Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Hargeysa: Munaasibad lagu daah-furay mareeg loogu magac-daray DHARAARO

Hargeysa 05, February 2011 (Ogaal)- Munaasibad loogu wanqalay mareeg ama degal loogu magac daray DHARAARO.com, ayaa xalay lagu qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa.

Mareegtan oo uu aasaasay qoraaga reer Somaliland ee Boobe Yuusuf Ducaale, waxa lagu kaydin doonaa taariikhdii iyo halgankii xornimo-doonka Somaliland ee ay hormoodka ka ahaayeen mujaahidiintii SNM, suugaanta iyo murtida Soomaaliyeed.

Magaca mareegta loogu wanqalay ee DHARAARO, waxa uu Mr. Boobe ka soo dheegtay hees uu tiriyay Alla ha u naxariistee Abwaan Axmed Muxumed Warsame (Axmed Genius), heestaas oo magaceeda la yidhaahdo DHAYALSI, waxaanu Abwaanku tiriyay sida uu qoraagu sheegay shirweynihii SNM ee lagu doortay Madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ku beegnayd 6, August, 1984-kii, kaasoo ka qabsoomay magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya, waxaanu Boobe sheegay inay heestu ka hadlaysay xaaladii waqtigaa lagu jiray.

Waxa uu Boobe tilmaamay in u jeedada uu magacan Dharaaro u soo qaatay, heesta oo ka hadlaysay dhacdooyinkii waqtigaa taagnaa iyo mareegtan oo inta badan ka warami doonta taariikhdii iyo halgan dalka lagu xoreeyay.

Ugu horeyn furitaankii munaasibadan waxa ka hadlay aasaasaha mareegta Boobe Yuusuf Ducaale, waxaanu ka waramay u jeedooyinka uu u aasaasay mareegta. “Waa xaflad aanu ugu hollonay inaanu ku gardaadino mareeg ama degal la yidhaahdo DHARAARO.com, waxaan jeclahay waxoogaa inaan ka iftiimiyo ujeedada laga leeyahay mareegtan iyo magaca DHARAARO ee aanu siinay qiimahay ku fadhido, magacan oo aan ahayn magaca aanu iska jeclaanay, balse ah mid taariikh leh. Magaca aan ugu wanqalay mareegtan ee DHARAARO, waxaan ka soo qaatay maanso la yidhaahdo Dhayalsi oo uu tiriyay Abwaan Axmed Muxumed Warsame oo loo yaqaanay Genius, waxaanu Axmed Genius heestan ka qaaday shirweynihii ururka SNM oo qabsoomay 1984-kii, kaasoo ka qabsoomay magaalada Jigjiga ee ay ku taalay xarunta SNM, isla markaana waxay heestani ka hadlaysay xaaladii waqtigaa taagnayd, iyadoo hal-ku-dhiga heestan ee hal-qabsiga noqday uu yahay “Dharaaraa na soo maray”. Wanqashan waxaan ku maamuusayaa Axmed Genius iyo shuhadadii SNM ee naftooda u soo huray madaxbanaanidii dalkooda iyo dadkooda, mareegtani ma noqon doonto mid aan leeyahay, balse waa mid aan u balaysimay si aynu u wada yeelano oo aynu u wada wadaagno.

Waxaan uga gol leeyahay mareegtan wanqasheeda iyo hanashadeedaba sababo badan oo aanan halkan ku soo koobi karin ayaa igu kelifay inaan mareegtan u furo, gaar ahaan barbaarta Somaliland guud ahaana barbaarta Soomaaliyeed meel ay joogaanba, waxaanan u holloday inaan ku soo gudbiyo wixii macluumaad ah ee daaran dadka Somaliland iyo Soomaaliyeedba, inaan ku soo gudbiyo taariikh ahaan wixii macluumaad ah ee SNM ku saabsan oo aan ku soo qaatay muddooyinkii noloshayda ugu adkaa,”

Ugu dambayntii waxa dadweynihii munaasabada ka qaybgalay u akhriyay tuducyo ka mid ah heesta uu ugu magac daray mareegta ee Dharaaro ee uu tiriyay (AHN) Abwaan Axmed Genius, waxaana ka mid ahaa tuducyadaas:

Waa dharaaro yaabloo

Ka dhamaan agtaydiyo

Dhacdo waayaheedaba

Nin kastoo dhadhamiyaa

Dhabanada la haystee

Dharaaraa na soo maray

Labadii is-dhugataba

Mid kaloo dhex-taagani

Meeshu waa dhul nabadee

Ka dhaqaaqa odhan jiray.

Additional information