Home

Feysal Cumar Mushteeg (1940kii-2012ka) Qormada 6aad

“Duqii waran buu I dari gaadhoo,

Dirqaan ku baxsaday daraaddaayoo,

Deeqay maqal laysku keen diid,”

 

Halkanna jacaylkii ayaa kula fogaaday, oo muxuu yidhi:

Read more...

Feysal Cumar Mushteeg (1940kii-2012ka) Qormada 5aad

“Illeyn naftu way ku amartaayoo,

Hadday ibtilowdo kaa adag,”

Aynu ku sii soconno dareeerinta Qaraamkii dhadhanka iyo dareenkaba lahaa ee Feysal Cumar Mushteeg, waxaanu yidhi marar kale:

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 30aad Xukun-daaddejintii u-xuub-siibatay Xadhig-daaddejinta

Waa ay isu boodday ma maqli jirteen. Waa hoggaankii halganka iyo horumarinta sheeganayay ka laga soo hoyan la’ yahay ee saxaafaddii madaxa-bannaanayd ku heerantay. Waxa looga taag la’yahay dhallinyaro da’ yar oo is-xilqaanatay oo ku shaqaysa duruuf aan cidina u adkaysan karin

Read more...

Feysal Cumar Mushteeg (1940kii-2012ka) Qormada 4aad

Hal-hays wuxu u lahaan jiray sacabka ay reer Kuweyt tumaan oo runtii ka mid ah kuwa ugu quruxda badan adduunka. Habeen aanu aroos Gebilay ah joognay waqti aan u malaynayo in uu ahaa 1992kii ayaa wuxu igu yidhi: “Sacabka nin keliya oo reer Kuweyt ahi tumo, boqol Soomaaliyeed ma tumi karayaan.”

Read more...

Feysal Cumar Mushteeg (1940kii-2012ka) Qormada 3aad

1963kii waxa waxbarasho xagga miyuusigga ah loogu diray magaalada Qaahira: Maryan Xaashi (Ammaano), Axmed Cali Haaruun (Dararamle), Feysal Cumar Mushteeg iyo Axmed Maxamed Good oo loo yaqaannay Shinbir.

Read more...

Feysal Cumar Mushteeg (1940kii-2012ka) Qormada 2aad

Isla sannadkaas waxa ku dhashay magaalada Hargeysa Axmed Cali Haaruun oo loo yaqaannay ‘Dararamle’ oo ay Feysal Cumar Mushteeg qaybo badan oo nololeed wadaageen, gaar ahaan fanka. Waxa kale oo uu sannadkani I xusuusinayaa in ay dhalatay, naxariistii Janno Alla ha ka waraabiyo e’, walaashay Ruqiya-Caneb Yuusuf Ducaale, oo 14kii Diisambar, 2010kii ku dhimatay laguna aasay Jabuuti.

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 29aad Gaandhi: Magac iyo Maktabad

Maansada Gashi ee aan idiin ka soo garoocay tuducan sare, waxa tiriyay Macallin Gaarriye, 1980kii, mar uu ku sugnaa magaalada Muqdisho. Wuxu ka tiriyay dhacdo qabsatay Yuusuf Xaaji Aadan oo markaa ka hawl-geli jiray Wasaaraddii Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu beryahaa Wasiir ka ahaa nin la odhan jiray Axmed Ashkir Bootaan. Macallin Gaarriye wuxu maansadan ka tiriyay duudsi uu Yuusuf Xaaji Aadan ka mutay maamulladii Wasaaradda iyo dalkaba.

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 28aad Geeddiga hakaday: Doorashooyinkii

Dhowr sannadood oo nidaam digtaatooriya, millateriya oo qabaliya si qarsoodi ah la iskugu hoos abaabulayay. Xidhiidh joogta ah oo toos iyo dadab labadaba ahaa oo ka dhex socday Jaaliyadaha dibadaha iyo unugyadii gudaha laguna aloosayay urur siyaasadeed oo lagaga hor tago nidaamkii daallinka ahaa ee Siyaad Barre

Read more...

Feysal Cumar Mushteeg (1940kii-2012ka)

Waa Qormo aan laba sannadood ka hor qoray oo aan dib u nakhtiimay si aynu u maamuusno sannad-guurada 2aad ee ka soo wareegtay geeridii naxdinta lahayd ee Macallin Feysal Cumar Mushteeg.Feysal waxa lagu aasay Hargeysa 21kii Sebtember, 2012kii.

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 27aad Kol haddaan la Koreyn (Xafladdii Qalin-jebinta Hormadii 11aad ee Jaamicadda Hargeysa)

Waa Qormo qormadeed…….Qabax…..Qardhac  iyo quxub midna kuma iman. Waa qiimayn……Waa qurux……Waa qaddarin…….Waa maalin farxadeed……..Waa qalin-jebintii Hormada 11aad ee Jaamicadda Hargeysa

 

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 26aad Doorashada maxaynu ka rabnaa?

Hugunka, hadalka iyo hadaaqiiba waa ay bateen. Beryahanba hadal-haynteennu waxay u badnayd Doorasho waqtigeeda lagu qabto oo aan dib u dhicin. Mararka qaarkood muranku hadalba waa uu dhaafsiisnaa oo gacan-ka-hadal ayuu ku dhawaa.

