Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Shirweynihii 6aad ee SNM

Kulan wanaagsan iyo mar kale. Si aynu xogogaal ugu noqonno sooyaalkii taariikheed ee la soo maray, waxaan halkan idiin ku soo gudbinayaa Go’mmadii Shirweynihii 6aad ee SNM. 

 

 

 

Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaliyeed

Shirweynaha 6aad ee DH.W.S.

Go’aannada Shirweynaha 6aad

B/Gubadle, 14.4.1990ka

Hordhac:

Kulan wanaagsan iyo mar kale. Si aynu xogogaal ugu noqonno sooyaalkii taariikheed ee la soo maray, waxaan halkan idiin ku soo gudbinayaa Go’mmadii Shirweynihii 6aad ee SNM. Wuxu ahaa Shirweynihii ugu danbeeyay ee uu qabsado Ururkii Dahqdhaqaaqa Waddaniga ee Soomaaliyeed oo loo soo gaabsan jiray ama loo yaqaannayba SNM. Waxa kale oo uu ahaa Shirweynihii ugu horreeyay uguna danbeeyay ee ay SNM ku qabsato goob ka mid ah goobihii la xoreeyay, gaar ahaanna meel wax yar xagga Hargeysa ka xigtay Xaruntii SNM ee Balli-gubadle.

Go’ammadani waxay markhaati cad u yihiin dhaqankii dimuqraadiga ahaa ee weliba soo taxnaa ee ay SNM hawlaheeda hoggaamineed u agaasiman jirtay oo ay in badan kaga duwan tahay Xisbiyada siyaasadeed ee immika jira.

Go’aammadan waxaan idiin ku soo gudbinayaa sidii ay ahaayeen ama ay maalintaa u qormeen ee Shirweynahaa 6aad looga akhriyay isla markaana loogu qaybiyay ergooyinkii ka soo qayb-galay oo dhammaa ilaa 314 ergay. Hadda tiradan kuma jiraan: Goob-joogayaashii, hawl-wadeennadii Shirweynaha hawlihiisa waday, Kooxddi Fanka ee SNM iyo ciidammadii nabadgelyada mas’uulka ka ahaa.

Akhris wanaagsan,

Boobe yuusuf Ducaale

Tusmada

Hordhac:..........................................................................3

Gogol-dhig.......................................................................6

1. Maamulka .............................................................. 7

2. Ciidammada:............................................................8

3. Dhaqaalaha:............................................................8

4. Siyaasadda, Abaabulka iyo Borobogaandada:..........9

5. Bulshada: ............................................................10

6. Qaxootiga:...........................................................11

7. Go’aanno Qubane ah:...........................................12

Baaq:...........................................................................12

Cambaarayn:................................................................13

 

 

 

 

 

Gogol-dhig

Shirweynihii 6aad ee Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM), ayaa bisha Abril 1990ka, hawlihiisii lagu soo gabagabeeyay Xarunta Ururka ee Degmada Hargeisa, ee Woqooyiga Soomaaliya.

Isu imaatinkan ballaadhan ee Ururka oo fadhiyadiisu ku soo beegmeen 8-guuradii aasaaskiisa (Abril 6dii 1981kii), kuna dhacay jawi xamaasad iyo yididiilo lihi, waxa uu ku astaamaysnaan doonaa:

1. Isaga oo marka loo eego Shirweynayaashii ka horreeyay, ku soo beegmay marxalad taariikhi ah, isla markaana xasaasi ah, oo marka dhinac laga fiirsado amaarad u ah halgankii hubaysnaa oo kor u kacay, guud ahaanna taabtay Soomaaliya oo idil, taasi oo uu barbar socdo taliska faashiga ah, oo ka sii wiiqmya dhinaca awoodda siyaasadeed iyo tan ciidan-ahaaneed iyo dhinaca kale in guulaha SNM ay ku xadfan yihiin, itixaanno adag, oo ay tahay in si xikmad leh loogu babac-dhigo, si hal-abuuritaan lehna looga gudbo,

2. Isaga oo ahaa marka laga eego dhinaca ka-soo-qaybgalka, kii ugu ballaadhnaa, taariikhda Shirweynayaasha Ururka goobtaas oo ay isugu yimaadeen ergooyin, goob-joogayaal, marti iyo war-fidiyeen tiradoodu ku dhawdahay 400 oo qof,

