Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Marti-gelinta iyo Marti-soorka Soomaalida

Maxamed Cabdiraxmaan wuxuu ahaa qof qiime taariikheed, tacliineed iyo tixeedba ku lahaa bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba.

Qalinkii: Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac (Luggooyo)

Tifatirka: Boobe Yuusuf Ducaale

Warqaddan oo uu qoray murti-dhaadhigii maansayahanka ahaa ee Maxamed Cabdiraxmaan Jaamac oo ku magac-dheeraa “Luggooyo” kuna geeriyooday Hargeysa bishi Abriil ee 1999kii, waxaanu xus iyo xusuusba uga dhigaynaa sannad-guurada 12aad ee ka soo wareegtay geeridiisii naxdinta lahayd, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Maxamed Cabdiraxmaan wuxuu ahaa qof qiime taariikheed, tacliineed iyo tixeedba ku lahaa bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba. Bal aynu ladaabanno qayb ka mid ah murtidiisii dhaxal-galka ahayd. Isaga oo mowduuca kor ku suntan ka hadlaya wuxu qoray:

“Dhaqammada fiican ee ay Soomaalidu lahaan jirtay waxa ka mid ah marti-gelinta iyo marti-soorka. Dadku wuxu u badnaan jiray reer guuraa xoolo-dhaqato ah. Tuulooyin iyo magaalooyin ma jirin, markii ay bilaabmeenna waa ay kala foogaayeen aadna waa ay u yaraayeen. Dadku beryahaa socodka ayay wax ku qabsan jireen. Baabuur la raacaa ma jirin. Dadku wuu lugeyn jiray. Sidaa darteed ayay dhaqanka uga mid noqotay in la isu dhaxo oo la is-marti-geliyo. Dadku dano iyo muraaddo badan ayay u socon jireen. Qofku mar sahan ayuu ahaa. Marna safar xoolo iib-geynaya ayuu ahaa. Mar ayuu booqasho ugu tegi jiray dad xigto ah oo ka durugsan. Mar kale ayuu guur doon ahaa, marna cilmi-daalib ayuu ahaa. Mar kale ayuu baadi doon ahaa.

Siyaabahaa iyo siyaabo kale oo badan ayuu dadku u socon jiray. Dhaqanka fiican ee marti-gelinta ayay Soomaalidu kaga dabbaalan jirtay safarradaa iyo socdaalladaa ku lammaanaa noloshooda.

Qofku sahay ku filan ma qaadan jirin ama maba haysan. Mar haddii uu dadku isu roon yahay ma jirto sabab weyn oo uu qofku u qaato sahay. Hor Ilaahay ayuu qofku u socon jiray. In kastoo magaalooyin wax laga iibsado iyo gaadiid la helay, haddana weli caadadii waa ay I na la socotaa.

Socdaalku wuxuu lahaa xeer, ninka loo martida yahayna xeer. Waxa ugu mudnaa xeerka ruuxa socotada ah in naftiisa iyo maalkiisu badbaado iyo nabadgelyo in uu dhulka ku maro. Qofkaa socotada ah beesha uu martida u yahay iyo beesha uu ka dhashay haddii ay colaad xumi dhex taallo, qofkaa aad ayaa la iskaga ilaalin jiray. Xil dheeraad ah ayaa la iska saari jiray ilaa uu beesha ka dhammaanayona rag ayaa la sii raacin jiray. Xeerkaa ayaa kuwa ugu waaweyn ka mid ahaa.

Reerka loo soo hoyday ee loo martida yahay xeerka ugu weyn ee uu lahaa waxa ka mid ahaa in aan lagu raagin ee haddii habeen ama laba lagu dhaxo laga dul kaco. Illeyn socotaa la ahaaye waa loo ambo-baxaa halkii lagu socdaye.

Cabdi-gahayr Warsame oo arrintaa ka gabyay ayaa yidhi :

“Marti laba habeen baa guryaha, lagu masruufaaye,

Mar hadday miscirir uun fadhido, waa masalo-dhaafe,”

Culimada iyo xerta cilmi-daalibka ah aad ayuu socodkoodu u badnaan jiray, dadkuna wuu u roonaa oo si wanaagsan ayaa loo marti-gelin jiray. Sayid Maxamed Cabdille Xasan isaga oo meel kale u wada gabayga, wuxu yidhi:

“Waxa geela qaaliga ka dhigay, qiimuhuu yahaye,

Waxa gabayga loo qaybayaa, waa qalqaal-samiye,

Waxa qaaddi loo raadsadaa, waa qisada diine,

Qalin-duurre waxa looga tetay, waa Quraan yariye,

Cullimada waxa loo quweyn, waa qub iyo dhawr,”

