Tacsi: Marxuun/Mujaahid Aadan Cabdi Ebyan
Annaga oo ah qoyska reer Ducaale Caynaan, gaar ahaan Boobe Yuusuf Ducaale, xaaskiisa iyo carruurtiisaba,
waxaanu tacsi u diraynaa qoyskii, ehelkii iyo saaxiibbadii uu ka baxay Mujaahid Aadan Cabdi Ebyan oo loo yaqaannay Aadan-cadde oo ku geeriyooday magaalada London 26/8/2011ka. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan ha ka siiyo. Aammiin.