Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Buugga Xeer Ciise Oo Lagu Soo Bandhigay Hargeysa

Hargeysa (Dharaaro) - Bandhig lagu daah-furay Buugga xeer-dhaqameedka Xeer-Ciise oo uu qoray Qoraaga Cabdalla Xaaji Cismaan, ayaa lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa.

 

Munaasibaddii bandhigga oo lagu qabtay Hotel Imperial ee Magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qayb galeen Abwaanno, Qoraayo, Aqoonyahanno, masuuliyiin iyo marti-sharaf kale, waxa ugu horrayn ka hadlay Prof. Aadam Xaaji Cali oo ka warbixiyay Buugga, waxaanu sheegay in uu buuggu ka kooban yahay sagaal cutub, isla markaana uu yahay Buuggii u horreeyay ee noociisa ah ee Af-Soomaali lagu qoro. “Buuggu waxa uu ka kooban yahay 253 bog oo xambaarsan 9 cutub oo kala ah; Cutubka koowaad, oo ka warramaya bilawgii Xeerka, dhulka, maahmaahyada Xeerka iyo qodobbo kale. Cutubka labaad, oo ka warramaya qodobbada Dhiigga. Cutubka saddexaad, oo ka warramaya xeerka Dheerta. Cutubka afraad, oo isna ka warramayaa xeerka Dhaqaaqilka. Cutubkaa shanaad,waxa uu ka warramayaa xeerrar qubane ah. Cutubka lixaad, waxa uu ka warramayaa xeerka kab Ugaas. Cutubka toddobaad, qabashadii Ugaaska cusub. Cutubka siddeedaad,waxa uu ka warramaya garnaq la qaaday. Cutubka sagaalaad,waxa lagu soo qaatay rag ka mid ah geesiyaashii hore ee nabadda iyo xeerka ku dhaadan jirey amma dadka wax taray,” ayuu yidhi Aadam X. Cali.

Qoraagga Buugga Xeer-Ciise, Cabdalla X. Cismaan Ceeleeye oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ka warbixiyay marxaladaha uu maray qorista buuggani, “Buuggan qoritaankiisu waxa ii ugu qaatay muddo lix sannadood ah. Inta badan qodobbada xeerka ee ku qoran buugga waxa aan ka qoray ruug-caddaaga dhaqan yahanka ah ee la yidhaahdo Jaamac Muuse Miicaad oo hadda ku nool magaalada Jabuuti,” ayuu yidhi Cabdalla Xaaji. Waxaanu intaa raaciyey oo uu yidhi, “Xeerka Ciisaha ayaa badhtamihii qarnigii 16aad loo fadhiistay, isla qarnigaana la dhammays-tiray, iyada oo tan iyo waagaa facba waliba uu fac kale u soo tebinayey sidaana inagu soo gaadhay.”

Waxa kale oo uu qoraagu uu sheegay in buuggan uu ku qoran yahay sagaal cutub oo isugu jira qaybaha xeerka, qabshada ugaaska ciisaha iyo qodobo kale, isaga oo si weyn ugu dhiirigeliyey bulshada gaar ahaan da’ayarta inay buuga si qotodheer u akhriyaan si ay u helaan macluumaadka ku duugan.

Waxa kale oo qoraaga halkaa lagu waydiiyey su’aalo kala duwan oo ku saabsanaa qaybabaha buuga, iyada oo si gaar ah su’aalaha loola bartilmaameedsaday xeerka ciisaha.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Abwaan Axmed Aw Geedi iyo Sacdiya Sheekh Muuse, oo si weyn ugu dheeraaday muhiimada wax-ku-ool ah ee buugani u leeyahay bulshada, iyaga oo qoraaga ku hambalyeeyey dadaalka uu u galay inuu buugan qoro uu u bulshada u sameeyo dhaxal kaydsan.

 

 

Additional information