Culimada sidaasaa loo quwayn jiray. Salaan Carrabay ayaa “qub” sharraxay oo yidhi:

“Afka qub aan ku leeyahay sidaan, ugu qabuul yeeshay,

Qaamuusna waan dhigi lahaa, qaarigaan ahaye,

Qanjeel waxaan iskaga deynayaa, waan qarsanayaaye”,

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa saddex socodka ayay ku roon yihiin, saddexna fadhiga:

1. Marwo in ay gurigeeda fadhido ayay ku roon tahay,

2. Macallinna in uu caruurta wax u dhigo oo fadhiyo ayuu ku roon yahay,

3. Nin madax ahina fadhiga ayuu ku roon yahay oo meel loogu soo hagaago oo loogu yimaaddaa waa in ay jirtaa. Ama madax Dawladeed ha noqdo ama madax-dhaqameed.

Saddexna socodka ayay ku roon yihiin:

1. Ergo socodka ayay ku roon tahay oo ha la soo diido oo ha noqoto sidaas ayay noq-noqodka iyo socodka kaga midho-dhaliyaan,

2. Culimaduna socodka ayay ku roon tahay oo meeshii ay tagtaba waa loo baahan yahay, waxa looga baahan yahay: meher, mag, dhaxal, axan, aas, Alla-bari iyo waxyaabo kale oo la mid ah,

3. Barbaartu socodka ayay ku roon tahay oo Soomalidu in uu ninku dhulka maro oo wax soo arko waa ay taageeri jirtay.

Waxay odhan jireen dadku waa kor-ku-cirroole iyo kub-ku-cirroole. Waa la jeclaa oo waxa la odhan jiray waa waayo-arag. Waxaanay Soomalidu tidhaahdaa: “Nimaan dhul marini dhaayo la’”. Ninkii meel fadhiyaana kama duwana qof indho la’. Dhaqammo iyo caadooyin faro badan ayuu soo arkaa oo wax ayuu ka soo baranayaa kana soo korodhsanayaa, dadka uu u tagona wax ayuu barayaa.

Maah-maahyo iyo murti faro badan ayaa ku soo arooray dhaqanka wanaagsan ee marti-gelinta Soomaaliyeed. Gabyaagii caanka ahaa ee Salaan Carrabay isaga oo dhiirri-gelinaya in uu dadku socdo isla markaana diiddan wahsiga iyo meel-fadhiisiga, wuxu yidhi :

‘’Saantii dhaqaaqdaa hadday, socod ku dheeraato,

In aanay sooba noqon iyo inuu, Rabbi salaameeyo,

Labaday u kala soocan tahay, silic se waa jiife,’’

Nin la yidhaahdo Xaaji Raabbi Naaleeye isna waxa laga hayaa:

‘’Fadhi, khasaarna waa ay dhaantaa.’’ Maxaa yeelay adiga oo meel macno la’aan fadhiya waxa dhaanta adiga oo socda oo ugu yaraan waayo-aragnimo korodhsada.

Murtida socotada waxa ka mid ahaa ninka reer u soo hoyday ee subag cod-cod ah la siiyay ee lagu yihdi: “Raalli ahaw oo wax kale ma haynee subaggaa cod-codka ah debnaha marso oo dufan uga dhigo.”

Habeen labaadkii reerkii uu hoyday waxay siiyeen hilib saaf ah oo engegan oo sargaf ah. Waxa ay u raaciyeen: “Saafkaa iska burburso wax lagu daro ma hayno e’. Ninkaasi wuxu reebay murtida ah: ”Waar illeyn waxaanad lahayn iskuma wada cuntid.”

Labadii shay ee isku-cunka isugu wanaagsanaa ayaa laba habeen oo is-xiga midba mid la siiyay. Wacnaan lahaydee iyada oo mar la isku wada siiyo, waa sida uu maah-maahda u dhigaye. Ka soo qaad laba habeen oo is-xiga oo laba reer oo aad kala martiday midna subag ku siiyay kii kale na roodhi.

Waxa la yidhi nin baa reer u soo hoyday. Reerkii waxay siin lahaayeen waa ay ka yamxeeriyeen oo waxay ku yidhaahdeen reerkaa nagu xiga ayaa dhaankii iyo safarkiiba u yimaaddeen e’ inta aan cadceeddu dhicin gaadh iyaga ayaa si wanaagsan kuu sooryayn e’. Markiiba wuxuu gartay in ay dirayaan. Wuxu reebay murtida caanka noqotay ee carrada Soomaaliyeed laga wada yaqaan ee ah: “Carraabe fadhi baa quusiyay”. Sidaas ayaa lagu sooryeeyay oo wax lagu siiyay.

