Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Xasan Sheekh Muumin iyo maalmaha Soomaaliyeed

(Halabuurkii, Heesaagii, Laxan-dhaadhigii, Taariikhyahanka ahaa)

 


(Halabuurkii, Heesaagii, Laxan-dhaadhigii, Taariikhyahanka ahaa)

(25/12/1931kii – 14/1/2008da)

“Hawraar gahaydhiyo,

Maah-maah go’ xidhatiyo,

Gololada sarbeebta ah,

Halka ay ku gorortiyo,

Godankiyo ishaad tahay,”

Maansada Galaal, Hadraawi

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Qormadan oo ah mid aan hore u qoray bal se aan dib u nakhtiimay waxaan milgo iyo maamuusba uga dhigayaa Xasan Sheekh Muumin oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Oslo ee xarunta u ah dalka Norway. Xasan Sheekh Muumin raad aan tirmayn iyo saxeex aan meydhmayn ayuu kaga tegay guud ahaanba fanka Soomaaliyeed isaga oo mowhibad u helay in uu curiye la jecel yahay oo la majeerto ka noqdo dhowr dhudood. Fannaan buuxa oo aanay taariikhdu hilmaamayn dhaxal aan dhammaanaynna ka tegay ayuu ahaa. Waxay isku bah noqonayaan yeekayaashii fanka ee ka horreeyay ee uu ka midka ahaa Cabdillaahi Qarshe. Xasan Sheekh Muumin taariikhdu ku xusi meyso oo keliya in uu ahaa fannaan, bal se ta la yaabka leh ee aan lagu aqoonine waxay ahayd taariikhyahannimadii wax loo dhigaa jirin. Sida uu taariikhda u hayay una yaqaannay intii la sheekaysatay waxay ku ridday dhabanno-hays. Sideeda ayaa loo yidhi dadka qaarkii marka ay dhintaan “Laybereeri” dhan ayaa duugmay. Waa Xasan Sheekh Muumin oo kale. Alla ha naxariisto e’ maxaan jeclaa in aan wax ka duubo markaan maalmo is-xigay dhegaystay taariikhihii uu hayay. Ilaahay baan inoo calfin, intii ag joogtay maalmihiisii ugu danbeeyayna siday wax uga duubeen mooyi.

Malaha muran kama taagna maanta in afka Carabigu ku lammaanaa Diinta oo sidaa ku soo gaadhay dal iyo dadba. Afka Carabigu saamayn laxaad leh ayuu ku yeeshay nolosha dadka Soomaaliyeed. Waxa hubaal ah in af-Carbeedku si la taaban karo uga muuqdo qaybaha nolosha dadka Soomaaliyeed oo dhan. Saamayntiisu waxay ka muuqataa: Afka, Dhaqanka, Fanka, Siyaasadda iyo qaybo kale oo door ah. Saamayntaasi ma mid togan baa? Mise waa mid taban? Waa su’aalo dood iyo falanqaynba mudan, maanta se aanan u soo ambo-bixin. Haddii aynu aragtidan qaadanno, waxa inoo soo baxaysa in imaatinkii Diinta Islaamka ka hor, dadkii Soomaaliyeed ee halkan ku dhaqnaa ay lahaayeen erey-bixin Soomaaliyeed oo ay u adeegsan jireen qaybihii kala duwanaa ee noloshooda. Markaynu soo qaadanno erey-bixinta aynu guud ahaan Diinta u adeegsanno, gaar ahaanna Salaadda; laba ereyba wax-ka-soo-qaadkooda ayay leeyihiin. Waxaynu hubnaa in erey-bixintaa Diineed, gaar ahaan Salaaddu u badan tahay afka Carabiga; waxa se jira labada erey ee kala ah: Tukasho iyo Weyso oo ku aroora afka Soomaaliga. Run ahaantii halka ay labadaa erey ka soo jeedaan baadhis kuma aan samayn, immikana in aan halkan ku falanqeeyo uma soo qalin-qaadan; waa se laba erey oo is-weydiin iyo baadhisba mudan.

Marna cidi ma is-weydiisay in ay jireen maalmo Soomaaliyeed? Adigu se weli su’aashaa naftaada ma soo hor dhigtay oo ma is-weydiisay? Dhinac kale haddii aad iska taagto se, su’aashani ma tahay wax la is-weydiin karo? Kolleyba anigu qof ahaan in badan ayaan is-weydiiyay.

Bishii Maarj 1993kii markii uu socday Shirweynihii Boorame, ayaan Hudheelka Harawo kula kulmay Xasan Sheekh Muumin goor barqo ah. Haddii aanu shaahaynay, ayaan Xasan Sheekh Muumin weydiiyay su’aashan oo igu mudnayd. Waxaan ku idhi: “Ma jireen maalmo Soomaaliyeed mise weligeedba waxa la adeegsan jiray kuwan Carabiga ah.” In kasta oo aan aad u xiisaynayay jawaabta Xasan Sheekh Muumin, haddana wuxu maalintaa iigu jawaabay: “Way jireen maalmo Soomaaliyeed, waxaanay ka mid yihiin waxyaabaha aan is-leeyahay Shirweynahan Boorame ka socda aad u soo bandhigtid.” Xasan Sheekh Muumin aad isuma aanaan aqoonin, aniga oo qaddarinayay jawaabtiisana halkii ayaan kaga hadhay su’aashaydii aniga oo aan jeclayn in aan ka dhabqiyo qorshayaashiisa.

