Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

18kii Meey, 1991kii ee Burco oo sawiran

Waxa sawirradan qaaday, keydiyay isla markaana qoraalkan diyaariyay Boobe Yuusuf Ducaale

 

 

 

18kii Meey, 1991kii ee Burco oo sawiran


 

 

Waxa sawirradan qaaday, keydiyay isla markaana

qoraalkan diyaariyay Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa, 10kii Meey 2011ka

 

www.dharaaro.com


 

Shirweynihii Walaalaynta Beelaha Woqooyi oo ka furmay magaalada Burco, galabnimadii 3/5/1991kii. Waxa ka horreeyay Shir gogol-xaadh ahaa oo ku qabsoomay Berbera bishii Feeberweri oo si ballaadhan looga soo qayb-galay; Guddi Shirweynahan Burco qabanqaabisana lagu magacaabay.


Waa sawir kale oo muujinaya xafladdii furitaanka ee Shirweynihii Walaalaynta Beelaha Woqooyi. Wuxu ku muddeysnaa markii hore 27/4/91kii, bal se dib ayuu u dhacay. Xafladdaa furitaanka waxa ka qayb-galay laba kooxood oo heeso iyo riwaayado soo bandhigay: Kooxdii SNM iyo Koox ka socotay gobolka Awdal.

 


 

 

 

Aadan Maxamed Diiriye (Baradho) oo Go’aammadii Shirweynahaa Walaalaynta akhriyaya iyo Feysal yare oo makrifoonka u haya. Lixdii Qodobba waxa loo gudbiyay Kal-fadhigii Golaha Dhexe ee SNM si ay u sharciyeeyaan.


Kal-fadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee SNM oo Burco fadhiya

Qodobbada iyo Ajendayaasha hor yaalna ay ka mid ahaayeen Lixdii

Qodob ee Shirweynihii Walaalaynta Beelaha Woqooyi ka soo baxay.

 

 

 


 

Maxamed Cali Caateeye oo ka mid ahaa Xubnihii cusbaa ee lagu kordhiyay Golihii Dhexe ee SNM oo isu beddelay Gole Sharci-dejineed. Waxa kale oo Xubnahaa cusub ka mid ahaa Maxamed Buraale Ismaaciil.


Jaamac Rabbiile Good oo ka mid ahaa qudhiisu Xubnihii cusbaa ee ku soo biiray Golihii Dhexe ee SNM oo Kal-fadhigii 2aad ka jeedinaya hadal. Jaamac Rabbiile Good wuxu ka mid ahaa Ururka SNM isaga oo kaalin muuqata ka soo qaatay Jabhadihii Dibuxoreynta Qaran ee Soomaaliyeed. Waxa kale oo Xubnahaa cusbaa ka mid ahaa Cali Faarax Dhahar.


Xubnihii cusbaa ee lagu kordhiyay Golihii Dhexe ee SNM oo isu beddelay Gole Sharci-dejineed waxa ka mid ahaa: Maxamuud Saalax Cabdalle (Shiine) iyo General Yuusuf Tallan Cali oo markii danbena noqday xubin Guddidii Fulinta ee SNM isaga oo loo magacaabay Xoghayihii Difaaca.


Kal-fadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM oo hawlihiisii ku dhex jira. Sawirkan waxa ka muuqda Muj. Ibraahin Meygaag Samatar oo ahaa Guddoonshihii Golaha Dhexe, Maxamed Cali Carraale oo jeedinaya warbixintii Waaxda Garsoorka ee SNM iyo farsamo-yaqaan Yuuri oo makrifoonka u haya.


 

Dadweynihii iyo Mujaahidiintii ayaa raagsaday Kal-fadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe oo lixdii Qodob ku darsaday Ajendayaashiisa. Maalin kasta waxa ay wareysan jireen waxa la go’aamiyay, Kal-fadhiga Golaha Dhexe ee SNMna si deggan ayuu mowduuca uga baaraan-degayay.


 

 

 

Dadweynahan, ciidammadan iyo baabuurtaniba waxa ay ka soo kicitimeen Berbera waxaanay soo gaadheen Burco waqti ku beegnaa salaaddii casar oo Kal-fadhigu nasasho ku jiray. Baabuurtan iyo teknikadani iyaga oo is-wata ayay suuqii Burco dhex qaadeen. Hadda waa 16/5/91kii.


 

 

 

Suuqii Burco oo baabuur iyo dadweynaba qamaamaya ayaa u soo ambo-baxay madashii Kal-fadhiga 2aad ee Golaha Dhexe ee SNM ka socday. Hadda waa isla galabnimadaa 16kii bishii Meey 1991kii.


 

 

La soco qaybta danbe.....................................

Additional information