Waxa sheekooyinka marti-gelinta ka mid ah nin la odhan jiray Cabdi-waraabe oo reer u soo hoyday. Reerku magaciisa waa ay haysteen, hore se uma ay arag. Ninkii reerka lahaa aad ayuu u isu xil-qaamay. Neef ayuu qalay, shaahna waa uu kariyay isla markaana wuxu u keenay weyso. Sidii martida loo xurmeyn jiray ayuu yeelay. Kolkii uu neefkii u keenay ayaa Cabdi-waraabe yidhi: “Waar sidaa wax uma cuno e’ maxaad carruurta neefka uga qashay?”. Ninkii in uu af-gobaadsanayo ayaa loo qaatay. Cabdi-waraabe waa sidii uu sheeganay oo wax yar ayuu hilibkii ka cunay. Markaasaa ninkii martida loo ahaa aad u yaabay. Ninkan martida ah magaciisa iyo cunto yaraantiisa ayaa isku qaban waayay. Maah-maahdan ayuu reebay ninkii martida loo ahaa: “Adeer raalli ahaw, wanka magaca ayaan u qalaye. Hore ayaanan kuu aqoon.”

Waxa la yidhi abwaankii Darwiishka ahaa ee Ismaaciil Mire ayaa reer u soo hoyday. Reerkii waa ay ka seexdeen. Ismaaciil habeenkii reerkii waa uu iska weheshaday oo ardaagii ayuu iska seexday. Subaxnimadii markii uu toosay ee uu tegayay ayuu odeygii reerka ugu weynaa u yeedhay oo ku yidhi:

“Sedkaan cuno sidaan wax u baxshiyo, samir badnaantayda,

Seddexdaa hal oo aan ahay nin ogi, igama seexdeene,”

Sifooyinka la isku ammaano ee Soomalidu dhaqanka u leedahay waxa ka mid ah deeqsinnimada. Ninkii aan lahayn ee gudhanna waa lagu dhalliilaa. Arrinta waxaynu u maragsan karnaa afar gabay oo martida ka hadlaya. Gabaygan hore waxa laga tiriyay degaanka Berbera oo ninka tiriyay wuxu u baroor-diiqayaa nin uu jeclaa oo uu hibenayo sidii uu wax u bixin jiray. Wuxu yidhi:

“Haddii ay martiyi soo geb tidhi, goor u na la joogo,

Godka lagu janneeyow markuu, gaas dhan la carraabo,

Garab-rag weeyee markuu, gogosha soo daadsho,

Iyadood gasiinkuu u dhigay, gal iyo daad mooddo,

Bakhayl baa gamiimane intuu, gaadhka ka qoslaayo,

Godolkuu ku haasaawin jiray, goconayaa mooyi.”

Gabayga labaad waxa tiryay nin joogay Gaaroodi. Ninkaasi isaga oo naftiisa ka hadlaya iyo siduu martida u sooro wuxu yidhi:

“Marti saacaddaa timid haddii, soofkii laga maalay,

Goortay bakhayladu su’aan, derimadaan siiyo,

Goolkaan billaawaha sudhiyo, sogbyadaan loogo,

Sarreenka iyo subaggii aan baray, subaxii yaa u keeni.”

Gabayga saddexaad waxa tiriyay nin ku dhaqnaa degaanka loo yaqaan Ciid. Isaga oo deeqsinnimadiisa ka hadlaya wuxuu yidhi:

“Is-gud-gudub guhaad lala cartamo, gar iyo tiiq-tiiqsi,

Rag baa I garan geddaan yeeli jiray, galabta xeer ba’ane,

Gooley hadii lala tagoo, la isku soo gaadho,

Rag baa i garan geddaan yeeli jiray, goobta dirireede,

Marti soo geb tidhi reerahoo, gawna laga waayay,

Gool loo qalyaa iyo xubnaha, Goray la siiyaaba,

Rag baa I garan geddaan yeeli jiray, godobta sooreede.”

Gabayga afraadna waxa tiriyay nin ku dhaqnaa degaanka Hobyo waxaanu yidhi:

“Ergo toban habeen soo dhaxdoo, timid halkaan joogo,

Tuldo geela in aan gawracaad, igu tiqiineene,

Gacantaan tashiishiga aqoon, sow la tebi maayo.”

Waxa halkan si cad uga muuqata in dhaqanka marti-gelinta Soomaalidu ka sinnayd waxa la isku ammaanona uu ahaan jiray ilaa maantana uu yahay.

Sheekooyinka marti-gelinta, deeqsiga iyo bakhaylka, waxa la yidhi nin baa martida u soo hoyata, dermo inta uu soo qaato ardaaga la seexan jiray. Marka ay yidhaahdaan waar waa side, wuxu odhan jiray: “Martidu wax ayay ka tuhun badan tahay oo waxa ay la tahay in guryaha wax lagu cunaa, markaa waxaan idin tusayaa in aan aniguba idin la qatanahay oo halkan ayaan idin la seexanayaa.”

