Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Kooxda Aqoonyahanka Madaxa-bannaan

Waxaa durba Widhwidh ku qabsoomay laba shir oo muujiyey rajada nabad ka hirgasha deegaannada Dhulbahante.

 

 

KOOXDA AQOONYAHANKA MADAXA-BANAAN

Somaliland oo Tallaabooyin Dhiiran u Qaadday Dhinaca Nabadaynta iyo Dimuqraadiyadda: Shirkii Nabadda ee Widhwidh iyo Furista Ururada Siyaasiga

Qaybta 1aad: Shirweynihii Widhwidh ee Nabadaynta Bariga Somaliland

i. Hordhac

Waxaa durba Widhwidh ku qabsoomay laba shir oo muujiyey rajada nabad ka hirgasha deegaannada Dhulbahante. Labada shirba waxay ku qabsoomeen waqti iyo duruufo adag oo muraayad u ah bilawga nabad iyo dibuheshiin ka dhex dhalata khilaafka ka jira aaggaas. Arrintaasi waxay muujinaysaa in xilligii khilaafka hubaysan iyo gacan-ka-hadalku gabogabo yahay iyo in ifafaalihii nabadaynta iyo wada-hadalku si taxadir leh u soo ifayaan. Wejigii hore hawlahan waxaa bilaabay rag ganacsato ah, waana xaqiiqo macno u yeelaysa taxanaha wada-xaajoodka, waayo kamay dhalan dano siyaasadeed balse waxay ka soo maaxatey iskuday lagu furdaaminayey sidii xal waxku-ool ah loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay la kulmeen ganacsato badeecadaha muhiimka ah u kala gudbiya gobolka Sool iyo derisyadiisa. Ragga hawlahaasi bilaabay waxay ka soo gudbeen caqabado badan iyo culays kaga imanayey dhinaca kale ee khilaafka, iyagoo ku qancay in nabaddu u faa’iido badan tahay ganacsiga iyo adeegyada kale ee baahiyaha kale.

Shirweynihii hore wuxuu qabsoomay bishii Oktoobar 2010, wuxuuna muhiim ku ahaa in qaybo ka tirsan beesha Widhwidh Garaadkooda culays ku saareen inuu hhormood ka noqdo habraaca nabadda, wuuna ka aqbalay inkastuu waqti dambe isbeddeley. Shirweynaha labaad waxaa hindisey hormoodna ka ahaa xubno ka tirsan garabka hubaysan ee SSC (Sool, SNaag iyo Cayn) oo go’aansaday in ay nabad ku gorgortamaan . Shirkan labaad wuxuu ku bilawday si kooban balse meel dhexe ayuu ka ballaadhay, isuna rogey shirweyne sal ballaadhan si mug lehna 8 ardaa oo reer Sool, xubno SSC ah iyo wefdi xooggan oo Xukuummadda Somaliland ahi ka soo qayb galeen. Arrintaasina mar labaad waxay tusaysaa baahida dhabta ah ee loo qabo nabadda. Labada dhacdoba waxay daba socdaan mawqifka dhabta ah ee Madaxweyne Siilaanyo iska taagey nabadaynta iyo la xaajoodka bulshada reer Sool iyo sidaanuu waxba ugala hadhinta soo afjariddii shaqaaqadii Kalshaale ee dhibta badnayd.

ii. Muxuu shirkii guulo xaqiijiyety? Ugu horrayn, in shirku ku qabsoomay aaggii SSC ee khilaafku ka taagnaa, ayna shirka wadeen xubno ka soo jeeda SSC ayaa muujinaysa in waqtigii nabadda iyo wada-xaajoodka la gaadhey. Waxaa kaloo muuqata in SSC u bislaanayso in ay noqoto wakiil lala xaajoon karo isla markaana u meteli kara danaha Dhulbahante miiska wada hadal dhab ah. Arrinta saddexaadna, waa xukuumadda Somaliland oo muujisay siday ugu adagtahay mawqifkeeda ku baaqa nabadda iyo in aanu jirin jid kale oo lagu doorsadaa. Arrinta biyo kama dhibcaan ah ee aan loo kala leexanayni waa in dawlad iyo shacabba ku dhaqmaan waayo-aragnimadooda nabadaynta iyo dibu-heshiinta ee ilaa heer caalami loo aqoonsaday isla markaana xirfadaheedii ku dhaqanka iyo masuuliyaddeeda ay ku soo meelmareen laga soo bilaabo 1992dii shirweynihii Nabadaynta ee Burco, ee laga wada qaybqaatay saxeexiisa. Arrinta afraadna, waa shirkaa oo toosh ku ifiyeye xoogagga saamaynta ku leh arrimaha Sool sida: SSCda, hoggaan dhaqameedka Dhulbahante iyo ardaayadooda, qurbajoogga kala duwan sida siyaasiyiinta caanka ah, dawladaha Somaliland, Puntland, TFG iyo xarakooyinka kala duwan ee Koonfurta ka jira.