3. Isaga oo marka loo eego Shirwayneyaashii hore ahaa, kii ugu horreeyay ee ku qabsooma safafka ugu horreeya ee jabhadda dagaallada, taasi oo micneheeda gaarka ah leh,

4. Isaga oo ku soo beegmay waqti, ay Gobolkan aan ku uumman nahay iyo adduun- weynahaba ka dhacayaan dabeylo wata is-beddello taariikhi ah, oo saameeyntooda siyaasiga ah ee mawduuciga ah ku leh halgankeenna, iyo guud ahaanba aayaha soo dhaw ee Soomaaliya,

Shirweynuhu waxa uu si qota dheer u dheehday qorshayaashii iyo go’aannada saamaynayay dhinacyada kala duwan ee halganka, uuna dejiyay Shirweynihii 5aad. Waxa uu u kuur galay waxyaabaha ka fulay qorshayaasha iyo go’aannadaa iyaga ah.

Wuxuu si lixaad leh uga dooday gebi ahaamba hawlihii ay hay’adaha sare ee Ururku soo wadeen saddexdii sano ee ka dambeeyay Shirweynihii 5aad iyada oo isla markaa uu jiray dhalliil dhisme u jeedda iyo is-dhalliilba,

Shirweynaha gu’gu, isaga oo si waaqici ah u dersaaya duruufaha cusub ee hadda ka jira saaxadda Soomaaliya iyo waayaha la soo gudboonaaday halganka xoraynta qaran ee ku liddiga ah taliska faashiga ah ee M. Siyaad Barre iyo kooxdiisa, ayuu guddoonsaday Dastuur iyo Barnaamij Siyaasadeed oo cusub, oo ka shidaal qaadanaya waaya-aragtinnimada hodanka ah ee Ururka, cabbiraayana xaqiiqooyinka cusub ee ay tahay in ay la jaan-qaadaan hadba duruufaha jira.

Waxa uu Shirweynuhu marka dhinaca Dastuurka la fiirsho wax ka beddelay qaabkii dhisme-ahaaneed ee jaran-jarada hoggaanka sare ee Ururka, isaga oo go’aansaday in ay jiraan Guddoomiye iyo Guddoomiye-ku-xigeen Urur iyo in Golaha Dhexe yeesho Guddoonshe, waxaana la doortay Gole Dhexe oo cusub.

Dhinaca siyaasadda waxa uu Shirweynuhu xoogga saaray sidii tayada iyo tirada Ciidanka mideysan ee Ururka loo sii adkayn lahaa, loogana sii xoojin lahaa dhinacyada disibiliinka, anshaxa iyo wacyiga.

Shirweynahan oo ka dhignaa bannaan-bax weyn oo ku liddi ah taliska iyo siyaasadihiisa kala-qaybinta, waxa ka soo qayb galay wakiillo ka kala socda dhawr Urur, oo mucaarid ah ayna ka mid yihiin: USC, SPM, SSDF iyo waliba shakhsiyaad muuqda, oo taliska ka hor jeeda, waxaana Shirweynaha lagu qaatay go’aanno dhaxalgal ah oo ku saabsan sii adkaynta, nabadaynta iyoi walaalaynta beelaha Soomaaliyeed iyo midaynta xoogagga mucaaridka ah, ee sida dhabta ah ugu halgamaaya dalka Soomaliya oo xor ah iyo dadka Soomaaliya oo sinnaan iyo caddaalad ku noolaada.

Shirweynuhu markii uu dood dheer iyo qiimayn ku sameeyay xaaladda halganku marayo, goldaloolooyinka jirana si qota dheer u dersay waxay ula muuqatay in dhibaatooyinka marxaladdan jiraa u kala baxaan:

1. Kuwo maamul,

2. Kuwo ciidan,

3. Kuwo dhaqaale,

4. Kuwo siyaasadeed, iyo

5. Kuwo bulsho,

Haddaba si loo saxo dhalliilaha jira, loona toosiyo wixii suura-gal ah dhinacyadaas kala duwan waxa Shirweynuhu farayaa:

