Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Home

Dharaaraa na soo maray: Hanbalyo iyo Bogaadin

Waa Dharaar…..Waa Dharaar ka mid ah Dharaaraha ugu mudan dharaaraha ay shacbiga Somaliland tirsadaan. Waa Dharaar aynu ka yeelannay dharaarihii jaan ee uu inagu qasbi jiray nidaamkii inagu habsaday.

 

 

 

Milicsiga Dharaartii Dharaaraha:

31-Guurada SNM: 6/4//1981kii – 6/4/2012ka

Boobe

(Shirweynihii 4aad ee SNM: Jigjiga 1984kii)

“Gadood dhacayba sheekuu lahaa, geyfan iyo raade,

Ganbo-xoorka waayaha haddii, laysu minan-guursho,

Dad uun baa ma-guurtada lahaa, goobihii baxaye,

Gurgurshaagu awr buu ka yahay, rarasho gaadiide,

Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede,

Nin uun baa guddoonshee xil waa, laysu gororshaaye,

Galladduna waxay saaran tahay, wax isu geygeyne,”

Gudgude, Hadraawi, 1990kii.

Qalinka: BoobeYuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Waa Dharaar…..Waa Dharaar ka mid ah Dharaaraha ugu mudan dharaaraha ay shacbiga Somaliland tirsadaan. Waa Dharaar aynu ka yeelannay dharaarihii jaan ee uu inagu qasbi jiray nidaamkii inagu habsaday. Waa Dharaartii aynu ka hor geynay maalintii aynaan mahadin ee 21kii Oktoobar ee 1969kii. Dharaartani waa Dahraartii aynu ku ballaysinnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee aynu ku soo dhacsannay gobannimadeennii iyo madax-bannaanideenniiba. Dharaaruhu iskuma jiraane, waa 6dii Abriil. Weliba waa kow iyo soddon guuro. Kow iyo soddon sannadood oo isugu jira: toban sannadood oo halgan hubeysan ahaa iyo kow iyo labaatan sannadood oo ahaa: dibuheshiisiin, hub-dhigis, nabadayn, dibudhis iyo horumarba. Guure iyo galab-carrowba geeddiyaal badan ayaa la soo gooyay; welina fari kama qodna. Meel Ilaahay lagu mahadiyo waa aynu joognaa, in kasta oo ay wax badani inoo dhiman yihiin.

Waa Dharaar aan si fudud oo aan xus iyo xusuus lahayn inagu dhaafi karin. Waa Dharaar aynaan dhayalsan karin. Waxay ila noqotay in aanay Dharaartani si fudud igu dhaafin. Haddii aanay maanta dhisnayn Urur iyo Golayaal xuskeeda hidiyaa, waxa nool xubnihii xarakaddan ka tirsanaa, ku soo halgamay, hoggaaminteeda qayb ka ahaa amaba ku dhex dhashay oo ku soo dhex barbaaray. Waa Dharaar hiilkeeda iyo ma-huraankeeduba badan yihiin.

Bal hadda aan ku yar hakado Dharaartan iyo tagtadii SNM-ba. In badan ayaa ku doodda aniga/annaga ayaa SNM samaynay ama aasaasnayba. Marka sidaa loo hadlayo waa qof ama waa kooxba. Mar kale ayay dadkaa SNM aasaaskeeda sheeganayaa dibad iyo gudeba u kala baxaan. Marar kale ayaa aasaaska SNM ay isku qabsadaan magaalooyin. Marar kale qaarado ayaaba ku murma oo marna Afrika ayaa laga sheegtaa, mararna Khaliijka mararna Yurub oo ay London hormood u tahay.

Horaa loo yidhi: Maan rag waa mudacyo afkood. Qofba si haddii uu aasaaskii SNM ugu muuqday, anigana sidan ayay ila noqotay oo aan ka wadi waayay in aan SNM u sharxo:

“SNM waxay ahayd xarakad ama dhaqdhaqaaq shacbiya oo hubeysnaa oo ka dhashay dareenka bulsho ama shacbi ka gilgishay cadaadiskii iyo xasuuqii  Nidaamkii Siyaad Barre, shacbigaas oo ku kala noolaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. SNM waxay ku barbaartay dareenkii u kala gudbayay: Hargeysa, Burco, Muqdisho, Khaliijka, London iyo meelo kaleba. Ma jirto cid ama magaalo gaar ahaan keligeed u sheegan karta SNM. Ciidankii unugga ahaa ee ugu horreeyay ee SNM waa Guutadii 4aad ee Gaaskii Axmed Gurey ee Jabhaddii Soomaali-Galbeed. Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM wuxu ahaa Durya. SNM iyo aasaaskeediiba waa ay ka weyn yihiin wax qof, koox ama magaaloba sheegato. SNM waxa ahaa qof kasta oo aamminsanaa mabaadiida iyo ujeeddooyinka Ururka oo si dadban ama si toosanba gacan uga geystay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. SNM ma ahayn oo keliya intii tallowday ee ku hawlanayd dagaalkii hubeysnaa, bal se waxa iyaguna SNM ahaa intii halista daaqaysay ee si dedan iyo si daalacanba dalka gudihiisa uga adeegaysay halgankana tabantaabinaysay. SNM waxa ahaa intii dibadaha ku sugnayd ee af iyo addinba halganka kaga qayb-gashay. Waxa aan marnaba bogagga taariikhda ka tirmeyn kaalintii xurmada iyo qaddarintaba lahayd ee ay raacatada iyo beeralayduba ka qaateen halgankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd. Waxa kale oo lama-illaawaan ah doorkii xurmada iyo xusuustaba lahaa ee ay haweenku ka qaateen qaybihii kala duwanaa ee halgankii hubeysnaa. Waa gef iyo meel-ka-dhac aragtida ah in qof kasta oo Isaaq ahaaba SNM ka tirsanaa. Haddii ay SNM taageerada iyo kaalmada ugu badan ka heli jirtay Isaaqa, waxa kale oo iyaduna hubaal ah in wax-yeello badanina qaar badan oo beeshaa ka mid ah ay Ururka ka soo gaadhi jirtay.”

Bal hadda aan yar daymoonno sidii uu Hadraawi arrintan ugaga maansooday Tixdiisii mahadhada reebtay ee Daalalley. Wuxu yidhi:

“Nimaan diiftu saarreyn,

Dusha sare ka qolof dhicin,

Dubatadu ku shaacnayn,

Nimaan daawo-shiilleyn,

Ama degel ku sheelleyn,

Ama debed ku sheegnayn,

Daymadaydu suureyn,

Waxa loogu digayaa,

Dohdu Waamo maahee,

Dirir baa ka socotee,

Firdhisada iskaga durug,”

SNM waxa lagaga dhawaaqay magaalada London, 6/4/1981kii halkaas oo uu Shirweynihii ugu horreeyay ee SNM ku qabsoomay. Taariikh yar dheeraan karta, si aan idiin ku soo kobo bal aan isku dayo in aan idiin shaxeeyo lixdii Shirweyne ee SNM soo maray:

 

Lam.

Tirsiga Sh/wenaha

Goobta

Taariikhda

Guddoomiyaha

1.

1aad

London

6dii Abriil, 1981kii

Axmed Maxamed Guuleed

2.

2aad

Haadaamo

(Nazareth)

Abriil, 1982kii

Sheekh Yuusuf Cali Sh. Madar

3.

3aad

Harar

Juulay, 1983kii

Sheekh Yuusuf Cali Sh. Madar

4.

Kal-fadhigii 3aad ee

Golaha Dhexe

Jigjiga

Noofambar, 1983kii

C/Qaadir Koosaar Cabdi

5.

4aad

Jigjiga

Ogos, 1984kii

Axmed Maxamed Siilaanyo

6.

5aad

Harar

Feeberweri, 1987kii

Axmed Maxamed Siilaanyo

7.

6aad

Almis

Maarj, 1990ki

C/Raxmaan Axmed Cali

 

Inta aanan idin la fogaan wax aan sidaa u sii badnayn aan ka idhaahdo Shaxdan Shirweynayaasha:

  1. Laga soo bilaabo 1981kii ilaa 1984kii kala-guurka Shirweynayaashu sannad ayuu ahaa ama Sannadkiiba mar ayaa la qaban jiray Shirweynaha. Arrintaasi waxay ka dhalatay sas laga qabay in qof xil hoggaamineed loo dhiibay kursigaba ka daaddegi waayo. Waxna kaga 8 Mujaahid-NOV-1983-Jigjiga[1]dara nidaamkii lala dagaallamayay ee taladu qofka iyo magaalada ku urursanayd;

  1. Bishii Juulay 1983kii ayuu Magaalada Harar ku qabsoomay Shirweynihii 3aad ee SNM, halkaas oo lagu

(Kal-fadhigii: 3aad ee G/Dhexe ee Nof. 1983kii)

doortay hoggaan ay u kala sarreeyeen: Sheekh Yuusuf oo Guddoomiye noqday, Xasan Aadan Wadadiid oo Guddoomiye-ku-xigeen ahaa iyo Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi) oo Xoghaye Guud loo doortay. Waa qaabkii ay SNM u dhisnayd beryahaa. Shirweynahaas oo lagu falanqeeyay Dastuurkii Ururka markii ugu horreysay ayaa lagu heshiin waayay. Ka dib Shirweynahaa waxa lagu gaadhay saddex Go’aan oo baadi-sooc gaar ah lahaa:

    • In Dastuurka SNM lagu falanqeeyo Go’aanna lagaga gaadho Kal-fadhiyada Golaha Dhexe ee SNM ee Shirweynaha ka danbeeya,
    • In Xubnaha Golaha Dhexe Cod-badnaansho buuxa (Absolute majority) ku dalban karaan Kal-fadhi Gole Dhexe,
    • In Golaha Dhexe cod 2/3 ah ku beddeli karo hoggaanka Ururka, Guddida Fulintana cod hal-dheeri ah,

