Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Daah-furkii Buugga Mabaadiida salaynta iyo kala-dhigga Afka Soomaaliga

Munaasibad lagu daah-furay Buugga mabaadii’da salaynta iyo kala-dhigga Af Soomaaliga,ayaa lagu qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeisa.

Xaflada Daah-furka Buuggaasi waxaa ka soo qayb-galay Xildhibaan Cabdiraxmaan Yusuf Cartan, Abwaan Axmed Aw Geedi (Dheeraad), Qoraa Axmed ibraahin Cawaale, Badhasaabkii hore ee Gobolka Hargeisa Maxamed Cabdi Daa’uud, dhalinyaradda Jaamacadaha kala duwan ee Hargeysa iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Xafladdaasi oo ay soo qaban-qaabiyeen Naadiga Akhristayaasha ee Timacadde ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay. waxa hadal kooban ka jeediyay Qoraa Cumar X. Bile Cali oo ah Qoraha Buugga. Wuxu sharaxaad kooban ka bixiyay Buugga Mabaadiida salaynta iyo kala- dhigdhigga Afka Soomaaliga oo uu sheegay in uu qorayay lix sannadood waana buug ka kooban 450 bog.

Qoraagu waxa uu hadalkiisa ku Bilaabay: “Marka hore mahad oo dhan Ilaahay baa iska leh dadkana ku mannaystay luqad ay isku af gartaan una sameeyay hadallo badan oo ummad waliba ay gaar u leedahay. Marka labaad waxaan jeclahay in aan u mahad-naqo Naadiga Akhriska ee Timacadde iyo dhammaan ka-soo-qayb-galayaasha.

Waxaan jeclahay in aan marka hore yara iftiimiyo Buuggani waxa uu ka hadlayo iyo waxa uu kaga duwan yahay Buugaagta kale. Waxa la yidhaahdaa afka marka laga hadlayo wuxuu u qaybsamaa suugaan iyo hadal. Suugaantu waa gabayga, geerarka, heesaha, buraanburka, dhaantada, guurowga iyo waxa allaale wixii u baahan in cod gaar ah lagu akhriyo”.

Cumar X. Aadan Bile isaga oo sii sharraxaya arintaasi waxa uu yidhi: “Hadalku waa kaa aynu ku hadlayno ee la qoro ee lagaga shaqeeyo xafiisyada iwm. Waxa markaa igu dhalatay bal in la helo hab la isku waafaqo oo hadalka loo qoro aniga oo raacaya bal wixii hore ee la qoray haddii taa la sameeyana waa in la helaa hab loo qoro iyo qawaaniin la raaco.

1972kii markii Af Soomaaliga la qoray shuruuc ayaa la soo saaray haba yaraadeene, waxaanay yidhaahdeen waxa aanu qornay ma aha wixii kama- danbaynta ahaa, guulaha ugu waawayn ee ay gaadheena waxay ahaayeen xuruufta Afka Soomaliga oo ay ku sheegeen shibbanayaal iyo shaqallo. Waxa markaa dhacday in ereyada uu ninba sida uu doono ugu dhawaaqo waayo waxaan jirin ereyada meel lagu tilmaansado. Waxa jira dad badan oo isku dayay in ay saaraan oo abla-ableeyaan, bal se waxay adeegsadaan qaab guud oo ah in ay dadku wada yaqanaan Af-carabiga iyo Ingiriisidasidaba.

Qoraaga Cumar Xaaji waxa uu sheegay in uu isagu raacay hab ka geddisan hababka ay Qoraysaashu u mareen qaybaha kala duwan ee afka waxaanu yidhi: “Magac, magic-u-yaal, ficil, meeleeye, xilliyeeye, fal-kaabe iwm. laakiin anigu waxaan isku dayey in aan u dhigo qaab kale oo aan ka baydho habka noocaas ah oo waxa aan ka hadlayo iyo dadka aan la hadlayaaba noqdaan dad Soomaliyeed ka dibna aan erey bixin cusub iyo qaybin cusub aan u sameeyo. Anigu waxaaan ku soo daray laba la kala yidhaahdo ‘Bishle iyo Curiye’ iyo qayb kale oo la yidhaa Godadle. Godadluhu waa erey soo gala qaybahaa hadalka ee aynu soo sheegnay qaarkood “

Cumar X. Bile Aadan waxa uu si guud u sharraxay qaybaha kala duwan ee Buugani ka kooban yahay; waxaana ka mid ahaa hadalkiisii sida tan:

“Haddii aan hoos ugu daaddego Buuggani waxa uu ka kooban yahay ilaa toban qaybood. Waa qaybta koowaad e’ waxay ka hadlaysaa magaca iyo qaybihiisa kala duwan: magac, magic-u-yaal qeexeed oo aanay lahayn luqadaha kale ee adduunka ka jiraa, qeexeed iyo qeexeed-fale. Waxyaabaha kale ee aynu kaga duwan nahay ummadaha kale waxa ka mid ah, waxaynu leenahay siddeed magic-u-yaal halka iyaga ay ka yihiin toddoba magic-u-yaal iyo waliba sagaal waqti dhacdo oo ah tusaale ahaan sida: waxa jiri jiray, dhammaato-joogto, joogto-socota, dhammaato-socotay, dhammaato-socotay tabasho, sida waan socon lahaa iyo samayn lahaa. Waxa kale oo jira in hadalku u qaybsamo hawraar-jirineed.

Haddaba Buuggan waxaan ku faah-faahiyay sagaalkaa waqti dhacdo iyo siddeeda magic-u-yaal sida ay falka u saameeyaan. Waxa kale oo iyaguna jira hawraar-wakhtiyeed tusaale ahaan: Marka goortii haddii sidii uu Eebbe yidhi. Qaybta afraad oo ah tilmaan. Tilmaani waa wax la tilmaamay oo u qaybsanta tilmaan falgay, tilmaan faleed ma aha iyadu falka oo kale”

Xildhibaan C/raxman Yuusuf Cartan oo isaguna Madashaasi ka hadlaya ayaa ugu horayn u Mahadnaqay Naadiga Akhriska Timacadde iyo sida ay iskaga Xilsaareen Kor uqaadidad Afka hooyo. Xildhibaanku waxa uu aad ugu dheeraaday Qiimaha Afka Somaligu leeyahay xusayna in Afka Somaliga la iska dhaxlay isla markaana lagu samayn karo cilmi baadhis.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan waxa kale oo uu sheegay in Af Somaligu ka soo jeedo dhaqan-dhaqaale miyi ah mar kasta oo ay wax iska beddelaan dhaqan-dhaqaalahaasi ayaa isagana wax iska beddelaan. Waxaana uu kula dardaarmay dhalinyarada ku dhaqan magaalooyinka in ay ku baraarugsanaadaan in xil ka saran yahay ilaalinta iyo xoojinta Afka S00maaliga. Waxa kale oo uu sheegay in ilma Nebi Aadan C.S.W ay ka soo jeedeen Geeska Africa ifafaalooyin badanina ay jiraan isaga oo xusay in haddii uu Nebi Aadan af ku hadli jiray in uu ahaa Afa Soomaaliga.

Qoraa Axmed Ibraahin Cawaale ayaa isna aad ugu mahadnaqay Qoraagu hawsha culayskeeda leh ee uu isku hawlay muddadaa dheer oo uu ku tilmaamay in ay jal u noqon doonto Qorayaasha dambe ee afka hooyo wax ka qoraya. Waxa kale oo uu Axmed tilmaamay in Buuggani soo baxay waqti aad loogu baahnaa luqadiina werwer badan laga muujiyay qoraaguna soo nooleeyay rajadaa aadka u sii liidatay. Ugu danbayntii Axmed Cawaale waxa uu ka codsaday Qoraaga in uu qarada ama bogagga Buugga uu soo koobo daabacaadda danbe si aan looga caajisin akhriskiisa, waxaanu ku boorriyay in uu keeno maktabadaha iyo Jaamacadaha Dalka oo uu wax wayn ka tari doono.

Guddoomiyaha Naadiga Akhriska Timacadde Mahdi Sheekh Cabdi Axmed waxa uu ka xog warramay Naadiga Timacadde iyo hawlaha uu qabtay muddadii uu jiray, waxa kale oo uu raaciyay in Naadiyada Somaliland guud ahaan ay gudanayaan farriinta Ilaahay inagu waajibiyay oo markii ay guteen horumar u horseedday Dawladihii Islaamka, waxa uu tibaaxay in Cilmigu aanu qiimo lahayn haddii aanu akhris jirin, xoolaha iyo umaduhuna si fudud dunida uga baxaan balse xikmadda Buugaagta ku qoran iyo aqoontu ay tahay sheyga keliya ee hadhaya Jiilna jiilka ka dambeeya u sii gudbin doono, loona baahan yahay in lagu dedaalo dawlad iyo shicibba sidii aqoonta loo kobcin lahaa.

Gebo-gebadii waxaa su’aalo ku saabsan Buugga iyo dabar-go’a Af Soomaaliga laga waediiyay Qoraaga Buugga waxaanu dhamaantood uga jawaabay una sharaxay si cilmiyaysan. Qoraagu wuxu laba xabbo oo buugaag ah guddoonsiiyay Naadiga Akhriska Timacadde iyo Naadiga Akhriska Hargeysa.

Additional information