1. Maamulka

b. Golaha Dhexe iyo Guddida Fulintu in ay hubiyaan in dhammaan Waxaaha iyo hay’adaha Ururku u daaddegaan goobaha dalka ee xoraysan iyada oo lagu jaan- goynayo qaab-dhismeed maamul oo ku salaysan baaxadda dhulka xorta ama la xoreyn doono iyo duruufaha hadba la marayo. Maamulka Ururku waa in uu noqdaa mid isku xidhan kor ilaa hoos,

t. In Golaha Dhexe, Maamulka iyo Haya’daha kale oo dhammi hubiyaan in ay Ururka ka hirgasho xisaabtan adag iyo in cid walba lagu dabagalo xilka ay hayso, tallaabona laga qaado ciddii gudan kari weyda. Waa in laga digtoonaadaa in mas’uuliyiinta gefkooda lagaga indha-qarsado reer ama koox,

j. In Hanti-dhawrku si joogta ah hawshiisa u qabsado maamulkuna gacan buuxda ku siiyo sidii uu xilkaas u gudan lahaa. Hanti-dhawrku waa in uu u hawl gala sidii uu u joogtayn lahaa hawshiisa una baadhi lahaa isticmaalka hantida Ururka kor ilaa hoos. Isla markaasna waa in uu hubiyaa in baadhistu gaadho laamaha dibedda. Sidoo kale waa in halkii laga sii wadaa hawshii dhinnayd ee Hanti-dhawrku u soo gudbiyay Shirweynaha oo la dhammaystiraa,

x. Si loo hubiyo yaa Ururku xubin ka ah, yaa xuquuq ku leh isaguna waajibaad ku leeyahay, waa in Maamulku ku dhaqaaqaa diiwaan-gelinta xubnaha Ururka ka dib marka la sameeyo ciidanka midaysan ee Ururka,

k. Waa in la diiwaan geliyaa gaadiidka Ururka iyo gaadiidka dadwaynahaba. Waana in hubiyaa in gaadiidka taliska laga qabsadaa oo ah gaadiid Qaran u soo gala gacanta Ururka ee aan cidina si shakhsi ah ugu takri falin. Isla markaas waa in la abuuraa xafiis ama hay’ad hawshaas u xilsaaran,

2. Ciidammada:

b. In maamulka Ururku isagoo kaashanaya Golaha Dhexe, Guurtida, wax-garadka Ururka iyo beelaha waa in uu si degdeg ah ugu dhaqaaqo sidii loo samayn lahaa ciidan Urur oo mideysan. Ciidankaasu si uu u noqdo mid ka amar-qaata, si toosanna ugu xidhan hoggaanka Ururka waa in loo hawl-galaa sidii loo hubin lahaa in Ururku daboolo baahidiisa  kala duwan: taakulayn, dirays, dawo iwm, iyadoo lala kaashanayo saaxibbadeenna shisheeye, dadweynaheenna iyo ilaha dhaqaaqle ee dalka inta Ururku gacantiisa ku jira ka soo bixi kara. Ciidankaas waa in loogu talo-galo in uu noqdo unuggii u horreeyay ee ciidanka Qaranka ee mustaqbalka. Sidaas awgeedna waa in lagu xushaa daacadnimo, hufnaan, waayo-aragnimo iwm,

t. Si loo hubiyo in Maamulku ka hirgalo goobaha la xoreeyay, sharciga, kala- dambaynta iyo haybadda Ururkuna u jiraan, isla markaana Garsoorku u yeesho awood fulineed, waa in la abuuraa ciidan nabadgelyo oo midaysan lehna astaantiisa gaar ahaaneed sida dirays u gaar ah oo Maamulka Ururku  u adeegsado hawlihiisa,

3. Dhaqaalaha:

 

b. Si Ururku u noqdo mid taabba-gal ah una yeesho haybadda iyo awoodda dawladnimo ee uu higsanaayo waa in dib loo habeeyaa loona mideeyaa dhaqaalaha Ururka sida tooska ah ama sida dadban u soo gala. Waxa Shirweynuhu aamminsan yahay in dhaqaalaha Ururka ka soo gala dadwaynaha deggan goobaha deegaanka Ururka ah iyo dibadduba uu ku filan yahay ama dabooli karo inta badan baahida Ururka. Sidaas awgeed waa in la habeeyaa lana mideeyaa cashuurna la saaro xoolaha iyo badeecadaha kala duwan ee goobaha la xoreeyay ka soo dega ama laga diro sida: xoolaha nool, beeyada, raashinka, shidaalka iwm. Sidoo kale hantidaasi waa in ay u baxdaa si qorshaysan oo waafaqsan sharciga Ururka una deegaysa danta guud, walibana waa in Ururku ku dedaalaa sidii seylado loogu heli lahaa xoolaha iyo hantida kaleba ee dalku leeyahay,

