Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Dhacdo waliba xusuus mudan, Ayaan waliba murugadeed iyo farxaded ba leh.

Ummad aan tariikh lahayni ummad ma aha, ummad aan qoraa lahaynina tariikh ma leh. Waxaan in badan akhriyay ama dhegaystay maqaallo (articles) badan oo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale.

 

Ku-dhawaad wax ka yar saacad, ayaan dhegaysanay barmaamaj Radio Hargeisa ku lafa-gurayay malintii shuhadada SNM.

Waxaan uga mahad-celinayaa Boobe Yuusuf Ducaale sida uu u soo nooleeyay tariikh in ay inaga lunto ku dhawaatay. Waxa intaa dheer qaabka, hanaanka iyo luuqda oo runtii ku-dayasho mudan, gaar ahaan dhallinyarada aan ka mid ahayna la gudboon in ay ku deydaan.

Waxaan aad ula dhacaa sida quruxda badan ee uu Boobe mar walba uga hadlo tariikhdii SNM. 50% ayaan odhan karaa  Boobe ayaan ka bartay tariikhdii SNM iyo ta Somalilandba.

Aniga oo runtii ka mid ahaa carruurtii dhalatay wakhtigii dayaraduhu duqaynayeen Hargeysa 1988kii, waxaan ku garaadsaday  naafo badan, guryo dunsan iyo rag badan oo miyirkood ku waayay dagaladaa oo gidaar walba tuban.

Waxaa intaa i dheeraa aabbahay oo ku geeriyooday dagaalkii Hargeysa lagu soo galay iyo walaalkay oo dhawac ba'ani ka soo gadhay.

Waxaan odhan karaa haddaanan akhriyin ama dhegaysan tariikhda yar ee sii hadhay maanta ee Boobe iyo inta yar ee kale hormoodka ka tahay, ma garteen mana aan ogadeen wixii uu aabbahay u dhintay iyo waxa uu iiga tegay midna.

Cumar Gadiid

 

Additional information