iii. Muxuu raad ku yeelan karaa shirkweynaha Widhwidh nabad waarta iyo degganaansho reer Sool ku naalloodaan? Waa tusaale rajosan ka iftiiminaya in meel aamindarro iyo qabqablennimo dagaal ka jirto, geesinnimada shakhsiyaad gaar ahi dumin karto kala qoqobnaantii, iyo nacaybkii isla markaana nafta u hureen siday dhinacooda uga midho-dhalin lahaayeen. Taxanahani wuxuu tusaale fiican u noqon karaa guud ahaan reer Sool iyo bulshada Dhulbahante in ay b) in ay la xaajoodaan deriskooda nabad iyo degganaanshona ku wada dhaqmaan sida ka hirgashay gobolka Sanaag horraantii 1990aadkii, d) in loo hawl galo sidii nabad buuxda, horumar iyo arrimo maamul looga wada-xaajoon lahaa; t) Go’aannada rasmiga ah ee shirweynuhu waxay hage lagu hirto iyo aasaasba u noqon karaan wada-xaajood sal ballaadhan. Waxaa aad loogu baahan yahay sidii dib loogu soo noolayn lahaa isaamin dhexmara bulshooyinka deriska ah si ay u wada noolaadaan maankoodana uga saaraan hadhaagii dagaallada sokeeye ee noloshooda leelleelka baday.

Shirweynaha Widhwidh waxaa laga baran karaa waayo-aragnimo labada dawladeed ee Somaliland iyo Puntland ka wada xaajoon karaan nabad iyo xasillooni ka hanaqaada gobolkaas.Labadoodaba waxaa khatar ku ah saamaynta kooxaha xag-jirka ah ee Koonfurta, taasoo lagamamaarmaan ka dhigaysa iskaashigooda hadday sidaas isla fahmaan. Waxaa kaloo intaas dheer, haddii maamulladu sii wadaan inay sii shidaan khilaafyada bulshada madaniga ah, waa in ay maanka ku hayaan in falalkoodu aanay keeni Karin oo keliya in laga soo kaban waayo khilaafyada muddada dheer socdey balse ay khatar gelinayaan jiritaankooda iyo amnigooda waqtiga fog ee gobolkan go’doonka ah , loogana baahan yahay in beesha caalamku isha ku hayso.

iv. Talooyinka Kooxda ee Arrimaha Nabadda Sool

1. Xukuumadda Somaliland waa in ay ku adkaysato jidka wada-hadalka iyo xal raadinta lagu xaqiijinayo dibu-heshiinta. Habraacii widhwidh wuxuu ina tusayaa irid laga geli karo iyo fursad wada-hadal ardaayada kale ee Dhulbahante, SSC oo dhan, hoggaan dhaqameedka iyo siyaasiyiinta miisaanka leh ee qurba-jooggaba lagula xaajoon karo.

2.Beesha caalamka iyo dawladaha gobolkuba waa in ay sahlaan wada-xaajood iyo iskaashi dhex mara Somaliland iyo Puntland, waana in la takooro ciddii is-hortaagta habraaca wada-hadalka iyo geeddi-socodka nabadaynta:

3. Waa in loo sahlo sidii gargaarka iyo dibu-dhiska loo gaadhsiin lahaa dadka nugul ee gobolka. Bulshada rayidka Somaliland iyo tan caalamiga ahba waxa ku waajib ah in qaybta dadak reer Laas Caanood iyo Sool guud ahaanba ay ku leeyihiin kaalmada caalamka in sideeda toos loo gaadhsiiy. Kaalmada noocaas ahi iyadaa nabadda xoojisa; waa in ay ku xidhmaan bulshada rayidka ee Dhulbahante ee gobolka joogta.

t) Waa in dawladaha iyo dadkuba iska kaashadaan xallinta dilka qorshaysan iyo ammaan darrada ka taagan meelo badan oo gobolka ah oo aan ka duwan ta ka taagan meelo Puntland ka mid ah.

