Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Xabbad Ibraahin (Dhaban-daran)Culuunta Ugaadha

Ugaadhu, in kasta oo ay maanta dabar-go’ba ku dhowdahay, intii ka noolaydna la’la yahayba meel ay cag dhigto,

 

 

Culuunta Ugaadha

“Hoobeey Hobaaligaayeey,

Maad booddo gaabnaynoo,

Waad baxsan lahaaydeey,

Wiil soo biyaystiyo,

Beydar baa ku beegsadaayeey.”

Maanyo, hees-hawleedda Ugaadhsiga.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale-

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. ,

www.dharaaro.com

Ugaadhu, in kasta oo ay maanta dabar-go’ba ku dhowdahay, intii ka noolaydna la’dahayba meel ay cag dhigto, haddana waxaanu shaki ku jirin in uu dalkeennu beryaha qaarkood hodan ku ahaan jiray. Dabar-go’a Ugaadhu wuxu la xidhiidhaa waxyaabo badan oo ay ugu mudan yihiin: taranka xad dhaafka ah ee dadka, magaalooyinka batay, dhulka la wada yeeshay ee ninba in seeraystay, xaalufka, nabaad-guurka, dagaallada socday muddada labaatanka sannadood ku dhow iyo hubka aan qiyaasta lahayn ee gacanta dadweynaha galay. Markaynu taariikhdeenna ummadeed dib u raacno, marna ma ay dhicin in wax la iska weydiiyo Ugaadha iyo sidii tarankeeda iyo tafiirteedaba loo ilaalin lahaa. Wax caadiya ayay iska noqotay in dhulka la haab-haabato marka Ugaadh la arko, si wax loogu tuuro kol ay dhagax ku tahay; haddii aan qoriba lagu toogan. Taasina waxay keentay in ay aragga beni-aadamka ka diddo oo baxsato. Taariikhdeenna haddii aynu dib u raacno, marna Ugaadhu ma ay helin xuquuqdii ay dal iyo dadba ku lahayd. Markaad dib u jalleecdo lixdannadii sidii Fardaha looga dabar-gooyay dalka, gaar ahaan Degaanka Gebilay, Ugaadha waad iska illoobaysaaba. Xaqiiqadu waxay tahay in aanay Farduhu si dabiiciya u dabar-go’in, bal se si qorshaysan, habaysan oo ku-talo-gal ah loo dabar-jaray, markii qowlallada inta silig iyo taarba lagaga xidhay loo diiday in ay dhulka af-dhigaan. Waa sannadihii dhowr iyo lixdankii iyo falalkii bahalnimada iyo dadnimo-ka-baxa ahaa ee lagu dabar-jaray Fardihii Degaanka Gebilay, Fardihii oo keliya lama dabar-goyne, waxa kale oo halkaa ku duugmay aqoontii iyo suugaantii la xidhiidhay oo aanay carruurta iska dhaafe inteenna waaweyni wax macno leh ka sii hayn.

Ugaadhu, maa daama ay ka mid ahayd xoolihii dalka ku dhaqnaa, waxay lahayd qiimaheeda, taas oo aad maanta ka dheehan karto culuunta dhinacyada badan ee ku dheehan dhaqmaadkeedii iyo nolosheedii. Nolosha iyo culuunta Ugaadha looma sinnayne, waa loo kala dhawaa. Waxaanu shaki ku jirin in qayb mujtamaca ka mid ahi dadka kale uga dhaweyd, ugana daryeel iyo naxariisba badnayd.

Qormadan oo ku saabsan Ugaadha, waxaan jeclehay in aan ku soo qaato aqoonta qotada dheer ee la xidhiidha: Ugaadha, sida ay ku dhaqanto, inta ay u kala baxdo iyo magac-bixinteedaba.

Qormadan Ugaadha ku saabsan, waxaan ka soo xigtay oo inta aan ka qorayoba iska leh Beydargii aqoonyahanka iyo soo-jireenkaba ahaa ee Xabbad Ibraahin, Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, hana ka abaal-mariyo dhaxalka aan duugoobayn ee uu innaga iyo ubadkeennaba danbeba uga tegaye.

