Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Milgaha curineed, Micnayn murtiyeed iyo Maamuuska tebineed:

Waa habeen ku beegnaa 51-guuradii 26kii June 1960kii. Waa habeen Axadeed. Bal amarka Ilaahay 26kii Juun 1960kiina maalin Axadeed ayay ahayd.

 

 

Milgaha curineed, Micnayn murtiyeed iyo Maamuuska tebineed:

Xasan Daahir, Weedh-same

“Cosobkeeda suugaan,

Cal-calyiyo xareedba ah,

Caqli uu ku ladhan yahay,

Cilmiguna ku weyn yahay,

Cibaariyo sarbeebba ah,

Weedh-samaa ku caan-baxay,

Curintiisa ay tahay,”

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. , www.dharaaro.com

Waa habeen ku beegnaa 51-guuradii 26kii June 1960kii. Waa habeen Axadeed. Bal amarka Ilaahay 26kii Juun 1960kiina maalin Axadeed ayay ahayd. Waxaan xusuustaa beyd ku jiray tix gabay ah oo Cabdi Iidaan Faarax habeenkaa calan-saarkii tiriyay oo ahaa:

“Axaddii iyo Jimcihii baan ninkii, jiray illoobayne,”

Cabdi Iidaan Faarax wuxu ahaa mansayahankii lixdanaadkii ee ka soo qayb-qaatay halgankii gobannimo-doonka isaga oo ka gabyi jiray xisbigii la odhan jiray National United Front (NUF).

Waxa kale oo aan xusuustaa maalin uu xilli barqo ah oo 1980kii ahayd oo uu marayay Dawladda Hoose ee Hargeysa horteeda oo aan weydiiyay Cabdi Iidaan su’aal ahayd: “Axaddaa iyo Jimcahaasi maxay ahaayeen?” Waxaanu iigu jawaabay: “26kii Juun iyo 1dii Juulay.” Maanta oo ay 51 sannadood ka soo wareegtayna waa isla labadii maalmood. Isla doonasho Ilaah.

Waa galabtii markii ugu horreysay calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay ciid Soomaaliyeed oo xor ah. Xafladdan uu Xasan Daahir oo Weedh-same loo yaqaannaa ku soo bandhigayay qaybo ka mid ah maansooyinkiisa ayaa ku soo beegantay munaasibaddan Qaran ee 51-guurada ahayd.

Madal sharfan oo si la yaab leh loo bilay. Waa mid ka mid ah waab-hawleedyada loogu wan-qalay Hoodaalayaasha ee Hudheelka Maansoor. Waxa ay ahayd mid ka mid ah inta madal loo bilay habeenkan qiimaha leh ee 51-guuradii 26kii Juun, 1960kii. Xafladdan qabanqaabadeeda waxa iska kaashaday: SONYO, Asal iyo Jubba express. Ilaahay ha ka abaal-mariyo innaga oo ka rajaynayna in ay xafladahan oo kale u qabtaan barbaar kale oo wiilaal iyo gabdhaba leh oo soo bandhigaya mowhibadahooda curineed. Aammiinta igu dara oo mar wada dhaha: “Ha samaata oo ha la helo.”

Aynu in yar is-xusuusinno bal habkii iyo hannaankii habeenkaa barkhadeed ee 26kii Juun looga xusay Hargeysa. Waxa lagu ballaysimay calan-saarkii galabnimo ee ka dhacay garoonkii kubbadda cagta ee immika laga dhisay Masaajidka, horena xarunta ugu ahaan jiray Xaafadda 26ka Juun. Waxa xigtay munaasabaddii 2aad ee calan-saarka ee ka dhacday Beerta Xorriyadda habeennimadii 26ka Juun soo gelaysay oo calankii Soomaaliyeed mar labaad la taagay 12.00 saacadood ee saqdii dhexe madaafiicna loo riday. Waxa ku xigtay xafladdii ciidammadu salaanta ku bixinayeen ee ku qabsoontay 26kii Juun 1960kii garoonkii loo yaqaannay “Boolooga” oo ah halka immika uu ka dhisan yahay Istaadiyamka Hargeysa.

