Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Cabdilahi Yuusuf Axmed iyo adduun-aragga siyaasiyiinta Somalida ee maanta

Alle ha ha u naxariistee, waxaa geeriyoodey ninmagic weyn iyo raad aan la yaraysan karin ku lahaa siyaasadda Somalida ee maanta, taariikhdii burburkeedana qayb wayn ku la haa.

 

 

 

 

Qalinka: Aadan Muuse Jibril-adamjibril@hotmail .com

Qoraalkani iyo kuwa ka dambeeyaa waxay koobnaan doonan arrimahan soo socda:

1. Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo saamaynta ay ku

yeelatay dabeecada adag ee Mudug,

2. Cabdillaahi Yuuusuf Axmed iyo saamaynta

waqtigii uu noolaa,

3 . Cabdillaahi Yusuf iyo saamaynta Askarinimadu

ku yeelatay aragtidiisa iyo go'aammadiisaba,

4 . Af-genbigii 1978kii, doorkiisii iyo ujeeddadiisii,

5. Af-genbigii uu ku riday Guddoomiyihii Ururkii

SSF Mustafe Xaaji Nuur iyo ujeeddadii

ka dambaysey,

6. Dhalashadii iyo burburkii ururkii SSDF iyo

kaalintii uu ku lahaa,

Alle ha ha u naxariistee, waxaa geeriyoodey ninmagic weyn iyo raad aan la yaraysan karin ku lahaa siyaasadda Somalida ee maanta, taariikhdii burburkeedana qayb wayn ku la haa. Sidaas awgeed qiimaynta taariikh-nololeedkiisu waxay dhex-taallaa dadka Somaliyeed oo dhan, waana waajib in loo qiimeeyo si mug leh oo gar-soornimo ah, iyada oo ay tahay waqti isa-saamax ku habboon, ayaa haddana ay tahay in taariikhdana xaqeeda la siiyo oo aan been laga sheegin sidii wax u dhaceen iyo sababaha ay u dhaceen midna. Rag badan oo ka hadlay taariikh-nololeedkiisii iyo saamayntii uu ku lahaa siyaasadda Soomaalida ayaan dhegaystey. Raggaasi dhamaantood waxay ka hadleen, oo keliya, qof la yidhaahdoCabdillaahi Yuusuf Axmed ee kama ay hadlin Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo ahaa Daahirad Ijtimaaci ah (a Social phenomenon) oo xidhiidh la lahaa waqtigiisa, bulshadiisa iyo cimilada dalkiisa,kuwaas oo samayn ku lahaa korriinkiisii iyo aragtidiisii uu nolosha ku camal-fali jrey.  Waxaas oo dhan oo isku dhafan ayaaa ka dhigay Cabdillaahi Yuusuf Axmed, Alle ha u naxariisto e’, (sida qof kastaba oo jiraa yahay) Daahirad ijtimaaci ah caalam sidiisa u taagan oo aan xuduud lahayn, guntiisana la gaadhi karayn,kaas oo ka kooban dhinacyo fara badan.Tusaale ahaan markii Qaarada Ameerika la helay ayaa nin dhakhtar ahaa yidhi “qof keliya oo Beani Aadam ah maskaxdiisa ayaa ka weyn Ameerika, taasaana u baahan in si qoto dheer loo baadho”.

Aniga oo haddaba ka eegaya dhinacyadaas badan, ayaa waxaan rabaa in aan wax ka idhaahdo saddex Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo aan aqoon kooban u lahaa, ama saddex dhinac oo ka mid ahaa waxyaalihii sameeyey aragtidiisa, dhaayihiisa iyo  awooddiisa qof ahaaneed,iyo waxa uu la wadaagey guud ahaan siyaasiyiinta Soomaalida ee maanta iyo weliba wax uu kaga duwanaa:

Cabdillaahi Yusuf Axmed iyo saamaynta cimilada dalkiisa:Geyiga uu ku dhashay ee uu ku ababay kuna barbaaray waa gobolka Mudug ee badhtamaha Soomaliya oo ah gobol ku can-baxay colaado iyo dabeecadda dhulka ama cimilada oo aad u adag marka loo eego gobollada kale ee Soomaalidu degto. (Wiil labaatan jira oo Mudug jooga Ilaahay uma xil-qarin)