Sidaas ayaa Bishii Noofambar 1983kii Magaalada Jigjiga loogu qabtay kal-fadhigii 3aad ee Golaha Dhexe ee SNM. Wuxu ahaa Kal-fadhi taariikhiya marka la eego marxaladihii kala geddisnaa ee Ururka SNM soo maray. Kal-fadhigaa waxyaabaha lagu gaadhay waxa ka mid ahaa:

  1. Oggolaanshihii Dastuurka SNM,
  2. Oggolaanshihii Barnaamajka Siyaasiga ah ee SNM,
  3. Bedddelaaddii hoggaankii Ururka iyada oo halkaa lagu doortay:
    • Cabdil-qaadir Koosaar Cabdi: Guddoomiye,
    • Aadan Sheekh Maxamed (Shiine): Guddoomiye-ku-xigeen,
    • Maxamed Kaahin Axmed: Xoghayaha Guud,

Waxa xusuus gaar ah iyo xalladba lahayd duruufihii uu ku qabsoomay Kal-fadhigaasi, sidii uu u socday, sidii go’aammada loo gaadhay iyo dareennadii ka dhashay gude iyo dibadba. Waa sheeko sidii ay iigu muuqatay aan soo tebin doono haddii Eebbe inagu simo. Waxaan jecelahay in aan hoosta ka xarriiqo in aanu isku daynay in aanu berigaa dhismihii iyo qaabkii hoggaaminta wax ka beddello, bal se aanay si togan u shaqayn. Hoggaankaa saddexanka ah ee kor ku xusan ayaanu ku darnay laba xubnood oo kale, shantaas oo aanu ku magacawnay Guddida Hoggaaminta, bal se ma ay shaqayn:

  • Mar Dastuuri ma ay ahayn oo gedaan sharciyeed ma ay lahayn,
  • Mar labaadkana ma ay noqon wax si fudud loogu hawl-galo,
  • Labada xubnood ee aanu saddexda sare ku darnay waxa ay ahaayeen: Xasan Ciise Jaamac iyo nin la odhan jiray Cabdi-salaan Gorgor oo reer koonfureed ahaa.

Shirweynihii 4aad ee SNM oo 6dii bishii Ogos, 1984kii ka furmay Magaalada Jigjiga, waxa lagu go’aansaday in kala-guurka Shirweynayaasha laga dhigo laba sannadood. Si kale haddii aan u idhaahdo waxa la go’aamiyay in labadii sannadoodba mar la qabto Shirweynayaasha Ururka. Shirweynihii 5aad oo ku qabsoomay Magaalada Harar Feeberweri 1987kii ayaa mar kale lagu go’aansaday in kala-guurka Shirweynayaasha laga dhigo saddex sannadood, sidaas ayuu Shirweynihii 6aad ee SNM ku qabsoomayaa 31/3/1990kii. Waayihii Jabhadnimo ee aanu ku noolayn ayaa na barayay in muddada hadba la dheereeyo iyo in aan lagu deg-degin beddelaadda madaxda. Intaa aan kaga baxo tilmaamihii koobnaa ee aan ka bixinayay Shaxda Shirweynayaashii SNM.

Ku-sinnaan Bishii Feeberweri, 1982kii, xilligaas oo Dhagax-tuurkii Ardaydu ka dhacay magaalooyinka ugu waaweyn ee Gobolladii: Woqooyi-Galbeed, Tog-dheer iyo Sanaag, lana xukumay Barbaartii UFO, ayay saraakiishii ugu horreysay iyo Guutadii 4aad u tallaabeen Itoobiya. In yar ka dibna Hoggaankii SNM oo dibadaha ku sugnaa gaar ahaan Khaliijka iyo London ayaa isna Addis-Ababa yimid. Si rasmiya ayay hawlihii Ururku halkaas uga bilaabmeen. Addis-Ababa oo SNM ugu suntanayd Saldhigga Guulalle ayaa laga bilaabay hoggaamintii hawsha Ururka iyada oo in yar ka dibna hawsha baaxaddeedii loo soo wareejiyay Saldhigyadii Aroori ee Jigjiga iyo Raamaale ee Diri-dhabe.

Dagaal ballaadhan oo dhinacyo badan lagaga qaaday Nidaamkii Siyaad Barre ayaa bilaabmay. Dagaal yar ma ahayn ee dagaal ballaadhan  oo wejiyo badan leh ayuu ahaa. Dagaal shacbiya, hubeysan oo siyaasiya ayuu ahaa oo ummad gadoodday ku soo dhacsanaysay madax-bannaanideedii iyo xuquuqdeedii laga duudsiyay. Iyada oo Saldhiggii ugu horreeyay ee SNM Durya ahaa, kaas oo la furay Feeberweri 1982kii, haddana Ururku isaga oo sii ballaadhinayay saldhigyadiisa maalinba maalinta ka danbeysa, Bishii Ogos 1982kii, waxa la furay saldhigyadii Raaca 2aad ee kala ahaa: Dibiile (Xarshin), Laan-qayrta, Awaare iyo Gaashaammo. Waxaan aad u xusuustaa maalintii noogu horreysay ee aanu Saldhigyadaa cusub u ambo-baxaynay. Duleedka Jigjiga, meel Bariga ka xigtay Xerada Garab-case ayaanu subaxnimo isku urursannay. Ciidan Itoobiyaan ah oo waddada sii miino-baadhay ayaa na sii kaxeeyay ilaa Qabri-bayax. Ciidan kale ayaa halkaa naga sii raacay oo iyaguna ka hor jidka sii miino-baadhay. Harta-sheekha ayay na gaadhsiiyeen. Ciidan kale ayaa halkaa naga sii kaxeeyay oo na geeyay Xarshin waqti ay saacaddu ku beegnayd 9.00kii habeennimo. Garo’ oo waxaanu Jigjiga ka soo baxnay waqti ku beegnaa 9.00kii subaxnimo ilaa 10.00nadii. Beryihii danbe inta aanu Diri-dhabe ama Harar ka soo qedayno ayaanu ilaa Baali-dhaye ku hoyan jirnay. Waa beryihii danbe ee aanu meel walba jabsannay. Waxaanan illoobayn soo-dhaweyntii diirranayd ee odey Dhego-caleen la odhan jiray oo reer Xarshimeed ahaa.

Beryahaa wax gaadiid ah waxaanu lahayn Baabuur yar oo Land-rover ah iyo Iska-roga Cas oo uu lahaa nin la odhan jiray Maxamed-Guraaye. Land-roverka waxa la soo tallaabay Aadan Saleebaan, waxaana dirawal ka ahaa Cabdilqaadir-Wershed. Waxa kale oo jiray Baabuur yaraa oo Toyota ah oo uu la soo tallaabay Ciise Curaagte, bal se inta badan wuu jabnaa. C~abdilqaadir Wershed waxa baabuurka Land-roverka ah ka nasin jiray Xasan Waddo iyo Carabayte. Beryihii danbe waxaanu mari jirnay Jidka Qaaxo oo markii ugu horreysay uu maray nin Nirig la odhan jiray oo ku jaadlayn jiray baabuur Toyota ah oo buluukiya. Baabuurkaa raqdiisii beryihii danbe waxay olli jirtay magaalada Rabaso.

Aniga oo aan maanta u ambo-bixin in aan si tifaf-tiran idiin ka sheekeeyo halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd, aniga oo u holladay oo keliya in aan maalintan sharfan xus iyo maamuusba inta aan hidin karo muuneeyo, bal hadda aan isku dayo in aan idiin qodobbeeyo marxaladihii kala geddisnaa ee uu halgankani soo maray aniga oo qaybtan ka soo xiganaya Barnaamajka Siyaasigee SNM.

“Denbiyadii laxaadka lahaa ee uu Nidaamkii Siyaad Barre u geystay shacbiga Soomaaliyeed ayaa dhaliyay Dahqdhaqaaqii Waddaniga ahaa ee Soomaaliyeed (SNM) iyo halgankii hubeysnaa ee uu ku jiray oo soo maray marxalado dhowr ah:

1. Marxaladdii guuxa, cabashada iyo ka-damqashada xukunkii Faashiga ahaa oo ahayd: 1969kii – 1980kii;

2. Marxaladdii abaabulka dadweynaha iyo aasaasiddii Ururka oo ahayd 1980kii – 1981kii;

3. Marxaladdii la gudo-galay halganka hubeysan, lana sii xoojiyay abaabulka iyo kicinta dadweynaha;

4. Marxaladdii aad loo hirgeliyay qaabka dagaal ee dhuumaaleysiga (Guerilla warfare), kacdoonnaduna ay karaar qaateen sida Dhagax-tuurkii iyo Muddaaharaadyadii;

Aniga oo aan halkan ku soo wada koobi karayn hawl-gallaadii taariikhiga ahaa ee ay Ciidammadii SNM ku jebiyeen kuna burburiyeen laxaadkii iyo cududdii ciidan ee Nidaamkii Siyaad Barre, waxaan jeclahay in aan hoosta ka xarriiqo:

  • Jebintii Xabsiga Dhexe ee Mandheera (Badbaado),
  • Hawl-galkii Bad-jeex ee lagu galay Miiskii Saraakiisha ee Hargeysa,
  • Dilkii Taliyihii Naba-sugidda ee Diisambar 1986kii,
  • Gudo-galkii 1984 ee saddexda jiidood ee Bari, Dhexe iyo Galbeedba laga galay,
  • Dagaalladii SNM ku qabsatay Xeebaha bari iyo kuwa Galbeedba,
  • Iyo qaar kaloo badan…..iyo qaar kaloo badan,

Hawl-galladaa ciidan waxa bar-bar socday oo kaabayay kuna ladhnaa, hawl-gallo siyaasadeed, warfaafineed iyo qaar ijtimaciyaba. 1982kii waxa magaalada London ka soo bixi jiray Jariidad Biloodle ah oo afka Ingiriisiga lagu qori jiray oo la odhan jiray “Somalia Un-censored”. Waxa kale oo isla xilliyadaa London ka soo bixi jirtay Jariidad kal-soo-bax (periodical) ahayd oo afka carabiga ku soo bixi jirtay oo la odhan jiray: “Al-Soomaal-Al-Jadiid”. “Somalia Un-censored” markii ay joogsatay, dhowr iyo siddeetannadii waxa kale oo London ka soo bixi jirtay “Liberty” oo Biloodle afka Ingiriisiga ku soo baxda ahayd. Saldhigii Guulallee ee Addis-Ababa 1983kii waxa is-na ka soo bixi jirtay Jariidad Toddobaadle ah oo af-Carabiya oo la odhan jiray “Al-Mujaahid”. Waa beryaha uu samaysmayo ama hano-qaadayo magaca can-baxay ee “Mujaahid”. Qormo danbe oo aan kaga hadli doono Cududdii Hubeysneyd ee SNM oo aan xus iyo xusuusba uga dhigayo Mujaahidiinta naftooda hurtay, ayaan si faah-faahsan mowduucaa ugu qaadaa-dhigi doonaa, haddii Eebbe idmo. Laantii SNM ee Woqooyiga Maraykanka iyo Kanada, waxa iyadana laga soo saari jiray kal-soo-bax saddex-biloodle ah oo la odhan jiray “Somali Horizon” oo afka Ingiriisiga ku soo bixi jiray. Xaruntii SNM ee Almisna waxa ka soo bixi jiray “Dhanbaal” oo Biloodle ahayd, laguna qori jiray af-Soomaali.

