

Qod. 3aad: Xeerkani cidna kuma saamixi karo aqoon-la’aantiisa,

Qod. 4aad: Wixii aan Xeerkan ku caddayn, waxa lagu dabbaqayaa go'aan Guddi-Fulineed.

I. Maaliyadda Ururka (Dakhliga):

Maaliyadda Ururku waxay ka kooban tahay:

  1. Ilaha Maaliyadeed ee ka soo gala Ururka:

  1. Hanti Ururku leeyahay oo la gado, sida: Filimmada, Post Cards, Joornaallada, Shirts-ka iyo wixii la mid ah,
  1. Taageero maaliyadeed oo laga helo dawladaha iyo Ururrada saaxiibka la ah Ururka,
  1. Taageero Maaliyadeed oo ka timaadda Dadweynaha Soomaaliyeed iyo Lacagta Dawladda Soomaaliyeed,

  1. Habka Lacag-Ururinta:

  1. Meel kasta oo maaliyadi Ururka ka soo geli kartaa waa in ay lahaataa lacag-haye iyo hanta-dhawre la magacaabay oo Waaxda Maaliyadda iyo Hanti-dhawraha Guud la ogaysiiyay,
  1. Waa in ay jiraan Buugaag loo isticmaalo lacag-ururinta oo yaalla meel kasta oo Ururka ilo-maaliyadeed uga furan yihiin. Buugaagta Lacag-ururinta waxa ka mas’uul ah daabacaaddooda, hayntooda iyo qaybintoodaba Waaxda Maaliyadda ee Ururka, arrintaasi dabar uma noqon karto meelaha aanay khusayn, duruufo gaar ah awgood,
  1. Buugaagta Lacag-ururintu waxay ka kooban tahay Xaashiyo midkiiba tahay saddex nuqul oo ugu yaraan ay laba kala midab yihiin,
  1. Nuqualka 1aad waxa la siin doonaa cidda deeqda bixisay,

kh. Nuqulka 2aad waxa la raacin doonaa warbixinta dakhliga ee Waaxda

Maaliyadda loo soo dirayo,

d. Nuqulka 3aad wuxuu ku hadhi doonaa Buugga,

  1. Xaashiyaha lacag-qabashada waa ka xaaraan masaxaad, xuruuf-bedelid iyo dul-wax-kaga qor, haddii ay sidaasi dhacdana waa in la kansal-gareeyaa,
  2. Xaashiyaha la kansal-gareeyo ee 1aad iyo 2aad waa in nuqul ka mid ah Waaxda

Maaliyadda loo soo diraa, nuqulka 3aad-na buugga ku hadhaa,

sh. Buugaagta lacag-qabashada/bixinta waa in ay galaan diiwaan u gaar ah, tiro iyo

lambarba, isla markaana lala socodsiiyaa Xafiiska Hanti-dhawrka Guud,

dh. Qaybtinta Buugaagta Lacag-qabashada/bixinta waa in lagu isticmaalaa Issue

Voucher,

II. Xisaabta Ururka ee Bangiyada:

  1. Meel kasta oo ay suurto-gal ka tahay waa in xisaab looga furaa Bangiyada ugu habboon, lacagta dakhliga ee la ururiyo waa in sida ugu dhaqso badan loogu shubaa xisaabta uga furan bangiyada,
  1. Meelaha ka baxsan Xarumaha Ururka ee macaamilo Bangi Ururka uga furan tahay waa in la soo ogaysiiyaa hoggaanka Ururka, lacagta ku jirta,
  1. Lacag-ka-saaridda Xisaabta bangiga waxa yeelan doonta cidda maamulka Ururku u xil-saaro ee Waaxda Maaliyadda, meelaha aanay suurto-galka ka ahayn waxa lagu dhaqmi doonaa nidaamka iyo xeerka ay leeyihiin, cidda awooddaas la siinayaa waa in aanay ka yarayn laba qof, mana noqon karaan lacag-hayayaal,
  1. Xisaabta bangiyada baadhitaankeeda, hubinta iyo la-xidhiidhitaanka waxa yeelan kara oo kaliya Waaxda Maaliyadda iyo Hanti-dhawraha Guud cidda ay u xilsaaraan,

kh. Kharashka caadiga ah (Budget):