4.Dhammaan dawladaha, shakhsiyaadka io kooxaha saamaynta ku leh arrimuha gobolku waa in ay ogaadaan in la gaadhey waqtigii cid kastaa masuul ka noqon lahayd falalka ay geystaan xumaan iyo samaanba, diiraddana la saarayo doorka ay ka qaataan carqaladaynta ama bogsiinta kama dambaysta ah ee khilaafyada in si dhammaystiran xal loogu helo iyo raadka cid kasta falalkoodu ku yeelan karaan sugidda ammaanka iyo nolosha bulshada rayidka ah.

Qaybta 2aad: Hirgelinta Tallooyinkii Guddidii Ururrada Siyaasiga

i. Hordhac

Inkastoo Madaxweynuhu Guddida hawl cad oo qeexan u xilsaaray, haddana bilawgiiba waxay u ekeyd in guddida loo qaabeeyey in ay fashilanto. Guddi 20 xubnood ahi buuqbay ahayd waanay adkayd wada shaqaynteedu. Waxaa su’aali ka taagnay in 6 xubnood oo ka mid ahi ka wakiil ahaayeen 3da xisbi siyaasi oo hore u caddeeyey inay si toos ah uga soo horjeedaan isbeddel kasta oo xaaladda jirt wax lagaga beddelayo. Haddaba Waxa dadka shaki badani markii u tarumteen in ay muuqtao in aanuu Madaxweyne Siilaanyo rabin in uu fuliyo bilanqaadkii doorashada ee furista ururrada siyaasiga isla, laguna maydhaamayo hawlgalka Guddidan. Haseyeeshee, inta badan xubnaha Guddidu waxay ahaayeen dad bulshada qaybaheeda kala duwan ka kala yimid: xubno labada aqal ee Baarlamaanka, Madaxtooyada, aqoonyahanno, jaamacadaha, culimaa-u-diin, hoggaan-dhaqameed, ganacsatada, ururrada bulshada rayidka oo lagu daro xuquuqda aadamaha, dhallinyaro iyo haween.

Isla markiiba markay Guddidu hawgalka billowday labadaii toddobaad ee u horeeyey, waxaa hawsheeda ragaadiyey caqabado wada shaqaynta gudaheeda oo u eekaa in wixii la filayey ay tahay in aan waxba ka soo bxi karin. Si taa looga gudbo, Guddidu waxay go’aan loo dhan yahay iskaga eryeen xubin reer UDUB ah oo iskaashi wada-shaqayneed muujin waayey, arrintaana xisbigiisu ka cadhooday xubintii kalena uga yeedheen guddidii una qaadaceen hawshii socotey.Runtiina arrintaasi waxay fursad u siisay in hawlihii guddidu si toos u dhaqaaqaan go’aanno wadajir ahna gaadhaan uuna abuurmo jawi wada-shaqayneed ee xubnaha dhexdooda. Ka dib markay howluhu sii horumareen, waxaa xoogaystey is-aaminkii xubnaha xoogaystay kulligoodna isku afgarteen in dadweynaha doonistooda lagu shaqeeyo oo meel la iska dhego dan qof, koox iyo xisbiba.

ii. Hawlgalkii Guddida

Guddidii waxay go’aansadeen in aanay Hargeysa isku koobin balse isku kala bixiyaan dhammaan gobollada muhiimka ah ee Somaliland si ay u soo ururiyaan fekradaha iyo aragtiyaha qaybaha kala duwan ee bulashada iyagoo adeegsanaya doodo furan oo laga wada qaybqaato iyo su’aalo qoraal ah. Guddidu waxay raaceen hab aan caadiyan loo shaqayn jirin iyagoo dhammaantood isu wada raacaya gobol kasta kuna dadaalayey iska ilaalinta wax kasta oo khilaaf ku keeni karayey sida iyagoo isu kala jejebiya kooxo gobolada u kala baxa arkayna in ay adkaan karto in ay go’aan midaysan wada gaadhi karaan. Marka keli ah ee Guddidu isu kala qaybiyeen waxay ahayd Laascaanood iyo Ceerigaabo. Dhammaan xarumaha kale sida Boorame, Gebiley, Berbera iyo Burco,Guddidu wadajir bay ku abbaareen iyagoo isu dhan.

