Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Xuska 14-guurada Aabbihii Miyuusigga Soomaaliyeed Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe)

Qormadan aan ku xusayo 14-guurada ka soo wareegtay maalintii uu god-galay Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe,

 

Waatan qormadii oo dhamaystirani:-

Xuska 14-guurada Aabbihii Miyuusigga Soomaaliyeed

Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi (Qarshe)

(1924kii – 1997kii)

Cabdillahi Qarshe sawir“Alleylehe sar weyn baa duntiyo, seeski uu dhigaye,

Alleylehe sallaan baa burburay, loo sinnaan jiraye,

Alleylehe siraad baa bakhtiyay, meel sudhnaan jiraye,

Suugaanta maansiyo fankii, seedahaa go’aye,

Sanbabkaa dalooshamay codkii, suubbanaan jiraye,

Kamankuu sabaalayn yiqiin, suulashaa jabaye,”

Ibraahin Sh. Saleebaan (Gadhle) Jabuuti.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Arar

Waa qormo qormadeed……Waa qalin iyo xil-qaadkii……..Waa dawaad aan qallalin…..Waa qoolashii fanka oo qayoodkii doc kastaba u jiidhay…..Waa qunbe malab ah oo buuxa…..Waa ereyo aan meel la og yahay ka soo jaray oo muquuno ah….Waa mahadho aan damin….Waa milgo iyo maamuus….Waa mullaax aan ku marriimayo miyuusig iyo midho, dhaxalka aan duugoobayn ee uu ka tegay Cabdillaahi Qarshe, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Qormadan aan ku xusayo 14-guurada ka soo wareegtay maalintii uu god-galay Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe, waa warqad (Paper) aan ka akhriyay Jaamicad ku taal Finland oo la yidhaahdo Abo Turku University, 1998kii. Warqaddaas oo ku qornayd afka Ingiriisiga waxa lagu soo daabacay Buuggii Shirweynahaas ka soo baxay, Shirweynahaas oo la odhan jiray “Somali Studies Congress.” Baadi-soocda Buugga Qormadan xanbaarsani waa: The Life, Music and Literary compositions of Abdillahi Qarshe (1924-1997), in Variations on the theme of Somaliness, Centre for Continuing Education, Turku, Finland, 2001,”

Maa daama ay maanta ka soo wareegtay afar iyo toban sannadood maalintii Cabdillaahi Qarshe lagu aasay xabaalaha Qaranka ee Hargeysa, waxaan ka wadi waayay in aan maqaalkaa idiin soo tarjumo aniga oo si weyn u nakhtiimay oo wax badan ka saxay isla markaana ku daray ama ku ladhayba. Iirka ama asalka qormadani af-soomaali ayuu ahaa. Cabdillaahi Qarshe Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’, waxaan xusayaa waa dhaxalkii faneed ee uu inooga tegay ee midho, miyuusig iyo codadba lahaa oo aan cid la ag dhigaa Soomaali ku jirin, keli iyo horseedbana ka ahaa; waana tan ta qiimaha u yeelaysaa Cabdillaahi Qarshe. Waa ninka xaraartaa butaystay ee aanay cidina ku haysanin ee looga danbeeyo ee weliba durbaankana loogu tumo. Haddii Eebbe idmo waxaanu ku ladhi doonnaa Qormadan xusuusta ah filim dokumentari ah oo gaaban oo ka hadlaya noloshii iyo curintii Qarshe oo TV-yada ka daawan doontaan.

Hordhac:

28kii Oktoobar 1997kii, waxay ahayd maalin dhiillo xanbaarsanayd oo aad ugu cuslayd, naxdin aan la qiyaasi karinna ku lahayd shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogeenba. Horumarka is-gaadhsiineed ee dunidu ku tallaabsatay ayaa markiiba la duulay warkii ahaa in Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe ku geeriyooday magaalada London. Horaa Soomaalidu ugu maah-maahday: “War xumi dugsi ma fadhiisto.”

