Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Macallinkii Medrasaddii Maadda iyo Murtida Cabdillaahi Cabdi Shube

Magaca Cabdillaahi Cabdi ayaa la odhan jiray, laakiin wuxu ku caano-maalay oo loo wada yaqaannay Shube.


 

Macallinkii Medrasaddii Maadda iyo Murtida Cabdillaahi Cabdi Shube


http://dharaaro.com/images/stories/cabdilaahi%20shube.jpg

(Bullo-xaar 1926kii – Hargeysa 1978kii)

“Ilaahayoow cadawgeenna,

Burjujuc iyo bagagac,

Bukur awr ku raftiyo,

Quraarad buur lagu tuuriyo,

Beed maroodi ku joogiyo,

Bisad uu jiidhay tareen iyo,

Bilaalahoo kala duuliyo,

Bad aleel ku dhacdiyo,

Buul dabeyli riddiyo,

Buurigoo la afuufay,

Ay dabeylina qaadday,

Ilaahow baabbah ka yeel,

Oo sidaasaan ku baryay,”

Ducadii Cabdillaahi Cabdi Shube

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@ hotmail.com, www.dharaaro.com

Hordhac:

Magaca Cabdillaahi Cabdi ayaa la odhan jiray, laakiin wuxu ku caano-maalay oo loo wada yaqaannay Shube. Curinta iyo hal-abuurka asaaggii tahan ayuu ka dhaqaaqay oo da’dii la filka ahayd higsi iyo hayaan midna kuma ay gaadhi jirin. Falkinta maansada murti-dhaadhi aaan midhihiisa la qawadin ayuu ahaa. Murtida iyo maaddu agtiisa ayay iska yaal-yaalleen oo tabtii Timacadde ayuu ahaa kuna dhawaa in uu yidhaahdo: “U-meer-meeri maayoo tixaan meel dhow ku ogaa.” Si qurux badan oo fan iyo farshaxannimoba ku dheehan yihiin ayuu maansadiisa u falkin jiray. Hadba seeb ayuu u rogan jiray.

Cabdillaahi Cabdi Shube wuxu ku dhashay magaalada Bullo-xaar 1926kii. Isaga oo yar ayuu halkaa ka yimid, waxaanu u soo wareegay magaaladan Hargeysa oo uu ku barbaaray. Markii uu yaraa ee hore wuxu ahaan jiray reer miyi sidii dadkuba xilliyadaa u badnaa, laakiin markii uu Hargeysa soo galay wuxu u digo-rogtay oo uu noqday dhal magaalo. Beryihii ugu horreysay ee uu Hargeysa soo galay wuxu ka shaqayn jiray meel ku taallay halkan fooqa Shirkaddii “Bis” oo ganacsato Hindiyi deggeanaan jireen oo uu u ahaan jiray cunto-kariye, isaga oo la siiyay oo wadan jiray ‘Baaskiil’ uu ku soo adeegan jiray.

Sida uu noo sheegay wiilkiisa Aabi, Cabdillaahi Cabdi Shube intii uu halkaa ka shaqaynayay ayay is-barteen xubno ka mid ahaa Kooxdii Walaalo Hargeysa oo uu beryihii danbe ka mid noqday.

Cabdillaahi Cabdi Shube dhowr iyo kontannadii ayuu magaaladan Hargeysa ku guursaday Qamar Bile Cali Liibaan, waxaanay u dhashay toddoba carruur ah oo ay maanta ka nool yihiin: gabadh iyo saddex wiil oo kala ah: Axmed, Aabi, Aadan iyo Xayaat, halka ay ka shafeeceen saddex wiil.

Dad badan ayaa u haystay in ay maansooyinkiisa oo dhami Jacbur ahaayeen, bal se Cabdillaahi Cabdi Shube halka uu ka gaadhay curinta iyo farshaxannimada intaba wuu isku darsan jiray. Wuxu lahaa karti la yaab leh oo uu ku dhowro xaraf-raaca isaga oo maansadiisa isla markaana ka ilaalinaya laaxinka, taasina waa ta u suuro-gelisay in uu Cabdillaahi Cabdi Shube yeesho heeso caadiya oo ay fannaaniintu ku luuqeeyaan, sida aanu ka soo xigannay Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube oo aanu ka wareysannay taariikhdii iyo curintii aabbihii. Aabi oo keliya iskuma aanu koobin bal se dad badan oo kale ayaanu ka hubinnay oo ay Cabdillaahi Cabdi Shube aqoon fiican isu lahaayeen, heesahaana waxa ka mid ah:

