Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Hadimiyo Hantaaq (Naqdi kooban: Buugga Cabdillaahi Yuusuf ee Halgan iyo Hagardaamo)

Haa……Qalinow lagu jecel….. Lagu jamay oo laguu jeel…..Taariikhayna ma nin kaa tallaabsaday oo tixgelin iyo qadderin marna aan ku temmedin ayaa maanta ku tashaday in uu kugu tar-sheegto…

 

Waatan qormadii oo dhamaystirani:-

 

 

Hadimiyo Hantaaq

(Naqdi kooban: Buugga Cabdillaahi Yuusuf ee Halgan iyo Hagardaamo)

“Haa waa wadhiisii,

Sardhadii walaaqnayd,

Wiswiskiyo waswaaskii,

Wiishkii la tegi jiray,

Hurdadii la wici jiray,

Ee damaca waalani,

Keenada ku wadi jiray,

Caawana la weesaaq,

La wandaafiyoo duul,

Lana soo walaanwali,”

Maansadii ‘Waayo-arag’ ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), Addis Ababa, 1983kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Qormadii: 1aad

Hordhac:

Bisinka iyo Yaasiinka…..Tabaaragga iyo Tiirka Bir ah:

Haa……Qalinow lagu jecel….. Lagu jamay oo laguu jeel…..Taariikhayna ma nin kaa tallaabsaday oo tixgelin iyo qadderin marna aan ku temmedin ayaa maanta ku tashaday in uu kugu tar-sheegto……Ma in aad xasho, cusho oo weliba cidaadna mariso ayay kaa doonayaan…..Tagtadeennii ma ay tegin…..Taallo waa la joogaa…..Ma timaaddadeennaa? Taariikhda togan baan, ka tilmaansan doonnaa….Dadow idinkuna nasiibkiin…..Ma mid aan idin danayn oo idinka danaystay ayaa maantana u darban in uu mar kale iyo marar badanba idin ku danaysto…..Hilbahaagi yaa cunay…Yaa haadka kuu wadhay…..Ma kuwii xuska iyo xusuusta intii ay xayga ahaayeen kaa waayay, ayaa hollinaya marka ay xijaabtaan in aad ku xurmeyso xuruuf xar galay oo hoosta ka qallalan oo ka qalaalan….Ma qof aan la xaalayn, ma qof aan la xiisayn, ayaa maanta xurmadaada raba….. Oo miyay dhacaysaa! Baabbacadaa timo ka eeg!…..Ninba intii uu geystay ayaa u taalla…..Miyaanu Cabdi Iidaan Faarax hore ugu odhan maansadiisii ‘Awrka dooh ma lagu yidhi’:

“Ninba weel uu daray baa,

Deyn loogu leeyahay,”

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: “Ninna afkiisa lagama xaal-siiyo.” Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa maalin BBC-da laga wareystay intii uu ku jiray doorashadii bishii Oktoobar ee 2004tii ee dalka Kenya, hal-muceedyadii maalintaa laga guntay waxa ka mid ahaa hadal u ekaa: “Soomaaliyi maanta Habaar-qabe aniga oo kale ah ayay u baahan tahay.” Horto ‘Odeygeennu’ maa daama uu magacan jantay oo uu run ahaantii aad ugu jeelay, innaguna kala masuugi meynno e’ waa aynu ugu deeqaynna oo weliba wan-qalna ugu bireynaynaa. Haddii laga tegi waayana xataa bunka waa u saloolaynaa ha ku fool baxsado e’. Maalintaa waxa kale oo hadalkiisa ku jiray in uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee Maxamed Siyaad Barre xabbad kala hor taga ee ku rida. Malaha ‘Odeygu’ in uu hadalka inaga badhxo ayaa fiicnayd, maxaa yeelay abwaankeennii halgamaaga ahaa ee Hadraawi ayaa hore inoogu sheegay maansadiisii ‘Heeliyo’ Tuduc ahaa:

“Hollashada dagaalkana,

Hooto-rogasho ma aad lihid,”

Maxay xusuustu hadba tog ila xulaysaa! Waa halkii Hadraawi e’: “Maxaa qalinku sheekiyo, qubanaha dharaartiyo, kolba qodob la yaabliyo, mahadhooyin qorayaa.” Maanso uu Ibraahin-gadhle lahaa oo uu ugu jawaabayay Yam-yam, 1989kii, labadoodaba naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, ayaa waxa ku jiray tuduc ahaa:

“War aan Gaarriyow helay,

Igu noqoy gantaaloo,

Xalay gelin dhexaadkii,

Gogoshaydi iga kici,

Gama’ iyo hurdaba nacay,

Gaydhaan la toosiyo,

Goohaan la jiifiyo,

Waxa gubashaday baday,

Yam-yam baa gob baan ahay,

Gabay noogu soo diray,

Annagana gun nagu yidhi,”

Alleylehe, tii teedii ayaa loo taagan yahay, oo nafta loo dudayo Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaaba yidhi wax baan qorayaa oo weliba ummad aanu xilkeedii gudan oo uu weliba intiisii gumaaday, maantana cay iyo digashaba isu raaciyay.

Waa se nasiibkii haddii uu la tagoba. Malaha wuxu is-leeyahay guul ayaad la tallaabsan doontaa. Bal adba! Ibraahin-gadhle aan ku noqonno sidii uu ugu farxay in Yam-yam soo weeraro. Waa farxadda farxaddeedii, intii Ibraahin-gadhle maalintaa yidhina bal horto aan dhigo:

“Ma ninkaan tib iyo qori,

Usha ugu tukubayee,

Taagi laa maxkamad baa,

Igu tumay albaabbada,

Arrin waliba taa lee,

Tuuggu ways qariyaa,

Halka uu ka xado tulud,

Tahan buu ka guuraa,

Toddobaadkan Xaajoow,

Mid tiriig sitaa yimid,”

La ye: Maantana Cabdillaahi Yuusuf Axmed Yey oo la ogaa wixii uu Soomaali soo mariyay ayaa qalin iyio warqad qaatay oo buug qoray. Qalinka, Dawaadda iyo waraaqaha la masabidayba annaga ayaa xaal siinnay. Weligii qalin iyo waraaq is-ma saarin oo dhaqankaaba ma lahayn ayaa la idin ka yidhi. Waqii intii uu noolaa wax ma akhriyin. Intii xusulkii xabaal ka sarreeyayna, ninka buug ehel u noqday ma aha. Garashada iyo aqoontaba la col ayuu ahaa, sidii ayaanu u neceb yahay ilaa maantadaa aynu joogno. Waxaan is-leeyahay gororkan yar ee laga soo weriyay ee buugga lagu sheegayna, dirqi iyo si fool adag ayaa lagaga soo tuujiyay. Waxaan is-leeyahay rikoodh yar inta la hoos dhigay ayaa laga matajiyay.

Miyaanu Hadraawi ku odhan maansadiisii ‘Heeliyo’ mar kale iyo marar badan oo kaleba:

“Hadashada aqoontiyo,

Hindisaha garaadkana,

Hungo qaawan baad tahay,”

Bal Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo taariikh-nololeedkiisii ka sheekaynaya aan afkiisa ka qaadno innaga oo soo xiganayna qaybo uu arrintaa ka qoray, waxaanu sheegay in uu ku dhashay Birta Dheer oo Garowe u dhow 1934kii. Miyiga ayuu ku koray oo ku barbaaray, ka dibna wuxu qortay askari. Waqti ku beegnaa 1956kii ayaa dalkaa Talyaaniga loogu diray laba sannadood oo leyli sarkaal ah. Sidaas ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku soo koray kuna soo gaadhay halkan uu joogo. Ma aynaan maqal in uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed wax isu baray sida saraakiil badan oo kale oo la mid ahayd oo aynu ka soo qaadan karayno: Jaamac Maxamed Qaalib iyo Maxamed Faarax caydiid.

