Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Gorfayn Buug: Qaylo-dhaan Degaan

“Gumburigii badh baa joogsadiyo, gorayo-cawshiiye,Saryankii garbaha weyn lahaa, goob ka kici waaye, Waxa gooni-daaqii habsaday, gubaddadii Hawde, Garanuugta iyo Deeradii, gaag yar baa hadhaye,Guunyadiyo jiiskii hadday, kala gol waayeene,

Kama guuxo Aar-goonlihii, geliga Toomoode,

Shabeelkii gabraar lagu idlee, Giiro layn jiraye,”

Gabaygaa aan ka soo qaatay dhawrka bayd, waxa tiriyey gabyaagii caanka ahaa ee Ismaaciil Mire, mar ay dhacday abaar aad u xumeyd. Waxa uu la hadlayey "Guuguule" oo ku lahaa Guuguulihiiyoow haddaad gu'ga u ooyeyso, abaar gaagma reebtaa dhacdiyo gaatamoo kala'e. Waxa uu ku lahaa " Waar keligaa dhibaatadu ma haysato'e intaas oo ugaadh iyo duunyo ba ah, baa abaartaasi dhibaato gaadhsiisay. Umaan bixin in aan ka faalloodo gabaygaas, ee waxa ii geeyey gadaal baan ka sheegi. Waxa aan se qalinka u qaatay in aan faallo kooban ka bixiyo buugga la magacbaxay QAYLODHAAN DEEGAAN oo uu qoray Axmed Ibraahin Cawaale.

Waa buug aad ka faaiidayso wax badan oo ku saabsan deegaankeenna. Dhanka dhirta iyo duurjoogta ku nool geyigeenna. Markiiba waxa aad garanaysaa qoraaga buugga qoray in uu yahay nin aqoon sare oo ballaadhan u leh deegaanka. Waxa kale oo aad ka marag-kacaysaa in qoraagu uu soo maray dhul aad u ballaadhan oo laga yaabo in aan dadka badidoodu arag, maqal-mooyaane. Waxa aad dhexmushaaxaysaa oo uu ku dhexgeynayaa buurta Surad oo ah buurta ugu dheer deegaanka soomaalida. Buurta Gacanlibaax ayaad wax badan ka fahmaysaa oo uu ka bixinayo sawir guud. Waxa uu kuu tilmaamayaa goobo sumoobay sida xeradii Ayaxa ee Hargeysa. Goobtaas oo u ahayd xarun hay'addii la dagaalanka Ayaxa. Dhibaatada ay keentay suntii Ayaxu ayaad ku baraarugaysaa iyo sida aan waxba looga qaban. Waxa uu hortaada soo dhigayaa cilmi-baadhis badan oo la sameeyey oo xaqiijinaya jiritaanka sunta ku duugan dhulka ku xeeran Xeradii Ayaxa ee Hargeysa.

Buuggu waa mid kooban, balse xanbaarsan aqoon ballaadhan, dhiirrigelin ummadeed, baraarujin bulsho iwm. Geedkii dhamasta ahaa ee ku yiilley Batallaale, ayuu qoraagu si taariikhaysan kuugu faahfaahinayaa, xilligii dhirtaas la beeray iyo dabargo'eedii. Dhirtaas oo ahayd kayn jiq ah, waxa garanaya qofkii arkay, maantana in ay dhir lahaan jirtey iyo in ay bankaa cad ahayd, kala saari maysid. Geedka loo yaqaan Garanwaaga ayuu kaaga warramayaa halka uu ka soo jeedo iyo xilligii uu dhulkeena soo gaadhay. Geedkaas oo dad badani magaciisaba maqleen sagaashanaadkii, buu qoraagu farta kuugu fiiqayaa markii lagu beeray dhulkeena. Waxa kale oo uu kuu ilbixinayaa sida looga faa'iidaysan karo. Shinnidii malabka samaynaysay ayaad ka dhex arkaysaa sida ay u dabargo'ayso, oo qoraagu si aqooni ku dheehantahay kuugu faahfaahinayaa.

Buugaagta ku qoran Afsoomaaligu, inkasta oo aanay badnayn, haddana waxa aad u sii yar kuwa ku saabsan Laamaha aqoonta la xidhiidha. Waa laga yaabaa in ay aad u xoog-badantahay qoraalada laga qoray suugaanta. Waxa aad arkaysaa hebel iyo hebel oo ahaa gabayaa oo buug ama laba laga qoray. Waxa aad la kulmaysaa buug ku saabsan maahmaahyo soomaaliyeed oo tiraba dhawr buug ah. Dabcan waa loo baahanyahay in arrimahaas wax laga qoro, waxaase gaabis ah buugaagta ay ku duugantahay aqoontu. Haddii dhakaatiirtu inoo qoraan buugaag ay ku soo bandhigayaan aqoonta caafimaadka, Dhaqaale-yahannaduna mid ku saabsan dhaqaalaha, Xisaabyahankuna oo xisaabta guud inoo qoro---- ama guud ahaanba cilmiga sayniska, waxa hubaal ah in dad badan oo soomaaliyeed ka faa'iidaysan lahaayeen. Waana dhaxal ma guuraan ah.