Kalsooni badan ayaan ku qabay Xasan Sheekh Muumin markaan su’aashaa weydiinayay. Maxaa yeelay, Xasan Sheekh Muumin waa Halabuur, Taariikhyahan iyo Murti-dhaadhi. Xasan wuxu la soo barbaaray dhaqdhaqaaqii gobannimo-doonka ahaa ee kontannadii, waxaanu ka mid ahaa barbaartii ka heesi jirtay xisbiyadii siyaasiga ahaa ee beryahaa. Xasan Sheekh Muumin, waa halabuur waxaanu leeyahay qaar ka mid ah Riwaayadaha ugu caansan ee halkudhegga iyo halhayskaba noqday. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa: Shabeel Naagood (1968kii) oo afka Ingiriisigana lagu tarjumay iyo Gaaraa-bidhaan (1969kii) oo saddex qaybood ahayd. Qaybtii 1aad oo keliya ayaa Gaaraa-bidhaan laga dhigay, labadii kalena weli waa ay hadhsan yihiin. Xasan wuxu ahaan jiray heesaa aad u cod macaanaa, wuxu ahaan jiray jile isla markaana waa mulaxin ay codadkiisu ku abtirsadaan jiibta iyo jaanta Soomaaliyeed. In kasta oo uu Xasan Sheekh Muumin aammuska iyo gudhnaanta beryahan danbe la wadaago dhiggiisa kale ee halabuurka ah, waxa kale oo uu Xasan ku saxeexan yahay astaanta Qaran ee Somaliland, maa daama uu ereyada iyo laxankaba leeyahay.

Bal hadda aynu in yar ku yara hakanno taariikh-nololeedkiisii iyo barbaarintiisiiba. Siduu ii sheegay, Xasan Sheekh Muumin wuxu ku dhashay magaalada taariikhiga ah ee Seylac maalin Khamiis ah, 25kii Diisambar 1931kii. Aabbihii wuxu ahaa Sheekh Muumin Maxamuud oo loo yaqaannay “Gaafane” oo Harar (Adari) ku dhashay, kana mid ahaa dadkii halkaa ka qaxay 1dii Jeeniweri 1897kii markii uu Boqor Makonen qabsaday. Nin Suufi Cilmi la odhan jiray ayaa Sheekh Muumin dejyay magaalada Seylac markii ay Harar ka soo qaxeen; waxaanu halkaa ku guursaday Muumina Dharaar Guuleed oo Xasan u dhashay. Sheekh Muumin Diinta ayuu dadka ku bari jiray Seylac.

Xasan Sheekh Muumin wuxu ku soo barbaaray Seylac iyo Boorame, noloshiisuna waxay u badnayd: Boorame, Hargeysa, Jabuuti iyo Muqdisho.

Intii aan dhaqanka beerashada la baran ama aanay magaalooyinku samaysmin dadka Soomaaliyeed waxay ahaayeen raacato xoolo-dhaqato ah. Beryahaa dadka Soomaaliyeed waxay ahaayeen dad noloshooda gacanta ku haysta ama garanayay sida ay ku dhaqmayaan ama ku noolaanayaan; ta Allena halkeeda ayay taallay. Waxay lahaayeen aqoon ay ku agaasintaan noloshooda iyo xoolahooda. Dhir, duur-joog, ciid iyo biyoba way yaqaanneen degaanka ay ku dhaqan yihiin, cimilada ku xeersanna aqoon ay kula fal-galaan ayay u lahaayeen. Xiddigiska ayay aad u adeegsan jireen oo ay kaga go’aan-qaadan jireen qaybo badan oo noloshooda ka mid ahaa. Waxay lahaayeen sannad ay bilowgiisa iyo dahmmaadkiisaba yaqaaneen ama ay wax kaga talo-geli jireen. Sannadkaasaa bilo u qaybsami jiray. Sannadahaa Dayax iyo Cadceedba way ku tirsan jireen. Bilaha ka-sokow sannadka ayay afar xilli u qaybsan jireen iyaga oo isla markaana xilli walba sii kala jejebinaya. Toddobaad toddoba maalmood ka kooban ayay tirsan jireen. Saacado ma ay haysanne, maalinta ayay sii kala qaybsan jireen oo ay gelinno iyo gobollaba u kala dhanbalan jireen..