  1. Ma la dhuubtay awgaa: Maryan Mursal iyo Xuseen Tarabbi,
  2. Dhibtan I haysa hadmaan illaawi: Maxamed saleebaan Tubeec,
  3. Dul-qaad: Maxamed Saleebaan iyo Marwo Maxamed,
  4. Buur baa kugu gudbane: Maryan Mursal iyo Cumar Dhuulle,
  5. Hal-xidhaale: Maryan Mursal iyo Cumar Dhuulle,
  6. Hees ay wada qaadaan: Axmed Muxumed Good (Shinbir) iyo Aamina Cabdillaahi,
  7. Astaanta dalka: Seynab Xaaji Cali (Baxsan), marna Habboon Xaaji Cabdillaahi,
  8. Cabashiyo caloolyow: Maxamed Saleebaan Tubeec,
  9. Ii tali, aniga ii tali: Marwo Maxamed iyo Maxamed Saleebaan,
  10. Ma tallaabsan karaayee: Xaliimo Khaliif Cumar (Magool),

Riwaayadihiisii waxa ka mid ahaa:

  1. Bililigo,
  2. Is-dhaafe dhallintiyo dadkii dhalay,
  3. Ama Muumina keen, ama maalki I sii, ama aduun baa ii mehersan,

Haddana seebka kale ayuu u rogan jiray oo maansooyin Jacbur ah oo aanu xaraf-raaca dhowrin bal se laaxinka ka jiro ayuu lahaa. Xulashada ereyada, doorashada muuqaallada, sahansiga mowduucyada iyo sidii la yaabka lahayd ee uu ereyada u tixi jiray ayaa siin jirtay ama maansooyinkiisii ka dhigi jirtya fan gaar ah oo aanay cidina la wadaagi jirin ilaa maantadaa la joogana aanay la wadaagin oo uu isagu horseed ka ahaa. Foolaadkii fanka Jacburka iyo maadda ah ayuu ahaa.

Dhinac kale marka aad iska taagto curintii iyo hal-abuurkii Cabdillaahi Cabdi Shube, waxaad ku hafanaysaa tiraabtii uu xeel-dheerida iyo farshaxannimadaba ku falkin jiray ee aanay jirin wax loo dhigaa, isaga oo adeegsan jiray aqoontii iyo waayo-aragnimadii hodanka ahayd ee uu u lahaa suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube oo aanu ka wareysannay aabbihii, waxa uu noo sheegay in uu ahaa nin bulshaawiya oo kaftan miidhan ahaa. Wuxu intaa noogu daray in uu had iyo jeer jeclaa in uu xarragoodo oo suudh ku lebbisto. Waxa kale oo uu intaa noo raaciyay in uu ahaa nin nabadeed aan weligii dagaallamin rabshadahana aan jeclayn.

Aabi oo aanu ka wareysannay geeridii aabbihii, waxa uu noo sheegay in uu sidii kuhaanka is-tafaafulay oo uu u dhintay sidii uu ku sheegay hees uu lixdannadii tiriyay oo Maxamed Saleebaan qaado oo uu kaga calaacalayay sidii loogu hungoobay midnimadii lixdankii. Waa kii Cabdillaahi Cabdi Shube heestaa ku lahaa:

“Cabashiyo caloolyow,

Ciil kaama bi’iyaan,

Talo cayn wareegtana,

La iskuma canaanto,

Cirku nimuu ku soo dumay,

Cidi kama dul-qaaddo,

Dhulku nimuu la ciirana,

Laga caawin maayoo,

Anna caawa taydii,

Iyaday cuslaysoo,

Cidna eersan maayee,”

Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu intaa noogu daray: “Waxaanu deggenayn dooxa qarkiisa meel u dhexeysa Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar iyo Beerta Xorriyadda. Goor habeennimo ah Cabdillaahi oo soo hoyanayay ayaa ku dhacay ceel dooxa ku yaallay, ka dibna wuxu ka jabay dhabarka. Muddo ayuu sii noolaa markii danbena nabarkii dhabarka ka gaadhay ayuu u dhintay.”

Waa dhaqan ay Soomaalidu leedahay in ay maansayahanka iyo kuhaanka isla xidhiidhiyaan. Haddaad suugaanta Soomaalida dhex qaaddo tusaalayaal faro badan ayaad soo helaysaa.