Qormadan dhaxal-galka ah ee Ugaadha la xidhiidha, siday u dhan tahay waxaan ka soo qaatay cajalad “Video” ah oo uu Xabbad Ibraahin u duubay Golaha Raadyowga iyo Telefishanka (RTD) ee Jabuuti. Cajaladdaa waxa ku wareysanayay aqoonyahanka caanka ah ee Maxamed Cabdillaahi Riiraash oo kaalin qiimo leh ka galay ururinta iyo keydinta, guud ahaanba, fanka Soomaaliyeed.

Inta aanan u gondo-degin qormadaydan Ugaadha ku saabsan, waxaan mahad aan duugoobin u celinayaa Golaha Raadyowga iyo Telefishanka (RTD) ee Jabuuti iyo intii danaysay ee ka qayb qaadatay ururinta iyo keydinta fanka Soomaaliyeed, aniga oo si gaar ah ugu mahad-naqaya Maxamed Cabdillaahi Riiraash oo arrintaa dedaal dheeraad ah ka muujiyay, xil gaar ahna iska saaray.

Ugaadhu, iyada oo gogol-xaadh iyo gogol-dhig intan ka ballaadhanba iga mudnayd ama maantaba iga mudan, bal aan u gonda-dego Qormadan aan maanta u holladay.

Sidii aan idiin soo sheegay, aniga oo soo xiganaya Barnaamajkaa ku saabsanaa Ugaadha iyo Ugaadhsiga ee Maxamed Cabdillaahi Riiraash ku wareysanayay Xabbad Ibraahin, waxaan jeclahay in aan halkan idiin ku soo gudbiyo aqoontii hodanka ahayd ee uu Xabbad u lahaa Ugaadha iyo Ugaadhsiga.

Xabbad Ibraahin (Dhaban-daran), wuxu ahaa nin Beydari iyo hal-abuurba ahaa oo u dhashay Somaliland, kuna noolaan jiray Hargeysa iyo Degaanka Balli-gubadleba, siduu ii sheegay Muuse Canjil oo aqoon fiican u lahaa. Xabbad Ibrfaahin waxa kale oo uu belo ku qabay ciyaarta Baar-caddaha oo lagu dheygagi jiray sidii uu u ciyaari jiray. Xabbad wuxu ka shaqayn jiray oo ka hawl-galay Dawladaha Hoose ee Hargeysa iyo Balli-gubadle. Xabbad Ibraahin waqti ku beegnaa 1992kii ayuu ku dhintay oo lagu aasay magaalada Jabuuti. Xabbad Ibraahin (Dhaban-daran), wuxu ahaan jiray hal-abuur curiya maansooyinka iyo majaajilladaba. Heesihiisa caanka ah ee ka baxa Idaacadaha Soomaaliyeed waxa ka mid ah heesta aan duugoobin ee “Buli” ee uu ku luuqeeyo Cumar Dhuulle Cali, Cumar-mahdi. “Buli”, waa magaca shinbir ka mid ah shinbiraha dalka. Degaannada Somaliland qaarkood shinbirtaa waxa looga yaqaan magaca kale ee ah “Maris”. Waa shinbir loo nisbeeyo in ay sheegto malabka iyo maskaba. Waxaanu shaki igaga jirin in uu Xabbad Ibraahin aqoon hodan ah u lahaa magacyada iyo dhaqammada shibiraha. Wax yar ayaynu shinbiraheenna magac ahaan u naqaannaa, inta badan se is-ma dhibno oo shinbiro ayaynu u wada naqaannaa. Ka hadli meynno wax-tarkooda iyo wax-yeelladooda e’, bal ka warrama haddii aynaan magacyada shinbiraheennaba aqoon. Nolosha iyo horumarka meel qaldan ayaynu ka raadinaynaa, xaqiiqaduna waxay tahay in aanad dibudhac ka maarsanayn inta aad ka arradan tahay: aqoonta, taariikhda, dhaqanka, xeerarka iyo guud ahaanba degaankaaga iyo waxa ku nool.

Waxa kale oo heesaha caanka noqday ee Xabbad Ibraahin ka mid ah heesta la yidhaahdo Halgan ee ay midhaheeda ka midka yihiin:

“Halgan bayna sugayoo,

Hadh is-taagi meynee,

Yaanbadaynu hayniyo,

Ololaha hubkaw sida,

Dugsiyada hore u taga,

Heer sare an gaadhnee,

Haddii kale se waa halis.”