Markaan soo xigto mid ka mid ah buugaagta dhaxalka ah ee uu ka tegay Xaaji Muuse Galaal, kaas oo ah “Xiddigaha, xilliyada iyo cimilada sida ay u taqaan Soomaalida xoolo-dhaqatadu” oo ku qoran afka Ingiriisiga (Appendix 3), wuxu maalinta u qaybinayaa sidan hoos ku qoran. Xaaji Muuse Galaal, siduu ku xusay Buuggiisan, wuxu soo xiganayaa: Hunt, J.A, “A General Survey of the Somaliland Protectorate, 1944-1950.”

Caano-maal oo u kala baxa ama u qaybsama: Maalin iyo Habeen. Markaynu Maalinta iyo Habeenkaba soo qaadanno, waxay u kala baxaan iyaguna markooda: Gelin Hore iyo Gelin Danbe. Markaynu Maalinta soo qaadanno,

Gelinka Hore wuxu u sii kala baxaa:

Ø Arooryo: saaacad badhkeed ka dib markay cadceeddu soo baxdo,

Ø Barqo-yar: Arooryo ilaa 8.30 saacadood,

Ø Xiksin: 8.30 – 9.30,

Ø Barqo-kulul: 9.30 – 10.30,

Ø Hadh-soo-kor: 10.30 – 11.30,

Ø Hadh: 11.30 – 12.30,

Gelinka Danbe wuxu u sii kala baxaa:

Ø Duhur: 12.30 – 14.00,

Ø Duhur dabadii: 14.00 – 15.00,

Ø Casar dheer: 15.00 – 15.30,

Ø Casar: 15.30 – 16.30,

Ø Casar gaaban: 16.30 – 18.00,

Ø Maqrib: 18.00 – 18.30,

Habeenku wuxu isna u kala baxaa: Gelin Hore iyo Gelin Danbe:

Gelinka Hore:

Ø Fiid: 18.30 – 19.30,

Ø Caweys: 19.30 – 21.30,

Ø Saq dhexe: 21.30 – 02.00,

Gelinka Danbe:

Ø Jiidh: (Dawn),

Ø Arooryo Hore: Cadceed soo-baxa ka hor,

Ø Waaberi: Sagalka cadceed soo-baxa ka soo horreeya,

Ø Arooryo: 06.00 – 06.30,

Dadka Soomaaliyeed markay maalinta iyo habeenka intaa u kala qaybsanayeen, miyaynu odhan karaynaa toddobada maalmood magacyo uma ay lahayn? Bal aan dib ugu noqdo Xasan Sheekh Muumin iyo sheekadii na dhex martay ee ku saabsanayd magacyada maalmaha Soomaaliyeed.

In kasta oo aan Xasan Sheekh Muumin dhowr jeer oo danbe la kulmay, haddana laga soo bilaabo bishii Maarj 1993kii, toddoba sannadood iyo laba bilood ka dib oo ku beegnayd 3dii bishii Meey 2000, ayaan Xasan la fadhiistay gurigiisa ku yaalla Boorame, aniga oo beryahaa ku dhex jiray hawlo cilmi-baadhiseed oo aanu u wadnay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka. Galabtaa ayaan mar labaadkii Xasan Sheekh Muumin weydiiyay su’aashii igu mudnayd ee ahayd: “Ma jireen maalmo Soomaaliyeed intii aynaan caadaysan ama qabatimin maalmahan Carbeed?” Xasan si kal-furan oo kalsooni leh ayuu iigu jawaabay oo iigu yidhi: “Su’aashaa waad igu soo celcelisaye, maanta ayaan kaaga jawaabayaa.” Aniga oo rikoodhkaygii furtay oo ka duubayna, wuxu yidhi: “….Waxa inagu habsaday weerar Carbeed oo Diinta inoogu soo gabbaday. Waxay ku talo-galeen in ay ina dhalan-rogaan oo inaga yeelaan, siday ka yeeleen: Masar, Soodaan, Liibiya, Aljeeriya, Tuunis, Morooko iyo Mureetaaniya. Carabtu iyaga oo adeegsanaya Diinta, waxay kaa beddelaan: magaca, taariikhda iyo dhaqanka. Innaga hawlo badan ayay inoo geysteen, way se ina kari waayeen. Toddobadii maalmood way liqeen, bilaheenniina waxaynu soo gaadhnay iyada oo ay laba masaxan yihiin, tobankii kalena ay sakaraad yihiin. Waxaynu soo gaadhnay iyada oo Rajab iyo Shacbaan….Sabbuux iyo Waaberiis la is-dhex wado. Soon iyo Soon-fur, wixii ay ahaan jireen weli waynu la’nahay magacyadoodii. In kasta oo aan tilmaamo iyo tibaaxoba hayo, haddana tilmaamahaa looma qaadan karo taariikh. Waxaynu ku qasban nahay in aynu hello xaqiiqadu wixii ay ahayd. Laakiin magacyadii maalmaha Soomaaliyeed waan helay, markaan helayna waxaan ka xaqiijiyay Cafar iyo Oroomo oo waanu isku raacnay. Waxay ahaayeen oo ay u dhisnaayeen sidan Carabiga oo kale, maxaa yeelay giddigeen Cibriga ayaynu dabada ku haynaa.”