Alla! Cabdillaahi Yuusuf Axmed iska aammus lahaaye! Miyaanu Cabdi-qays ku heesin:

“Shib baa igu habboonayd,

Debnehoon shakaalee,”

‘Odeygeennan’ cumaamaddii ka dhacaday ayay shibtaa iyo shanqadh-la’aantaasi ku fiicnaayeen. Bal maxaa ka hadliyay. Qaar aan u furayn ayaa u raray oo goob cidla’ ah kaga tegay.

Qormooyinkan taxanaha ahi, waa Naqdi aad u gaaban oo aan ku samaynayo  buugga la yidhi Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa qoray. Tanna ma I noo danbaysay. Waa halkii Xaaji Af-qallooc ka lahaa:

“Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa,” Odhaah Soomaaliyeed ayaab ahayd:

“Ninkii dhiman waayaa muxuu tu walba arkayaa.”

Buuggan oo ka kooban 428 bog wuxu u qaybsan yahay Tusmo ahaan ilaa 96 xubnood, oo xubin kasta ama mowduuc kastaa bog ama bogag ka kooban yahay. Marka aad eegto baaxadda buugga, kama aan wada gaadhin in aan mowduuc kasta naqdiyo, bal se waxaan isku koobay qaarkood oo aan danaynayay ama dadkaba xiiso gaar ah u lahaa. Aniga oo si guud u naqdiyaya buuggan, ayaan haddana culayska saaray mowduucyo ay ka mid yihiin:

  1. SNM wixii laga yidhi,
  2. Halgankii SSDF,
  3. Hoggaamintii Cabdillaahi Yuusuf Axmed,
  4. Xidhiidhkii Itoobiya, Liibiya iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed,
  5. Sababihii ay isku seegeen Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Itoobiya,
  6. Iyo arrimo kale oo aan si aan dhumuc lahayn u qaadaa-dhigayo,

Maa daama aanu buuggani si buuxda gacantayda ugu jirin ee aan dad kale la wadaagayo, ha la yaabina haddii aan mar kale iyo marar badan oo danbe ku soo noqdo Naqdiga buuggan, maxaa yeelay wax mar lagu dhammayn karo ma aha.

Bilow iyo ballaysin aan bireysnayn:

Aan dhareerka dib u ceshado, oo horto hanbalyo iyo bogaadinba u diro cidda iska leh daabacaadda buugga oo si qurux badan oo tayo leh u daabacday. Jeldi iyo waraaqba waa heer sare, bal se wax ka hooseeya ayaan jirin. Guusha la iskama xistiyo e’, aan bahda daabacday buugga intooda u qiro oo ku idhaahdo hanbalyo iyo bogaadinba naga guddooma. Malahayga se, buugaag kale oo dadka uga faa’iido badnaan lahayd ayaa idiin ka habboonayd in aad dedaalkaa gelisaan. Quruxda iyo jeldiga ayaa lagu asturayaa madhnaanta iyo macno-la’aanta buugga.

Maansadii Jiitama ee Hadraawi ayaa waxa ku jiray tuduc ahaa:

“Dalka oo dhan nuurkiyo,

Dharka loogu xidhayaa,

Dhaanto loogu tumayaa,

Dhaldhalaalka beenta ah,

Ayaan dhuux ka hoosayn,”

Berigaa Hadraawi maansadan wuxu ka tiriyay dhaldhalaalkii dabbaal-degga Oktoobar loo samayn jiray. Shaqalka iyo sharaxa buuggan ayaa taas oo kale ka dhigan.

Mar labaadka, wixii uu doonaba ha qoro e’ in Cabdillaahi Yuusuf Axmed wax ka hadhaanna ma xumo. Weliba intii cid kale wax ka sheegi lahayd, in uu isagu iska sheego oo iska sheekeeyo ayaa ka fiican oo aan berri la odhan been baa ‘odeyga’ laga sheegay.