Arrinta ugu adage ee Guddudu la kulmeen waxay ahayd sidii loo xuli lahaa ka qaybgalayaasha doodaha furan ee Hargeysa. Hargeysa, Guddidu waxay isu qaybiyeen labo-labo xubnood si ay u soo diyaariyaan liiska ka qayb-galayaasha kana kooban qaybaha kala duwan ee bulshada si ay fekradahooda u soo bandhigaan.

Dhinaca gobollada, Guddidu maamulkaq sare ee gobolwalba ayay u xilsaareen inay soo xulaan cidda ka qayb-qaadanaysa doodaha iyo in ay abaabulaan goobaha lagu kulmayo. Guddoomiyeyaasha gobollada iyo Maayarrada dhammaan gobolladu waxay ula hawlgaleen guddida si heer sare oo lagu dayan karo waxayna ku mudan yihiin ammaan dheeraad ah shaqada ay qabteen iyo siday isugu dheellitireen dadka fekrahadah kala duwan ka qabey arrimaha laga doodayey. Waxaa soo shaacbaxday sida masuuliinta gobolladu ugu xidhan yihiin shacabkooda. Iyadoo la tixgelinayo durrufaha kala duwan ee gobollada, kulammada waxaa loo abaabuley in meel keli lagu qabto sida Berbera, Gabiley iyo Lascaanood ama shirar kala duwan ee qaybaha bulshada sida Hargeysa, Burco, Borame iyo Ceerigabo.

Dooduhu waxay ahaayeen kuwo waxku-ool ah oo midho-dhal ah, xaqiiqadana ku fadhiya. Ka qayb-galayaasha waxaa fursad loo siiyey inay buuxiyaan qoraal cod-qaadis “Haa iyo Maya”ah, in ay sababeeyaan fekradahooda iyo in ay talo-bixiyaan. Kuwii doonayey inay hadlaanna 2-3 daqiiqo ayaa loo oggolaaday si ay ra’yigooda oo urrursan u dhiibtaan. Dadka doodayey waxay kaloo fursadda uga faa’iidasyteen in ay ammaan, dhaliil iyo farriinba u soo gudbinayaan Xukuumadda Somaliland. Doodda dadka si dhamaystiran baa loo duubayey oo waxay taal Akaadhamiga Nabadda ciddii danaynaysa. Guddidu si wanaagsan bay ugu qanceen in taxanaha habraacaasi muujiyey fikirka guud shacabku ka qabey arrimaha laga hadlayey.

iii. Labada Qodob ee ugu muhiimsanaa doodad dhinacyada“Haa” iyo “Mayada”:

Warbixintii kam dambaysta ahayd ee Guddida qodobada doodihii dadka ka soo baxay oo faahfaahsan baa ku qoran ee ka eeg www.soradi.org; halkanse waxaynu ku soo qaadaynaa dhinacyada doodda qolowalba qodobkii bud-dhigga u ahaa.

1.Dhinaca “Mayada”- saamaynta gocashadii doorashooyinkii 1969kii: xadhko-goosadkii xisbiyada siyaasiga ah ee 1969kii ee xad-dhaafka ahaa oo weli ku xooggan xusuusta dadka waayeelka, loona soo gudbiyey dhllinta waqtigan. Waxaynu iyana xasuusanahay in taasi u weyneyd sababta keentay in Guurtida Somaliland Distoorka ku xaddidaan 3 xisbi qaran, Qodobka 9(2). Waxay diideen talooyinkii aqoon-yahanka, siyaasiyiinta iyo xataa Madaxweyne Cigaal laftiisa markuu soo jeediyey in laga saaro xaddidaadda tirada xisbiyada ee Distoorka. Baqdinta waayo-aragnimadii 1969kii weli way ka muuqataa qaybo badan oo shacabka Somaliland ah. Haseyeeshee, inkastoo xusuusta 1969kii weli raadku leedahay dadka, haddana ka qaybgalayaashii dooduhu si mug leh waxay u soo bandhigeen dhaliisha iyo sida aanay ugu qanacsanayn dimuqraadinimada iyo habdhqanka xisbiyada maanta jira, balse waxay weli qabeen in haddana weli fursad la siiyo si ay isu saxaan ,lana tayeeyo inta aan tartanka lagu furin.

