Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Sheeko gaaban:Cali-Guddaaf

Meel u ka yimid cid garanaysay ma jirin. Markii dalka dib loo xoreeyay ayaa arag la arko ugu horraysay. Nin dhib leh ma ahayn.

 

 

 

Waatan sheekadii:-

 

Qalinka: Axmed Yuusuf Ducaale

(Waa 1994kii)

Meel u ka yimid cid garanaysay ma jirin. Markii dalka dib loo xoreeyay ayaa arag la arko ugu horraysay. Nin dhib leh ma ahayn. Runtii ma uu hadli jirin waxna ma uu maqli jirin. Dadkan la yidhaa wuu qalbi la'yahay ayuu ahaa. Qalbi la'aantaasi waxay tahay runtii qof sheega maan arag. Had iyo jeer dharka uu xidhan yahay nadiif buu ahaa yaanu sidaaba u qurux badnaanin e’. Saddex guri oo quryihii hore ee laba-labada makhsin ahaan jiray, ee iska-daba-galka ahaa, oo dumay, ayuu ka ugu baalleeya shiraaq gaboobay, jiingado maaraystay, joonyado jeexjeexan iyo wixii ay gacantiisu ku dhacdayba intuu saaray, uu isku tolay, buul yar uu galona ka samaystay. Saddexda guri islaantii lahaan jirtay dagaalkii 88kii ayay ku dhimatay, markay faqashtu magaalada Hargeysa garaacayay. Waxay haysatayna iyagii baa qaatay. Wuxu jaarku odhan jiray islaantu cid ma leh aan ahayn wiil, ay inanteedu yaraan kaga dhimatay. Waxa la isla dhex mari jiray inanku Cadan buu joogi jiray oo markuu maqlay geeridii ayaydii ayuun baa qidhim laga siiyay oo uu aammusay. Dadka qaarna waxay odhan jireen horaa loo aamusiiyay wax helayba.

Faqashtii oo weli haysata Hargeysa ayuun baa la arkay kii oo magaaladii dhex jooga oo buul yar ka samaystay saddexdii guri ee ayaydii, laga dumiyay ee lagu dilay, sida ay dadku odhan jireen. Yaa u sheegay? Cidina garan meyso. Magaaladu way wada burburtay e’ maxaa saddexdan guri ee dumay ee islaantaa dhimatay lahayd keenay? Muxuu meel kale buul uga samaysan waayay? Dadka qaar baa odhan jiray: " Waar waa nin miskiin ah oo meesha ayuu iska yimid e’, waxba islaantaa dhimatay isuma ay ahayn."

Waxa laga hor keeni jiray: "Wuxu guryahan saddexda ah dhexdooda buulka uga samaystay wuxu og yahay in ay kuwii ayaydii yihiin oo aan marka magaalada dib loo xoreeyo cidina ku qabsanayn."

Dad Cadan degganaan jiray oo xaafadda ah haddii la weydiiyayna waxay sheegeen in aanay garanayn laakiin lagu sheegi jiray magaalo Daar Sacad la yidhaa oo Cadan u dhaw, sannadahan dambe, nin aan dhammayn oo asalkiisu Soomaali yahay oo la yidhaa Cali Guddaaf, waayo guddaafaddaa ayuu wax u cuno ka fadhan jiray. Cali Guddaaf markii uu xaafadda soo degayba caruurtii ayaa bilowday in ay ku ciyaaraan oo ay ku yidhaahdaan 'Cali Guddaaf'. Yaa u sheegay magiciisa? Adba garo! Markaa ay magaca ku yidhaahdaan wuu eryan jiray. Int ay ka yaacaan ayay ku qoslaan. Waxa la is- weydiin jiray hadduu dhego la'yahay siduu u maqlayaa magacan lagu caayaayo. Dadka arrinkiisa iska dhigaa in ay yaqaannaan, waxay odhan jireen, debnaha ayuu ahkriyaa. Qaarna waxay odhan jireen wuu is-yeelyeelayaa wax wuu maqlaa. Markuu bilaabay galabtaa khamiista, ee Jimcuhu soo galayo, carruurta in uu nacnac u qaybiyo ayay caydii ka daayeen ama waxaad tidhaa magicii u dhibsan jiray. “Af wax cunay xishoo,” miyay maah-maahdii ahayd? Habeenkaa Jimcaha ay tahayna foox ayuu shidan jiray oo qiiqa fooxa oo buulkiisa ka baxayaa la arki jiray. Maalinta Jimcahana dhar wanaagsan ayuu xidhan jiray sidii wax uu soo tukanayo. Masaajiddada xaafadda u dhaw se laguma arag isaga oo ku tukanya. Weligii lama waayin amma dib ugama dhicin galabtaa khamiiseed. Carruurtuna way sugi jireen. Saacadaha ayay tirsan jireen. Ninkaas oo weli dawarsanayana lama sheegin. Isaga oo wax cunayana lama arag. Nin arrinkiisa aad looga yaabay ayuu ahaa.