t. In hoggaanka Ururka iyo laamihiisa dibaddu u halw-galaan sidii looga heli lahaa dhaqaale iyo dawo iyo taakulayn qalab dawladaha iyo haya’daha samafal ee danaynaya halgenkeenna iyo bani-aadennimadaba,

j. In dib loo habeeyo loona mideeyo taakulaynta Ururka, isla markaana loo qaybiyo si waafaqsan sharciyada u dejisan ama loo dejin doono iyo baahida hadba jirta. Waa in taakuleyntu noqotaa mid mar walba xisaab-celin cad leh, laguna sameeyo kormeer iyo hubin joogto ah,

x. Waxa aan muran ku jirin in dhirta, ugaadha duur-joogta ah iyo guud ahaan dhawrista bi’adda dabiica ah ee Eebbe innagu mannaystay aasaasi u tahay jiritaanka nolosha. Sidaas awgeed waa in xil Ururku iska saaraa,

4. Siyaasadda, Abaabulka iyo Borobogaandada:

b. Iyadoo laga duulayo xaqiiqda ah in midnimada mucaaradka Soomaliyeed tahay shardiga aasaasiga u ah guusha kama-dambeysta ah ee halganka xoreynta ummadeed iyo yaraynta dhiigga shacbiga ee daadanaya, waxa Shirweynuhu u igmaday Golaha Dhexe go’aan-ka-qaadashada iyo dhammaystirka qaab kasta oo iskaashi buuxa iyo midnimo nooc dallaayadeed ah (umbrella form) sidii loola yeelan lahaa ururrada halganka kala soo hor jeeda Taliska M. Siyaad Barre. Shirweynuhu wuxu ugu baaqayaa Ururrada iyo wax-garadka Soomaaliyeed ee nidaamka hororka ah diiddan in ay maskaxdooda iyo muruqooda isu geeyaan sidii loo midayn lahaa mucaaradka iyo halganka Ummadeedba si dhakhso loogu gaadho guusha loo huray nafta iyo maalba, loona dhisi lahaa Soomaaliya ku sugan caddaalad, xaq-soor iyo horumar lagu wada tanaado,

t. Isagoo Shirweynaha 6aad ee Dh.W.S aamminsan in colaadda sokeeye ee ka dhex oogan beelaha Soomaliyeed ay tahay mid uu abaabulay kana dambeeyo nidaamka ummulo-dooxa ah ee M. Siyaad Baree, ugana jeedo cimri-dhererka taliskiisa, iyo in cududda shacbiga Soomaaliyeed isku wiiqmo ee aanay meel uga soo wada jeedsan isaga, ayaa Shirweynuhu u arkaa nabadaynta beeluhu in ay tahay danta ummadeed iyo ta halganka. Si taas loo xaqiijiyo waa in Golaha Dhexe iyo maamulku u hawl galaan sidii ay gacan ugu siin lahaayeen Guurtida iyo duqaytida beelaha, sidii nabad loogu dhex abuuri lahaa dadka walaalaha ah ee cadawgu fidnada ka dhex shiday, loona adkayn lahaa kuwa haddaba bilaabay in ay nabdaan. Ujeeddada nabadaynta beeluhu waa inay ku soo biyo-shubataa sidii bulshada Soomaliyeed meel uga soo wada jeedi lahayd rididda taliska bahalka ah ee Soomaliya burburiyay ugana wada tashan lahaayeen dantooda iyo aayaha dambe ee mustaqbalkooda,

j. Si Mmujaahidiinta, taageerayaasha Ururka iyo dadwaynaha Soomaaliyeed, ama adduunwaynuhuba u garto ujeeddada loo halgamayo loona huray naf iyo xoolaba, isla markaana ay u midaysnaato mabaadi’deenna iyo ficilkeennu walibana siyaasadu u noqoto mid hoggaamisa qorigeenna, waa in hoggaanka iyo dadweynaha si dhakhso ah ugu hawl galaa sidii Mujaahidiinta iyo dadwaynaha loo siin lahaa duruus iyo wacyi siyaasadeed, looguna gudbin lahaa xeerka asaasiga ah, go’aannada iyo shuruucda Ururka loona hubin lahaa in ay ku dhaqmaan. Waxa kaloo lagama-maarmaan ah in lagu dedaalo sidii loo fidin lahaa loona bari lahaa Mujaahidiinta iyo shacbiga kaleba diinta Islaamka oo ah caqiidada ummadeed loogana dagaallami lahaa falalka, anshaxa iyo dhaqanka ummadeed ku xun, tallaabo adagna looga qaadi lahaa ciddii ku kacda,

