Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Farshaxanka Soomaaliyeed: Qoridda Mooyaha

Mooyuhu wuxu ka mid yahay agabka ugu mudan ee ay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba u adeegsadaan nolol-maalmeedkooda joogtada ah.

Waa agab miyi iyo magaalaba aan looga maarmin nolosha. Mooyaha iyo tibtuba waa agab ay adag tahay in la sargooyaa waqtiyadii ama xilliyadii ay ku soo biireen nolosha dadka Soomaaliyeed, waxa se la garan karaa in tan iyo maalintii quudashada midhaha la beertaa ku soo biireen nolol-maalmeedka dadka Soomaaliyeed ay mooyaha iyo tibtuna la kowsadeen. Wixii intaa ka horreeyay dadka Soomaaliyeed waxay u badnaayeen xoolo-raacato cadka iyo caanuhu ay u ahaayeen mudanka waxa ay quutaan. Haddii ay labadaa wax u dheeraayeen waxa u soo raaci jiray quudashada midhaha geedaha ka baxa oo xilliba xilligii ka horreeyay dhulku hodan ku ahaa.

 

Mooyaha iyo tibta oo aan kala hadhin waxa loo adeegsadaa tumista midhaha kala geddisan ee la quuto oo ay saldhig u yihiin: hadhuudhka, arabikhida, qamadinka iyo midhaha kale ee la beerto ee aan looga maarmin nolosha. Mooyaha iyo tibtuba waxa ay ka mid yihiin agabka aan laga keenin dibadda bal se laga qoro dhirta dalka ka baxda.

Mooyaha inta badan waxa laga qoraa dhir faro badan oo geed-quwaaxu u mudan yahay. Dhirta mooyaha laga qoraa waa ay adag tahay oo waa dhirta lafleyda ama laf-caska ah. Dhirtaa mooyaha laga qoro waxaynu ka soo qaadan karnaa: Jiica, Meygaagga, Reydabka, Hareeriga, Xodeyga, Lebiga, Cobosha, Dheenta, Quudka, Kidiga, garaska iyo qaar kale oo badan.

Mooyaha iyo tibtaba waxa qora dad xirfad-yaqaan ah oo ku xeel-dheer farsamada qorista. Inta badan qorista mooyaha waxa loo adeegsadaa qalab lagu qoro oo ay ka mid yihiin agab kala geddisan oo u kala baxa: gudin-quraar, dul-qor iyo hoos-qor. Gudin-quraarta iyo dul-qorta inta badan waxa loo adeegsadaa dusha, halka hoos-qorta looga adeegsado in gudaha mooyaha lagu qoro oo lagu simo laguna qurxiyo. Tibta waxa laga qoraa ama laga gooyaa laan kasta oo dhumuc leh oo geedaha intooda badan ah. Intii ay kordhaysay nolosha magaaladu waxa ku soo biiray mooye-xawaashka oo inta badan magaalooyinka lagu adeegsado oo xawaashka iyo waxyaabaha la midka ah lagu tumo. Mooye-xawaashku qori geedaha laga qoro iyo bir dibadaha laga keenaba waa ay leeyihiin.

Mooyaha iyo tibta hadhuudhka lagu tumo, waxa weheliya hees-hawleed u gaar ah oo ay dumarka wax ku tumayaa hawsha isku illowsiiyaan. Maanso ahaan hees-hawleedka mooyuhu waa badda ugu gaaban badaha maansada Soomaaliyeed.

Haddii aynu tusaale gaaban ka soo qaadanno hees-hawleedkaa mooyaha, sow ta tidhaahda:

“Mooyaha,

Magacii,

Calaliye,

Ciil-tire,

Tibahana,

Culus iyo,

Cabban baa,

La yidhaa,

Dumar-dhibe,

Ragga-dhaye,

Dhimannaye,

Soo dhac,”


 

Additional information