Idinka oo ii dul-qaadan doona haddii aan ku yar hakado dhufayskan Warfaafiinta iyo Wacyi-gelinta oo ahaa dhufayskii aan waqti-halgameedkaygii intiisii badnayd ku qaatay, aniga oo aan dhufaysyada kalena ka madhnayn. Warfaafin ahaan dhuuntii ugu weyneyd ee aanu adeegsannay waxay ahayd Idaacaddii. Bishii Oktoobar 1982kii SNM iyo SSDF Heshiis ay wada galeen ayaa waxa ka abuurmay Codkii Jabhadaha Mucaaridka ah oo loogu wan-qalay Radio Halgan kaas oo lagu beddelay Radio Kulmis oo SSDF-tu lahaan jirtay.

Bishii Abriil 1988kii markii ay Heshiiska wada galeen Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Mariyam ayaa la xidhiidhay Radio Halgan oo Addis-Ababa ku yaallay. Qodobbadii Heshiiskaa aanay labadii odey mahadin ayaa waxa ku jiray in dacaayadda la kala joojisto. Maalin taariikhiya ayay ahayd maalintii la xidhay Radio Halgan. Bil ammaara waxa la xidhay 6/4/1988kii oo ku beegnayd sannad-guuradii 7aad ee SNM. Xuskaa maalintaa amran waxaanu ugu talo-gallay oo maalmahaa la duubay Heeso ay qaadayeen koox la odhan jiray Colka Maxamed Mooge oo aanu maalmahaa abaabullay. Waxa ka mid ahaa: Axmed Maxamed Good (Shinbir), Cumar Xasan (Rooraaye), Xasan Arami iyo qaar kale oo badan.

Feeberweri, 1989kii ayaanu Xaruntii Ururka SNM u rarnay Balli-gubadle (Almis) oo uu ku qabsoomay Kal-fadhigii 2aad ee aan Caadiga ahayn ee Golaha Dhexe ee SNM. 5/5/1989kii ayaa mar kale la furay cod ku hadla magaca SNM kaas oo loogu wan-qalay Radio SNM oo ka hadli jiray Xaruntii Dhexe ee SNM. Radio SNM tan iyo maalintaa ilaa dibuxoreyntii dalka maalin keliya kama bixin hawada, marka laga reebo 12/4/1990kii oo ay Mujaahidiintii Idaacadda ka hawl-gelaysay muddaaharaad dhigtay mooyaane. Radio SNM wuxu ahaa mid wareega, Balli-gubadlena ilaa saddex xarumood ayuu ku lahaa oo hadba mid u ayaanu u wareegi jirnay.

Bal hadda aan isku dayo in aan halkan ku taxo Mujaahidiintii ka hawl-geli jirtay Radio SNM xilliyadaa aanu halgamaynay:

  1. Inj. Maxamed Maxamuud Xasan (Mijir),
  2. Inj. Siciid Cismaan Maxamuud (Ina Casayr),
  3. Ibraahin Axmed Maxamed (Shiine),
  4. Xuseen Cabdillaahi Yuusuf (Deeqsi),
  5. Safiya Cali Yuusuf,
  6. Xasan Maxamed Yuusuf,
  7. Maxamed Cabdi Yuusuf,
  8. Marxuum Muuse Aadan Yuusuf,
  9. Daa’uud Xuseen Xiirey,
  10. Axmed Xuseen Warsame,
  11. Rashiid Maxamed Jaambiir,
  12. Maxamuud Muuse Cawaale,
  13. Xasan Shukri Aw Cali,
  14. Axmed Xuseen Cali (Cawaale),
  15. Rashiid Cismaan Maxamed (Lugey),
  16. Marxuum Cabdinaasir Cumar Xuseen,

Waxa kale oo beryahaa yar-yaraa oo Idaacadda ku soo barbaaray: Axmed Cumar Toosh, Khadar Cakuule iyo Khadar Cumar.

5

(Maxamed Cabdiraxmaan oo ka hadlaya Radyowgii wareegi jiray ee SNM. Sawirkan waxa qaaday Hamish Wilson)

Aniga oo aan qormadan kooban ku soo wada qaadan karayn qaybihii badnaa iyo wejiyadii kala duwaanaa ee uu lahaa halgankii hubeysnaa ee dibixoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd, waxaan jeclahay in aan ku yar nasto oo cabbaar ku hakado kaalintii qiimaha lahayd ee ay haweenku ka qaateen halgankii dibuxoreynta Qaran. Waxaan door-bidayaa in aan idiin qodobeeyo aniga oo ku kalsoon kuna rajo-weyn in aan waqtiyo kale fursad aan kaga bogto u heli doono haddii Eebbe idmo:

  1. Haweenku doorkooda ayay ka qaateen halgankii hubeysnaa iyaga oo si toos ah u galay dagaalkii, ku dhaawcmay, ku shahiiday mararka qaarkoodna dhawaaca daaweyn iyo baanba dhex ordayay,
  2. Haweenku kama ay fogayn goobaha dagaalka iyaga oo ciidanka la daba-taagnaa jal, qulaamin iyo baanba,
  3. Haweenku iyaga ayaa gacanta ku hayay dhaawaca iyo bukaanka Mujaahidiintaba. Baan, daryeel iyo waqaqo wixii karaankooda ahaa waxba kama ay hagran,
  4. Haweenku af iyo addinba waa ay ka qayb qaateen halgankii hubeysnaa, iyada oo aan la soo koobi karayn suugaanta ay kaga qayb-galeen halgankii hubeysnaa,
  5. Haweenku waxay cid walba kaga tageen iyaga oo raggoodii, ubadkoodii iyo intii ay jeclaayeenba ku waayay halgankii hubeysnaa, xanuunkaas oo aanay cidina la qaybsan,
  6. Malahayga taakuleyntii ugu badnayd waxa SNM u soo guray haweenka,

Marka aan xusuusto kaalintii ay haweenku ka soo qaateen halgankii hubeysnaaba, laba arrimood ayaa igu soo dhaca:

  1. Mujaahid Xagar-boodhle oo halhays u lahaa: “Khasaaraha ummad ahaan inoo soo gaadhay ma lagu daray dumarka tebiyay iyo dhibaatada gaadhay,”
  2. Tuduc uu Cabdi-qays lahaa oo is-na ahaa oo tixdiisii Geeddi-Baabuu ku jirtay oo ahayd: “Intii gaban la dhali laa,

Gu’giisii ka baaqsaday,”

Waxaanay cidina moogayn kaalinta xurmada iyo xusuustaba lahayd ee ay haweenku ka soo qaateen hawlihii: Dibuheshiisiintsa, Hub-dhigista, Dibudejinta, Dibudhiska, Nabadaynta iyo Horumarka. Waxaanu muran ka taagnayn in ay maanta haweenku yihiin isha nololeed ee qoysaska Somaliland gude iyo dibadba. Ilaahay ha ka abaal-mariyo.

Aniga oo aan halkan ku soo wada koobi karayn halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran bal se sidii hillaaca hadba meel bilig ka odhanaya si aan hadba meel iftiinka ugu daaro, bal aan in yar ku noqdo in aan wax aan badnayn ka idhaahdo baadi-soocdii SNM.

SNM waxay ahayd jabhad ballaadhan oo ay ku bahoobeen dad kala duwan oo lahaa aragtiyo siyaasadeed oo aan aad u qodnayn, kuwaas oo ku mideysnaa Barnaamaj Siyaasiya oo Urur. Waa wax dabiiciya oo dunidaba ka dhaca in ay mararka qaarkood iska hor yimaaddaan ama fikirkaba isku diidaan dad urur ku wada jiraa. Iska-hor-imaadkaasi mararka qaarkood dood iyo hadalba wuu noqdaa; mararka qaarkoodna dagaal hubeysanba wuu noqdaa. SNM waa Ururka Soomaaliyeed ee ugu cimriga dheeraa Jabhadihii Xoreynta Soomaaliyeed, taana wuxu ku gaadhay dimuqraadiyaddii uu ku soo dhex barbaaray ee ururnimo iyo daabicii shacbiyeed ee uu Ururku lahaa.

Intii aanu halgankii hubeysnaa ku jirnay muranka iyo doodda-toosineed ee dhisme-u-jeedka ahi dhaqan ayay noo ahaayeen. Shirweynayaasha iyo Kal-fadhiyada Golaha Dhexeba waa lagu doodi jiray annaga oo mideysanna waanu ka soo bixi jirnay. Murankayaga iyo dooddayadu marna nagama saari jirin xeyndaabka urur ee aanu ku wada jirnay. Laba-codlayn iyo kala-hadal nalaguma baran, sidii dhaqanka u ahayd ama ilaa maantaba u ah ururrada kale ee Soomaaliyeed.