Waxa ka mid aha geeridii naxdinta lahayd ee Maxamed Mooge Liibaan ku timid bishii Juun 4dii 1984kii oo jid-gooyo lagu dilay taas oo mararka qaarkeed loo nisbeeyo hees uu qaadi jiray oo Hadraawi lahaa oo tidhaahda:

“Waxyeello halkay u taallo,

Naftayda maxaan ka waanshay,

Walaalkay nimaan u haystay,

Muxuu waddo ii fadhiistay,

Qof aan wehelkayga mooday,

Ka qayb-galay weerarkayga,

Ruux aan la wadaagay oontu,

Ku wiirsaday dhiilladayda,”

Tusaalayaal kale oo badan ayaynu soo qaadan karnaa. Waxaan xusuustaa Deelleydii oo la tiriyay intii ka horreysay halgankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd, ayaa waxa ku jirtay maanso uu lahaa Cismaan Askari oo tuduc ku jiray uu ahaa:

“Deeblaanu joognaa,

Duryaa laga warramayaa,

Subulaha dushoodaa,

Dabku nooga baxayaa,”

Marka uu heestaa tirinayo Cismaan Aadan (Askari), saldhiggii ugu horreeyay ee SNM ee Durya lama furin, Hargeysa lagama qixin oo dadkii deggenaa Geed-deeble iskuma urursan markii duqayntii dadnimo-ka-baxa ahayd ee nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre bilaabantay. Dhinaca kale SNM ma degin Jigjiga oo waa marka uu leeyahay: “Subulaha dushoodaa, Dabku nooga baxayaa.” Subuluhu waa gunburaha yar yare e xagga Itoobiya kaaga muuqda marka aad Tog-wajaale joogto ama aad xadka ka tallowdaba.

Tusaalayaal badan ayaynu soo qaadan karnaaye aan maanta halkaa kaga hadho.

Aynu ku noqonno mowduuceennii la xidhiidhay noloshii iyo curintii Cabdillaahi Cabdi Shube oo suugaanta Soomaaliyeed suulkiisii iyo saxeexiisii oo aan tirmayn kaga tegay.

Qamar oo ah xaaskii Cabdillaahi Cabdi Shube oo aanu wax ka weydiinnay murtidii odeygeeda, ayaa noo sheegtay heestan oo uu habeenkii calanka ee 26kii juun tiriyay, waxaanu yidhi:

“Maalintii aynu caddaannay,

Kolna aynu casaannay,

Ee ay caynba cayn noqotay,

Calankeenna la saarayee,

Cirradii igu taallaayee,

Nuuraddaa ka caddayd,

Culaygaa noqotayee,

Innammadii canbe weeye,

Dumarkii waa canbaruud,

Ka dib waa isku cun,

Haddii ciidda dhulkiyo,

Buuraha la isku cajiimo,

Caawa caawo ka weyn,

Waageedba ii ma caddaanine,

Alla waa cawadayda oo,

Calan Soomaaliya weeye.”

Mar ay Qamar ka sheekaynaysay Cabdillaahi Cabdi Shube iyo hawlihii uu inta badan qaban jiray, waxay tidhi: “Cabdillaahi farsamo-yaqaan ayuu ahaa. Kabaha wuu toli jiray, birtana waa uu tumi jiray. Beryo uu xamaam lahaana waa ay jirtay oo uu aad ugu cammirnaa.”

Aynu dib ugu noqonno Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube oo soo xusuustay maanso gaaban oo kale oo la magac-baxday Duco oo aabbihii lahaa, waxaanu yidhi:

Duco:

“Islaan baa loogu duceeyay,

Daaco goor walba joogtiyo,

Wuxu doonayo saarkiyo,

Wuxuu diidayo saarku,

Nin baa loogu duceeyay,

Calan dheer dusha saar oo,

Dawarsoo ha fadhiisan,

Mid baa loogu duceeyay,

Markuu waagu dillaaco,

Dubbe weyn degta saar oo,

Dhagaxuun dil-dillaaci,

Mid baa loogu duceeyay,

Dibbir oo iska seexo,

Inan baa loogu duceeyay,

Mar habeen dem yidhaahdo,

Daaraddiinna ka bood oo,

Suuqa soo daddawaaf.”

Dhooddi-meer:

Dhooddi waxa la yidhaahdaa Banka Nugaaleed, Taleexna waxay xarun u ahaan jirtay Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Waxaan filayaa in fardihii Sayid Maxamed Cabdille Xasan kuwii ugu mudnaa ee uu ku dhaadan jiray mid ka mid ahaa la odhan jiray Dhooddi. Wuxu ahaa faras qurux iyo dheraynba caan ku ahaa; SayidMaxamed Cabdille Xasan hortiina waxa lahaa Xirsi Cartan Boos oo hadiyad Sayidka ugu keenay. (Ciise, Aw Jaamac, Diiwaankii Gabayadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan, CERD, Jabuuti, 2005tii).