2. Dhinaca “Haada”, tabashada ugu muhiimsan ee dalkoo dhan doodihii laga dareemayey iyadoon loo kala leexanin waxay ahayd: dhaqanka aan talo-wadaagga ahayn ee xisbiyada hadda jira iyo hoggaankooda xuurtada ah - “waa hanti kooxeed”. Waxaa muuqatay in aan marnaba tartanba loo gelin hoggaanka sare iyo murashaxnimada madaxweynaha 3da xisbi midkoodna - “waa manabool”. Shirweyneyaasha xisbiyadu ma ahayn kuwo talo-wadaag ah. Xubnaha dadweynuhuna door muuqda iyo saamayn toonna kuma laha siyaasadda xisbiyada iyo habraaca go’aan gaadhistooda; waana kuwo caasimadda saldhigtay, taladu kor ka uruurtay, qurba-jooggna ku tiirsan. Waxaa kaloo intaas u dheer intay ka fogaan lahaayeen reeraynta shacabka, hoggaanka xisbiyadu iyagaaba abuura oo hawlgalkooda saldhig ay tahay. Gabogabada dhinacani waxay ahayd in aan xisbiyada hadda jiraa horumar samayn karayn, waxna ku biirinkarayn hirgelinta dimuqraadiyadda iyagoon la gelin tartan furan waana sida keli ah ee xisbiyadu ku kori karaan laguna gaadhi karo horumarka iyo hannaan dimuqraaddiyayadeed ee Somaliland.

iv. Midhihii ka Soo Baxay Hawlgalkii Guddida

Guddidu waxay soo saareen go’aan kama dambays ah iyagoo raacay habraac ka kooban saddexda arrimood ee kala ah: b) fikradihii laga dooday t) fikradihii shuruucda ee afar garyaqaan oo loo saaray iyo j) codbixintii laga soo ururiyey ee “haa” iyo “maya”tiro dad ah oo dhan 1769 qof; qodobkan dambe ayaa muhimad gaar ah lahaa. Waxay markaa Guddidu go’aan wadareed kugaadhay in ay ku talo bixisay “in ururada siyaasadda la furo oo lagu galo doorasgada degaanka ee u soo horaysa”. Talooyinka faahafaahsan waxa laga helayaa Warbixinta kama dambatynta ah ee Guddida.

Taladii Guddida si hufan oo dhakhso leh ayey Madaxtooyadu u qaabishay una ansixisay waxaana loo gudbiyey Baarlamaanka si ay uga doodaan kalfadhigoodan, lana filyaa in ay la mid ah dib u habayn sharciga ku sameeyaan. Arrimaha mudan in isha lagu hayo siday xeerka ugu soo baxayaan waxaa ka mid ah:

b. In wareegga diiwaan-gelinta Ururrada Siyaasiga ee cusubi noqondoono5tii sanoba mar ama muddo ka dheer oo ugu badhnaan tobanley ah.

t. In shuruudaha diiwaan-gelinta ururrada siyaasiga ee cusubi oggolaanayso tartar xaqsoor leh oo lala galo xisbiyada hadda jira. Arrimaha xaqsoorka waxaa ka mid ah qaddarka lacagta dhigaalka, tirada codbixiyeyaasha taageerayaasha iyo inta gobo lee laga doonayo oo caqligal ah.

j. In la dhawrayo mabda’a u sinnaanta loollanka ama tartanka: In dhammaan tartamayaasha si isku mid ah xeerku u simayo oo iminka oo aan ururur iyo xisbilakala lahayn inta doorashad ka horaysa.

x. In uu jiro guddi diiwaan-gelin ama Komishan Doorashooyin Qaran oo masuul ka noqda hawshaas; iyo in awood u leeyihiin kormeerka iyo qiimaynta 3da xisbi qaran in ay hoggaansanaadaan ku dhaqanka xeer-hoosaadkooda, mabaadi’da talo-wadaaggaee tartan xor iyo xalaal ah xisbiga gudihiisaiyo ku dhaqanka shuruudaha heer qaran ee loo dejiyo xisbiyada siyaasiga ah.

d. In xeerka ay caddeeyo dhammaan arrimaha looga baahan yahay xisbiyo siyaasadeed qaran ama ama ay caddahay in uu ku kooban yahay diiwaan-gelinta ururrada siyaasiga iyo doorashooyinka golayaasha degaanka,si kii xisbiyada loo hirgeliyo.

v. Duruusta laga baran karo hawlgalkii Guddida

1. Guddida hawlo gaar ah loo xulaa waa in ay shacabka la tashadaan si ay fikradahooda u ogaadaan, intay iyagu si gaar ah ugu fekeri lahaayeen go’aanona u soo saari lahaayeen. Haddii aan dadka wax la weydiinayn, waxa habboon in la isticmaalo khubaro talo soo diyaarisa oo ka dhakhso badan Guddiyada.