Aad iyo aad ayay carruurtuna u jeclaatay oo galabtaa Khamiiseed ee uu nacnaca u qaybiyo ay aad u sugi jireen. Nin ka mid ah ayuu ahaa. Markuu nacnaca u qaybiyo waxoogaa ayuu la joogi jiray, markaasuu buulkiisa geli jiray. In uu la joogo ayay carruurtu jeclayd in kasta oo aanu hadli jirin.

Mar mar ayuu mid ka mid ahi ku odhan jiray: “Caliyow (inta uu guddaafadda ka reebo) waad hadashaaye, ha nagu ciyaarin e’ noo sheekee." Markaas ayuu dhoosha ka qoslaa. Kii yidhi noo sheekee ayaa yidhaa: "Eeg waa kaa dhoosha ka qoslay oo wuu i maqlayaaye." Markaasuu haddana dhoosha ka sii qoslaa. Ku kalaa yidhaa: " Waar debnuhuu akhriyaadii ayaa dhab ah malaha e’ iska daaya Cali oo inna keena."

Carruurta uun ma aha e’ dadkii waaweyna ayaa la yaabay xaalkiisii oo kalgacal ugu qaaday dhibaato la'aantiisan iyo jaarnimo-wanaaggiisan. Qof xaafaddii ka mid ah ayuu noqday oo la aqbalay. Maalinta uu maqan yahay aad ayaa loo dareemaa. Galab Khamiiseed ayuu dib uga dhacay wakhtigii uu carruurta xaafadda nacnaca u qaybin jiray oo, carruurtii ma aha e’, dadkii waaweynaa ayaa isu soo baxay iyaga oo ka yaabban waxa helay Cali. Iyada oo dadka qaarkii leeyahay an maqnaanshihiisa bilayska u sheegno, oo ay qaarna la tahay in horta la yar baxnaaniyo, ayuun bay mar keli ah carruurtii dhawaaqday: " Waakan Cali, Waa kan Cali". Guddaaf dambe ma jirto oo illayn waa kan nacnaca baray e’. Markaasay yaryarkii oo keliya ma aha e’ dadkii waaweynaana neefi ka soo boodday. Waxoogaa ayuu dhididsan yahay oo waxaad mooddaa in uu orod ku soo daalay. Isaga oo hiin-raagaya ayuu jeebabka gacanta geliyay oo uu carruurtii oo ku xeersan bilaabay in uu nacnicii u qaybiyo. Fooxii ayaa durtaba la uriyay oo qiiqiisii cirka isku shareeray. Xaafaddii, gaar ahaan yaryarkii, markaas ayay nabad ku seexdeen.