Warkaa dhiillada xanbaarsanaa “Internet-ka”, Fax-yada iyo qalabyada kale ee casriga ah ayaa ka adeegay tebintiisa. Idaacadaha iyo qalabka kale ee war-baahinta ayaa afaf badan ku sheegay. Markii qaarad iyo dalba la dhaafay ayaa warka culayskiisii iyo naxdintisiiba la hayn waayay oo guri ilaa guri la isu tebiyay. Qof ilaa qof ayaa dheg iyo dhab ba la isu saaray.

In kasta oo loo dhashay oo ay qaddar Eebbe tahay, haddana waxa dhacday geeri naxdin leh oo mahadho reebtay. Iftiinkii fankaa bakhtiyay, waxa dhintay: mulaxinkii, halabuurkii, muusigyahankii, heesaagii, aabbihii iyo calan-sidihii daah-furay muusigga casriga ah ee Soomaaliyeed. Waxa meel fog iyo reero muskood ku geeriyooday bud-dhigihii masraxa Hereriga ah ee Hargeysa ka tisqaaday, Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo ku caan-baxay Cabdillaahi Qarshe; naxariistii janno Alle ha siiyo e’. Cabdillaahi Qarshe, wuxu ku geeriyooday magaalada London oo uu ku noolaa dhowrkii sannadood ee geeridiisa ka horreeyay. Dhanbaalladii tacsidaa is-weydaartay, waxa soo rogamaday oo karkaarrada soo jabsaday mowjado heeso iyo maansooyin baroor-diiq ah oo gudaha iyo dibaddaba laga tiriyay. Af Soomaali iska daaye xataa maansooyin carabiya ayaa loogu baroor-diiqay. Xuseen Jaamac Rooble “Xaaji Gujis” oo ka mid ahaa halabuurkii heesahaa ballaysimay, tix uu tiriyay waxa xuddun u ahaa:

“Hadda qof iyo dhowr iyo,

Qoys iyo kamuu tegin,

Qolo waxaad tidhaahdo e’,

Annagoo quruunuu,

Qormaduu fadhiyi jiray,

Qarshi nagu banneeyee,”

Cali Xasan Aadan oo loo yaqaanno Cali Banfas oo ay Cabdillaahi Qarshe saaxiib iyo fan-wadaagba ahaayeen is-na baroor-diiqdiisa wuxu ku bilaabay:

“Fanku erey hadduu yahay,

Isir uu hiddaystoo,

Summad lagu arooriyo,

Aqal uu u hoydiyo,

Abtirsiimo loo qoro,

Carro-edeg abwaankii,

Udubkiisa taagee,

Adduunyada dhammaanteed,

Laga wada ogsoonaa,

Iilkiisa geerida,

Alle ha u siraadee,

Maanta aaska lagu noqoy,

‘Waa ayaanba ayaan,

Nin aroosanayaa,

Ninna iil gelayaa,

Dhakhso looga idlaa,’”

Ibraahin Sheekh Saleebaan oo ay Qarshe isku dheeraayeen suugaan-wadaagna ahaayeen ayaa is-na warku magaalada Jabuuti ku gaadhay. Isaga oo ka adkaysan kari waayay geerida naxdinta leh ee ku timid qodkii ugu wenaa ee fanka Soomaaliyeed, wuxu is-na halkaa ka soo dawiyay gabay baroor-diiq ah oo halkudheggiisu ahaa:

“Alleylehe sar weyn baa duntiyo, seeski uu dhigaye,

Alleylehe sallaan baa burburay, loo sinnaan jiraye,

Alleylehe siraad baa bakhtiyay, meel sudhnaan jiraye,

Suugaanta maansiyo fankii, seedahaa go’aye,

Sanbabkaa dalooshamay codkii, suubbanaan jiraye,

Kamankuu sabaalayn yiqiin, suulashaa jabaye,

Saxarrada ayaa nooga guri, sawdka iyo luuqda,

Toloow yaa sarbeebtiyo midhii, siigo ka ilaalin,

So’da laga cabbaayuu ahaa, seben-abaareede,

Allahayow muxuu silic u maray, guusha sahankeeda,”