Mar saddexaadka, waxaad madax-wareer ka qaadaysaa hab-raaca (Methodology) loo cuskaday qoraalka buuggan, wax walba buug laguma sheego e’. Bal ila eega qodobbadan tilmaanta iyo tusmadaba u ah:

· Ma aha sheeko taxan (narrative) oo loo dareerinayo sidii loo qori jiray sheekooyinka nooc ay yihiinba,

· Ma aha baadhis qoton iyo dhumucba leh oo mowduucyo la xiiseeyo oo dadka Soomaaliyeed saamayntooda ku leh lagu axadhayo ama lagu gorfaynayaba.

· Ma aha dhacdooyin taariikheed oo taxane ah oo la marinayo,

· Waa booshaaq sidii gaaraa-bidhaanka hadba meel ka hillaacaya oo wax yar oo laga roon yahay hadba soo tufaya,

Waxa wax walba ka daran sida aanu buuggani u lahayn wax raad-raac ah (bibliography). Haddii aad wax qorayso sow qoraalka lagaagama horreyn oo in aad cid cuskato ama tixraacdo loo ma baahna. Buuggani waa dareeris sida aad u akhriyayso ayaa waxa kugu soo baxaysa kelmedda Dhammaad oo far waaweyn ku qoran. Hadal-tirada buuggan 428 bog ah ku qoran maxaa raad-raac loo hayaa? Haddii kale sow macno-la’aan ma aha.

Hore ayaa loogu maah-maahay “Nimaan quusan, naftiisa ayaa quus ah.” Bal ka warrama haddii Cabdillaahi Yuusuf Axmedba weli hadlayo. Miyaanu Cali Sugulle Dun-carbeed hore u odhan:

“Ma hadhin hadal la is-yodhaahdaa,

Hubsiimo hal baa la siistaa,”

Qalin iyo qoriba waa lagu dagaallamay oo xaq iyo baaddil ayaa is-laayay. Waa lagu kala calaf qaaday oo waa lagu kala guulaystay. Dorraad Deelleey ayaa foodda la isku daray. Waa la ogaa wixii ka dhacay oo waa tii Xasan Ganey guusheedii ka yidhi:

“Duub taa ku kala saar,

Lixley baa dillaacdee,

Dibudhaca af-jinacley,

Duhurkii guray tidhi,

Damacna yaanu kaa gelin,

Dib in aad u jebisee,

Ii sheeg da’daaduun,

Aad I noo ducaysid e’,”

Tolow, Cabdillaahi Yuusuf Axmed miyaanu duruustan baran oo aanu casharradan dhiganba. Ma in qeyrkii loo dardaar-werinayo ayuu moodayaa. In uu isaguna ku jiray miyaanu ka war-qabin.

‘Daalalleydiina’ miyuu illoobay! Ma wuxu moodayaa in dagaalkii weli socdo. Sow tii lagu kala food-qaaday ee intii uu ka tirsanaa ee Digtatoor iyo talo-maroorsade lahayd laga adkaaday. Ma iyagaa joogaba meel ay ka hadlaan. Gaal-la-joogtii xukun-maroorsiga ku mamtay sow tii shadaafta loo laabay. Miyay ku caweeyaan degelladii ay sida haldhaaga tallaabsan jireen. Sow ma ahayn in uu Cabdillaahi Yuusuf jaxaasto ‘Daalalleydii’ asaaggii loogu quus-gooyay. Hadraawi hadalka miyuu badhay? Miyuu dhex joogsaday? Inta uu ka badheedhay miyaanu odhan:

“Inta daran intaw daran,

Haddaan duulal lagu falin,

Haddaan deebta gumuciyo,

Lagu guban dabkaan shido,

Duhur laysla wada jiro,

Haddaan guusha lay deyn,

Alleylehe docdaydii,

Ha goblamo Dal-weynuhu,”

Cabdillaahi Yuusuf Axmed miyaanu ka dheregsanayn in aanu goblamin Dal-weynihii ee la dhacsaday oo maanta aanu dhex joogno oo aannaan marti ku ahayn meel baas iyo reero muskood.