SNM waxay ahayd Jabhad ballaadhan. Waxa laga yaabaa in aanay dadka intiisa badani kala saari karin ama ay iskaga qaldamaanba Jabhadda iyo Xisbigu. Aniga oo aan ku fogaanayn Xisbigu wuu ka kooban yahay ama urursan yahayba Jabhadda oo waa Urur kulmiya in iskaga fikir iyo aragtiba dhow dadka Jabhad ku wada jira ama ay Jabhadi mideyso. Si kale haddii aan idiin ku dhigo Jabhaddu waa Dalladda oo kale oo waxa ku midoobi kara Ururro badan. Jabhadnimadii SNM kuma ay mideysneyn Ururro kala duwan ama kala fikir ahaa, bal se waxa ku mideysnaa oo ku wada jiray dad faro badan oo kala aragtiyo ahaa ama kala fakir ahaa bal se ku mideysnaa in la rido nidaamkii Siyaad Barre ka dibna dalka lagu xukumo nidaam dimuqraadiya

2nd cc meeting, Feb

Xubinnimada SNM ama sida Ururka looga mid noqdaa wax adag oo murugsan ma ay ahayn, bal se mid furan oo fudud ayay ahayd; taas oo dhibteeda iyo dheefteedaba ku lahayd Ururka. Qof SNM ka tirsanaa ama aad ugu dhawaaba wuu milicsan karayay hirarka siyaasadeed ee aan tooxda iyo qotonka midna lahayn ee SNM ka dhex jiray. Saddex hirba SNM waa ay ka dhex muuqdeen sannadihii ay dhalatay, kuwaas oo kala ahaa:

  1. Qubane Ururka muggiisa iyo baaxaddiisa ahaa oo aan yeelan ama lahaynba midab siyaasadeed oo ka baxsan xoreynta dalka;
  2. Hir siyaasadeed oo Diiniya oo aan ballaadhnayn, hoggaankiisuna u badnaa xubnihii dibadda ka yimid, gaar ahaan Khaliijka oo isla markaana hoggaanka SNM hayay ilaa Noofambar 1983kii;
  3. Hir siyaasadeed oo janjeedh taqaddumiya ama fikir siyaasadeed oo dimuqraadiya lahaa oo aan qudhiisu ballaadhnayn, xubnihiisuna u badnaayeen intii dalka gudihiisa ka timid;

Labada rabac ee danbe oo ahaa kuwa tiro ahaan Ururka ugu yaraa, waxay saamayn weyn ku lahaayeen hay’adaha hoggaaminta ee SNM sida Golaha Dhexe, Guddida Fulinta iyo Saraalkiisha Ciidammada. Haddii laga tegi waayo mararka qaarkood ayay labadan kooxood saamayn ku yeelan jireen saldhigyada qaarkood. Kooxda hore waxa loo yaqaannay “Wadaaddada”, halka Kooxda labaad looga yaqaannay “Calan-casta”. Labadan kooxood midkoodna magaca lama ay bixine waa loo bixiyay. Labada magac mid walba sida loo qeexaa waa ay adkayd. Qof waliba qofka uu doono ayuu meesha uu doono la mari jiray. Waxa se hubaal ah in ay jireen dad xuddun u ahaa labada kooxoodba oo loo nisbayn jiray hoggaamintoodu. Magacii Wadaaddadu waxaad mooddaa in uu hadhay markii Hoggaankii Ururka SNM lagu beddelay Kal-fadhigii Golaha Dhexe ee Jigjiga ku qabsoomay Noofambar 1983kii.

Geesta kale marka aad ka joogsato labada Kooxoodba waxay u badnaayeen shacbi (civil) in kasta oo ay ka dhex muuqdeen xubno kooban oo saraakiisha ciidammada ka tirsanaa. Beryihii danbe ayay saraakiishu ku soo badanaysaa kooxdii loo yaqaannay “Calan casta”. Xilli danbe ayay samaysamayaan labada Kooxood ee xilliyadii danbe halhayska noqday ee “Khaakhda” iyo “Shiishtu”. Badiba intii “Calan casta” loo yaqaannay ayaa magaca “Khaakhda” la siinayaa, halka kooxda kale oo aanay isku dan iyo ujeeddo ahayn looga bixinayo “Shiish”. Halka magacyadii hore laga yaabo in bixintooda ay dadweynuhu ka qayb galeen, labadan magac ee danbe bixintooda inta badan waxa loo tiriyaa in ay ka danbeeyeen labadan kooxood. In kasta oo ay labadan kooxood iska lahaayeen xag-jirayaashooda, haddana waxa aan meesha ka madhnayn in ay jireen qaar khadka cagaaran hadba halka dantoodu ka muuqato u tallaabaa. Hadba kooxda aan talada dalka hayn ama aan dawladda ka tirsanayn ayaa SNM ah, kuwa kalena waa mucaarid. Marka ay kooxi dawladda gasho ayay tidhaahdaa: “SNM waxay dhashay dawlad”. Marka ay kooxdaasi dawladda ka baxdana waxay ku dhawaaqdaa: “Xuquuqdii agoonta, naafada iyo Mujaahidiinta xaggee la dhigay?” Xaalka ayaa mararka qaarkood caynkaas iska ahaa.

SNM waayo-aragnimadeedii hodanka ahayd cidina kama faa’iidaysan. Kuwii dhiig iyo dheecaanba u huray ayaan waxba ku taransan. SNM waa ay isu rogi karaysay Xisbi ama Xisbiyoba. Waayo-aragnimo badan ayaa ku duugnayd. Jaamicad ayay ahayd, waxa se ayaan-darro ah in aan loogu iman kuwii ka tirsanaa ee waqti iyo nololba u soo huray. Ifafaalahani wuxu ahaa mid beri horeba dadka qaarkii u muuqday oo ay sii arkeen. Waxaan weedhan u daliishanayaa Tuduc uu lahaa Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo ku jiray Maansadiisii Jiitama ee 1984kii, kaas oo ahaa:

“Dhudhun kaa hor jeedaa,

Ku dhirbaaxi maayee,

Dhumucdaadu hooy hooy,

Dhumacdaadu waar hooy,

Dhumucdaadu yeey hooy,

Dharab-roorka kugu jebin,

Inantaada Dhego-culus,

Dhiidhiibso kula tali,

Dhidar-fule Gashaantida,

Boqorkiyo dhaclaa xidhan,

Yaanu kaaga dheereyn,”

1984kii ayay midhahaasi curanayaan. Bal ka warrama. Waxa kale oo Maansadii Gudgude ee 1990kii ku jiray beyd odhanayay:

“Guushaada waa lala jiraa, gees ha ka ahaanin,”

Marka laga hadlayo qaababka ay u shaqeeyaan Jabhadaha, Xisbiyadaba ama Ururrada Siyaasiga ahiba, dhammaan qorshayaasha hawleed iyo barnaamajyada la fulinayaa waxay si cad ugu qeexan yihiin Barnaamajyada Siyaasadeed (Political Programs). Qaababka loo fulinayaana waxay ku qeexan yihiin Dastuurka Ururka. Wixii intaa soo raaca ee tusmo iyo tilmaanba laga dhigtaa waa Go’aammada Shirweynayaasha iyo Kal-fadhiyada Golaha Dhexe marka laga tago Go’aammada Guddiyada Fulinta oo iyagu saamayntooda ku leh socodsiinta hawl-maalmeedka Ururka.

Go’aammada Golaha Dhexe inta badan waxay tilmaamo ka bixiyaan hadba marxaladda la marayo. Shirweynuhu wuxu ka xisaabtamaa Go’aannana ka qaataa muddadii kala-guurka Shirweynayaasha hawlihii la soo qabtay, Kal-fadhiga Golaha Dhexena waxay ka xisaabtamaan laba Kal-fadhi dhexdooda wixii la qabtay ama sidii loo hawl-galay. Sidaa darteed Guddida Fulinta oo u xil-saaran socodsiinta hawl-maalmeedka Ururku waa in ay ku shaqaysaa oo ay ku hawl-gashaa: Barnaamajka siyaasiga ah, Go’aammadii Shirweynayaasha iyo Go’aammada kal-fadhiyada Golaha Dhexe. Waxay ahayd wax SNM ku adkaa oo aanay dhaqan u lahayn in kasta oo shirarkaasi heer ay ahaayeenba dhici jireen. SNM oo keliya ma aha ama ma ahayne xataa waa mid maanta ka muuqata xisbiyadeenna Siyaasadeed. Marka aan si mowduuciya u qiimeeyo qaabka ay Xisbiyada maanta inoo jiraa u shaqeeyaan, been ku hadli maayo haddii aan idhaahdo SNM ayaa dhaantay heerka ay doontaba ha taagnaatee. Miyaanay taasi ayaan-darro iyo dibudhacba ahayn.

In badan ayaa ku doodda in ay SNM dalka iska soo gashay iyada oo aanay waxba u oollin ama u qornaynba. Dadka sidaa ku doodaa waa saddex qaybood:

1. Dad ay daacad iyo niyad-samaan ka tahay oo aan arag ama ka war-qabinba wax SNM u yaallay ama u qornaaba;

2. Dad og ama garan kara in SNM wax u qornaayeen oo si ay SNM iin ugu yeelaan ama u qiimo-tiraan ugu andacooda ama meelahaa kaga sheekeeya: “Waxba uma qornayne, qori dable iyaga oo la ordaya ayay dalka iska soo galeen;”

3. Dad halgankii ka habsaamay ama ka soo hor jeeday oo aan waxbaba la jeclayn SNM;

Iyo qaar kaloo badan…….Iyo qaar kaloo badan.