Curinta iyo hal-abuurnimadu waa ay noocyo badan tahay, in kasta oo dadka qaarkii u yaqaanno hawraarta ama tixda oo keliya. Tiraabtu kama dhacdo waana curin weliba u baahan xirfaddeeda iyo asluubteeda. Xafladdan lagu soo bandhigayay suugaantii Xasan Weedh-same oo ahayd tii saddexaad ee aan ka qayb-galo sannadahan ugu danbeeyay ayaa saamaynteeda igu yeelatay. Xafladdan iyo mid ka horreysay Maansoor ayaan kaga qayb-galay, ta saddexaadna Hudheelka Summer Time. Xafladdii hore ee Maansoor waxa beer iyo bogba I qaaday laba maanso oo kala ahaa: Xabag-barsheed iyo Dheemman oo labaduba qurux hableed daarranaa, illeyn annaguba nafley ayaanu nahaye. Habeenkii xafladda lagu qabtay Summer Time waxa I beer-qaadday maansada Aqoonsi. Xafladdan saddexaad iyaga oo maansooyinku kala darraa, been-sheegi maayo haddii aan idhaahdo habeenkii oo dhan waxa igu soo noqnoqonaysay tixdii Taammilo oo aan hadba tuduc ama beyd haab-haabanayay.

Subaxdii danbe maalin Axad ah oo 26kii Juun ah ayay ahayd. Halkii aan ka nasan lahaa waxaan oogsaday 8.00 saac ee subaxnimo ka dibna waan diyaar-garoobay. Maktabaddaydii guriga ku taallay ayaan galay. Waxaan dul fadhiistay ‘computerkii’ aniga oo qormadan dheeraatay bilaabay. Waqti 1.30kii saac ee duhurnimo waqti ku beegnaa ayaan ka kacay. Haddana 4.00tii galabnimo ayaan soo fadhiistay, waxaanan ka kacay 9.00kii saac ee habeennimo. Goortaa waxaan marayay 22 bog oo qabyo ahaa. Maalintii Isniintii oo maalin shaqo ahayd qabyada qoraalkani waxa ay ku maqnayd dad soo akhriya. Salaasada oo Micraajkii ahayd ayaan haddana helay maalin kale oo fasax. Halkii ayaan ka sii waday. Ka dibna Arbacadii iyo Khamiistii qabyada qoraalkani waxa ay ku maqnayd barbaartii soo akhriyaysay oo Hibo Maxamed Kheyrre hormood u ahayd. Dhammaystirka, qabyo-tirka, xaal-xaalka, naax-naaxinta, naash-naashka, xarakadaynta, hubinta, hufidda, qurxinta iyo xawaashayntana waxaan ku qaatay maalintii Jimcihii. Intaa aan diyaar-garoobayay hadba nuqul ayaan qof ila wadaaga u dhiibayay si ay iiga saxaan ama fikrad iigu soo kordhiyaanba. Ugu danbaynna waa halkii dumarka e’ waan xallaynayay. Haweenku marka ay dharka iyo weelkaba maydhayaan ayay marka ugu danbaysa ee ay wadhayaan ama engejinayaan yidhaahdaan: “Waan xallaynayaa.” Waa marka biyaha ugu danbeeya la gelinayo. Tixda ama tiraabtuna inta aanay kaa tegin sidaas oo kale ayaa loo xalleeyaa oo waa tii Timacadde dhowrka beyd ee kala gaar ah ka yidhi, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

“Aniga oon qasaasilin debnuu, igama qaadaynne,” oo haweenku inta aanay bariiska disdida ku shubin ayaa marka hore bariiska qasaasilaan ama meydhaan iyada o oil iyo saxarba laga guray.

Mar kalena waa kii lahaa: “Qoor-diidka anigoon u jarin, qun uma luuqayn,”

Haddana waa kii markii danbena ararta dawaarlaha geeyay ee dharka u talay si ay u xarragooto ee lahaa: “Aarartaan dharka u toli ogaa, waanigaan tirin,”

Waxa kale oo tusaalooyinkii Timacadde ka mid ah:

“Bu’daa laga ridaa gabay haddaad, beegso leedahaye,”

Anigana tiraabtaydan dheeraatay waxay noqonaysaa:

“Bu’daa laga ridaa hadal haddaad, beegso leedahaye”.

Additional information