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 25aad Muranka Diiwaan-gelinta iyo Mugga Xildhibaannada

Qofka maanta ku dooda Doorashooyinkii qorshaysnaa waa la carqaladaynayaa, la yaab ma laha. Maxaa yeelay, wuxu ka saadaaliyay saan-saanka muuqda. Ifafaalaha muuqda iyo saadaashuba ma saalloona. Daliilkeedu wuxu yahay:

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 24aad: Maansada Dhunkaal ee Timacadde, 1970kii,

Waa halkii Mocooyooyinkeen ka odhan jireen: “Alif…..Alif….Alif” ee ay Yaasiinka, Tabaaragga iyo Tiirka bir ah ka cuskan jireen. Xaajada dhul ummadeed oo la iibiyo ama la dhiibo gaadhay Ilaahay sharkeeda ha ina dhaafiyo.

 

 

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 23aad Diiwaan-gelinta la isu barkiyay: Waa dibudhaca Doorashooyinka

Qodobka 4aad ee Dastuurka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaynu ku daah-furnay qormadan kooban ee Khamiislaha ah. Waa Dastuurkii aynu aftida Qaran u qaadnay 31kii Meey, 2001dii.

 

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 22aad Xagal-daacu waa halkee: Ma Xisbiyadaa? Ma Xukuumaddaa?

Haa! Weli miyaynu dheelalaysannahay….Miyaynu hadraynaa…..Hugmaynaa…..Mise waaba hadaaq oo arrinka cuyub iyo carruurnimaba loo celi.

 

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 21aad Xiddigaha Geeska: Foolaadka Fanka iyo Farshaxanka

Ma Xiddigo habeen oo qudh ah muuqda ayaad moodaysaan. Waa Xiddigo aan hadh iyo habeenba dhicin. Habeenkii waa la wada arkaa oo cidna caad kama saarna. Xataa maalintii ayay muuqdaan oo iftiinka cadceeddu ma qariyo.

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 20aad Jilan-jalan, kala-jilan, isku-jilan waxna aan wada jilin

Mar waa isku xer. Mar waa kala xer. Xero waa ay ku wada jirtaa oo Xukuumad ayaabay la baxday. Xisbal-xaakim aan talinna waa ay isku ladhaa. Mararka qaarkood in ay dhuumaalaysi wada ciyaarayaan ayaad moodda. Col ma aha, nabadna ma aha.

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 19aad Muddo-dhaafka muddo-dhaafka: Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha

Waa mar kale iyo ma-hadhadii Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha. Waa Mowduuc xiisihiisa iyo xadantiisaba leh. Qof kasta ma damqo, bal se wixii dooc iyo dareenba leh ayaa ka gil-gisha.

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 18aad Mudane, Siilaanyo yaa cafiska ka codsanaya ee uu ka cabanayaa

Waa 29kii Ramadaan, 1434 Hijriyada, kuna beegan galab Axadeed oo ay bishan Juulay tahay 27, 2014ka. Shalay ayaan Jabuuti ka soo noqday.

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 11aad, 12aad, 13aad.

Haa…..Waa tuduc ka mid ah dhaxalkii suugaaneed ee Faarax Nuur inooga tegay soddonaadkii Qarnigii 20aad. Waa suugaanta aan duugoobin ee saacad walba taagan. Sidaas ayay suugaan dhab ah ku tahay oo mar walba loo soo xigtaa.

Read more...

Sabtiile Qaddiman oo Khamiislayaal soo wada

Arar iyo ardaa la isu soo fadhiistaba la dhaaf. Unuunkii ayay taagan tahay. Bishii Maarj, 2008dii ayaa Hudheelka Ambassador lagu soo xidhay Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Kulmiye oo markaa ama beryahaa ahaa mucaarad macangag ah.

Read more...

Aragtidii Hoggaamiye Cigaal ee Qalalaasaha Soomaaliya iyo mowduucyo kale oo xiiso leh

12 sannadood ayaa ka soo wareegtay markii la soo gebagebeeyay aaskii, baroor-diiqdii iyo tacsidii Hoggaamiyihii, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

Read more...

Maxamed Saleebaan Tubeec: Erey sagootis ah

mahamed sulayman tube126

Geeriyaha qaarkood isu ekaa…….Xilligu isu ekaa…….Sida la isu gaasirayaa isu ekaa……Sida foolaadka mujtamaca loo illoobayaa isu ekaa…….Maansada tuduca aynu qormadan ku ballaysinnay ka soo qaadannay,

Read more...

Magaca Heesta: Xisbiyada Ereyadii: Boobe Yuusuf Ducaale

Laxankii: Aadan Xuseen, Karroone, Muusiggii: Axmed-weli, Furinle,

Duubistii: Maxamed Aw Aadan, Isku-dubbaridkii: Cabdiraxmaan Dheegsan Codadkii:

Read more...

Hadal-haynta Maalmahan

Waa goorma goorteed. Waa lixdannadii marka uu Timacadde ka hadlayay xildhibaannadii iyo wasiirradii beryahaas. Bal hadda inta sannadood ee ka soo wareegtay u fiirsada. Iyada oo aanu garaad badani inoo kordhin,

 

Read more...

Additional information