Cali oo markaas uun baxay ayaa dhawaaqii rasaastu dhegaha dadka qarxiyay. Haween guryaha ka soo baxay oo is-yidhi eega cidda is-dilaysa ayaa arkay dadka yaacaya ee magaalada kolba dhan isu la dullaamaya. Rasaastu dhan kasta way ka soo dhacaysaa u dhacaysaa. Laan-kuruusarro ayay ka dhacaysaa. Dad yaacayaa iyana ridaya. Guryaha dushooda iyo dhismayaasha dhaadheer ayaa laga soo ridayaa. Sababta se dadku ma ay garan. Cid lagu ridayo iyo cid soo ridaysa midna lama garan. Waxa soo jiidhay dad dhinac walba u yaacaya. Haweenkiina inta ay guryihii xidheen oo ay wixii fududaa ee qiimaha lahaa sida dahabka qaateen, ayay dadkii yaacayay ku dareen.

Ardaydii iskuulladii tagtay oo ay casharradii gellinkii hore u dhammaadeen, ayaa maqlay rasaastan hadh beeshay. Waxay iyana ku biireen dadkii magaalada ee qaxayay. Afarta jihaba magaalada waa looga qaxay. Wakhti la isku weydiiyo maxaa dhacay, xabbaddu waa maxay, ayaa ayo la dagaallamaya lama helin e’, qof waliba wuxu bilaabay qofkii ka maqnaa in uu baafiyo. Qaylada, hayaayda, yaa arkayeey iyo hoogayeeydii haweenka ayaa is-dhaaftay.

Qaxootigii sidii ayuu u qulqulayay maalintii iyo habeenkii iyo dhawr maalmood oo xigay. Siciid Yare ayaa hooyadii ku yidhi: "Oo hooyo khamiistan soo socota yaa nacnicii na siin illayn waatan oo xaafaddeennii ka soo qaxnay oo Cali-Guddaafna ma joogo e’? ‘istaaqfurullaah’, ma Guddaaf baan idhi? Hooyo Cali ayaan u Jeedaa." "Waar cun baan ku idhi intaa yar ee bariiska ah sidaan ku soo helayba Ilaah baa og e’. Bal halkaan joogo iyo waxa dhacay, ee uuu Cali-Guddaaf iyo belaayo ii xusuusanayo dumar yahow islaameed eega," ayay cadho iyo ciil ku tidhi.

Inta uu sixnigii yaraa ee bariiska ahaa la sii jeestay sidii wax laga boobayo ayuu yidhi: “Hooyo Guddaaf ha ku odhan." Inta ay sidii wax maqnaa oo immika soo miiraabay u eegtay Siciid Yare, ayay tidhi: "Hooyo raalli ahaw dhibtan aynu ku jirraa iigu wacan in aan sidaa u hadlo e’. Nin wanaagsan ayuu ahaa oo carruurta xaafadda oo dhammi jeclayd is-na jeclaa. Tolow halkuu joogaa caawa waa halkaaga e’?" Siciid Yare oo ilmo indhiisii waaweynaa ku soo joogsatay ayaa ka hoos yidhi, "Hooyo waa runtaaye tolow halkee ayuu joogaa?

Dadkii jaarka ahaa ayaa isu yimi markii magaaladii dib loogu soo noqday. Kuwii maqnaa ayaa la is-weydiiyay. Qaar lagu sheego in ay xeryihii qaxootiga ku noqdeen oo garaamohoodii oo weli u socday ay qaataan, kuwo la sheegay in madaafiicdii markii dambe la soo ridayay ay ku dhinteen iyo kuwo la yidhi ciidammadii ayay ku kala biireen, iyo kuwo warkooda la la' yahayba dadkii waa uu yeeshay. Sidii la isu waraysanayay ayaa la arkay carruurtii xaafadda oo kor taagan buulkii Cali oo oohin hiqlaynaysa oo Siciid Yare la aamusiin kari la'yahay. Hooyadii baa inta ay haw soo tidhi oo ay bogga iyo beerka gashatay tidhi," Hooyo maxaa dhacay ee aad la ooyaysaa?" Inta uu isku sii dhejiyay ayuu dirqi ku yidhii: "Hooyo, eeg buulkii Cali maydkiisii oo ay bisado cuneen ayaa yaalla e’.”

 



Additional information