- Keydku wuxuu u kala baxaa; mid gacan-ku-hayn ah ee Xarumaha maamul ee kala duwan lagu hayn karo, looguna talo-galay wixii kharash lama-filaan ah ee ka baxsan qorshe-miisaaniyadeedka, waxa kale oo loo isticmaali karaa horumarin miisaaniyaded,

- Keydka dhexe oo loola jeedo lacagta bangiyada taalla ee aan loo isticmaali karin hawl-maalmeedka,

  1. Miisaaniyadda Ururka:

Miisaaniyadda Ururku waxay u qaybsayntaa:

  1. Kharashka caadiga ah ee waaxyaha iyo Hay’adaha Ururka,

  1. Lacagta gacan-ku-haynta ah (Imprest),

  1. Kharashaka caadiga ahi wuxuu ka imanayaa qorshaha-lacageed ee guddida fulintu u oggolaato Waaxyaha iyo Hay’adaha iyada oo qorshayntaasi ku salaysan tahay awoodda lacageed ee Ururka soo gasha iyo qorshaha Waaxyaha iyo Hay’duhu soo qaddimaan,
  1. Kharashka caadiga ah waxa loola jeedaa lacagta loo qorsheeyo fulinta hawl-maalmeedka Waaxyaha iyo Hay’adaha Ururka wakhti muddaysan,
  1. Maamulka Ururku waa inuu xaddidaa ‘Head’ and ‘Sub-heads’ ay Waaxyaha iyo Hay’aduhu u isticmaali doonaan kharashka caadiga ah,
  1. TA, LA daryeel waa in kharashkoodu ahaadaa mid hoos yimaadda Waaxyaha iyo Hay’adaha, si loo baajiyo kala-filiqsanaanta Mujaahidiinta ee aan loo kala garan karin Mujaahidku Waaxda iyo Hay’adda uu ka tirsan yahay, arrintaasi waa in ay dabooshaa; Mujaahidku waaxda iyo Hay’dda uu arrimahaas kala xidhiidho,

  1. Bixinta Kharashka:

  1. Dhammaan wixii lacag ah ee Bangiga laga soo qaadayo waa in xisaabta Bangiga lagaga saaraa Jeeg,
  2. Lacag kasta oo Ururka soo gasha waa in la geliyaa Buugga loogu talo-galay (Cash Book),
  3. Marka la geliyo lacagta Buugga waxa lagu bixin doonaa codsi, awaamiir oggolaansho laga helo cidda leh awoodda lacag-bixinta iyo saxeexa qofka qaadaya iyo magaciisa oo buuxa,
  4. Lacagtaa marka la bixinayo waxa la isticmaalayaa Warqadda lacag-bixinta (Payment Voucher) oo leh Lambar daabacan oo xidhiidhsan, kana kooban laba nuqul. Waxa ka baxsan goob dagaal oo maamul-lacageed aanu suurto-gal ka ahayn,

  1. Nuqulka 1aad waxa loo gudbinayaa Xafiiska xarunta Xisaabaha guud, nuqulkaa waxa Xafiiska Xaruntu u furi doonaa fayl gaar ah, iyada oo lagu lifaaqi doono warqadda lagu soo ogolaaday bixinta lacagtaas,
  1. Nuqulka 2aad wuxuu ku hadhayaa laguna ilaalinayaa Buugga,
  1. Haddii tir-tiridi (cancellation) dhacdo warqadda lacag-bixinta nuqulka 1aad waxa la soo raacinayaa xisaab-xidhka, ka 2aadna Buugga ayuu ku hadhayaa,

  1. Si Voucher-ka lacag-bixinta loo diyaariyo waa in ay dhamaystirnaadaan Shuruudaha hoos ku qoran:

  1. Waa in la soo sameeyaa codsi lacag-bixineed oo leh saxeexa oggolaanshaha cidda leh awoodda lacag-bixinta,
  1. Haddii ay tahay lacagtaa la soo codsaday wax la soo iibinayo waa in codsiga la soo raaciyo qaan-sheegta,

j. Waa in ay shuruudaha wax-gadashada u degsan waafaqsanaataa,

  1. Haddii ay tahay lacag lagu bixinayo shaqo ururka loo soo fulinayo, sida; geerashyada gaadiidka sameeya iyo wixii la mid ah, waa in la soo raaciyaa caddayn muujinaysa in hawshii la dhammaystiray iyo wixii caddaynaya qiimaha lagula heshiiyay in uu yahay kan la codsaday, isla markaana caddeeyeen mas’uulka ay hoos timaaddo iyo hawl-wadeenka toos uga shaqeeya sida: darawalka, makiinadda garaacista. Haddii kharashku ka badan yahay 500 Birr, waa in maamulku goobta u saaraan guddi aan saddex xubnood ka yarayn oo ah hawl-wadeenno haya xilal la aqoonsan yahay,