x. Si Dh.W.S. u ballaadhsado saldhiggiisa siyaasadeed, loona fidiyo baaxadda halganka oo loogu ekeeyo Soomaaliya oo dhan, waa in hoggaanka Ururku u hawlgalaa sidii loo abaabuli lahaa loona dagaal gelin lahaa Aagaga Dhexe iyo Koonfureed. Isla markaana waa in tixgelin la siiyaa degaannada xeebaha Waaqooyi ee dalka,

k. Waxa muuqatay in muddadan dambe xoogaa khilaaf ahi galay laamaha dibedda ee Ururka, taas oo waxyeello u geysan karta ururnimada iyo tayada laamaha. Sidaas awgeed waxa uu Shirweynuhu ku talinayaa in maamulku isagoo  kaashanaya Golaha Dhexe ku dedaalo sidii khilaafkaas loo daawayn lahaa. Si aan mustaqbalka khilaafyo noocaas ahi u dhicin, waa in la hubiyaa in laamuhu ku dhaqmaan xeerarka Ururka u dejiyay iyo iyagu kuwa ay dejisteen. Sidoo kale waa in maamulku dersaa sidii hawshaa laamaha loogu samayn lahaa qaab xidhiidhineed sida heerar gobol iyo waliba kulanno muddaysan oo ay afkaarta isku dhaafsadaan, lagulana socodsiiyo hawlaha ururka iyo qorshayaashiisa, laamuhu ugu mideeyaan hawlahooda dacaayadeed iyo taakulaynba,

c. Iyadoo warfaafinta iyo brobogandadadu tahay hawsha ugu muhiimsan ee halganka, idaacadda Raadyow SNMna ka mid yahay astaamaha halganka jiritaankiisa ee dalka iyo dunida kaleba kala socoto hadba meesha hagankeenu marayo, waxa lagama maarmaan ah in sare loo qaado tayadeeda. Si taas loo xaqiijiyo waa in Maamulku xil weyn iska saaraa, kordhinta tayada iyo awoodda farsamo ee Raadiyaha. Sidoo kalena waa in la isku dayaa in la soo saaro wargeys dhexe (Central Journal) oo lagu baahiyo wararka iyo ujeeddoonka Ururka. Waxa lagama maarmaan ah in la xulo hawl-wadeen arrimahaas u leh aqoon farsamo iyo mid soo saarideed (production) ama faafineedba, laguna dedaalo in la siiyo wixii daryeel ah ee duruuftu saamaxayso. Waxa iyana mudan in fannaaniinta laga taakuleeyo dhinaca qalabka laguna caawiyo in ay afkaarta halganka iyo hiddaha ummadeed u gudbiyaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo shucuubta kaleba,

r. Iyadoo shahiidiinta Ururku ay mudan yihiin xus iyo qadderin mar haddii ay naftoodii u hureen halganka xaqa ah ee ummadeed, waa in Maamulku u hawl- gala sidii loogu samayn lahaa taariikhayn iyo diiwaan-gelinba si aanay u lumin xushmaddoodii loona illaawin wixii ehel iyo ma-huraan ay ka tegeen,

5. Bulshada:

b. Waxa muuqatay in garsoorku yahay meelaha ugu waawayn ee Ururku ka dhantaalan yahay, maqnaashihiisana aad looga tebayo goobaha is-xoreeyay. Taasi waxay keentay in dembiyadii si xad dhaaf ah u kordheen dil, dhul-jiifayn, amar-diiddo iyo iwm. Isla markaasna waxa lumay anshaxii, kala-dambayntii iyo kala-amar-qaadashadii. Si taas loo joojiyo maamulkooduna aanu faraha uga bixin, waa in Golaha Dhexe iyo Maamulka Ururku hubiyaan in garsoorku si degdeg ah uga hirgalo goobaha maamul, gaar ahaan dhulka la xoreeyay. Isla markaasna waa in la abuuraa ciidanka xabsiyada iyo jeelashii dembiilayaasha iyo eedaysanayaaasha lagu haynayay,