Iyada oo aan la igu aqoon madasha suugaanta iyo curinteedaba, haddana waxaad ku dhex jirto debnahaaga iyo afkaaguba kama adkaystaan e’, aniguna intaa waxaan ku darsaday hees gaabnayd oo baroor-diiq ahayd oo dhowr beyd ka koobnayd oo beyd ka mid ahi ahaa:

“Muusigga cidaad iyo,

Culay kii u haystee,

Car-tirkana yiqiinow,

Caku weey! Qarshow,

Cabdillaahiyow!”

Axmed Yuusuf Ducaale oo is-na warkaa dhiillada lihi ku gaadhay magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa quudhiisu hees baroor-diiq ah oo Carabiya halkaa ka soo diray. Haddii ay ii suurtowdo dabayaaqada qormadan ayaan idiin ku soo qori doonaa haddii Eebbe idmo.

3dii Noofambar 1997kii oo maalin Isniin ah ahayd oo Cabdillaahi Qarshe lagu aasay xabaalaha Qaranka ee Hargeysa ayay BBC-du oo markaa aan ahayn sidan ay immika tahay bal se ka fiican oo ka niyad wanaagsani, ka diyaarisay barnaamaj u gaar ah taariikhdii iyo wax-tarkii Cabdillaahi Qarshe. Barnaamajyadan oo ku duubnaa cajalad kuwan Rikoodhka ah waxaan ka ammaanaystay Abiib Iimaan oo Idaacadda iyo Telefishanka Qarankaba ka hawl gala. Ilaahay isagana ha ka abaal-mariyo. Tobankaa sannadoodba wuu u mitidayay.

Maxay haddaba maalintaa 3dii Noofambar 1997kii dadkii yaqaannay ka yidhaahdeen Cabdillaahi Qarshe:

1. Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille:

Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’ Yuusuf Xaaji Aadan wuxu ka mid ahaa hanaddadii u kacay dalkan iyo dadkanba. Dagaal ba’an oo saddex dhudood ah ayuu safka hore kaga jiray oo kala ahaa: halgan tacliimeed, mid gobannimo-doon iyo mid suugaaneed oo wuxu ka mid ahaa bud-dhigayaashii Masraxa Hereriga ah ee Hargeysa ka tis-qaaday Kontonnadii Qarnigii hore. Haddaba muxu yidhi Yuusuf Xaaji Aadan markii uu Cabdillaahi Qarshe ka hadlayay:

“Wuxu ahaa nin fannaan ah oo weyn. Fannaaniintu waa in ay laba mid uun ahaataa:

Nin isagu dedaala oo fanka raadiya oo isagu dedaalkiisaa wax ku keena, Iyo nin fanku sida shinnidu dhirta u dhex gasho uu fanku sidaa isaga u dhex galo oo noloshiisaba uu ka mid noqdo,

Cabdillaahi Qarshe labada kan danbe ayuu ahaa. Marka hore waa in uu qofku midhaha heesta allifaa oo tiriyaa. Midhuhu marka la tiriyo waxay u baahdaan in la codeeyo, waxan aynu afka carabiga ku nidhaahno ‘Laxanka’ ayay u baahataa heestu. Ta saddexaad waxay tahay in uu tumo oo uu miyuusig aaladdu waxay doontaba ha ahaatee ku tumo. Ta afraadna waa in uu ku heeso. Heestu marka la tiriyo afartaa qof ayay u baahan jirtay, Cabdillaahi Qarshena isaga ayaa keligii afartaa qofba isku ahaan jiray. Wuxu ahaa nin afartaaba kulmiya. Cabdillaahi Qarshe wuxu ahaa nin waddaniya oo weyn oo halgankii gobannimo-doonka markii aynu ku jirnay hubkii lagu dagaallamay ka ugu weyn ayuu ahaa. Laba halgan baa berigaa is-barbar socdaye, wuxu ahaa raggii ololihii tacliimeed taageeri jiray oo had iyo goor dadka ku boorrin jiray kuna dhiirri-gelin jiray. Heesihiisa guubaabada tacliinta waxa ka mid ahayd: ‘Ogaada ogaada, Dugsiyada ogaada.’ Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo Cabdillaahi Qarshe.”