Kooxda hore ee daacadnimada iyo niyad-samaantu ka hadlinayso si walaalnimo ku dheehan tahay ayaan ugu soo qaddimayaa Barnaamajkii Siyaasiga ahaa ee SNM, aniga oo ka cudur-daaranaya in aanu hore u faafin sababtu waxay doonto ha ahaato e’. Labada Kooxood ee danbe aniga oo wejiga kaga dhufanaya ayaan ku leeyahay: “Waa beentiin, hooya waa kan e’ horena waad u ogeydeene.”

Xaashaa wa kallaa! SNM wax waa ay u yaalleen….Waa ay u qornaayeen…..Weliba waxa ugu badnaa ee ugu hodansaanaa ee urur Soomaaliyeed oo siyaasiya oo hubeysani yeelan karayay ayaa u qornaa. Ayaa u yaallay.  Ayaan-darradu se waxa ay tahay: Waan la fulin…..Waan lagu dhaqmin. SNM waxay ahayd jabhad ballaadhan oo dad aragtiyo door ah lihi ku bahoobeen oo lahayd Barnaamaj Siyaasiya oo guud ahaan laga mideysnaa. Nidaam aan cidna badbaadinayn ayaa lala dagaallamayay, markaa intii is-ogaatay in aanay nidaamkaa ka badbaadayn ayaa isku bahaysatay SNM si ay nidaamkaa ula dagaallanto.

Dhalliishu kuma jirto SNM baan wax u qornayn ama aanay waxba u oolline, dhalliishu waxay tahay: Wixii SNM u qornaa baan la fulin ama lagu dhaqminba. Markaa waa been fikradda ah SNM waxay dalka soo gashay iyada oo aanay waxba u qornayn. Waxba yaan hadal-tiro idin ku daallinne, aan hortiinna bal soo dhigo Barnaamajkii Siyaasiga ahaa ee SNM ee lagu oggolaaday Shirweynihii 6aad ee Caadiga ahaa ee SNM oo ku qabsoomay Balli-gubadle 31/3/1990kii – 28/4/1990kii.

BARNAAMAJKII SIYAASADEED EE SNM:

Shirweynihii 6aad: 31/3/1990kii – 28/4/1990kii

Afeef:

Barnaamajkii ayaan sidii uu u qornaa idiin ku soo gudbinayaaye, yaan loo qaadan wax aan anigu qoray.

Hordhac:

Jiritaanka Dawlad Qaran oo Soomaaliyeed wuxu taariikh ahaan ka bilaabmay sannadka la magac-baxay sannadka Afrika ee 1960kii, markii dalka dadka Soomaaliyeed ee Woqooyiga oo Gumeysiga Ingiriiska ku hoos jiray iyo kan Koonfureed oo Qarammada Midoobay (UN) ammaano ahaan ugu dhiibeen Talyaaniga, ay ku guulaysteen xaqiijijnta Midnimo Qaran, madax-bannaani siyaasadeed iyo aasaasidda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

Guushaasi waxay ku timid halgan gobannimo-doon ah oo kulul oo waqti dheer soo qaatay, marxalado kala duwanna ka soo gudbay. Waxa wejiyadaas kala duwan ee halgankaasi soo maray ka mid ahaa gadoodyo iyo kicitaanno ay ku kaceen Beelaha Soomaaliyeed, baaqyo fikri iyo siyaasi ah iyo bannaan-baxyo lagu haaraamayo lagagana digiigixanayo dala’siga dhiig-miiradka ah iyo fool-xumooyinka kale ee Gumeysiga.

Waxa la sheegi karaa in marxaladihii hore aanay kacdoonnadaa iyo gadoodyadaasi isku xidhnayn ama isla jaan-qaadayn. Laakiin se min badhtanihii 40-tannadii dhaqdhaqaaqa halganka dadweyne ee Gumeysi-diidka ahi (Woqooyi ha ahaato ama Koonfurtee) wuxu si tartiib ah u sii yeelanayay qaab nidaamsan oo leh weji siyaasadeed oo guud ahaan cad.

Xarakaddan ballaadhan ee iyada ah ayuu halganka xornimo-doonka Soomaaliyeed la hano-qaaday, halgankaas oo u gudbay marxalad cusub oo muraadkeedu yahay halgan dadweyne oo leh hoggaan urursan iyo ula-jeeddooyin muuqda taasi oo ay astaan u ahaayeen asxaabtii siyaasadeed sida SNL, NUF iyo USP (Woqooyigii dalka) iyo SYL oo Koonfurta ahayd.

Heerkan guud ahaan tayada leh ee uu gaadhay halganka gumeysi-diidka ahi ayaa lagu keenay madax-bannaanidii Gobollada Woqooyi 26kii Juun, 1960kii, markaas oo ay dhalatay Dawlad Qaran oo Jamhuuriyad Soomaaliyeed.

Muddadii sagaalka sannadood agayd (1960kii – 1969kii) ee ay xukuumadaha rayidka ahi dalka ka jireen, waxa jiray Dastuur ay qoraalkiisa ku xusan yihiin xorriyadaha siyaasiga ah iyo xuquuqda dimuqraadiga ah ee ay tahay in ay dadku yeeshaan; taasi se ma ay noqon mid si la taaban karo u xaqiiqowda. Waxa dhacday in hoggaankii xisbiyadii madax-bannaanida dalka u soo halgamay (marka daacadnimadoodii laga tago) aanay mustaqbalka dadka iyo dalka ugu fekerayn si aragti-dheeri siyaasadeed leh.

Guud ahaan astaanta madax-bannaanida oo idil waxa laga soo qaaday in xukunka Gumeysiga la tuuro, woqooyi iyo koonfur la is-raaciyo, bandiirad Qaran ahaaneedna la saaro, Jamhuuriyadda Soomaaliyeedna lagu dhawaaqo; laakiin ma ay dhicin in la sameeyo barnaamaj isu-dheelli-tiran oo la socda waayaha Dawladda cusub, looguna talo-galay in lagu tir-tiro dhaxalkii qadhaadhaa iyo raadadkii gumeysiga, horena loogu dhigayo nolosha siyaasadeed iyo tan dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

Bil-caksi, sida dalalka Afrika badankooda ka dhacday ayuu gumeysigii mar labaad siyaasaddeeda dhaqan-dhaqaale si dadban u soo galay (Neo-colonialism). Waa dhab in marka dhinac laga eego aan ku-xad-gudubka xuquuqda dimuqraadiga ah loo qiyaasi karin sida xaalku hadda yahay, in ilaa xad la haystay xorriyadda hadalka, tan saxaafadda, tan samaysadka xisbiyada, u-loollanka doorashooyinka iyo kuwa la midka ah ee hadda aan jirin.

Laakiin isla markaa waxa taa barbar socotay in tartiib-tartiib ay u soo xaalufayeen xorriyadihii iyo xuquuqdii aasaasiga ahaa ee Dastuurku kafaal-qaadayay.

Waayo-aragnimada taariikheed waxay muujinaysaa in is-beddel lama-huraan yahay markay arrintu sidaa hirig u noqoto. Sidaa awgeed ayaanay la yaab u lahayn in dabo-yaaqadii 1969kii ay duruuftu u bislaysay in is-beddel siyaasadeed dhaco. Haddii dib taariikhda loo raaco, iyaduna la yaab ma noqonayso in cidda keliya ee ka faa’iidaysan kartaa duruuftaa qallafsanayd ee dalka ka taagnayd ahayd Ciidammada qalabka sida. Sidaas darteed ayay Ciidammada Qalabka sidaa kula wareegeen awooddii talada dalka, taana waxa ugu wacnaa, marka laga tago sababaha u gaarka ahaa Siyaad Barre oo laga yaabo in af-genbigii 21kii Oktoobar 1969kii soo deddejisay in millaterigu ahaa qaybta bulsho ee keli ah ee mideysan isla markaana aan dadweynuhu wax beyr ah ka qabin.

Is-beddelkii waa dhacay, laakiin wuxu noqday mid aan sinaba loogu rayn marka dhinac kasta laga eego, natiijadiisuna noqotay baaba’ dhinac kastoo nolosha bulshada ah oo aan marnaba soo marin taariikhda cususb ee dalkeenna, lagana yaabo inay dib u soo marto.

Af-genbigii 21kii oktoobar 1969kii ee Siyaad Barre iyo kooxdiisa saraakiisha ahi xukunka dalka ku qabsadeen wuxu si buuxda u demiyay laanbaddii dimuqraadiyadda-siyaasadeed ahayd ee sii iftiimaysay. Hoggaamiyaha Af-genbigu wuxu dalka ku dejiyay qorshe uu ugu talo-galay in aanu xukunku marnaba gacantiisa ka bixin, waxaanu si xun ugu dhaqaaqay in uu awoodda dawladda oo dhan ka ilaaliyo shacbiga. Si qorshihiisaasi ugu fulo wuxu aaladdii dawladda gebi ahaanba u adeegsaday cadaadinta iyo xasuuqa dadweynaha Soomaaliyeed, dalkiina wuxu u rogay goob xabsi iyo xasuuq keliya lagu mutaysto. Wuxu xad-dhaafiyay: Musuqii, Eexdii, Qabiilaysigii iyo caddaalad-darradii ijtimaaciga ahayd, waxaanu u horseeday: Dhaqaale-burbur, kala-daadasho qoyskii ku dhacda iyo halis weyn oo soo food-saartay nolosha bulshada Soomaaliyeed, dhaqankii diineed iyo anshaxii aadmi ahaaneed. Dhibaatooyinka foosha xun ee Talsika Faashiga ah ee Siyaad Barre geystay waxay xad walba dhaafeen ka dib dagaalkii waallida ahaa ee uu 1977kii ku soo qaaday Dawladda kacaanka Itoobiya, dhacdadaas oo sharka taliskaasi ku fidisay Geeska Afrika xiisad weynna ka aloostay Gobolka oo idil.