t. In, madaama ay suurtoobi karto in la helo, ama haddaba la helay dalal ugu deeqi kara Ururka kaalmo ah daawaynta dhaawaca culus ama naafadaba, waa in ay olole qaadaan Waaxda Arrimaha Dibedda iyo laamaha oo iskaaashanaya, raadiyaanna sidii dawladaha iyo hay’adaha samafalka ee dunida looga heli lahaa taageero daaweynta dhaawaca culus ee halkan wax lagaga qaban kari waayay iyo meelo naafadu gargaar caafimaad ay ka helaan, ama lagu baro xirfado ay naftooda iyo bulshadaba wax ku taraan. Dhaawac culus iyo naafada oo maalin walba soo kordhayaa waa arrin xasaasi ah una baahan in hoggaanka Ururku wax u qabadkooda aanu waxba kala hadhin, waayo waa waajib Ururka saaran, Mujaahidiinta mooralkoodana aad u saamayn karta

j. Waa in lagu dedaalo sidii tababbar caafimaad oo heerar kala duwan ah loo siin lahaa Mujaahidiinta ka soo bixi karta, ilaa heer dibadeedna loogu diri lahaa si kor loogu qaado aqoonta iyo tayada hawl-wadeenimo. Isla markaas waa in hoggaanka Ururku xil iska saaraa sidii qalab caafimaad loo heli lahaa oo dhakhaatiirtu u adeegsato hawshooda. Sidoo kale waa in loogu dedaalaa hawl- wadeenka wixii daryeel ah iyo gaadiid ee lagama maarmaan u ah hawshooda naf badbaadinta ah,

k. Iyadoo ay jiraan in carruurtii dadweynaha soo qaxay iyo kuwii horeba Ururka u      ahaa ay joogaan goobaha la xoreeyay iyo xeryaha qaxootiga iyagoon ku haysan waxbarasho, iyaguna yihiin kuwa aayahooda loo dagaalamayo, berritona ay ku wareegayso xilka ummadeed, walibana aanay Ururka ku yarayn macallimiinta leh aqoonta heerarka kala duwan; sidaas darteed baa hoggaanka Ururka la farayaa in ay si weyn ugu hawl-galaan sidii ubadkaas loogu furi lahaa dugsiyo waxbarasho oo kala duwan iyadoo lala kaashanayo hay’adaha  samafalka iyo dalalka aynu saaxiibka nahay ee arrintaas lugta ku leh,

6. Qaxootiga:

b. Qaxootiga Soomaliya joogay mudoo 10 sano ka badan, keli-taliska M. Siyaad Barrena u isticmaalayay in uu kula dagaallamo Ururradii halganka hubaysan kula jira waa arrin xasaasi ah oo u baahan in deraasad lagu sameeyo sidii loo maarayn lahaa. Haddaba waxa Shirweynuhu ku talinayaa in hoggaanka Ururku u hawl-galo sidii qaxootigaasi dalkoodii ugu noqon lahaa, ama looga saari lahaa loollanka hubaysan ee siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda.waa in Ururku isagoo kaashanaya guurtida iyo wax-garadka qaxootiga iyo beelaha ay ka tirsan yihiin iyo waliba Hay’adaha samafalka iyo dawladaha dunida, lagu soo jeediyo, cadaadisna la saaraa sidii looga saari lahaa qaxootigaas goobaha halganku ka socdo iyo ciidammada taliska faashiga ahba. Waxa mudan in ra’yal-caamka dunida loo bandhigo kaalinta qaxootinnimada aan waafaqsanayn ee loo adeegsanaayo dadkaas iyo in wixii dhibaato loo geysto aan Ururkan iyo shacbiga Soomaaliyeed midna ka mas’uul ahayn. Waxyeellada ay u geystaan dadka iyo dalka Soomaaliyeedna ay qaxootiga hubaysani mas’uul ka yihiin Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysa iyo Hay’adaha ku taageera in ay sii joogaan goobahaa shacbigii lahaa laga bara kiciyay,

t. Si daawada iyo qalabka daryeel ee qaxootiga loogu talo-galay uu dadka qaxootiga ah naftooda u anfaco waa in Ururku isagoo kaashanaya cid walboo ay arrintani khusayso, dedaal u galaa sidii loo awdi lahaa goldaloolooyinka lagu dhacayo ama lagu khayaamaynayo dadweynahaa tabaalaysan. Gaar ahaan waa in la dersaa sidii wax looga qaban lahaa farmasiyaasha dhiirri-gelinaya in daawadu suuqa madow gasho,

j. Iyadoo ay muuqatay tabaalada ay qabaan dadweyneheenna xeryaha qaxootiga ku jira iyo kuwa degaannada ku kala daadsan, waxay Shirweynaha ula muuqataa in si degdeg ah loo abaabulo Hay’ado samafal dibadda iyo gudahaba si ay taakulayn iyo caawino dadwaynahaas dunida ugaga raadshaan,