In kasta oo uu wareysigu u badnaa su’aalo iyo jawaabo, bal aan isku dayo in aan idinka sheeko ahaan idiin ku xidhiidhiyo.

Barnaamajkan uu Xabbad Ibraahin ku soo gudbinayay aqoonta iyo suugaanta qotada dheer ee uu u lahaa Ugaadha iyo Ugaadhsigu, wuxu u qaybsanaa laba qaybood oo kala ahaa:

Ugaadha: magac-bixinteeda, dhaqankeeda iyo sifooyinkeeda kala geddisan,

Ugaadhsiga: hababka, agabka iyo tabaha ama xeeladaha lagu ugaadhsado,

Qormadaydan maanta waxaan isku koobi doonaa qaybta hore ama koowaad, aniga oo ku rajo-weyn in aan qaybta labaadna idiin soo gudbin doono mustaqbalka dhow, haddii Eebbe inagu simo.

Malaha indho-daalis ayaan idin ku riday oo dhareerkiiba idin ka dhammaaye, aan toos u galo mowduuceenna maanta ee Ugaadha.

Ugu horreynba Xabbad Ibraahin (Dhaban-daran), wuxu Ugaadha u kala qaybinayaa laba qaybood oo uu ku kala sheegay:

Yeris, iyo,

Ishin,

Yerista:Xabbad Ibraahin, Yersita wuxu u kala saarayaa qaybahan soo socda, isaga oo raacinaya qayb welba magac-bixinta, dhaqanka iyo sifooyinka ay leedahay.

Sakaarada:

Sakaarada, oo ku dhaqanta Sudaha iyo Duudaha, labkeeda waxa la yidhaahdaa Atoor, dheddigana Yac. Sakaaradu markay yar yar tahay waxa loo yaqaan Biiq. Sakaaradu laba-laba ayay isu raacdaa. Waxay dhashaa Kaliisha, Atoorkuna wuu saaraa labka kale.

Cawsha:

Cawsha lab waxa loo yaqaan Jaxeedh, ta dheddigna Masaal. Cawshu waxay ku dhaqantaa Bananka, waxaanay mar la dhashaa Adhiga. Cawsha wada socota ee markaa meel wada daaqaysa, waxa loo yaqaan Goosin Cawl ah. Cawlku wuu saaraa labka kale, wuu sahamiyaa waanu hayaamiyaa Cawsha. Waxaynu maqallaa iyada oo la leeyahay Cawlku (Jaxeedhku) markuu saaranayo Masaasha wuu u xiddigiyaa.

Garanuugta:

Garanuugtu, waa geed-laac waxaanay ku dhaqantaa Sudaha. Waqti kasta way dhashaa oo sida orgigu riyaha ugu dhex jiro ayuu Liiggu ugu dhex jiraa. Garanuugtu sida dumarka ayay caadada u leedahay. Garanuugta lab waxa loo yaqaan Liig, ta dheddigna Tingay. Liiggu, markuu yar yahay waxa la yidhaahdaa Warrad. Markuu Warradku geesaha yeesho, ayuu Liiggu saaraa. Garanuugta wada socota ee markaa meel wada joogta waxa loo yaqaan Dan Garanuug ah.

Deerada:

Deeradu waxay degaan u leedahay: Bananka, Idhammada iyo Duudaha. Deeradu waa ta ugu xeelad badan Ugaadha. Labka waxa la yidhaahdaa Deer, dheddigana Deero. Deeradu, sida Cawsha ayay Idaha la

dhashaa. Deerada markaa meel wada joogta waxa loo yaqaan Wadar Deero ah.

Goodirka:

Goodirku, Ugaadha kale wuxu kaga duwan yahay isaga oo u kala qaybsama laba qaybood oo isugu jira Yeris iyo Ishinba. Goodirku markuu Yerista yahay, wuxu u kala baxaa labka oo Daraad la yidhaahdo iyo dheddigga oo loo yaqaan Caarrey. Goodirku, wuxu ku dhaqmaa Buuraha iyo Durdurrada. Waa nugul, oo ma adkaysi badna, carradana wuu cunaa oo gebiyada ayuu xagtaa.

Additional information