Aniga oo rikoodh kaga duubayay, Xasan Sheekh Muumin markuu intaa arar ka dhigtay, wuxu bilaabay in uu taxo magacyada maalmihii Soomaaliyeed oo sidii uu ii sheegay ku helay cilmi-baadhis uu muddo waday oo uu weliba ku xaqiijiyay kulammo iyo dodo uu la yeeshay aqoonyahanno ka soo jeeday qowmiyadaha Cafarta iyo Oroomada.

Magacyada maalmaha Soomaaliyeed, Xasan Sheekh Muumin waxa kale oo uu maalintaa u cuskaday, ciyaar carruurnimadii la ciyaari jiray oo ay degaammadu ku kala duwaanaan karaan ama ku kala duwan yihiinba. Wuxu tusaale u soo qaatay ciyaarta la yidhaa “Biitooy Laabo” oo galbeedka iyo bariga Somaliland si kala duwan looga ciyaaro. Tusaale ahaan, Xasan Sheekh Muumin wuxu soo qaatay in degaammada galbeedka Hargeysa looga ciyaari jiray: “Koobin, laabin, Laba Kootaar, Kootaar, Birbiraay birta qabo, Soo-rogaay toban dheh, Biijooy laabo”. Hargeysa iyo degaammada ku dhow ama ku xeersan waxa looga ciyaaraa: “Kun-bulloow, Kun-bullaale caddoow, Xabag geed ka baxdaay, Bile Bile, Bile Jire, Koodaar, Ta u dheer, ee u dhexe, ku jaboo, ku jiqsii.” Degaammada Bariga Hargeysana si kale ayaa looga ciyaaraa.

Xasan Sheekh Muumin, wuxu aamminsan yahay in barbaarinta carruurta loo adeegsan jiray murtida, sidaa darteedna markay ku ciyaarayaan “Koobin, Laabin”, ay ahayd iyaga oo ku tababaranayay maalmaha Soomaaliyeed. Isaga oo aragtidaa ka dhaqaaqaya, Xasan Sheekh Muumin sidan soo socota ayuu u taxay magacyadii maalmaha Soomaaliyeed siday isaga ugu muuqatay waa:

  1. Koobin: Axad,
  2. Lammin: Isniin,
  3. Lamtoka: Salaasa,
  4. Koodaar: Arbaca,
  5. Hakisa: Khamiis,
  6. Hakis-bila: Jimce,
  7. Soo-roga: Sabti,

Xasan Sheekh Muumin wuxu sheegay in ay ka dab-qaadanayaan magacyadan maalmuhu luqadan Kushitigga.

In kasta oo magacyada aan kor ku taxay ee Xasan Sheekh Muumin rumaysan yahay in ay ahaayeen maalmihii Soomaaliyeed ay yihiin ereyo aad garan kartaan, waxaan jeclahay in aan dareenkiinna ku soo jeediyo “Lamtoka” oo uu Salaasada ku sheegay. Ugu horreyn “Lamtoka” markaad ku dhawaaqayso “Ma’da” iyo “Ka’da” shed ayaa saran. Mar labaadka, “Lamtoka” waa erey ka soo jeeda afka Oroomada, gaar ahaan tirada waxaanu u dhigmaa “Saddex”.

Xasan Sheekh Muumin siduu aamminsan yahay, magacyadan maalmuhu waxay la hal-maalaan Luqadaha Kushitigga oo ay ka dab-qaataan: Soomaaliga, Cafarta iyo Oroomaduba. Tusaale ahaan markaynu u soo qaadanno afka Cafarta, markay wax tirinayaan sidan ayay u tiriyaan: Kuuti, Lammooy, Saddexooy, Afarooy, Koona, Lixoy, Malxina, Baxaara, Sagaala iyo Tobana.

Haddii aynu u leexanno dhinaca af Soomaaliga, sidan ayaynu wax u tirinnaa: Kow, Laba, Saddex, Afar, Shan, Lix, Toddoba, Siddeed, Sagaal iyo Toban. Tiradani markay badato waxaynu u tirinnaa: Labaatan, Soddon, Afartan, Konton, Lixdan, Toddobaatan, Siddeetan, Sagaashan iyo Boqol. Halkan waxa inooga soo baxaysa in ay tirooyinkani kala dheegmayaan, marka laga reebo tirada Shan oo noqotay Konton. Haddii aynu raacno qaaciidada ay tirooyinka kale isu raacayaan, wuxu dawgu ahaa in tirada Shan ay noqoto Shantan si ay ugu ekaato kuwa kale. Haseyeeshee, taasi ma ay dhicin ee tiradii Shan waxay noqotay Konton. Halkaa waxa inooga soo bixi karta in Konton loo raacay tirada Cafarta oo la soo qaatay Koona oo Shan u dhiganta, sidaa darteedna aynu Konton u nidhaahno. Marka aynu tirada Oroomada raacno, sidan ayaa wax loo tiriyaa:

  1. Kudhan- Toban,
  2. Diiddam – Labaatan,
  3. Soddoneey – Soddon,
  4. Afurtami – Afartan,
  5. Shantam – Konton,

Miyaanay la yaab lahayn in Oroomadu ay Shantam adeegsato, halka aynu innagu ka adeegsanno Konton. Xasan Sheekh Muumin isaga oo xaqiiqadan ka yaabban, wuxu yidhi: “Waa cilmi aad u fog oo xaddaarad ku dhisan oo baadhis intan ka qoto dheer u baahan.”