Mudug waxaa dega reeraha Maxamuud Saleebaan (Majeerteen) Habar-gidir, Marreexaan, Wacaysle (Abgaal) iyo reerro yar yar oo kale,waxaana ka imaan jirey badiba siyaasiyiintii Soomaliya soo xukumay, laga soo bilaabo cabdirashiid Cali Sharmaarke ila Siyaad Barre. Dabeecadda adag ee Mudug waxay Cabdillaahi Yuusuf ku dheehday sifooyin badan oo bart-tilmaameed u noqon karaya shaqsiyadda uu yeeshay ee gaarka u ahayd; sida mintidnimo, geesinnimo, madax-adayg, ma-daalennimo, iyo damac xad-dhaaf ah. Intaas oo dhami waa waxa Soomaalida xoolo- dhaqatadu, gaar ahaan degaanka Mudug looga  yaqaan sifooyinka“Ninka Ragga ahi” leeyahay. Cabdillaahi Yuusuf Axmed, Alle ha u naxariiso  e’, wuxuu lahaa maskax dabeeci ah oo ka sarreysa midda qofka caadiga ah, taas oo awood u siisay in uu markii uu ku jirey Academigii Ciidammada ee Frunze Academy in uu noqdo qofka mar walba u  gala lambarka kowaad imtixaannada, sidaana madax ugu noqday kooxdii Somaliyeed ee uu kula jirey Academiga (ogoobey Cabdillaahi ma soo marin tacliin-dugsiyeed oo rasmi ah( formal education) ee isaga ayaa mintidnimo wax isku baray.

Abdilahi Yusuf iyo Saamaynta waqtigiisa:Cabdillaahi Yuusuf Axmed, wuxu ku barbaaray dhulka baadiyaha ah ee Mudug 1930s. Waqtigaas oo, sida aynu malayn karro, Soomaalida xoolo-dhaqatadu ka sinnayd aragtida qabyaaladda oo markaas ahayd midda keliya oo qofku ku koro kuna ababo ama adduun-aragga qudhah ee jirey waagaas. Taasi waxay dhaxlsiisay Cabdillaahi inay aragatida qabiilku si qotodheer u saamayso, asaga iyo dadkii da’diisa ahaa ee Soomaalida, gaar ahaanna kuwii ka soo jeeday goblka Mudug ee ay isku waqti barbaareen, sida Siyaad Barre, Salaad Gabayre, iyo General Maxamed Faarax Caydiid, oo dhammaantood ka soo jeeday gobolka Mudug. Raggaasi oo markii ay Xoogga Dalka Soomaliyeed ku jireen loo yiqiin (afarta damaaci,) sida uu ii sheegay,  Alle ha u naxariistee, General Cabdulle Barre.

Cabdillaahi Yuusuf iyo saamaynta ay ku lahayd askarinimadu: Aragtidiisa iyo go’aammadiisa Siyaadsadeed waxa saamayn weyn ku lahaa Askarinimada. Askarinimadu ama Millaterigu waa xirfad loo tababaro  ujeeddada dagaalka iyo adduun-araga dagaalka. Taas oo qofka ka dhigta una habaysa idolojiyada dagaalka, oo ah in wax walba lagu xalliyo laguna dhammeeyo dagaal aan waan-waan iyo jixin-jix midna lahayn.Dagaalkuna sidiisaba waa ku adkaw ama ku dhimo.Iyo marka aad adigu sarraysona amarkaagu ha socdo, marka lagaa sarreyona amar qaado.Taasaana sabab u ah in talisyada askartu hoggaamiyaan u iishaan digtaatoorinimo iyo-keli talisnimo.