Sheekooyinka martida ku saabsani waa ay badan yihiin oo waxa ka mid ah, nin baa laba geel ah soo kaxaystay oo wuxuu yidhi:

“Bal waxan magaalo iyo il-baxnimo la yidhaahdo ayaan soo eegayaa.”

Labadii awr ayuu iibiyay. Markii uu reerihii ku noqday ayaa lagu soo ururay oo la wareystay oo waxa lagu yidhi: “Waar magaalo iyo il-baxnimo ka warran?” Wuxu yidhi:

“Labadiiba waan soo arkay. Wixii la I noo sheegayay ee la inooga dhigayay wax weyn waxay noqotay wax fudud. Il-baxnimo waxay noqotay nin walowba keligaa waxaaga cun.” Wuxu ku daray: “Ma waxaad aragteen nin weyn oo keligii wax cunaya oo ummad badani hereero tuban tahay oo aan qof qudh ah u yeedhayn oo aan odhanayn gacanta I la geli cuntada oo sidaa mabsuud ku ah oo isla qumman oo in uu ceeb sameeyayba aanay u dhacsanayn.” Wuxu ku daray oo yidhi: “il-baxnimoy ba’. Nin bakhayl ah oo kelidii wax cunaya ayaa la inooga dhigay wax fiican oo la I na yidhi waa il-baxnimo. Alleylehe waa indho-beel.”

Culimada casriga ah ee maanta joogta ayaa ninkaa Soomaliyeed ee reer miyiga ahaa wuxu gartay ku raacay oo waxay yidhaahdeen:

“Keli-cunka iyo wax-kala-lahaanshaha qoyska waxa ka fiican in wax la wada lahaado oo gacanta xeedhada la wada geliyo.” Waxa ay sheegeen in keli-cunku keeno cudurro nafsiya oo dadkii diiq geliyay oo qoyskii nac iyo kala-fogaansho ku abuuray. Wadaagga iyo wax-wada-cunkuna wuxu keenayaa dawo. Dawadaas oo ah in dadku is-jeclaado oo isku dhawaado.

Sheekooyinkaa waxa kale oo ka mid ah oo la yidhi nin baa nin qurbaha ku dilay. Beri dambe oo arrintii laga heshiiyay ayuu dalka ku soo noqday. Isaga oo socoto ah ayaa nasiibku ku soo hagaajiyay in uu u hoydo reerkii uu ninka ka dilay oo aanu garanayn. Reerkii ayaa u loogay oo si wanaagsan u sooryeeyay. Ninkii reerka u weynaa ayaa warestay oo haybsaday. Wuxu gartay in uu ninkani yahay ninkii inankiisa qurbaha ku dilay. Odeygii waa uu naxayoo wuxu ka baqday in wiilashiisa guriga joogaa oo dhowr ahi arrinkaa inta ay ogaadaan ay ninkaa waxaan laaqi ahayn oo aan ku haboonayn ku yidhaahdaan ama dhibaato ka weynba sameeyaan. Odaygii wuxuu talo ku goostay in uu ninkii ilaaliyo. Habeenkii ardaagii wuu ka soo kaxeeyayoo aqalkiisii ayuu seexiyay. Innamadiisii shaki baa galayoo waxay yidhaahdeen ninkan aanu garanayn ee odaygii uu gurigiisa seexiyay waa maxay. Iyaga oo shakigaa qaba ayaa subaxdii markii uu ninkii ambo-baxayay ayaa odeygii is-yidhi innamadaadaasi waa intaas oo ay ninkii jidka kaga daba tagaanoo ay ninkaasi wax yeelaan. In uu kaxeeyo ayuu go’aansaday oo wuu raacay. Ilaa magaaladii ayuu la socday. Markii ay magaaladii soo wada galeen labadii oo wada socdaa odeygii inankiisii la dilay iyo ninkii dilay ayaa rag labadaba garanayaa ku soo yaaceen iyaga oo fajacsan. Kolkaasaa ninkii martida ahaa ayaa odeyga reerkiisii uu xalay ku dhaxay iyo sida wanaagsan ee ay u sooreen ka warramay. Markaasaa ninkii martida ahaa loo sheegay odeygu ninka uu ahaa.

Waxay sheekadaasi caddaynaysaa gobannimada iyo xeerka ay martidu lahaan jirtay iyo sida loogu dhaqmi jiray. Waxaa iyaduna jirtay in xeerarkaasi ay ahaayeen xeerar nabadgelyo oo fiican oo ninka sameeyay iyo ninka lagu sameeyay labadaba ku reeba wanaag, xurmo iyo naxariis. “

Dhammaad

Additional information