2. Xubnihii xisbiyada ee lagu daray Guddida waxay abuureen muran in khilaaf daneed jiro. Balse ugu dambayntii arrimahan oo dhan waxaa lagaga gudbey xubnihii metelayey xisbiyada oo masuuliyad isa saaray isla markaana mawqif qaran iska taagey arrimihii laga doodayey lana go’aan qaatay kooxda inteedii kale in go’aanka lagu saleeyo fikradihii shacabka.

3. Guddiyadu waa in ay adeegsadaan warbaahinta si ay bilawgaba shacabka uga wacyigeliyaan arrimaha loo xilsaaray. Guddidani sidaas ma ay yeelin bilawgii, sidaa darteena caqabado badan oo ay ka badbaadi lahayd ayey la kulantay oo ta ugu muhiimsani ay ahayd in ay goob walba u baahdaan in ay ku celiyaan fasiraad, ay bilowgiiba warbaahinta ku dhamayn kari lahayd.

4. In aad qaadacdo hawl qaran adna kuuma fiicna danta guudna uma fiicna. UDUB gef wayn bay galeen markay ka baxeen hawsha sidaana waxay ku lumiyeen fursaddii ay kaga qaybqaadan lahaayeen in ay wax ku darsadaan hawshan qaranka. Waxaa la ogaa in aanay qaaddacaaddu ahayn dhaqanka xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland, xataa marka lagu daro waqtiyadii adkaa ee xukuumaddii Rayaale awoodda adeegsatey.

5. Hawshan waxaa ka soo baxday sida loogu baahan yahay in shacabka gobollada Somaliland ugu baahan yahay in xukuumaddu la xaajooto iyo in doodo guud loo qabto loogana warramo arrimaha taagan iyo halkaloo socdo, si looga qaybgeliyo talada.

6. Taxanaha hawshaas iyo wixii ka soo baxay waxay meesha ka saareen hubaal la’aan badan oo ku xeernayd geeddi-socodka dimuqraaddiyadda Somaliland waxayna toobiyaha u bannaysay daahfurnaan siyaasadeed iyo in habraaceennu horumar samaynayo. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyona qadarin iyodhiirigelin gudo iyo dibedba ahna way ka heshay.

7. Shir-beeleedyadu way sii badanayaan, balse haddii sharciga lagu dhaqmo ma keeni karaan in beelo loo sii kala jajabo. Si ururro siyaasadeed isu diiwaan-geliyaan isla markaana xisbiyo siyaasadeed u abuurmaan, waxaa inooga meel yaal shuruudo adag iyo shuruuc inagu filan oo aan suurtogal ka dhigayn in beelo iyo ardaayo mawqif gaar ah ka qaataan qarannimada Somaliland.

vi. Talooyin Kooxda ee Hirgelinta Talooyinka Guddida ururada siyaasiga

1. Kooxdan Aqoonyahanku Madaxa-banaan waxay taageersan yihiin talooyinkii guddidu soo-saartay furista ururrada siyaasiga ah waxayna ku ammaanayaan sida wadajirka ah ee ay uga heshiiyeen arrimaha xasaasiga ah waqtigan.

2. Waxay kooxdu ka dalbanayaan Baarlammaanku in sida Guddida iyo Madaxweynaha oo kale iyana si le’eg u dedegiyaan ku hirgelinta talooyinkaas. Baarlamaanka waxaa kaloo laga filayaa in soo saaraan xeer kaaba dhaliilaha iyo goddaloolooyinka xeer lam. 14 oo ka dulqaadaan ummadda jahawareer dambe hubiyaanna in xeerku door fiican ka qaato horumarinta dimuqraaddiyadda Somaliland.

F. In hay’adda looxilsaaro diiwaangelintu iyo kormeerka xisbiyada ay awood xeer oo dabagal iyo xukun ku rid ay leedahay oo xisbigii ku xadgudba ku dhaqnaka habkadimuqraadiga gudihiisa iyo dalkaba, ay u leedahay awood xukun ku rid: digniin, ganaax iyo ruqsad-ka- qaadisba haddii dmabi dhacona ay xeer ilaalinta u gudbin karto.

 


Additional information