Sidaas darteed, ayaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed ugu jihaysnaa dagaal milleteri oo joogto ah, iyo fal-celin toosah oo aan waan-waan iyo hakad siyaasadeed midna lahayn.Taasaana keentay in adduun-araggiisu ahaado mid af-genbi milleterii ah oo aan marnaba waan-waan iyo meel-dhexe ama dibuheshiin lahayn. Sidaas darteed ayuu waqtigii uu hoggaaminayey Ururkii SSDF ugu hoggaamiyey dhabbaha keli-talisnimada iyo nin toocsiga aan debecsanaanta lahayn. Taasoo ugu dambayntii burburisay urukii SSDF oo ahaa mid ay Soomaalidu u dhammayd markii hore, ka  gadaalse ku soo koobay reerka uu ka soo jeedo oo keli ah, arrimaha kor ku xussan darteed . Cabdillaahi Yuusuf Axmed, xorraynta Soomaliya waxaa uu u arkayey sidii laba ciidan oo iska soo hor-jeeda oo u dagaalamaya ujeedada ah in shacabka Soomaalida marba labada ciidan ee dagaalamayaa ka xoog rooni qabsado, ka dibna xoog ku xukumo. Shacabkana waxuu u arkayey wax aan kaalin ku lahayn halganka iyo xukunka dalka toona. “Aadanow waxaynu u baahanay labaatan dayaaradood oo Helicopters ah, oo aynu Madaxtooyada kaga dul degno oo Siyaad Barre ku qabano oo keli ah. Madaxweyne Mucamar Qadafi baan inoo weydiin doona in uu ina siiyo”  Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa igu yidhi annaga oo dayaarad Helicopterah oo ay Ethiopia leedahay ku kormeerayna Xeryaha Jabhadii SSDF. Taasi waxay ka dhigan tahay in uu doonayey af-genbi milleteri, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in uu inqilaabayo xukunkii milleteri ee Siyaad Barre oo keliya. Waxay kale oo ay sheegaysaa in aanu wax dimuqoraadiyadah maankaba ku hayn, iyo in aanu arkayn in fashalka xukunka Siyaad Barre ku dhacay ay sababtay keli-talisnimada ku dhisan xukunkii milleteriga iyo qabiilku.

Inqilaabkii Abriil 1978kii ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed hoggaaminayey ujeeddadiisa iyo caqiidadda ka dambaysey waxay ahayd fal-celin xaq ah (legitimate reaction) oo ka dhashay cadaadiskii xukunkii Syaaad Barre, iyo gaar ahaan dagaalkii dalka la geliyey 1977kii ee u jeeddadiisu ahayd in indhaha dadweynaha Soomaaliyeed lagaga jeediyo maamul-xumadii gudaha dalka ka jirtey, iyo sidoo kale colaaddii gaar ahaaneed ee ka dhexaysay Cabdillaahi Yuusuf iyo Siyaad Barre dhinac, dhinaca kalena jabkii ku dhacay ciidankii Xooga dalka soomaaliyeed. In kasta oo af-genbigaasi ka turjumayey baahidii loo qabey is-beddel siyaasadeed mid dhaqaale iyo mid bulsho. Haddana ma ahayn mid looga jeedey dimuqoraadiyad-doon ee wuxuu ahaa af-genbi milleteri keliya iyo aar-goosi shaqsi ahaaned, mana lahayn barnaamij siyaasadeed oo is-beddel doonah.

Sidaas darteed kaalinta aragtida Cabdillaahi Yuusuf Axmed ee is-beddelku waxaa mar walba saldhig u ahaa af-genbi militari iyo gacan-sarrayn reerkiisu ku yeesho siyaasadda Soomaalida. Tan dambe oo ay la qabaan dhaammaan siyaasiyiinta Soomaalida ee maanta jiraa.

Fiiro gaar ah:

kala soco tirsiyada dambe: Inqilaabkii uu ku ridey Gudoomiyihii Urukii Somali Salvation Front (SSF) Mustafe Xaaji Nur, iyo sababihii burburiyiyey urukii SSDF iyo kaalintii uu ku lahaa.

Adam Muse Jibril, waxuu ka mid ahaa saraakiishii SSDF, waxaanu ka gaadhey jagada Xoghayaha ururka ee Qorshaynta.

Markii ay is-qabteen Cabdillaahi Yuusuf Axmed waxaa lagu xukumay xukun dil ah isaga iyo 17 sarkaal oo kale markaas oo ay u baxsadeen dalka Yeman sannadkii 1984kii.Markii la dilay Dr. CabdiraxmaanCaydiid Axmed iyo Dr. Abokor Xaaji Maxamed Xuseen (Iikar).

 

Additional information