Xasan sheekh Muumin wuxu arrintan maalmaha Soomaaliyeed ku soo xidhay: “Waa taa xaqiiqadu, waxaanan ka soo xaqiijiyay odayaashii Oroomada iyo kuwii Cafreed ee gaboobay.”

Sidaa ayuu Xasan Sheekh Muumin u aamminsan yahay in ay jireen maalmo Soomaaliyeed intii aanay inoo iman maalmahan Carbeed. In kasta oo aanan waqti u helin aan ku xaqiijiyo sheekhadan Xasan Sheekh Muumin oo ay baylahda iyo qabyaduba iska badan yihiin, haddana waxay iigu muuqataa in ay arrintan wax ka jiri karaan. Xagga dhismaha markaad ka eegto waa maalmo aan wax badan kaga duwanayn kuwa Carabiga ah. Soomaali iyo Carabi ahaanba waa maalmo tiro ku fadhiya. Maalmaha Carbeed markaad u kuur-gasho Axad ilaa Khamiis, waa tiro Kow ilaa Shan ah. Maalmaha Soomaaliyeed, siduu Xasan Sheekh Muumin u soo bandhigayaana kama foga oo Koobin ilaa Koodaar waa tiro Kow ilaa Afar ah. Kuwan Soomaaliyeed waxay kaga duwan yihiin Khamiista iyo Jimcaha oo noqonaya Hakisa iyo Hakis-bila. Labadan maalmood qudhooda isu-ekaanshahooda wax badan ayaa lagala soo bixi karaa. Waxa inoo soo hadhay maalinta Sabtida oo noqomaysa Soo-roga, magacaas oo isna ah mid meesha qabta, maxaa yeelay waa toddobaadka foolkii oo soo-roggaasi waa mid meesha qabta.

Macnaha ereyga Koodaar oo Arbacada ah, Xasan Sheekh Muumin uma sugnayn halka laga keenay, maalintaa se wuxu noo sheegay in uu u malaynayo in ereyga macnihiisu yahay “Afar-gees”. Markaad soo qaadato sheeko-carruureeddii “Biitooy Laabo”, ereyga Koodaar ee ku jira iyo halka uu sheekada kaga jiro, dad halabuurka ka mid ah ayaa ku macneeyay gabadha gashaantida ah; oo waa ta sheekadaa carruurtu odhanaysa: “Koodaar, Ta u dheer, ee u dhexe, Ku jaboo, Ku jiq sii.” Nimanka sidaa rumaysnaa, waxay qabeen in Kun-bullaale Cadde ahaa Boqor markuu Beesha dhex marayo habalaha loo soo safi jiray oo ta ugu quruxda badan badhtanka la gelin jiray, sidaana loo leeyahay: “Koodaar, Ta u dheer, ee u dhexe, Ku jaboo, Ku jiq sii.” Waa sheeko-baraley Soomaaliyeed iyo sidii ay dadka qaarkii u macneeyeen, runtana Ilaah baa inaga og.

Waxaan jeclahay in aan hoosta ka xarriiqo in Sheekh Maxamed Yuusuf oo Wargeysayada ku soo qori jiray “Odey ka-sheekee” oo culuunta Xiddigiska aad u yaqaannay maalmaha Soomaaliyeed ka aamminsanaa fikrad aan ka fogeyn taa Xasan Sheekh Muumin. Waxaan ka xumahay in uu Sheekh Maxamed dhintay aniga oo aan arrintaa ka qorin, waxaan se hubaa in laga heli doono qoraalladii dhaxal-galka ahaa ee uu ka tegay.

Maalintaa aanu Xasan Sheekh Muumin wada fadhinay gurigiisa Boorame waxa kale oo uu nooga muddaakarooday abaaro dhacay: 1927kii iyo 1928kii oo laga baxay 1929kii, waxaanu ku bilaabay heestan gaaban oo aanan weydiin in uu tiriyay iyo in cid kale tirisay oo abaarahaa daarraneyd, waxaanu yidhi:

“Abaar waa la arki jiray,

Abaalaysyaa la ridi,

Awaare cas ba la kicin,

Aroos wuu tuugo-tegi,

Ummuli way kala engegi,

Idaha Saaweer gelaaya,

Sabeeni ka doogi meyso,

Hablaha Saaweer gelaaya,

Sangalkay ku gaboobayaan,”