  1. Awoodda buuxda e lacag-bixinta iyo oggolaanshaha lacag-bixineed waxa iska leh Guddoomiyaha iyo Guddida Fulinta,
  2. Miisaaniyad kastaa waa in ay ku baxdaa habka kharash-bixinta Ururka,
  3. Waaxaha Ururku waa in ay u madax-bannaanaadaan isticmaalka Miisaaniyadda qayb kasta inta loo qorsheeyay, kuna fuliyaan habka u degsan kharash-bixinta Ururka,

  1. Waax kastaa waa in ay warbixinta ka soo gudbisaa habka loo isticmaalay miisaaniyaddii loo qorsheeyay,
  1. Waaxda lacagta waa ay ka reebban tahay in ay lacagta Ururka miisaaniyad-la’aan ku bixiyaan,
  1. Waxa kale oo Waaxda lacagta ka reebban in ay isticmaalaan miisaaniyad loo qorsheeyay Waax kale,

  1. Haddii Waax miisaaniyaddu ka go’do, waxay codsi u qoraysaa Guddida Fulinta, iyada oo caddaynaysa sababta ay lacagtu uga go’day, ka dibna waxa Guddida Fulintu uga qorshaynaysaa wax haddii ay suurto-gal noqoto, lacagta kaydka loogu talo-galay,
  2. Hadii madax-xigeen (Sub-head) lacagtu ka go’do oo Waaxi doonto in ay Madax (Head) kale lacag uga wareejiso, waa in ay Waaxda Maaliyadda ka codsataa oggolaansho,
  3. Maaliyadda Ururka laguma bixin karo dayn, isla markaana ma geli karto ganacsi gaar ahaaneed,

V. Habka wareejinta lacagta (Transfer of Funds):

1. Marka qaybaha lacag-ururintu ku soo xareeyaan lacagta Xarumaha gobollada, xarumaha gobolladuna waa in ay si joogto ah bil walba lacagta ugu soo gudbiyaan (Bank A/C) uga furan Ururka Bangiyada dalka xarumihiisa hawl-galku yihiin,

2. Wixii awaamiir ah ee ka duwan tan kor ku xusan, waxa lagu fulinayaa sida ku cad qodobka bixinta isticmaalka lacagta,

3. Lacag-qabashada waxay ku qorayaan nooc kasta lacagtu ha ugu timaaddee, warqadda lacag-qabashada

4. Lacagta uu qabto Lacag-ururiyaha gobol, waa in uu toddobadii maalmoodba mar xisaabta xidhaa, soona gudbiyaa,

5. Lacagta Baanka la dhigo bil walba waaa in loo soo guddbiyaa Xarunta marka bishu dhammaato, lana soo raaciyaa: Bank Statement, Deposit slip, Reciepts,

6. Dhammaan wixii dakhli soo gala Ururka waa in la geliyaa Diiwaanka xisaabaha (Ledger Account), waa in ay waafaqsanaadaan mar walba warqadaha lacag-qabashada,

VI. Xisaab-xidhka:

  1. Hayadaha Iyo waaxyaha Ururku waa inay u soo gudbiyaan Xafiiska dhexe ee Xisaabaadka xisaab-xidhkooda bisha oo ka kooban:

  1. Warqadda Xisaab-xidka (P.V),

t. Warqadda awood-bixinta lacagta,

  1. Xafiiska dhexe ee xisaabaadku wuxuu hubinayaa xisaabaadka ka yimaadda laamaha iyo Waaxyaha, ka dibna wuxuu gelayaa kharashkaasi diiwaan guud (General Ledger), iyadoo loo kala saari doono; Madax iyo madax-xigeen (Head and Sub-head),