Afku kuma go’o. Si qurux badan ayuu Yuusuf Xaaji Aadan u raseeyay intii xirfadood ee Cabdillaahi Qarshe ku duugnayd. Waxa intaa u dheereyd oo uu qayrkiiba kaga tegay isaga oo xagga masraxana soo-saare (Producer) ka ahaa oo Riwaayadihii ugu horreeyay oo dhan isagu masraxa saaray. Waxa kale oo intaa u dheereyd xirfaddii abaabul iyo agaasin ee uu ku hoggaamin jirayKooxdii Faneed ee dadka Soomaaliyeed ugu horraysay ee Walaalo-Hargeysa.

Marka aynu racno xirfadahan Yuusuf Xaaji Aadan tiriyay ee Cabdillaahi Qarshe qof ahaan kelidii ku duugnaa, waxaynaan hilmaamayn inti la midka ahayd ee taariikhda fanka inagu soo martay ee ay ka midka ahaayeen: Cumar Dhuulle Cali, Xuseen Jaamac rooble oo Xaaji Gujis loo yaqaannay iyo Maxamed Mooge Liibaan oo is-na afartaa Yuusuf sheegay Jilaannimadu u dheereyd. Ciise Warsame iyo qaar kale oo badan oo aanan halkan ku soo wada koobi karayn.

2. Maxamed Saleebaan Tubeec:

Maxamed Saleebaan Tubeec oo ka mid ah foolaadka heesaaga Soomaaliyeed ayaa is-na mar uu Cabdillaahi Qarshe ka hadlayay BBC-da galabtaa la aasay ka yidhi:

“1957kii ayaanu is-barannay Cabdillaahi Qarshe oo joogay Hargeysa oo aan ka bilaabay shaqada. Cabdillaahi Qarshe wuxu fanka Soomaaliyeed ku soo kordhiyay horto wax la soo koobi karayo ma aha oo aan anigu maanta dhammayn karayo; in la isugu tago mooyaane. Cabdillaahi Qarshe waa ninka soo saaray ee abuuray heesaha lagu raaxaysto ee Qaraamiga. Waa ninkii ugu wax-soo-saarka badnaa heesaha Qaraamiga ah ee Soomaalidu ama fannaaniintu rag iyo dumarba qaadaan. Marka Qaraamigaa la xisaabiyo lix ama toddoba mooyaane inta kale isaga ayaa iska lahaa.

Waxaan ku xusuusanayaa Cabdillaahi heesihiisaa Qaraamiga ah ee uu soo saaray oo inta badan aan anigu qaadi jiray. Cabdillaahi Qarshe qof keliya ma ahayne dhowr qof buu ahaa. Intaa waxaan ku darayaa Ilaahay ha u naxariisto Cabdillaahi, dadkii uu ka tegay iyo Soomaali oo dhanna Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo. Haddii aan maanta dawlad ahaan lahaa oo calan ii taagnaan lahaa Maxamed Saleebaan ahaan, calankayga waan naaqusi lahaa mudnaanta uu Cabdillaahi igu leeyahay awgeed.”