Denbiyadaa laxaadka leh ee Talisku u geystay dadka Soomaaliyeed ayaa dhaliyay Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed ee SNM iyo halganka hubeysan ee uu ku jiro, halgankaas oo soo maray marxalado dhowr ah:

  1. Marxaladdii guuxa, cabashada iyo ka-damqashada xukunkii Faashiga ahaa oo ahayd: 1969kii – 1981kii;
  2. Marxaladdii abaabulka dadweynaha iyo aasaasiddii Ururka oo ahayd 1980kii – 1981kii;
  3. Marxaladdii la gudo-galay halganka hubeysan, lana sii xoojiyay abaabulka iyo kicinta dadweynaha;
  4. Marxaladdii aad loo hirgeliyay qaabka dagaal ee dhuumaaleysiga (Guerilla warfare), kacdoonnaduna ay karaar qaateen sida Dhagax-tuurkii iyo Muddaaharaadyadii;

Dhagax-tuurkii iyo Muddaaharaadyadii:

Hawl-galladaa hubeysnaa waxa ka mid ahaa: Jebintii Jeelka Mandheera, Hawl-galkii Badbaadinta ee Bad-jeex, Gelitaankii dagaalladii Buuraha, Naafayntii Ciidammada cadowga ee Jiidaha Gobollada Woqooyi, Gobollada Dhexe iyo kuwa koonfureed, Ugaadhsigii Madaxda maamulka Taliska oo socday 1981kii – 1987kii.

Waxa se` la odhan karaa in miisaankii xoogga, marka la eego saaxadda Soomaaliyeed, is-beddel tayo lihi ka dhacay tan iyo bilowgii 1988kii. Weerarkii cuslaa ee Ciidammada Xoreynta ee SNM, sida geesinnimada ah ugu qaadeen meelo tiro leh oo siiba woqooyiga Soomaaliya ka mid ah, ayna ku jiraan magaalooyinka waaweyn iyo jidadka halbwlayaasha ah ee uu ka mid  yahay ka woqooyi iyo koonfur isku xidha, ayaa ahaa dhacdo taariikhi ah oo dhinac ahaan aad u wiiqay laxaadkii ciidan ahaaneed ee cadowga iyo haybaddiisii magac ahaaneedba; dhinaca kalena soo kicisay kefedihii halganka hubeysan ee SNM.

Qiyaastii muddo laba sano ku dhow ayaa ka soo wareegtay xilligaa isaga ah. In kastoo bilowgii meelo tiro badan oo dunida ah oo Taliskuna ku jiraa u qaataeen tallaabo lab-la-kac ah oo maalmo soconaysa, waxa caddaatay in saadaashaasi beenowday. Maanta marka la eego Gobollada Woqooyi waxa ka taliya badankooda DH.W.S, taas oo keli ah ma aha e’ waxay tallaabadaasi keentay in Soomaaliya oo idil ay gaadho dhinbiishii halganka hubeysani oo xataa magaalo-madaxdii dalku qiiro-qiiro ku jirto.

In kasta oo goobihii ugu danbeeyay ee dagaalka u dhexeeya Taliska iyo dadka, weli lagu kala bixin, haddana waxa si isku kalsooni leh loo sheegi karaa in sannadka cusub ee 1991ku noqon karo, haddii Eebbe yidhaahdo, sannadkii guusha dadweynaha Soomaaliyeed.

Isaga oo maanta ah hormoodka xoogagga Taliska kasoo hor-jeeda ayuu Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed (SNM) ku kalsoon yahay taageerada buuxda ee ummadda iyo tan hiilka iyo hoodaba ah ee ay shucuubta dunida ee xorriyadda, dimuqraadiyadda iyo nabadda jeceli ku siinayaan halganka dib loogu hananayo xuquuqda aasaasiga ah ee dadwenaha Soomaaliyeed. Soo-celinta xuquuqda iyo xorriyadda dimuqraadiga ah ee ummadda iyo xukun dawladeed oo ku dhisan rabista iyo talada dadweynaha, oo aasaaskeedu yahay: Sinnaan, Caddaalad iyo horukac ijtimaaci ah ayaa tiir-dhexaad u ah istaraatejiyada iyo barnaamajka Ururka.

Barnaamajka Ururku, wuxu isaga oo ka tarjumaya baahida marxaladda iyo himilooyinka dadka ee dhinac kasta oo nolosha ah, uu tilmaan guud ka bixinayaa:

a. Hawlaha marxaladdan halganka hubeysani socdo, iyo,

b. Ujeeddooyinka guud iyo hawlaha marxaladda kala-guurka oo ay aasaas u noqonayaan hawlaha marxaladda taa xiga;

Qaybta Koowaad:

Ujeeddooyinka iyo mabaadiida halbowlayaasha ah uu DH.W.S u-shaqayntooda iyo xaqiijintooda u halgamayaa waxay ka kooban yihiin laba waaxood oo isku taxan kalena ah:

  1. Mid muddo dhow ah (Short term objectives),
  2. Mid muddo fog leh (Long term objectives),

Kala qaybinta marxaladaysani waxay tahay mid ku qotonta dabeecadda ambo-qaadka ah ee halganka hubeysan iyo kan siyaasiga ah; ujeeddooyinka iyaga ahina waxa weeye kuwo taagnaan doona tan iyo inta talsikaa isaga ah Soomaaliya laga xoreynayo.

Mabaadiida iyo ujeeddooyinka muddada dheer lihi waxay badankoodu yihiin kuwo u-shaqayntooda iyo xaqiijintooda loo hawl-gelaayo marka Taliskan isaga ah la rido, Soomaaliyana si buuxda looga xoreeyo, ayna bilaabanto marxaladda kala-guurku.

Marxaladdan iyada ah oo ah tan ay dalka maamulkiisa sii wadayso xukuumad ku-meel-gadah ahi oo aan weli u gudbin xukun Dastuuriyi. Ujeeddooyinkan iyaga ah marka sifaalahooda la fiiriyo, kuma koobnaanayaan oo keliya marxaladda kala-guurka, waxay se aasaas laga duulo u noqonayaan marxaladaha xiga iyada oo ay hawl-marxaladeed kastaaba la imanayso waayo-aragnimadeeda hodanka ah iyo halabuurkeedaba.

Ujeeddooyinka Muddada Dhow ee SNM:

  1. Ridista buuxda ee halgan dadweyne oo hubeysan lagu ridayo Talsika Faashiga ah ee Siyaad Barre iyo dhaxal-sugayaashiisa dhagareysan, lagana xoreeyo Jamhuuriyadda Soomaaliya oo idil,
  2. Dhisidda xukun dimuqraadi ah oo ku-meel-gaadh ah ayna ka qayb gelayaan xoogagga mucaaradka Soomaaliyeed, kuwa si toos ah uga qayb galay halganka hubeysan iyo kan siyaasiga ahba, kana qayb galay xoreynta dalka iyo dadka. Si ujeeddooyinkaas loo gaadho wuxu DH.W.S inta lagu jiro marxaladda halganka hubeysan ku shaqaynayaa:

t. Dhisidda xukun dimuqraadi ah oo ku-meel-gaadh ah ayna ka qayb-gelayaan xoogagga mucaaradka Soomaaliyeed, kuwa si toos ah uga qayb-galay halganka hubeysan iyo kan siyaasiga ahba, kana qayb-galay xoreynta dalka iyo dadka. Si ujeeddooyinkaa loo gaadho wuxu DH.W.S inta lagu jiro marxaladda halganka hubeysan ku shaqaynayaa:

1. In uu sii xoojiyo oo sii adkeeyo tayada halganka siyaasiga ah iyo kan hubeysan ee uu kula jiro Taliska, laguna saleeyo danaha dhabta ah ee shacbiga,

2. In garaadka siyaasiga ah ee xubnaha SNM, kan taageerayaasha iyo kan dadweynahaba kor loo dhigo, laguna saleeyo danaha shacbiga,

3. Marxaladda kala-guurka waa in lagu abaal-mariyaa ruug-caddaadiga halganka hubeysan (Inta mutaysata), gaadhsiin heer sarkaal-xigeen iyo sarkaalnimo iyo dallacsiin sarkaal-xigeennadii iyo saraakiishii hore,

4. In barnaamajka iyo maamulka halganka hubeysan iyo kan siyaasiga ahiba si cad uga muuqdaan ujeeddooyinka guud ee SNM sida: sii-xoojinta dhaqanka iyo Diinta Islaamka, hirgelinta iyo ku-camal-falka talo-wadaagnimada, sugidda xuquuqda dimuqraadiga ah ee xubnaha SNM iyo dadweynaha taageeraba,

5. In la sii adkeeyo hanshada xukunka goobaha la xoreeyay, la sii ballaadhiyo tayada maamulka ku-meel-gaadhka ah ee goobaha la xoreeyay lana sii ballaadhiyo salka ka-qayb-qaadashada buuxda ee dadka degaammadaa iyaga ah, tallaabadaas oo isla markaas si toos ah ugu adeegaysa hoos-u-daaddejinta hoggaaminta siyaasadeed ee Ururka iyo shacbiyaynta halganka,

6. In lagu baahiyo adeegga bulshada goobaha la xoreeyay,

7. In la sii daayo maxaabiista siyaasadda u xidhan ee Taliska Faashiga ahi baaddilka ku xidhay,

8. In Ururku ku dedaalo u-hawl-galka nabadeynta beelaha iyo mideynta mucaaridka halganka hubeysan,

9. In Ururka SNM si joogto ah ugu hawl-galo sidii adduunweynaha loogu bislayn lahaa fahamka xaaladda murugsan ee waddanka ka taagan,

10. Fulinta adeegyada bulshada iyo dibudhiska hantida iyo nolosha bulshada,

11. In marxaladda kala-guurka ahmiyad gaar ah la siiyo xannaanada xoolaha iyo suuq-geyntooda, barnaamaj qeexanna loo dejiyo arrintaas,

12. In dib loo dejiyo dadkii ka soo baro-kacay degaannadoodii,

13. Xukunka ku-meel-gaadhka ahi wuxu noqonayaa muddo aan laba sannadood ka badnayn marka taliska la rido,

14. In lagu dedaalo wax-soo-saarka Beeraha iyo kobcinta dhaqaalaha guud,

Qaybta labaad:

Ujeeddooyinka Muddada fog leh:

Marxaladda Muddada fog lihi waxay ka bilaabmaysaa marka Taliska Muqdisho ka jira la rido, xasilloonina dalka lagu soo dabbaalo.