7. Go’aanno Qubane ah:

 

b. Shirweynuhu wuxu Golaha Dhexe u wakiishay in ay Distoorka qaybtiisa Habka (procedure) hagaajyaan oo waafajiyaan mabaadii’da iyo qaybihiisa kale. Waxa taas ka reebban qodobbada Habka Distoorka ee ka hadlaya Shirweynaha ama qodobbada kale ee Shirweynaha go’aan lagaga gaadhay,

t. Waxa kale oo Golaha Dhexe Shirweynuhu u igmaday in ay dib eegaan koobiyo soddon (31) qodob ee Distoorkii Shirweynaha ka horreeyay ku jiray oo aan lagu soo darin kii qabyada ahaa ee Shirweynaha 6aad la hor keenay, kuna daro Distoorka cusub wixii ula muuqda in ay ku habboon yihiin,

j. Iyadoo la tixgelinayo lana qiimaynayo xilalkii cusbaa iyo hawlihii qadderinta mudnaa ee Guddoomiyeyaashii hore ee Ururku soo qabteen ayaa Shirweynuhu ku xushmeeyay in ay si toos uga mid noqdaan Golaha Dhexe ee Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed,

k. Waxa la xusuusan yahay in dhawr sano ka hor lagu dilay gaadmo Mujaahidiin ay ka mid ahaayeen Guddomiyihii iyo Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Ururka, Alla ha u naxariistee, Cabdulqaadir Koosaar Cabdi iyo Aadan Sheekh Maxamed (Aadan shiine). Dhagartaas fuleynimo oo loo baahan yahay in ciddii geysatay si rasmi ah Ururku meel ugu ogaado ayaa Shirweynuhu hoggaanka Ururka farayaa in  arrintaas loo saaro guddi baadhis tifaf-tiran ku samaysa iyadoo kaashanaysa mas’uuliyiinta dalka dilku ka dhacay, waana in ay ku soo war celisaa Guddida Fulinta iyo Golaha Dhexe,

Baaq:

Waxa Shirweynaha 6aad ee Dh.W.S ugu baaqayaa xubnihiisa in la ilaaliyo lana adkeeyo midnimada Ururka lana xoojiyo halganka hubaysan si guusha kaabiga saran loo hanto. Waxa kale oo loogu baaqayaa ummadda Soomaliyeed iyo Ururrada halgamaaya in ay maskaxdooda iyo muruqooda isugu geeyaan sidii loo soo celin lahaa waddaninimadii, kalgacalkii iyo midnimaddii qaran.

Waxa Shirweynuhu beelaha Soomaliyeed ku guubaabinayaa in ay ka digtoonaadaan colaadaha sokeeye ee taliska nacabka ahi ka dhex aloosayo kuwa hadda jirana ay degdeg u dhammaystaan.

Cambaarayn:

Waxa Shirweynaha 6aad ee Dh.W.S. canbaaraynayaa taliska naf-la-caariga ah ee Siyaad Barre oo beryahan dambe isku deyayay in dagaalka culus ee ay kula jiraan Ururrada hubaysani uu kula galgasho dalalka deriska ah oo uu weerarro cad ku qaado meelo ka gudubsan xuduudda dalka, halkaasoo uu ku laayo maato dumar iyo carruur ah. Gardarradaas oo uu marmariyo ururrada hubaysan waa mid aan waxba uga hirgelin, waxaanu Shirweynuhu ku baraarujinayaa xubnaha iyo Maamulka Ururku in laga digtoonaado shirqoollada uu maaleegayo nidaamka shacbi-diidka ahi.

Guul iyo gobannimo,

SNM baa guul leh,

Geerina Afweynaa leh,

Muuse Biixi Cabdi,                                                                    Cabdi Yuusuf Ducaale,

Guddoomiyaha Shirweynaha 6aad, Xidhiidhiyaha Xoghaynta

Shirweynaha 6aad,

 

 

Additional information