Daawasho ku-digasho leh, bal aynu ku dhex qaadno waxan buugga lagu tilmaamay ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaan-darradiisa ku soo bandhigayo shakhsiyaddiisa dhabta ah iyo duunkiisa hoose waxa ku jira ee aan qowmiyad iyo qarannimo ehelka u ahayn bal se ku qotoma qudhunka iyo qabyaaladda aanu ka weynaan da’da uu maanta ayahay.

Buuggu waa mid jeldi adag (Hard Cover) oo weliba la huwiyay warqad aan is-idhi qurux ayaa looga dhigay, run ahaantiina lama huwiyeen haddii uu nuxur xanbaarsan yahay. Warqaddaa yar ee la is-yidhi ku astura marka aad rogto ee aad gasho gudaha oo bidixda ah, waxa ku yaalla sawir aanann garan waxa looga jeeday iyo halkudhegyo la taxay.

Waxba sawirka isku daalin meynno e’, bal aynu dhex qaadno halkudhegyada oo aynu qaarkood faallo aad u kooban saarno. Waa halkudhegyo ku dhex jira ‘kolmo’ ama waxan afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Quotation’, oo malahayga aan is-leeyahay waxa laga soo xigtay ‘macallinka’ weyn ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo aad u jecel weligiina ku riyoon jiray in uu halkudhegyo yeesho sida hoggaamiyayaasha caan-baxay, bal se tix iyo tiraabba wax laga gunto la waayay inta si walba loo godliyay.

Wuxu ku bilaabayaa Itoobiya oo laga wada dheregsan yahay sidii iyo sida uu ula macaamilayba. Bal hadda tu’ Allaba badan e’, ‘Odeygeennii’ xakiimka ahaa ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed wuxu I na leeyahay:

“Itoobiya waxay danaysaa in ay dalka ka dhismaan maamullo yar yar oo aan midnimadoodu yeelan karin awood ay boorka kaga jafaan siyaasaddii Soomaali-weyn oo ah laf dhuunta kaga taagan Itoobiya.”

Ma ila socotaan! “Odeygu’ horto Itoobiyadan uu ka hadlayaa maa tii hore ee Mengistu Xayle Maryam ee uu kabo-qaadka u ahaa ee uu Soomaali ku madhiyay baa, mise waa tan hadda jirta ee Meles Zenaawi ee uu gacan-saarka la lahaa? Ilaah baa igu og Naqdi kooban ayaan qalinka u qaatay e’, qodobkan oo keliya ayaa buug sidiisa ah laga dareerin karaa haddii loo muraado.

Bishii Maarj 1983kii waxa magaalda Harar ku qabsoomay wax loogu yeedhay Shirweynihii 3aad ee Jabhaddii SSDF-ta. Madashu waxay ahayd Akaademiyada ciidammada ee marka aad Raas Hotel ka tagto ee aad faras-magaalaha ku socoto bidixda kaa qabata. Waa fagaaraha ugu weyn uguna quruxda badan magaalada Harar. Taallada ninka waranka sita ee galbeed u jeeda ayaa ku taalla. Isla bishii Juulay 3dii 1983kii ayuu Shirweynihii 3aad ee SNM-na isla hoolkaa ka furmayaa.