Miyaanu Sayidku ku odhan maansadiisii caanka ahayd ee Gudban:

“Waar ma Dhooddi baa gaammuroo, garabku weynaaday,

Ma galaasyo miidaan ku shubay, gama’shigii deyrta,

Gorgor kacay la moodyow durduro, ma igu gooraamay,”

Cali Bucul oo degaammada Awdal ku noolaan jiray ayaa isaguna ka mid ahaa dadka looga danbeeyo ammaanta faraska. Haddaan tuduc ka soo qaatana waa kii lahaa:

“Helmiyay oo helmiyay,

Oo ammaantii heli waayee,

Hoosiisow midabkaagu,

Ma habeenkiyo waagoo,

Kala haayirayaa,”

Cabdillaahi Suldaan oo loo yaqaannay Timacadde mar uu isaguna ka hadlayay faras la odhan jiray Dan-seeg oo jiidda Gebilay caan ka ahaa, sow kii isaguna lahaa:

Sidii neefkii Dan-seegoo,

Dirayskii Madgaskaar,

Dahabkii Iglan yaallay,

Ilaa daa’in abiid,

Daw wuxuu u lahaa,

Dem intoo lagu siiyay,

Sitaacii dalmanaayoo,

Dawankii ka ciyaayoo,

Koorihii la dul-saarayoo,

Wiilashii dul-yaqaannay,

Degtiisaa u baxeenoo,

Dixda Aw Barkhadle,

Ku dabbaal-degayaan,

Rakaabkii deldellaa baad,

Daf siisaa bidixdaada,

Darbataa midigtaada,

Dushiisaad u baxdaa,

Markaasuu dirgadaayoo,

Sidii haadda didaayoo,

Dad jin oon la arkayn iyo,

Dabayshuu af yaqaanne,

Digtoonaa ma tukaa?

Cabdillaahi Cabdi Shube nin bulshaawiya oo kaftan badan ayuu ahaa. 26kii Juun 1960kii ayaa subaxnimadii la isugu soo baxay garoonkii ‘Polo’-ga oo ahaan jiray halkan maanta uu ku yaallo Istaadiyamka Hargeysa oo beryahaa bannaankaasi ka tirsanaa xeradii ciidammada ee maanta loo yaqaanno Bir-jeex. Ingiriiskii ayaa garoonlaa ‘Polo’-ga ku ciyaari jiray fardaha oo ul dheer kubbad lagu eryan jiray goolalna la iskaga dhalin jiray. Fardo la shaaximay oo wixii faras qurux lahaa lagu soo bilay ayaa bannaankii la isugu keenay. Cabdillaahi Cabdi Shube is-na maalintaa wuxu soo kaxaystay dameer uu ka soo lulay daasado iyo qalab wada sanqadhaya. Gees marka aad ka eegto Cabdillaahi Cabdi Shube wuu dabbaal-degayaa. Gees kale marka aad ka eegtana waxa ay ka ahayd “Ninba ceesaantii ceel keen.”

Cabdillaahi Cabdi Shube, wuxu tixdiisaa maadda iyo murtidaba xanbaarsan ku yidhi:

“Dhooddi-meer faraskaygu,

Dhalankiisa la yaabye,

Ma dhey daadatay baa,

Afartuu dhulka saaray,

Ma baraar durdurshaa,

Ma ceesaan ximiroo,

Sumal gaaban dhashaa,

Taaganaa ma qoraa,

Madoobaa ma tukaa,

Neefku Meydal ka dheere,

Ma Meygaag la cufaa,

Markaan bow ku idhaahdee,

Beer-beerka u saareen,

Badhtankiisa fadhiisto,

Baxsanaa socodkiisu,

Ma sarriir burburtaa,

Carraabaa galabtii,

Markaan caynka ku giijo,

Calyadii ka dhacaysay,

Ma caqaar nin tufaa,

Wahsadow faraskayga,

Wanaaggiisa la yaabye,

Wanlo-weyn iyo Koonfur,

Waqti dhow buu ku hoydaaye,

Wanaagsanaa socodkiisu,

Ma wadaad xaabo siddaa!

Shaah aan shaahba ahayn:

Waa tix-maadeed kale oo uu Cabdillaahi Cabdi Shube kaga maansoonayo waxyaabo uu saluugsan yahay. Waxaanu yidhi:

“Shaah aan shaahba ahyni,

Waa shay garam-xaali qaboobay,

Oo islaantii Shaqlan ay haysoo,

Oo ay shadaabkii ku dartayoo,

Dumar loo shushubaayo,

Kaasaan shaahba ahayn,

Sheeko aan sheeko ahayni,

Waa sharka cawdu billaahiye,

Waa sheydaanu rajiimku,

Been uu soo shak-shakaaloo,

Kolba shaadh huwinaayo,

Ninka kuu sharraxaaya,

Taasaan sheeko ahayn,

Shinbir aan duuli karaynini,

Waa Gorayo shaashku ku yaalloo,

Kolkaad sheedda ka joogto,

Orodkuun shirbisa,

Shariiryo aan dux lahayni,

Waa quraaca la shiilo,

Sheydaan aan la rakaynin,

Waa naag shaadir hagooganoo,

Indhihiina shareertoo,

Shaanbinaysa agtaada,

Bal yaad ku sheegi lahayd,

Waa sheydaan la akaynin,

Shaadh aan shaadhba ahayn,

Waa shamiis ‘oferkoodh’ ahoo,

Shaqaalahaa fasishoo,

Shiraaq weeye adkaadayoo,

Kaasaan shaadhba ahayn,

Baabuur aan shidh lahayni,

Waa shufeerka curyaanku,

Kan yar uu shafka saaree,

Shirarka uu ku tegaayo,

Shooki aan cidi joogin,

Waa xabaasha shareeran,

Iilka yare e ka shisheeya,

Rafad:

Rafad, waa maanso kale oo uu Cabdillaahi Cabdi Shube ku soo qaadayo waxyaabo badan oo isku rafta, ama lala rafto ama iskoodba meelahaa ugu rafta, waxaanu yidhi:

“Geeraar laabta ku raagayoo,

Calooshayda raftoo,

Dadkaa ruuxa maqlaa,

Qosol uu rafanaayo,

Rax bal aan kaga siiyee,

Ruux walowba dhegayso,

Rahu haduu biyo waayo,

Dhoobaduu ku raftaa,

Inan kaan la rabayna,

Edebtuu ku raftaa,

Reer magaale gaboobay,

Hadday ruux murmayaan,

Budka soo rogan maayee,

Walluhuu ku raftaa,

Dilaal saylad ku roorayna,

xadhigguu la raftaa,

Rubiyaddaan sarifnayni,

Kiishadday rafataa,

Awrkii heeryo ridaa,

Haamuhuu ku raftaa,

Ruuxa aan ilko haynini,

Hilbuhuu la raftaa,

Nin qabyaalad rasaystayna,

Ciil uun buu la raftaa,

Ramad geel ninka maalay,

Kibrad buu la raftaa,

Meel rasaastu dhacaysana,

Maydku wuu ku raftaa,

Diyaarad riin ka xumaaday-na,

Samaday rafataa,

Rabbigay ninka diiday,

Ee Rasuulkii ka ordaana,

Cadaabtuu ku raftaa,

Wadaad aan ruugin Quraanku,

Ruux gunaanadi maayee,

Kitaabkuu rogro-gaayoo,

Is-na wuu la raftaa,

Nin weyn oon run aqoonna,

Xaaskiisa ways la raftaan,

Roob magaalo ku hoorayna,

Ramaad soo bixin mayo e’,

Laamiduu ku raftaa,

Anna waan shubma-yaayo,

Xikmad aan cidi doonin,

Iyo hadal baan la raftaa,

Baarlamaan aan run aqoon iyo,

Shicibkuna waysla raftaan,”

Bushaaradaasaan ku riyooday:

Waa maanso kale oo baadi-soocdii Cabdillaahi Cabdi Shube wadata. Barkhad iyo badhaadhe ayuu ka hadlayaa, haddana kaftankiisii iyo maaddiisii kama madhna meesha oo waa ay ku dhex quban yihiin, haddii aan si kale u idhaahdana wuu ku qaleeyayba. Waa xilliyadii lixdannadii ee lagu jiray saadaashii ururinta iyo mideynta gobollada Soomaaliyeed oo markaa ay mideysnaayeen gobolladii Koonfureed iyo kuwii Waqooyi samaysteen Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Cabdillaahi Cabdi Shube wuxu maansadiisan ku yidhi:

“Horto arrimaa is-beddelaaya oo,

Waa bushaariyo kheyroo,

Bushaaraan ku riyoodayoo,

Banka Seylac ku yaalla oo,

Balli uu ka dillaacayoo,

Baadrool aan ka dhurayno oo,

Booyado aan ku shubayna oo,

Maakhir-koos badhtankiisiyo,

Laga buuxshay Kismaayo oo,

Shisheeyii na baryaaya oo,

Oo Barlamaankii u diiday,

Bushaaradaasaan ku riyooday,

Waa arrimo is-beddelaaya e’,

Buulo-xaar garabkeediyo,

Baydhaboo la isu dillaacshoo,

Bir tareen ah la saarayoo,

Baabuuradii ordayanoo,

Berrito la isu tallaabay,

Bushaaradaana waan ku riyooday,

Bushaaraan ku riyoodayoo,

Bisha oo gudcurkiiya oo,

Barna aan la arkaynoo,

Dayax soo baxay weyniyoo,

Boqolkii xiddigoodna,

Baallaha ay ka socdaan,

Barqo ay ka caddaatay,

Busharaadasaan ku riyooday,

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Waa bilow hadalkiiyoo,

Waa belaayo xijaab e’,

Dabadeedna waa bakhan-bakh oo,

Arrintii la bilaabay,

Midhihii ka bislaaday,

Ayaa baahida reebi oo,

Baadroolkaa dhulka jiifiyo,

Dahabkaa soo bixi doona oo,

Buurahaynu dhalaalinnoo,

Biraha la isku shubaayaa,

Baabuurro noo noqon doona,

Dabadeedna ‘Port-ka’ Jabuutiyo,

Berberoo la sameeyiyo,

Cashuurteenna Baraawe,

ayaa lacagtoo badatay,

Soomaaloo isku biirtay,

Baanku khaati ka joogsan,

Beeyada oo la raseeyay,

Bender Qaasim ka dhoofin,

Khudraddu waa boqol jaad e’,

Beled-weyniyo Jowhar,

Canbihii ka bislaaday,

Iyo babbaygii iyo muuskii,

Iyo gool baruuri ku raagtay,

Iyo wan weynoo badhiyaystiyo,

Burcadkeenna wanaagsanee,

Qunbayaasha ka buuxiyo,

Haraggeenna la boobo,

Ayaynu bashtaa kaga saari,

Nin belaayo waddiyo,

Biidhi-qaataha hoosiyo,

Basaas hayska hadleene,

Iimaankaa ina buuxee,

Belaayooy naga beydhoo,

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Ilaahayoow cadawgeenna,

Burjujuc iyo barjajac iyo bagagac,

Iyo bukur awr ku raftiyo,

Quraarad buur lagu tuuriyo,

Beed maroodi ku joogiyo,

Bisad uu jiidhay tareen iyo,

Bilaalahoo kala duuliyo,

Bad aleel ku dhacdiyo,

Buul dabeyli riddiyo,

Buurigoo la afuufay,

Ay dabeylina qaadday,

Ilaahow baabbah ka yeel,

Oo sidaasaan ku baryay,”

Saddex waa:

Waa maanso-maadeed kale oo uu Cabdillaahi Cabdi Shube kaga hadlayo arrimo uu saddex saddex isu raaciyay. Bal hadda maansadan gaabanna aan ku yar nasanno, waxaanu yidhi:

“Saddex waa bakhan-bakhoo,

Marka beertu hagaagto ee,

Ayaxiina ka beydho ee,

Boqol jawaan ka go’dee,

Kol buddeeno,

Kolna buusha-bixii,

Kol jidhiidhii budlanayd,

Barbarkii kasta taallo eed,

Baallahaaga dhigto,

Kolkaa waa bakhan-bakh oo,

Waa barwaaqo adduun,

Geela oo baadiya jooga,

Oo boqol halaad ka dashay,

Oo awrkii beyga lahaa,

Doobta soo bixiyay,

Oo nirgihii baarka caddaa,

Bar-barriiqanayaanoo,

Baraarkii didiyeenoo,

Karuurkii badhxatayoo,

Batarkii tumatay,

Kolkaana waa bakhan-bakh oo,

Waa barwaaqo adduun,

Iidda oo loo ballan-qaatiyo,

Bandhigii calankeenna,

Bilcantii kula joogtayoo,

Baabliin iyo toob,

Bahalkii ciddiyaa iyo,

Bootar soo marsatayood,

Balaayirkii shidatayood,

Badharaad furatayood,

Hadba baasha ka eegtay,

Kolkaana waa bakhan-bakhoo,

Waa barwaaqo adduun,

Saddexna waan kala boodnayoo,

Baddasaan ka gala,

Ninka beenta yaqaannee,

Muslinka isku beleeya,

Ee labadiisii barbar,

Barbarna kuu qurxiyee,

Burcad ku mariya,

Badhna kaa qariyee,

Bahalo hoose ku haysta,

Iyo bakhayl xoolo la siiyoo,

Masaakiin bakhtiyaysa,

Beysteenna u huri waayay,

Iyo ninka buuri cunaayee,

Daba yar boodhka ka qaatee,

Qiiqa uun budh ka siiya,

Kuwaasna waan kala boodnayoo,

Baddaasaan ka gala,

Saddexna waa isku biirso,

Wan bislaaday leggii,

Islaan buuran shafkeed iyo,

Canjeero aad budlisay,

Saddexdaasina waa isku biirso,

Gabaygana waan budliyaa,

Buushe-bax baan ka dhigaa,”

Qobtol:

Cabdillaahi Cabdi Shube, maansadan kale ee maadda iyo qosolka wuxu kaga hadlayaa waxyaabo aan is-qaban oo la isku soo qobtolaayo, waxaanu yidhi:

“Geeraar laabta ku qaadhay,

Oo soo qalaamo-rogta,

Oo qaarba meel laga keenay,

Oo qosol aad la dhacayso,

Qobtol baa la yidhaaye,

Ayaan qaybinayaaye,

Qof walow yaanu ku seegine,

Jeebabkiinna ku qaata,

Dunidu waa Qobtol miidhane,

Nin qaraystay qaraystay,

Oo qadaadka ka naaxiyo,

Dib-jir gaajo la qaadhay,

Iyo min-qaxwi qaylinaya,

Iyo ka qabbaaslaha jooga,

Iyo Qudradley wadhata,

Iyo qararaf xoolo sidda,

Iyo Qummantaa dharka haysa,

Iyo Inan aad quruxdeediyo,

Qaayaheeda la yaabtiyo,

Qoob-giraangirta baas,

Iyo qorqode xoola la siiyayoo,

La isku soo qobtolaayo,

Dunidu waa Qobtol miidhane,

Dharku waa toban qoys e’,

Ninba kuu qaadan karaayee,

Dantiisu u quudhuu,

Isku soo qanfadhshaaye,

Nayloogii qadhqadhaayiyo,

Bafto qaayo wanaagsan,

Iyo maraykaan qaro weyn,

Oo la isku soo qobtolaayo,

Dunidu waa Qobtol miidhane,

Qof dhego-la’ ood wax su’aashay,

Iyo caammeyaal is-qabtay,

Oo intuu qaare dul saaray,

Maskaxdii qaraxday oo,

La isku soo qobtolaayo,

Dunidu waa Qobtol miidhane,

Nin kastaa qormadiisa,

Ayuun buu qurxiyaaye,

Soomaaliyi qaybsami meysee,

Qarbiyiinta xanaaqdiyo,

Yuhuuddaa Qudus joogtiyo,

Qunbuladda Shiinuhu haystiyo,

Quwadda taalla Jamaal,

Soomaaliyi qaybsami meysee,

Ilaa yowmal qiyaame,

Qobtolkaa ha ahaatee,

Dad ninkii kala qaadow,

Adigaa qaradlee,

Shantu waa isku qoys oo,

Calankaa qotomiyo,

Quraankaa ka dhexeeyee,

Soomaaliyi qaybsami meysee,

Qobtolkaa ha ahaato,”

Fasakh:

“Shaahu wuu fasakhmaayoo,

Bariisku wuu fasakhmaayoo,

Geelu wuu fasakhmaayoo,

Adhigu wuu fasakhmaayoo,

Farduu way fasakhmaanoo,

Arrinku wuu fasakhmaayoo,

Caanuhu way fasakhmaanoo,

Wadaaddadu way fasakhmaanoo,

Wax waliba way fasakhmaan,

Caanuhu way fasakhmaanoo,

Ciir xun oo fatayiirtoo,

Fud iyo faar noqotay,

Furrinjaar ku jirtoo,

Farihii ku bateenoo,

Duqsigii ku fadhiistay,

Markaasay fasakhmaan,

Adhigu wuu fasakhmaayoo,

Kolkuu fiid cararo ee,

Waraabe feedha ka raaco ee,

Maskaxda uu firdhiyee,

Neefna soo firxan waayo,

Markaasuu fasakhmaa,

Geelu wuu fasakhmaayoo,

Kolkuu magaalo ka foofee,

Ceel-dhanaan ka fogaadee,

Dameeraha meel la fadhiistee,

Fulsho cawsana daaqo,

Markaasuu fasakhmaa,

Farduu way fasakhmaanoo,

Marka gaadhi faruuran,

Fanka loogu xidhiidhshee,

Inta uu Carab fuulo,

Feedhaha uu ka garaacee,

Fiidha ay u dhigaan,

Kolkaasay fasakhmaan,

Bariisku wuu fasakhmaayoo,

Gabadh xun oon uba fiirsan,

Markay fiid karisee,

Faraq ciidi ku daatee,

Fuudkuna uu ku batee,

Milixdu ay fasahaaddo,

Markaasuu fasakhmaa,

Dumarkuna way fasakhmaanoo,

Ninkeedoy filanayso,

Isagoo foof ku maqnaa,

Kolkuu qaad furfurtee,

Tu’ kale uu la fadhiisto,

Ay hinaase fey ka tidhaahdo,

Markaasay fasakhmaan,

Qaadku wuu fasakhmaayoo,

Fayaanbiiro dusheediyo,

Hargeysa waa wax ku fiicane,

kolkaad gaadhi la fuushee,

Xamar fey aad ku siisee,

Lix fiid aad ka sokeysee,

Qoryo feedho la moodo,

Haragadii ka furto,

Markaasuu fasakhmaa,

Shaahu wuu fasakhmaayoo,

Fanaajiin gab-gabowday,

Oo dhegihii ka fuqeen iyo,

Kildhi xun oo la fureeyayiyo,

Makhaayad fore gelaayoo,

Tukhaanka aad fajacdo,

Nin intuu la fadhiistay,

Fandhaal kuugu walaaqay,

Markaasuu fasakhmaa,

Habluhu way fasakhmaano,

Shaadir feeyo madow iyo,

Kabo feyga u dhuuban,

Iyo far-gashigii gacanta,

Dharkii ay ku fidmowday,

Kolka ay fiid xidhatee,

Sinimahaan fiiriniyaa,

Kursiga yaan la iga fadhiisan,

Ee ay fasahaadda shubtee,

Inan feedha ka raaco,

Ee inta ay meel ku faqaan,

Farsamadoodu xumaato,

Kolkaasay fasakhmaan.”