Caalim kuma ihi Heellooyinka Qaraamiga, bal se cilmi-baadhis aan ku sameeyay aniga oo isku deyay bal marka hore in aan diiwaan-geliyo heellooyinkaa waxaan ku guulaystay in aan helo ilaa 45 heello oo kuwii Qaraamka ah. Waxa kale oo aan diiwaan-gelinayay cidda alxaanta lahayd maa daama heellooyinka marna qof tirin jiray marna la wadaagi jiray oo ay qalin-daraale iska ahaayee aniga oo ku kalsoon in Ismaaciil Axmed (Cagaf) ta’liiftooda ugu badsaday. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Ismaaciil Cagaf mar aan dhex qaaday dhaxalkii qornaa ee uu ka tegay ayaa waxaan ka dhex helay ilaa shan iyo toban heello oo aan aniga ii diiwaan-gashanayn. Labadaa markaan isku daro Qaraamka immika diiwaanka aan ku hayaa waa ilaa lixdan. Waxaan aamminsanahay in ilaa toban kale oo meelahaa ku liqaansanna la soo heli karayo.

Aan u soo noqdo tibaaxda Maxamed Saleebaan ee ah lix ama toddoba mooyaane codadka Qaraamka Cabdillaahi Qarshe ayaa iska leh. Waxaan aamminsanahay in Maxamed Saleebaan ay runtii tahay. Maanta halkan Qaraamkii oo dhan kuma soo wada tixi karayo bal se toddobadaa uu sheegay ayaan rumaysanahay in ay ahaayeen: Raaxeeye oo Halac lahaa, Madiix iyo La-yaab oo Gu’-roon-jire lahaa, Kaar iyo Murug oo Saxardiid leeyahay, Rifdoor oo Xudeydi leeyahay iyo mid uu lahaa Maxamed Cali Nahaari. Waa sida ay ila tahay in la I saxona xabka, oo hilmaan hadal kuma jiro.

3. Ciise warsame:

Ciise Warsame oo ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee xaraarta butaysatay ee dhinac walba fanka u rida maa daama uu mowhibado faro badan isku darsaday, ayaa isaguna wax ka yidhi Cabdillaahi Qarshe. Ciise Warsame waa halabuur riwaayado, maansooyin iyo heesaba leh. Waa jilaa. Waa Heesaa weliba ka mid ahaa calan-sidayaashii lixdannadii iyo toddobaatannadii. Waa miyuusig-yahan Kamankiisa tunta. Waa laxan-dhaadhi curiya codadka.

Ciise Warsame isaga oo London markaa joogay, heestan baroor-diiqda ah oo uu tiriyay codkana saaray ayuu isaga oo tumanaya kamankiisii ka qaaday BBC-da galabtaa Cabdillaahi Qarshe la aasayay:

“Haddaan nolosha aadmiga,

Ninna laga horreysiin,

Naxash laguma qaadeen,

Nasteexii Islaamkoo,

Nebigii Ilaahay,

Ka sameeyay nuurkaan,

Nabarka looga tudhi laa,

Dhibta looga nixi laa,

Naaraha Cadaabtiyo,

Nacaybkeeda aakhiro,

Allahayow ka nabad-geli,”

4. Seynab Xaaji Cali (Baxsan

Seynab Xaaji Cali oo ku caan-baxday Baxsan oo heesaaga Soomaaliyeed kuwa ugu magaca dheer oo gude iyo dibadba laga yaqaan, waxay BBC-du wareysatay iyada oo joogtay markaa magaalada Muqdisho, waxaanay tidhi:

“Cabdillaahi Qarshe naxariistii Janno Ilaahay ha siiyo. Tacsidiisii anigu waan diray. ‘Qulu-walle’, Alla-bari iyo Tawxiid ayaan ku dhammeeyay. Ilaahay ha u aqbalo oo naxariistii Janno ha siiyo. Cabdillaahi Qarshe waxaan marka hore ka tacsiyadaynayaa qoyskiisii. Marka xigtana fannaaniinta Soomaalida oo dhan baan tacsi uga dirayaa. Marka xigta ummadda Soomaaliyeed, inta Soomaalinnimada jecel ee calankoodii jeclayd burburay iyo inta beni-aadnimada jecel ayaan ka tacsiaydaynayaa. Naxariistii jannona Ilaahay ha siiyo oo waan ku cel-celinayaa. Cabdillaahi Qarshe wax badan, badan, badan ayaan la fadhiistay. Weligayna waan jeclaa, intii aanan dalka iman ee aan Itoobiya jiray ayaan jeclaa oo heesihiisa dhegaysan jiray. Ingiriiskii markuu Mandheera ku xidhay heesihii waddaniga ahaa ee uu ka tiriyay ayaan aad u xusuusanahay. Cabdillaahi Qarshe intaan la sheekaystay ayaan ku idhi horto miyaanad heeso caashaq ah adigu lahayn oo aanad weligaa iyo allahaa wax caashiqin. Cabdillaahi Qarshe wuxu iigu jawaabay oo igu yidhi annaga oo maalintaa Burco joognay: ‘Waan caashaqsanahay aniguyoo,’ inaantooy oo uu halhays u lahaa isaga oo leh, ‘Anigu waxaan caashaqsanahay dadka, dalka iyo calanka.’ Waxay ahayd 1963kii annaga oo Burco wada joogna. Haddii maanta Soomaali urursan oo dhisan oo mid keliya ah oo calan u taagan yahay haddii ay jirto calanka Soomaalida hoos baa loogu dhigi lahaa. Cabdillaahi Qarshe qof aan ku metelo weli maan arag.”

Halkaa markii ay maraysay ayay Xaaji Seynab tog ilmo ah soo rogaysaa oo iyada oo hiqlaynaysa odhanaysaa: “Cabdillaahi Qarshe naxariistii Janno Ilaahay ha siiyo. Maantana isaga oo Qaxootiya ayuu dhintay. Cabdillaahi Qarshe isaga oo Qaxootiya ayuu waddan ajnebiya ku dhintay. Naxariistii Janno Ilaahay ha siiyo.”

Baxsan oohintii oo joogsan weyday ayaa hadalkii ka kala jartay. Anigii baa adkaysan waayay oo markaan ereyadan qorayay ku daray sidii waxaan la joogay maalintaa.

5. Maxamuud Ismaaciil (Xudeydi):

Maxamuud Ismaaciil oo loo yaqaan Xudeydi, waa fannaan Soomaaliyeed oo ku can-baxay garaacidda Kamanka. Waa halabuur waana mulaxin codadka sameeya, waxaana ka mid ah codadkiisa Rifdoor oo Qaraamiga ka mid ah.

Xudeydi isaga oo ka hadlaya Cabdillaahi Qarshe wuxu yidhi:

“Barashadu waa ay kala duwan tahay e’, marka hore Reer-Cadmeed ayaanu isku ahayn markii Tanzania laga keenay. Wuu iga weynaayoo isaga oo lug keliya ku booda oo kubbadda ciyaara ayaan aqaannay. Laakiin taa marka laga yimaaddo fan ahaan waxaan u bartay 1951kii annaga oo Hargeysa joognay. Fanka waan jeclaaday, waanu igala taliyay. Waxaan ku idhi aan Kamanka barto, wuxu iigu maah-maahay markaad wax baranaysay maxaa ugu horreeyay ee lagu weydiiyay, waxaanan ugu jawaabay buug iyo qalin. Kaman iyo Riishad iibso ayuu igu yidhi. Markaasaad baran karaysaa, waayo ‘Lesson’-kii lagu siiyay cashar ahaan baad uga soo baxaysaa oo guriga ayaad ku soo hagaajinaysaa. Barashadayadu halkaas ayay ka soo bilaabantay.”