Waajibaadka muddada fog leh:

  1. In marxaladda kala-guurka oo la bilaabanta ridista taliska digtaatooriga ah, la dhiso xukun dimuqraadi ah oo ku-meel-gaadh ah, kana kooban xoogagga xoreynta Soomaaliyeed ee sida dhabta ah u metela Shacbiga Soomaaliyeed, talo-wadaag ahaanna ugu hoggaamiya tubta sinnaanta iyo horumarka ijtimaaciga ah,
  2. In ay xukuumadda ku-meel-gaadhka ahi sugto midnimo qaran ahaaneed iyo amniga dalka, xaqiijisana madax-bannaanida dhabta ah ee qaranka,
  3. In la sii daayo gebi ahaanba dadka siyaasadda u xidhan lana tir-tiro wax allaale wixii xukun siyaasadeed ah ee lagu qaaday muwaadiniinta dalka dibadda kaga maqan, wixii muwaaddin xukun baaddil ah lagu dilayna loo aqoonsado geesiyaal u shahiiday qaddiyadda ummadda, wixii hanti ah ee qoysaskaa lagala wareegayna dawladdu dib ugu celiso,
  4. In maxkamad caddaaladeed la soo taago Madaxdii sare ee Taliskaa oo ay u horreeyaan Maxamed Siyaad Barre iyo kaaliyayaashiisa iyo hawl-wadeennadiisa, laguna oogo denbiyada ah: khiyaamo-qaran oo heer sare ah, dil iyo xasuuq dadweyne, khaarajin iyo jidh-dil maxaabiis siyaasadeed, burburin magaalooyin, berkado iyo ilihii nolosha, xatooyo xoolo ummadeed, isku dil beelo iyo duminta diinta islaamka, cunsuriyad cad oo ay si gaar ah oo ka tallowsan sohdimaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo nabadda iyo xasilloonida Gobolka halis geliyay horukacii ijtimaaciga ahaana naafeeyay, laguna baabi’iyay hanti iyo dadba,
  5. In aasaas fayo-qaba loo dhigo dibuhabaynta guud ahaanba maamulka dawladda sida garsoorka iyo fulinta caddaaladda iyo ciidammada qalabka sida iyadoo si xeel dheer loo fannidayo kuwa hawlaha xasaasiga ah lagu aamminayo, raad-raacna laga samaynayo facaa’ilkoodii muddadii madoobayd ee ay xukunka hayeen,
  6. In majarahoodii lagu soo celiyo xuquuqdii aadamiga iyo xorriyadihii dimuqraadiga ahaa ee uu Talisku cagta hoosteeda geliyay, xorriyadahaa iyo xuquuqdaa oo saamaynaya dhinac kasta oo nolosha bulshada ah,
  7. In Qaranka loo soo celiyo deynka sida sharciga ama sharci-darrada ah looga qaatay Baananka welina maqan,
  8. In Guddi heer Qaran ah loo saaro baadhista hantida Qaranka laga lunsaday, Maxkamad go’aan ka gaadhana la hor geeyo,
  9. In Gobollada dib la isugu habeeyo lana xoojiyo awooddooda madax-bannaaneed,
  10. In goobaha laga soo dooranayo Xildhibaannada heer Qaran dib loo habeeyo (Electoral Constituency),
  11. In iyada oo lala kaashanayo Dawladaha dunida iyo hay’adaha caalamiga ah dib loo dhiso magaalooyinka iyo halbowlayaashii kale ee nolosha ee uu Taliska Siyaad Barre tirtiray, xooggana la saaro Gobollada ay masiibadaasi ugu daran tahay,
  12. In xoogga la saaro sidii dalka dib ay ugu soo laaban lahaayeen aqoonyahannadii iyo farsamo-yaqaannadii dalka dibadda uga baxay caddaalad-darro awgeed,
  13. In Madaxda Dawladda (Madaxweynaha, Wasiirrada, Wasiir-ku-xigeennada iwm), Mudanayaasha barlamaanka, Madaxda Sare ee Ciidanka iyo Maamulka iyo weliba shaqaalaha Dawladda ee haya jagooyinka xasaasiga ahi, aanay si toos ah u maamulin danahooda ganacsi, weji kasta ha lahaatee,
  14. In Madaxda iyo Hawl-wadeennada kor ku xusani ay xisaabtooda iyo hantidooda kaleba soo bandhigaan marka ay qabanayaan xilka Qaranka si ay xisaabahaa iyo hantidaasi u diiwaan-gashanaadaan,
  15. In awoodda dawladda loo raarrido qaybaha dalka sida Gobollada iyo Degmooyinka, taladana ay ka qayb qaataan qaybaha kala duwan ee dadku sida Ururrada Bulshadu,
  16. In la diyaariyo Dastuur Qaran oo dimuqraadi ah oo ka tarjumaya astaamaha gaarka ah sida: Diinta, Dhaqanka iwm,
  17. In Dastuurkaa isaga ah afti-dadweyne loo qaado,
  18. In bulshada Soomaaliyeed dhaqankii iyo anshaxii wanaagsanaa ee ay hiddaha u lahayd lagu soo dabbaalo,
  19. In Dawladda cusubi xil iska saarto abuuritaanka shaqo, lana dagaallanto shaqo-la’aanta, laguna baraarujiyo dadweynaha yuhuunta shaqo-jacaylka iyo isku-fillaanshaha qof ahaaneed,
  20. In la dejiyo qaanuun ku saabsan dhisidda xorta ah ee Xisbiyo siyaasadeed oo Qaran, Ururro Bulsho iyo kuwo xirfadeed,

Dhinaca Dhaqaalaha:

Marka la eego duruufta waddanka DH.W.S wuxu aamminsan yahay ku-dhaqanka dhaqaale isku dhafan (Mixed Economy), waxaana hoggaaminaya suuqa xorta ah (Free Market Economy):

  1. In laga shaqeeyo in maal-gelinta gudaha iyo ta dibaddaba loo jiheeyo kobcinta ilaha wax-soo-saarka oo loo raaco tub lagu casriyaynayo Wershedaha iyo Ganacsiga, laguna shaqeeyo sidii firfircoonaanta dhaqaalaha magaalada iyo miyugu u wada socon lahaayeen,
  2. In uu jaro Baanka dhexe oo habeeyaa, maamulaana siyaasadaha lacagta,
  3. Maamulka Dhaqaale ee dawladdu wuxu hirgelinayaa hawlaha aasaasiga ah ee daryeelka Bulshada,
  4. In Dawladda cusubi siiso mudnaanta koowaad wershadeynta dalka,

Horumarinta Miyiga:

Marka Soomaaliya la eego, xoolaha nool ayaa ah laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, waxaana weeye ilaha dhaqaalaha tan ugu ahmiyadda weyn ee ilaa 80% soo hoysa lacagta adag. Taa macnaheedu waxa weeye in xannaanaynta iyo ka faa’iidaysiga xoolaha nool ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin kordhinta dhaqaalaha, iyada oo sidaa ay tahay, ayay tahay:

  1. In la qorsheeyo sidii biyo ku filan loogu heli lahaa miyiga lana maal-geliyo xannaanada xoolaha nool iyo dheefta kale ee ka soo baxda. In la dhiso wershado fudud oo ku shaqeeya xoolaha nool iyo dheeftooda,
  2. In la dejiyo reer-guuraaga si loo kobciyo dhaqaalahooda, adeegyada bulshadana loo gaadhsiiyo,
  3. In la isku dhafo wax-soo-saarka  Beeraha iyo dhiqitaanka xoolaha nool,

Horumarinta Beeraha:

Guud ahaan wuxu dalku leeyahay dhul-beereed ballaadhan oo badanaaba dihin, haseyeeshee ka-faa’iidaysiga dhulkaasi wuxu u baahan yahay maal-gelin dhinaca soo-saarista biyaha waraabka, sidaaba ha ahaatee, waxay tahay in la qaado tallaabooyinkan:

  1. Kordhinta soo-saarista cuntada aasaasiga ah ee dadku qabatimay si loo yareeyo cuntada la soo dejiyo,
  2. U-fidinta kaalmo dhaqaale, mid amaaheed oo fudud iyo mid farsamo oo Beeraleyda iyo Hay’adaha Beeraha ku lug leh,
  3. Dhiirri-gelinta iyo samaynta wershado fudud oo ku shaqeeya dheefta Beeraha,
  4. In Xijiga (Beeyada, Xabkaha iwm) diraasad gaar ahaaneed lagu sameeyo si hore loogu mariyo,
  5. U-soo-celinta Beeraleyda yar yar siiba kuwa beeraha labada webi dhulka uu Talisku ka baro-kiciyay ee uu uga boobay maal-qabeenka iyo madaxda dawladeed ama iyadoo loo cago-jugleynayo laga dhaafsaday qiimo-lacageed oo yar,
  6. In la sameeyo habka lahaanshaha-dhuleed oo ku salaysan wax-soo-saar

Kalluumaysiga:

Dalku waxay leedahay Xeebta ugu dheer Afrika. Haddaba Ururka DH.W.S wuxu siinayaa ahmiyadda ay mudan tahay ka-faa’iidaysiga kheyraadka Badda, sidaa awgeed waxa loo baahan yahay:

1. In maal-gelin fiican lagu sameeyo ishan dhaqaale ee muhiimka ah,

2. In hore loo dhigo wershedaha kalluunka: qasacadaynta iyo kan qallalanba,

3. In ilaalin xoog leh lagu sameeyo Xeebaha Dawliga ah, Maraakiibta Kalluunka ee shisheeyaha, kuwaasi oo si aan xad lahayn oo sharci-darro ah uga kalluumaysta badaheenna,

Macdanta:

Maanta kama hadli karno wax-soo-saarka macdaneed ee dalka ka jira, haseyeeshee DH.W.S iyo xukun kasta oo uu ka qayb qaataa waxay u horseedi doonaan Barnaamaj ballaadhan oo si dhab ah loogu sahamiyo saliidda iyo macdanaha kale iyada oo lala kashanayo hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah ee khibradda u leh. Macdan kasta oo ganacsi gelki karta oo la soo saaraa waxa loo aqoonsanayaa hanti qaran iyo horumar ijtimaaciya loomana oggolaan doono in cid aan rukhsad u haysani ku lug yeelato.