Ka-qayb-galayaashii Shireynahaa SSDF-ta waxa ka mid ahaa Marxuum Iikar Xaaji Maxamed Xuseen[1] oo isla habeen lala toogtay Cabdiraxmaan Caydiid, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Labadan ninba saaxiibbo mabda’-wadaag ah ayaanu ahayn oo Gurigii Ummadda ee Xamar ayaanu muddo dheer ka wada shaqaynaynay. Waxaanu ka wada tirsanaan jirnay Guddidii Qoraalka ee wargeyskii Halgan ee XHKS. Maalmahaa Shirweynaha SSDF-tu socday ayaa Iikar Xaaji Maxamed Xuseen iigu yimid Hudheelka Raas ee magaalada Harar, isaga oo qoslaya. Iikar wuxu igu yidhi:

“SSDF ahaan waxaanu maanta Shirweynihii ku go’aansannay in aannaan dib u sheegan dhulka Soomaali-galbeed oo aanu u aqoonsannay in uu yahay qayb aan ka go’i karin dalka Itoobiya.” Maalmo yar ka dib ayay Dawladdii Itoobiya nafteedii qabsatay SSDF-tii oo ku tidhi: “Yaa waxan idin ka dalbaday.”

Qoodhiin iyo xeradiin iyo xilihiinba, intaad ifka ku noolaydeen hore iyo dib midnaba miyaad u maqasheen: Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Itoobiya waa col! Bal hafarka iyo habaabinta intaa le’eg eega.

Beryahaa mar aanu joognay magaalada Harar ayuu goor qedadii ku beegnayd Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo direyskii ciidanka Soomaalida ee Korneylnimada leebbisani Raas Hotel oo Harar ku yaal noogu yimid. Markii uu baabuurkiisii ka soo degay ayaa laba land-cruiser oo daba socday waxa ka soo daatay ilaaladiisii gaarka ahayd oo la odhan jiray ‘Shibbanayaasha’. Waxaanu ahayn dhowr mas’uul oo SNM ah. Annagu markaa waanu qadaynay oo waanu sii baxaynay. Waxa kale oo Cabdillaaahi Yuusuf Axmed daba socday nin la odhan jiray Cabdilqaadir Bologna oo aan ka hadhi jirin dadka dhegihiisa haystana ka mid ahaa. Intayadii SNM ahayd maalintaa waxaan ka sii xusuustaa: Cabdilqaadir Koosaar iyo Ciise Curaagte.

Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo la gelbinayo ayaa Ciise Curaagte ku jeestay oo ku yidhi: “Waar Ciise ma nabad baa? Oo horto ma Cadan ayaad ku dhalatay.” Ciise Curaagte inta uu ilka-caddeeyay ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo sii socda ku yidhi ama ugu jawaabayba:

“Wallaahi maya e’ Hawd ayaan ku dhashay oo caqli-xumaanta mar baan Mudug ku dhalan gaadhay.”

Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo sii koraya sallaankii hudheelka Raas ayuun baa mar keliya ku war helay dadkii oo qosol rafanaya, macaa Shibbanayaashii ilaalinayay.

Habeennimadii 8dii Jeeniweri iyo galabnimadii 9kii Jeeniweri 2012ka ayaan daawanayay Universal TV, barnaamaj London ka socday. Waxa ku doodayay laba nin oo mid sheegtay in uu Guddoomiye u yahay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga, ka kalena ahaa Cabdirashiid Aadan Seed oo isaguna sheegtay in uu yahay safiir wareega, cidda uu ka socday garan maayo e’. Cabdirashiid waa dadka Cabdillaahi Yuusuf Axmed jarka ugu tallaabsaday ee uu ugu mahad-celinayo buuggiisa isaga oo sheegay in ay gacan ka siiyeen qoraalka. Cabdirashiid wuxu ka mid yahay dadka qoray weedhan aan faallaynayo ee uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku eedaynayo Itoobiya.




[1] Xaaji Maxamed Xuseen, wuxu ahaa siyaasi caan ku ahaa saaxadda siyaasadeed ee Soomaaliyeed. Wuxu ka mid ahaa madaxdii Xisbigii Somali Democratic Union ee loo yaqaannay ‘Calan-casta’. Wuxu ka mid ahaa geesiyaal uu abwaankii weynaa ee Qaasim ku xusay maansooyinkiisa, markii uu ku lahaa maansadii Hasha: “Arbow Ina Xuseen baan lahaa, haw alleen-jaro e’”.

 

Additional information