Isaga oo ka sii hadlaya abaarihii Xasan Sheekh Muumin wuxu yidhi:

“Abaarahaasi markii ay dhaceen, caydhii waxa la isugu geeyay Bullaxaar. Waxay ahayd Nayruus Arbacaad oo Khamiistiina raacday. Dhulkeenna, xagga Burco ma aha e’ wixii Go’o ka sokeeya abaartu waxay ka dhacdaa Nayruuska Arbacaad, Khamiisina waa ay raacdaa, waxaanay daran tahay marka ay Khamiistu raacdo. Markaa waxa la yidhaahdaa abaartaasi waxay jirtay oo dal iyo dadba haysay 1927kii iyo 1928kii, waxaana laga baxay 1929kii oo Nayruus Jimcaad noqday. Abaartii 1927kii waxa la odhan jiray Abaalays, abaartii 1928kiina Bir-cad. 1929kii barwaaqo ayuu noqday waxaana la odhan jiray Dabo-tallaalkii. Waa waqtigii inoogu horraysay cudurka la yidhaahdo dabo-ka-ruubka. Odey Aadan Indho-yare la odhan jiray oo Ayban dhalay oo aan dawooyinka kala aqoon ayaa inta dhakhtar la qoray oo aan tababar la siinin ayaa irbaddii iyo dawadii loo dhiibay. Waxa laga yaabaa in ay ahayd minjo-xaabin Ingiriisku waday, sidaa ayaa sannadkaa 1929kiina Dabo-tallaalkii loogu bixiyay. Dadkii oo caydhoobay ayaa Bullaxaar la isugu geeyay oo cudurrana ka dillaaceen. Sidaas ayaa loogu qaxay dhulka Qotoda ee Itoobiya.”

Halabuurka Yuusuf Shaacir oo aan u akhriyay qormadan kooban ee aan ka qoray abaarahaa Xasan Sheekh Muumin ka muddaakarooday, ayaa igu kordhiyay in abaartani barigana ka dhacday oo la odhan jiray: Baaha iyo Maadh-genbiba. Wuxu intaa ku xaqiijiyay maah-maahdii odhanaysay: “Nin Baaha joogay waa waayo-arag.” Barwaaqadii abaartaa lagaga nastay wuxu ahaa xagga bariga gu’gii “Ballaadhane”.

Xasan Sheekh Muumin wuxu maalintaa I xusuusiyay qayb ka mid ah taariikhda qoyska aan ka dhashay. Waxaan xusuustay 1988kii galab aanu Baabbuli oo Kililka Shanaad ee Itoobiya ah u soo hoyannay aniga oo la socday adeerkay Muxumed Ducaale Caynaan oo Geeble lagu naanaysi jiray. Annaga oo ka mid ahayn rakaabkii basaskii la soo raaci jiray, habeennimadii waxaanu u hoyannay magaalada Baabbuli. Subaxnimadii ayaanu ka soo ambo-baxnay annaga oo Jigjiga ku soo soconnay.

Haddii aanu wax yar magaaladii ka soo baxnay ee aanu waddadii Fiiq tegaysay xagga woqooyi uga soo leexannay, ayuu adeerkay gacantii ku fiiqay xagga woqooyi oo aan Baabbuliba waxba ka fogayn, waxaanu igu yidhi: “Halkaas ayuu ku aasan yahay Ducaale Caynaan oo is-na aabbo u ahaa anna awowgay aabbo ahaa.” Inta aan taariikhda qoyska xogogaal u ahaa waan hubay in aanu adeerkay berigaa la socon awowgay. Markaa ma aan garan siduu ku xaqiiqsaday halkuu awowgay ku aasan yahay in kasta oo uu warka siyaabo badan ku heli karayay. Inta aan xusuusto awowgay Ducaale Caynaan waxa berigaa la socday Eddooyinkay Caasha iyo Ardo. Caasha xaggaa ayaa lagu guursaday oo ay ku tarantay, Ardo Ducaale se xaggan ayay ku soo noqotay oo ilaa maanta waa ay nooshahay waxaanay deggan tahay Botor xiskeeda iyo xusuusteeduna waa ay dhan yihiin.

Waxay ii ga sheekaysay in abaar xumi dhacday oo ay xaggaa iyo Qotada u dooleen, aabbaheed Ducaalena ku dhintay halkaa goor barqo ah oo reerihii halkaa deggenaa ay aaseen. Dib markaan sannadihii ay ii sheegtay u tiriyay waxay isku mid noqdeen taariikhdaa uu Xasan Sheekh Muumin ka sheekaynayay, sidaas ayaanan ku xaqiiqsaday in awowgay Ducaale Caynaan xilligaa xijaabtay, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Bal hadda aynu ku yar noqonno Xasan Sheekh Muumin iyo xusuustiisii sidii uu ku bilaabay curinta maansada. Aynu soo xiganno isagii oo hadlaya:

“……….Markaan muddo aan dheerayn heesayay, ayaan is-canaantay oo aan is-idhi ma wax uun baa laguu dhiibayaa miyaanad adigu waxba allifaynin. Waa 1957kii iyo magaalada Boorame. Jaadka Dab-shid iyo baa keeni jiray oo meelahan ayay dameeruhu iman jireen fiidka. Waxaan ku jiray guryihii Ina Halas sekeddiisa ahaa oo xaggan danbe u soo jeeday ee qolada Aadan Yoonis lahaayeen ee yar yaraa. Waan tegay jaad baan soo qaatay, qasacad sigaar ah oo balaayir ahna waan soo qaatay. Aad sigaarka uma cabbo. Kartuush yar oo kabriit ah oo toban hal ahna waan qaatay. Dhowr qalin waan qaatay, laba buugna waan qaatay.

Aqalka intiisan hore waa sibidh, halkaa yar ee gidaarkana in yar baa sibidh ah. Laakiin waa derged, waana qol yar oo keliya. Daarad yar buu leeyahay. Beytalmay buu leeyahay. Shaahii baan diyaarsaday, halkii baan gogladay. Sariirihii Roodiishiyada ayaan lahaa, aakhirkiina waan saaray. Waxa guriga yaalla seexaaradahan waaweyn ee shaaha lagu keeno oo dhuxul ah. Afar jawaan oo islaani lahayd oo ay Seylac u qaadanaysay ayaa inta yar ee daaradda agteeda ee beytalmayga yaalla. Markaa dabkii baan shiday. Dhaxan ayay ahayd. Aakhirkii waxan gaadhay in aan kolba jawaan intaan soo qaado ku farraqo. Ilaa intii yareyd ee aan fadhiyay ee albaabka agtiisa ahayd mooyaane intii kale noqotay girgire. Afartii jawaan iyo seexaaraddiiba waan gubay. Markaa hadow baa sidaa u kacaya. Waa dhuxushii galoolka. Waxba waa ay ii tari weyday. Shandadahaygii dharka ee aan dibadda dhigay ayaan kolba kala soo baxaa funaanado suuf ah. Waxaan gashaday kow iyo toban shey oo kabootkii weynaa ee millateriguna ku jiro ee cawllaa. Magaaladuna hore ayay u seexatoo dabeyshii baa dhacaysay haatan magaaladu xidhay, illeyn magaaladaa immika xidhaye. Bahashii buu odhan jirtay ee odayada qaadan jirtay. Marka aan meelahaa maraayo….waqti aan u malaynayo kow iyo tobankii habeennimo, uun buu qabowgii mar keliya dab isu beddelay. Gurigii intaan dusha ka handaraabay ayaan ka baxay. Qol halkan bacadlaha ah ayaan tegay, markaas ayaan bilaabay heestaydii ugu horraysay oo ahayd”:

“Dedaala Soomalay dedaal,

Dedaala Soomalaay,

Danteenna ha ka daalinee,

Dedaala Soomalaay,”

“Waan qoray. Waxba ma eegayee waan qorayaa. Af Carabi ayaan ku qorayaa.

“Dardaaran Haatuf soo degaan,

Xalayto daalacdoo,

Digniin cad buu inoo sidee,

Dedaala Soomalaay,

Dalkeenni baa la qaybsadaye,

Dedaala Soomalaay,

Xaqeenni baa la duudsiyee,

Dedaala Soomalaay,

Dirir galaad Dayaxa la degay,

Isniin dabkii huraa,

Ma demiyo daadka soo galee,

Dedaala Soomalaay“,

“Haddaba beydka afraad weli macnihiisa maan garan. Wuxu ku samaysnaa xiddigaha iyo burjiga. Anna burjigina ma aqaanno, xiddigona ma garnayo. Waa Dirir galaad Dayaxa la degay iyo Isniin dabkii huray, daadka soo galaa lama demiyo e’ dedaala Soomalaay. Sidaasi waa sax xaggii burjiga. Habeenkaa Dirir galaad dayax la fadhiyo haddii ay Isniin tahay wixii la bilaabaa ma bakhtiyo. Laakiin waa maxay habeenkani? Habeenkaan hadlayaa dee Isniin ma aha. Dirir galaad in ay tahay iyo in kalena ma garanayo. Afar iyo tobnaadna waa ay tahay. Habeenkaan dhashay haddaan odhan lahaa, Dirir galaad waan dhashay laakiin Isniin ma dhalan. Khamiis baan dhashay. Haddaba ma habeenkii fikrad Soomaaliyeed abuurantaa? Ma habeenkii aabbahay dhashaa? Ma habeenkii Axmed-Gurey dagaalka bilaabaa? Ma garanayo.