Ilaalinta Degaanka:

  1. In la dejiyo shuruuc adag oo ku saabsan joojinta dabar-goynta Ugaadha, tarankoodana la kordhiyo,
  2. In la ilaaliyo dhirta, lana qaado mashruuc Qaran oo hore loogu dhigayo kaymaynta (Afforestation) lalana kaashanayo Hay’adaha caalamiga ah ee ilaalinta Degaanka,
  3. In la dhowro daaqa lana joojiyo nabaad-guurka,
  4. In la tir-tiro seerayaashii iyo xidhmooyinkii sida sharci-darrada ah loo siiyay dad gaar ah,
  5. In Degaanka bad iyo berriba laga ilaaliyo wasakhda iyo wasakhaynta, laga feejignaado qashinka maraakiibta shisheeye (Nuclear Waste),

Arrimaha bulshada:

Tacliinta:

Muddadii uu taliska Siyaad Barre jiray waxbarashada iyo barbaarintu si aad ah ayay hoos ugu dhacday tayadeedu, sidaas awgeed SNM iyo xukuumadda wadaagga ah ee dhalataa waxay ku shaqeyn doonaan:

  1. Kor-u-qaadista tayada waxbarashada iyo dejinta manhaj u qalma nooca tacliinta aan rabno,
  2. Waa in la dhiirri-geliyaa baraha maaddi ahaan iyo macnawi ahaanba,
  3. Waa in la xoojiyaa barashada Diinta Islaamka iyo xoog-saaridda dhaqanka islaamiga ah, sida nidaaminta dugsiyada Quraanka,
  4. Ballaadhinta Dugsiyada, Machadyada farsamada iyo Jaamicaddaba,
  5. Waa in af-soomaaliga loo siticmaalo waxbarashada aasaasiga ah iyo tan dugsiyada sare ee caamka ah, lana bar-bar wado afafka kale,
  6. Waa in mudnaan gaar ah la siiyaa waxbarashada dadka waaweyn iyo la-dagaallanka qoris-akhris-la’aanta (Illetracy),
  7. Ururka Dh.W.S wuxu aqoonsan yahay in ay jiri karaan dugsiyo gaar ahaaneed (Private Schools),
  8. Waa in la sameeyaa Ha’ad Qaran oo ka mas’uul noqota horumarinta afka hooyo iyo casriyeyntiisa cilmi ahaaneed iyo weliba dhiirri-gelinta iyo horudhigga fanka, suugaanta Soomaaliyeed iyo samaynta Machad Sare oo arrintaa qaabbilsan,

Caafimaadka:

Sida tacliinta oo kale ayaa daryeelka caafimaadku u baaba’san yahay. Sidaa darteed waxa loo baahan yahay in xoog la saaro kor-u-qaadistiisa. Ururka DH.W.S wuxu aamminsan yahay kor-u-qaadista iyo baahinta daryeelka caafimaadka iyo xoog-saaridda tababarka hawl-wadeennada caafimaadka,

Garsoorka iyo Caddaaladda:

  1. Waa in Garsoorku ka madax-bannaanaadaa faro-gelinta dawladda,
  2. Waa in la tirtiraa dhammaanba shuruucda jujuubka iyo xad-gudubka ah ee ku liddiga ah habsami-u-socodka caddaaladda, Diinta Islaamka iyo dhaqanka ummadda lana baabi’iyo habka  garsoorka ee Talsiku u dejistay in uu isku ilaaliyo dadkana ku cadaadiyo,
  3. In la tir-tiro Maxkamadihii gaarka ahaa ee Taliska,
  4. In Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyayaasha lagu xulo: Karti, aqoon iyo hufnaantooda,
  5. In Sharcigu maareeyo dadka, Muwaaddiniintuna lahaato xuquuq siman, denbiilana ahayn ilaa ay caddayso Maxkamad Sharci ahi,
  6. In kor loo qaado aqoonta sharci ahaaneed iyo tan guud ee Garsoorayaasha,

Arrimaha kale ee Bulshada:

  1. In la diiwaan-geliyo lana xilqaado daryeelka iyo xannaanaynta xaasaskii iyo ilmihii Mujaahidiinta shahiidday,
  2. In la daryeelo naafada halganka hubeysan ku laxaad beeshay, kuwa lugaha iyo gacmaha beelay loo sameeyo kuwo macmal ah, qaab ilo-shaqona loo sameeyo. In loo dedaalo sidii Hay’adaha caalamiga ah ee samo-falka sida UNICEF iyo Laan-qayrta Cas iyo Bisha Cas loola kaashan lahaa hirgelinta arrintan iyada ah,

Warfaafinta:

DH.W.S wuxu aamminsan yahay in laxaadka qalabka warbaahintu ahaado mid dawladeed, haseyeeshee ay jiri karaan qalab warbaahineed oo gaar ah, isla markaana loo hirgeliyo dimuqraadiyadda ijtimaaciga ah, awoodda curineed ee fannaanka, halabuurka iyo farshaxanka, SNM waxay rumaysan tahay:

1. Hirgelinta saxaafadda iyo wakaalado wareed oo madax-bannaan,

2. Dhiirri-gelinta iyo dhismaha ururro xirfadeed oo ka hawl-qaata halabuurka iyo farshaxanka,

3. Dhiirri-gelinta iyo dhismaha kooxo suugaaneed iyo faneed,

Difaaca Qaranka:

  1. In la abuuro ciidan Qaran oo cusub oo u adeega ilaalinta difaaca dalka iyo dadka laga difaacayo gardarro dibadeed, ka-qayb galka mashaariicda horumarinta dalka, kor-u-qaadidda garaadka siyaasadeed ee ciidanka iyo dimuqraadiyadaynta xidhiidhka ciidanka dhexdiisa iyo adkaynta kala-danbaynta,
  2. In Xubnaha ciidanka xoreynta la siiyo ahmiyadda iyo hormeynta koowaad marka ciidanka Qaranka la abuurayo,
  3. In la sameeyo maalin Qaran oo ah maalinta shuhadada oo lagu xusayo geesiyaashii ku shahiiday halgankii gobannimo-doonka ee gumeysiga lagaga hor-jeeday iyo ka xornimo-doonka ah ee lagula dagaallamayay Taliska Faashiga ah ee Siyaad Barre si dhab ahna loo qoro taariikhda dagaalladaa,

Siyaasadda Dibadda ee SNM:

  1. Raacista siyaasad dibadeed oo dhex-dhexaad wax-ku-ool ah kuna qotonta xurmaynta talataalliga ah, xaq-dhowrka midnimada iyo madax-bannanida dal ahaaneed, isku duullaan la’aan iyo faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha ee dal kale, nabad ku-wada noolaan iyo horudhigga xidhiidh dhaqaale  iyo ku dhaqan ee Soomaaliya iyo dalalka dhowra mabaadiidaa iyada ah,
  2. U-halganka nabad iyo xasillooni ka hirgasha adduunweynaha siiba gobollada Geeska Afrika, Badda cas iyo Badweynta Hindiya, gobolladaas oo ay tahay in uu ka caagganaado xiisadaha uuna noqdo goob nabadeed iyada oo ay tahay in iskaashi walaaltinnimo oo dhinac kasta ahi uu dhex maro: Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Yaman, Kiiniya iyo dalalka kale ee badda Cas iyo Badweynta Hindiya,
  3. Ku-dhaqanka siyaasad cad oo ujeedda adkaynta xidhiidhka walaaltinnimo ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo faa’iido talantaalli ah u leh dadyowga labada gobol,
  4. Taagerada buuxda ee halganka xaqa ah ee dadyowga reer Falastiin iyo Koonfur Afrika oo ay kala hoggaaminayaan Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) iyo Golaha waddaniga ah ee Afrika (ANC),
  5. La dagaallanka siyaasadda sahyuuniyadda iyo midab-takoorka,
  6. Waxaanu aqoonsan nahay Dawladda falastiin ee waddaniga ah,
  7. Waxaanu aqoonsan nahay in xukun loo siman yahay ka dhasho Koonfur Afrika, dadyowga ku noolina ka wada tashadaan aayahooga iyaga oo siman,
  8. Xurmaynta iyo u-hoggaansanaanta Xeerarka iyo Axdiyada Ururka Midowga Afrika (OAU), kan Jaamicadda carabta, kan Dawladaha islaamka iyo Qarammada Midoobay,
  9. Ku-shaqaynta xidhiidh gaar ah oo ballaadhan oo dhex mara Soomaaliya, dalalka iyo xoogagga xoreynta ee ku liddiga ahaa Taliska Siyaad Barre una hiiliyay halganka dadweynaha,
  10. U-hawlgalka hab dhaqaale oo cusub oo adduunweynaha ka hirgala iyo xidhiidh ganacsi oo loo siman yahay,
  11. Dib-u-eegidda saldhigyo iyo xero-guulyo millateri shisheeye oo dalka lagu yeesho,
  12. In la xurmeeyo heshiisyada caalamiga ah,

Guul iyo Gobannimo,

Saxexyada:

Muuse Biixi Cabdi:

Guddoomiyaha Sh/weynaha 6aad,

Boobe Yuusuf Ducaale,

Xidhiidhiyaha Xoghaynta Sh/weynaha 6aad,

Abrii, 1990kii, Balli-gubadle.

 

Additional information