VII. Warbixinta Xisaabaadka:

Bil kastaa marka ay dhammaato waa in Xisaabaha Xarunta Dhexe (HQ) la xidhaa, la isuna dheelli-tiraa dakhliga iyo kharashka, loona gudbiyaa Guddida Fulinta haddii aanay jirin sabab dib-u-dhac keentay, iyada oo la raacayo hababka hoos ku qoran:

  1. Waax iyo Hay’ad kastaa waa in ay ugu dambeyn bisha kale 7deeda soo gaadhsiisaa warbixintii bisha dhammaatay,
  2. Xarunta Dhexe ee xisaabaadku waa in ay ku dhamaystirtaa xisaab-xidh midaysan wixii ka horreeya bisha 15d,
  3. Sida oo kale Laamaha Dibeddu waa in ay si joogto ah bil walba ugu soo gudbiyaan Xarunta Dhexe ee Xisaabaadka warbixintii dhakhliga,
  4. Waaxda Lacagtu waa in ay lixdii bilood iyo sannadka dhammaadkiisa mid walba soo saartaa warbixin midaysan oo ay siinayso Golaha Dhexe, Guddida Joogtada ah iyo Guddida Fulinta.
  5. Waaxda lacagtu waa in ay bil kasta xisaab-xidhka raacisaa warbixin kooban oo Guddida Joogtada iyo Guddida Fulinta u iftiiminaya; in Wwaaxaha iyo Hay’adaha Ururku kharashkii loo dhiibay u isticmaaleen sidii loo qorsheeyay iyo si ka sii habboon,

VIII. Buugaagta xisaabaadka iyo cidda mas’uulka ka ah:

  1. Buugaagta lagama-maarmaanka u ah ee Waaxda lacagtu u baahan tahay waa:

  1. Cash Receipt Book,
  1. Payment Voucher Book,

j. Cash Book,

  1. Ledger Register,

kh. Equipment Register (Central Control of Movements property in all Zones),

d.Iyo marba kii hawshu u baahato (keento),

  1. Buugaagta (b, t, j, x, kh, iyo d) waa caadi, waxaana gacan-ku-hayntooda iska leh marba qofkii hawhooda u xil-saaran ee waaxda Maaliyadda,
  2. Buugaagta (b iyo t) Cash Receipt and Payment Voucher, iyagu waa buugaag lambar daabacan leh, daabaciddooda, qaybintooda iyo xilkoodu wuxuu noqonayaa sidan:

  • Waxa buugaagta xilkooda (Daabaciddooda, kaydintooda iyo qaybintooda) iska leh oo kaliya waaxda lacagta. Haddii lagu helo cid kale oo daabacaysa kuwo la mid ah ama u dhigma waa dembi,
  • Waaxda Maaliyaddu waa inay samaysaa qorshe buugaagta lacag-qabashada ee Wakiillada dibedda joogaa isticmaalaan - meelaha ay suurto-galka tahay – inta loo diro ama inta meesha kale ee loo dhiibayo awood la siiyo oo si joogto ah loola socdo isticmaalkooda,

  • Saddexdii bilood mar waa in ay diyaarisaa tiro-koobka iyo ansixinta isticmaalkoodii,
  • Buugaagta (b iyo t) oo ah kuwa ugu muhiimsan waa in lagu hayaa Xarunta Waaxda Maaliyadda, bixinta iyo la socodkoodana si adag u maamulaan,

IX. Xisaab-celin (Reimbursement):

Haddii cid mas’uul ah oo loo dhiibay lacag (Imprest) soo-celin waayo wax xisaab-celin ah waxa la raacayaa habka hoos ku quran:

  1. Mujaahid kasta oo loo dhiibo kharash (imprest), Waaxaha, Hay’adaha, qaybaha, saldhigyada iyo meelo kaleba, waxa laga rabaa in uu sameeyo warqadda xisaab-celinta ah ee caddaynaysa sida ay u baxday lacagtaa uu qaaday,
  2. Dhammaan mas’uuliyiinta waaxaha iyo Hay’adaha Ururka waxa ku waajib ah in wixii ay dhaqaale ka qaadaan Waaxda lacagta ay u soo celiyaan xisaab-celin faahfaahsan,