Haddaba, buuggan la magic-baxay QAYLODHAAN DEEGAAN waa buug aqooneed si guud uga warramaya dhibaatooyinka caamka ah ee lagu hayo deegaankeenna. Goynta dhirta ayaa uu si faahfaahsan uga warramayaa oo uu tilmaamayo in beryahan danbe aad loogu fooganyahay. Buurta Sheekh, oo malaa beryihii hore ka badbaaddey gubista iyo goynta dhirta ayuu qoraagu leeyahay, buurtaas na waa lagu bilaabay gubistii iyo goyntii dhirta. Sida magaca buuggaba ka muuqata waa Qaylodhaan uu u dirayo dadka guud ahaan, oo uu leeyahay waxaan ahay Qaylodhaan Deegaan, ee i akhriya oo ila eega dhibaatada haysata deegaankeenna. Bilawga buuggaba waxa uu ka sheekaynayaa saddex geed oo ku yaallay Hargeysa bilawgii sagaashanaadkii, oo muran xooggan ka dhex-dhaliyey ganacsato reer Hargeysa ah. Murankaasina uu sababay in saddexdii geedba gunta laga maro oo la gooyo.

Qoraaga buugga qoray waa Axmed Ibraahin Cawaale'e waxa aan leeyahay, waxa aad qabatay hawl aad u ballaadhan. Hawshii kaa gaadhay, kollayba malaa dhaqaale kaaga soo noqon maayo'e waxa aad ka helaysaa wax dhaqaale ka weyn. Waana dhaxal aad u dhigtay bulshada soomaaliyeed oo dhan. Waxyaabaha aan ka bartay buuggaa ma soo koobi karo, waxaan se isweydiinayaa dhawr wax oo ay ka mid tahay "Dacarta dhaadheer" oo aanan hore u maqal. Waxa aan is idhi tolow! dacartaasina dhabaq ma leedahay oo waa halkii Axmed I. Diiriye (Qaasim'e) Dacartuba marbay malab dhashaa muudsataa dhabaqe, waxaan ahay macaan iyo qadhaadh meel kuwada yaalle" mise waa dacar kale oo aan qadhaadh iyo macaan toonna lahayn? Waa laga yaabaa in ay dhir aqoon la'aani hayso. Waan hubaa yoo dhir aqoon la'aan badan baa i haysa, anigiyo in badan oo ila mid ah. Dalkan aan deggenahay (Sweden) Ilmaha yar ee 10 jirka ahi waxa uu yaqaannaa dhirta dalkiisa ka baxda noocyadooda, faa'iidadooda khasaarahooda. Waxa kale oo uu yaqaannaa xayawaanka dhulka ku nool. Nasiib darro anigoo maanta da' jooga in aan garanwaayaa duurjoogteenna, waxa aan isleeyahay wax badan baa sabab u ah. Kelina kuma ahi ee waa la ila wadaagaayoo, lixdan jirka soomaaliyeed, wax badan oo duurjoogta ama dhirteenna ah ayaanuu aqoon u lahay, qaarna aanuu maqalba.

Waxa aan ku soo gebagabaynayaa halkii aan maqaalka ka bilaabay oo ahayd. Gabaygii Ismaaciil Mire. "Gunburigii badh baa joogsadiyo gorayo cawshiiye". Intii aan buugga dhexmushaaxayey baan isha ku dhuftay magac aan garanwaayey. Duurjoogta aan magacooda garanwaayey waabay badnaayeene, kani waxa uu igu noqday wax aan qaadan kari waayey, waa na Gunburiga. Waxa aan is idhi, waar gunburigaa uu qoraagu sharxayo muxuu ahaa. Waxa aan fahmay in uu qoraagu leeyahay waxa uu u egyahay dameerka---yaab iyo amankaag. Waar waxan dameerka u eg ee la cuni jiray waaba yaabe muxuu ahaa---kuye! waxa aad ka eegtaa sawirka dhexda ku jira ee tirsiimadaas leh. Degdeg baan u rogay baalashii buugga, mise waaba Dameer. Gara'oo qoraagu marka hore ayuu innoo sheegay in uu u egyahay dameerka, haddiise aan arki lahaa intii aanan akhriyin buugga waxa aan odhan lahaa waa Dameer. Dhawr qof baan weydiiyey--qaar baaba igu yidhi: " oo ma shinbir baa?" ka daroo dibi dhal. Dabadeed waxa aan xasuustay gabaygii Ismaaciil Mire, in uu ku jiray magacaasi.

Haddii aanay isku mid ahayn Gumburigaa IHN-tee uu abwaanku tilmaamayey iyo Gunburigan qoraagu uu buugga kaga hadlay, ee inoo sheegay in uu dabar-go'ay. Waxa aan marti uga ahay qoraaga iyo intii kale ee akhrida maqaalkan, in ay i saxaan. La yaab na ma aha wixii aanaad garanayn in aad dadka weydiiso. Waana muhiim in aan sheego, halka aan ka faa'iidaystay. Faa’iidada buugga ku jirtaa iyadoo ay ballaadhan-tahay baan idin la wadaagay waxa ugu yar ee aad buuggaa ka baranaysaa in ay xataa tahay duurjoogteenna, dhirteenna ama duunyadeenna. Waxa aan leeyahay hambalyo, qoraaga buugga ku farayaraystay, oo aan ogahay dhibaatada iyo culayska uu la soo maray qoritaankiisii, ururintiisii iyo soo saaristiisii ba iyo xataa isagoo ku qoray laba af oo badh-na Af Ingiriisi buu ku qoranyahay. Waxa kaloon hambalyo u dirayaa shirkaddii daabacday buugga ---waa Redsea-online oo uu hoggaamiye ka yahay Jaamac Muuse Jaamac, oo ah macallin dhiirrigeliya buugaagta qoran iyo qorayaashaba.

Tu’-san, Tu’-san Tu’-danbaynu lahaan

Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey)

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.


Additional information