Markii danbe ayaa qososl loo dhici doonaaye, buuggii oo aan dhinac walba wax ugu qoray ayaa maad inoogu fillaan lahaaye, sow 1973kii aniga oo Xamar deggan daad igama qaadin. Markaan marayay dhowr iyo labaatan beyd ayaan beddelay. Waxaan idhi:

“Cammuuddu qaali weeye oo,

Ciyaar ma geydo oo,

Cadowga aan ka daafacnee,

Carruurta wax bara,“

Waa hees carruurta wax bara wada ah. Tii markii aan joojiyay ayaan tu kale bilaabay:

“Gobannimaa Gobannimaa,

Albaabkeennii garaaciye,

Soomaaliyeey,

Gumeysi maan ka doorannaa,”

Aniga oo xiganaya cajaladdii aan maalintaa ka duubay sidaas ayuu Xasan Sheekh Muumin ku bilaabay curintiisii ugu horreysay. Xasan Sheekh Muumin wuxu dhaqan iyo caadabo u lahaa inta badan in uu ku horreeyo codka oo marka danbe midhaha sameeyo, inta badan se dadku midhaha ayay ku horreeyaan, markaas ayaa laxanka la raaciyaa.

Xasan Sheekh Muumin isaga oo xusuustiisii dib ugu noqday oo ka hadlayay kadeedkii Oktoobar ee 1969kii ku habsaday dalka, wuxu yidhi:

“Aniga inqilaabkii millaterigu ii ma fiicnayn oo waxaad ka garanaysaa murtidaydii iyo curintaydii. Waxaad ka garanaysaa ‘Shabeel-naagoo’’, ‘Gaaraa-bidhaan’ iyo ‘Dunidi maskaxday magan u tahay’…..oo aan kaaga soo qaadayo, wuxuna Quraan ayay ku wada fadhiyaan. Heesahan waaweyn aayad Quraan ah ayay mid waliba ku fadhidaa. Tan la yidhaahdo:

‘Laaleys dusheediyo,

Laag iyo xaradheer,

Laan gebi ku taal oy,

Lulayaan dabeyluhu,

Xiisaha ku laalane,

Kalgacaylki lumiyee,

Loxoskii ku dumiyaa,

Guurkii luggooyee,

Leef oo ha liqin baa,

Lurka ii horseeddee,

Laabtaydaneey,

Lullulka iiga daa.’

Lahashada naftaydiyo,

Caqligaa legdamayoo,

Leexada i sidataa,

Maankayga labaysee,

Shinbiraha lalaayee,

Ku dabbaasha laydhee,

Looyaama duurkaa,

Anna ii lallabayee,

Leef oo ha liqin baa,

Lurka ii horseeddee,

Laabtaydaneey,

Lullulka iiga daa.’

Luquntayda dheer iyo,

Laafyaha garaaraha,

Dhabannada labeenta leh,

Midabkayga luulka ah,

Nin aan laasanayn oo,

Luf-lufku u macaan yahay,

Anigaa u loogoo,

Lingaxawga gooyee,

Leef oo ha liqin baa,

Lurka ii horseeddee,

Laabtaydaneey,

Lullulka iiga daa.’

Waa afartii cisho ee aynu xorta ahayn intii aynaan ku darsamin Soomaaliya. Waa hees siyaasadeed.”

Halkaa markii uu marayay, ayuu Xasan Sheekh Muumin hees kale soo xusuustay, waxaanu yidhi:

“In uu haad habeen kaco,

Heehaabo heegada,

Hafiyaan dabeyluhu,

Hiddihiisa maahee,

Hadimada u baaqdee,

Kala hadashay samadee,

Hoygii ka saartaa,

U horseedday halistee,

Hammiga kii hanweynee,

Hal adag baa,

Halleyn haybaddiisee,

Haye fudud, haye,

Habeenkaan lahaa bay,

Hubsiimadu ii habboonayd,

Xasan Sheekh Muumin oo maalintaa aanu Boorame wada fadhinay isaga oo hadalkiisii sii watay wuxu yidhi:

“Waxaad suugaantana ku garan kartaa, calaacalku wuu ku yar yahay. Kolkaa beydkan beydka xiga ayaa dawaynaya:

“Naftu inay hilowdoo,

Hammidoo hawaawido,

Higsataa waxaanay hayn,

Waa himiladeedee,

Hir markay ka gudubtaba,

Mid kalaaw hillaacee,

Hebed baa hammiga dilay,

Ragna heeryadii cunay,

“Hebed baa haween dilay ma aha, waa hebed baa hammiga dilay. Waa ‘cover-kii’ ay suuqa ku gelaysay. Haddana maxaa igu kellifay dee in aan halkan ku dhaco, in aan wax kale doonto ayay ahayde. ”

Labadan heesood oo ay dadka intiisa badani u haystaan in ay kalgacal iyo hablo la khiyaameeyay ku lug leeyihiin sidan siyaasiga ah ayuu Xasan Sheekh Muumin noogu sharxay sannadkii labada kun mar aanu Boorame gurigiisa la fadhiisannay.

Labadaa heessodba waxay ku luuqaysa oo si la yaab leh oo dareenka qofka dhegaysanaya ruxaysa ugu leexaysata Hibo Maxamed oo Hibo-Nuura loo yaqaanno.

Additional information