Cabdillaahi Qarshe, marka uu Xudeydi sidaa ku waaninayo wuxu ogsoonaa wixii xanaf iyo xanuun ka soo maray barashadii kamanka oo uu marti uga ahaa nimankii carbeed iyo nimankii Hindida ahaa ee markaa qalabka miyuusigga gacanta ku hayay.

Bal hadda aan ku noqonno gaaxdii aqooneed ee Xudeydi:

“Waxtar boqol sano iyo ilaa in ka badan soo hadaafi lahaa oo lagu lug-gu’I lahaa ayuu soo koobay oo maanta marka loo ‘compare’-gareeyo fankeenna da’diisa iyo marka lagu miisaamo funuunta aan la tartamayno, keenna ayaa wanaagsan, waxaanu ku wanaagsan yahay dee waa konton jir keennu haddana waxaanu la tiigsannaa kuwii boqollaalka sannadood jiray. Sidaa aawadeed abaabulka bilowga ninka noo jilciyay waxa kan in ay suuro-geli karto waa Cabdillaahi Qarshe. Soomaalidu kollayba qofka dhinta, ammaan ha lahaado ama yaanu lahaanne, ammaantiisa ayay u bataan. Laakiin anigu runtaan ka sheegayaa isaga. Ilaahay ha u naxariisto e’ horto wuxu ahaa dadka aad xanta u neceb. Qof haddii ay is-dilaan oo aad ku tidhaahdo hebel wuu xumaa, aniga maxaa iigu jira yeelkadiisa…anuu waxaa ma rabo ayuu caado u lahaa oo adiga ayuu kugu xanaaqayaa.Ta labaad nin waddaniyana wuu ahaayoo maanta Soomaali loo sheegi maayo in uu waddani ahaa. Dadkuna ma kala xigin ilaa maalintaa maanta ah ee loo kala fadhiistay bah-bahda iyo odey-odeyga, isagu ma lahayn. Markaa Cabdillaahi waa ‘Monument’, waa Taallo…waa xusuus. Ilaahay ha u naxariisto e’ qof waa uu ka badan yahay.”

6. Cabdille Raage Daraawil:

Cabdille Raage Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo e’, wuxu ahaa halabuur Soomaaliyeed oo ka tirsanaan jiray Kooxdii Waaberi. Wuxu ahaa jilaa ku soo caan-baxay Riwaayaddii Shabeel Naagood ee lixadannadii ee Xasan Sheekh Muumin. Beryihii Taliskii Siyaad Barrel ala dagaallamayay maansooyinkiisii caanka noqday waxa ka mid ahaa: “Duqa ha loo sheego.” Cabdille Raage markii ay BBC-du wax ka weydiisay Cabdillaahi Qarshe wuxu ku jawaabay:

“Cabdillaahi wuxu ahaa waddani aan is-tus-tus is-yeel-yeel ahayn oo lagu tilmaami karo Timacadde oo kale, gabyaa ayaanu ahayne, labadiiba Alla ha u naxariisto e’. Waxa la yidhaahdaa: ‘Nin rooni ma raago’, waxaanu leenahay Jannadii Firdowsa Ilaahay ha ka waraabiyo. Ummaddii uu halganka la soo galay ama uu u soo galayna samir iyo iimaan Alla ha ka siiyo. Meeshiisii oo kaleeto qof cusubi ummadda wuu ku jiraaye Alla ha naga siiyo ayaan leeyahay walaalkay. Lama soo koobi karo jacaylka uu fannaaniinta u qabay. Markii aanu Nayjeeriya aadnay oo dadku nooga soo baabi’I jiray, markii la yidhi igaarkaagii (inankaagii) ayaa dhintay, wuxu yidhi Cabdille Raage ma nool yahay. Markaa meel gooniya oo aniga iga go’day ayaa jirta, waxaan se ku samrayaa in naf waliba mowdka dhan-dhamin doonto. Waa wax anigana igu soo socda, taas ayaanan ku samrayaa gooni ahaan ayaanan u agoontoobay.”

Additional information