Kalama-maarmaan:

“Kildhiga iyo fanaajiintu waa,

Kalama-maarmaan e’,

Kubabka iyo sharaabbaadadu,

Waa kalama-maarmaan e’,

Bidaarta iyo koofiyaddu waa,

Kalama-maarmaan e’,

Nin keyd cunay calool buuraan,

Waa kalama-maarmaan e’,

Inan kibirtay haasaawe waa,

Kalam-maarmaan e’,

Kor caddaaday odayaasha waa,

Kalama-maarmaan e’,

Kabriidka iyo sigaarya-cabku waa,

Kalama-maarmaan e’,

Kolkaad seexato iyo khuuro waa,

Kalam-maarmaan e’,

Ina kici nin socod maagay waa,

Kalama-maarmaan e’,

Kallaha iyo shaqaaluhuna waa,

Kalama-maarmaan e’,

Koongo iyo qalalaase waa,

Kalama-maarmaan e’,

Kolleyba maanta Soomaali waa,

Kalama-maarmaan e’.”

Warkii dalka:

“Horto arlada wax war ah oo igu seeggani ma jiro. Wax war ah oo meelna ka dhaqaaqana ma hayo. Shalay galabtii ayaan halkan ka ambo-baxay. Isku-shuban iyo Doolow, Hurdiya, Xaafuun, Baydhaba, Luuq, Tayeegle, Waajid, Harmaanyo, Biyo-Qaboobe, Dhuuso-ma-reeb, Iglan gudaheeda, Seylac, Sacaada-diin, Sugumaha, Sog-sog-gubato, Sallaxley, intaa shalay galabtii ayaan isu soo maray. Cago kuma aan socon waxna ma aan fuushanayn intaana waan cararaayay. Dadka dhulka joogay dad farxaan ah oo Alla wanaajiyay oo muraaro-dillaacsan oo dhabannada haysta ayaanu ku arkayay.

Roobku habeen iyo dharaar kama qaado, meel uu ku tiixayna lama sheegin. Caanaha dibaddaa lagu shubaa, gaajana beerkaa dhulka lagu hayaa. Dooggu fadhigaaga ka dheer, wadaanta dhulka la jiidaana xaab kama qaaddo.

Qoyaan-ma-urisadii laanta qoysku ka jabay, Shirwac-laga-naadidii shareerada lahayd, Qabriyada Bakeylaha, Dooxadii wegerka wadaaddu ku meydhay, Cadaadda buuran bugteeda, Rista raari-qobbo roggeeda, gurigii diqsigu geela dabo-ka-wareenteeyay, Dhuuda, Dhaada, Dhababacada, Sow-sowda, Sanka Yogol, Xundhuri-dhabarla’, Lafta Ijo, Aabbo-yoonis, Kaaf iyo kala-dheeri, Tanna yaa u fadhiyay, Tugley Taclamuuna, Wa tun tun cilaacil, Makaniiska iyo Xabaalo-tumaalood jabadkii yaraa ee u dhexeeyay, halkaasaa geel laga soo qaaday.

Geelaa waxa u Abbaanduule ahaa ninka Tabbaase la yidhaahdo. Iyo Uur-beyte, Diidoo, Giije, Cawshaan, Badh-badhyaani, Sikistiin, Denbi, Daaniye, Naxwaale, Gaballoos, San-buqul, Fadh-fadhle, Fidhiqo, raggaasaa geela watay,

Jalaq-miidow, Faafan-gibino, Yabaal-waa-dhowr, Jicsin Bullaale, Roobow Garaar-gelin, Sar-day Saalimo-idaadle, Jirdo-gooyn, Jirdac, Warjac iyo Warjiic iyo Gururusoodna way ku soo gaadheen.

Halkaasaa la isula jiifsaday. Saddex iyo toddobaatan waa ay qudh-baxday, kow iyo lixdanna dhaawac ayay ahayd. Meydka saddex habeen baanu guraynay, wax dhaawac ahna lama sheegin. Waxaa iyo nabad baan kuu warramay.”

 

Additional information