  1. Haddii hawshii qayb u hadhay loona baahdo in lacag kale loo dhiibo, waa inuu lacagti hore wixii ka baxay kharash, xisaab-celinteedii oo hadhaagii ka muuqdo soo gudbiyaa,
  1. Haddii ay dhici waydo in la soo celiyo xisaab-celinta waxa qofka la siinayaa digniin muddaysan, muddadaa wixii ka dambeeya, waxa Waaxda lacagtu ku samaynaysaa daba-gal, marka la hubiyana, waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan,

X. Alaab-soo-gadashada (Purchasing):

  1. Si looga baajiyo hawl wakhti aan loo baahnayn u baaqata qalab-laáan, waxa lagama maarmaan ah in lixdii biloodba mar la sameeyo codsi ku salaysan waxyaalaha loo baahan yahay, siiba qalabka kedis ahaan Ururka ugu keeni kara kharash dhaqaale oo aan laga maarmi karin. Waxyaabaha laga rabaa (Identing) waa:

  1. Gaadiidka iyo Saadka,
  1. Daryeelka iyo Caafimaadka,
  1. Warfaafinta iyo Abaabulka,
  1. Waxyaabaha kale ee qalab-iibsi u baahan,

Marka Waaxuhu keensadaan codsi qalab bilood ay u baahan yihiin, Guddida Fulinta ayaa u xilsaaran doonista qalabkaas, haddii ay tahay meelaha dibedda ee Ururka laga taageero, haddii bilaa lacag lagaga heli karo dawlado ama ururro ina taageera iyo haddii lacag ururku leeyahay ay tahay oo markaas meesha ugu jaban laga soo iibiyo.

  1. Markii ay timaaddo baahi degdeg ah oo aan hore looga gaashaaman waa in waaxda iyo Hay’adda soo gadanaysa wixii qalab ah ee ay markaas u baahan yihiin u soo maraan shuruudahan:

  1. In ay hubiyaan in lacagtoodii miisaaniyadda ugu jirto,
  1. In ay u keenaan Waaxda Maaliyadda qiimaha alaabta ay doonayaan oo ah ta ugu jaban, waana in ay soo xaqiijiyaan in uu qiimahaasi yahay kan ugu yar ee la heli karo,
  1. In ay soo raaciyaan warqaddooda codsi lacag-bixinta warqadda qiimaha alaabta,

XI. Miisaaniyadda Ururka (Budgetting):

Waxa Ururka miisaaniyad meel mar ah loo samayn karaa, marka la abuuro ilo-dhaqaale oo si joogto ah Ururka u soo gala. Iyada oo ay tahay lagama-maarmaan in si degdeg ah loogu hawl-galo abuuritaanka dhaqaalaha Ururku u baahan yahay, haddana, waxaaan laga fursanayn hadba wixii dhaqaale Ururka soo gala awood kasta ha lahaadee loo qorsheeyo hab-miisaaniyadeed hawluhu ku socdaan.

Ka dib marka la dhammaystiro wixii doodo iyo aragti-is-weydaarsi ah ee ku saabsan qorshaynta miisaaniyadda waxa la rabaa:

  1. In ay dhammaan Waaxaha iyo Hay’adaha Ururku ka kooban yahay qoraal ahaan u soo gudbiyaan Waaxda Maaliyadda baahida dhaqaale, iyaga oo si faahfaahsan u soo qoraya,
  2. Waaxda Maaliyaddu marka ay baadho, hubiso kana soo baaraan-degto Miisaaniyadda guud ee Waaxaha dhammaantood, waxay u gudbinaysaa Guddida Fulinta ee Ururka,
  3. Guddida Fulintu marka ay hubiso, kuna kalsoonaato Miisaaniyadda loo soo gudbiyay, waxay u kala qorshaynaysaa Waaxaha iyo Hay’adaha Ururku ka kooban yahay, iyaga oo u kala tixgelinaya hadba sida ay u kala laxaad weyn yihiin hawlaha Waaxuhu iyo Hay’aduhu,

Guul iyo Gobonimo.

Saxeexa Saxeexa

Guddoomiyaha Guddida Joogtada, Xoghayaha G/ Dhexe iyo Guddida Joogtada

 

 

Additional information