Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Madax-bannaanidii siyaasadeed & Foof-habowgii Maandeeq 1960kii – 1969kii

Halgan dheer oo qadhaadh ayay ummadda Soomaaliyeed u soo gashay xornimadeeda. 

 

 

Madax-bannaanidii siyaasadeed & Foof-habowgii Maandeeq

1960kii – 1969kii

(Waa Qormo aan ka soo dheegay Diiwaanka Maansada Timacadde, Daabacaaddii 2aad ee 2006dii)

Arar

Halgan dheer oo qadhaadh ayay ummadda Soomaaliyeed u soo gashay xornimadeeda. 26kii Juun 1960kii, Maxmiyaddii Ingiriisku gumeysan jiray ayaa qaadatay xornimadeedii oo 1dii Juulay 1960kiina la midwoday gobolkii uu Talyaanigu gumeysan jiray oo isla maalintaa xoroobay. Isku-darkan labada gobol wuxu ku taxnaa oo saldhig u ahaa himiladii baahday ee Soomaaliyeed ee ahayd in la xaqiijiyo Soomaali-weyn. Dal-weynahaa Soomaaliyeed ee waagaa lagu taami jiray wuxu ka koobnaa: Somaliland, Soomaaliya, Xeebtii Soomaaliyeed ee Faransiisku gumeysan jiray (Jabuuti)[1], Soomaali-Galbeed iyo gobolka woqooyi ee dalka Kiiniya oo loo yaqaannay NFD.

Halabuurka Soomaaliyeed madax-bannaanidaa iyo midowgaa waxay ku sawireen Maandeeq oo ahayd hal mataano ku curatay. Hashaa Maandeeq waxa loo tiriyay suugaan faro badan oo aan ka tirmayn taariikhda iyo xiska dadka Soomaaliyeed.

Suugaantu waxay ahayd qalabka ugu roon ee ay dadka Soomaaliyeed ku cabbiri jireen dareenkooda iyo waxa maalintaa taagan; ilaa waqtigan aynu joognona saamayn caynkaas ah way leedahay. Waxaanu muran ka taagnayn in ay Hargeysa beryahaa, xilliyo ka horreeyay iyo in danbe oo badnaydba ahayd xuddunta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Suugaantii lagu soo halgamay, tii lagu dabbaal-degay 1960kii iyo tii markii danbe dawladihii Soomaaliyeed lagu dhalliilayay ama lagula dagaallamayba, lagama badsan. Waxaan odhan karaa wax badan oo lagu darsadayba ma jirin.

Aniga oo aan dedafaynayn dadkii suugaanta kaga dagaal-galay Soomaaliya ama meelo kaleba, waxaan ka hadlayaa waa mugga iyo baaxadda suugaaaneed ee lagu hawl galay, horreyso iyo danbaysoba.

Haddii aynu soo qaadanno suugaantii loogu dabbaal-degay xornimadii iyo isku-darkii shaki kuma jiro in aan Hargeysa cidi la qaybsan. Waxaan taa u maragsan karayaa habeenkii 1dii Juulaay 1960kii oo si loo muuneeyo dabbaal-degyadii Muqdisho ka dhacayay, Hargeysa laga soo dalbaday qayb ka mid ahayd fannaaniintii Walaalo Hargeysa[2].

Taabbo-galka faneed ee guud ahaan Somaliland, gaar ahaanna Hargeysa ka tisqaaday waxa kaalin lama-illaawaan ah ka qaatay Hargeysa, Radio Somali oo 1941kii la furay ahaydna idaacad af-Soomaali ku hadasha tii ugu horreysay.

Axmed Cali Haaruun oo loo yaqaanno Dararamle ayaan Hargeysa kula kulmay 16/7/2002dii oo aan ka waraystay dabbaal-deggii Muqdisho ka dhacay 1dii Juulay 1960kii oo ay ka qayb galeen, wuxu yidhi:

“Waxa jirtay in xisbigii aanu ka tirsanayn ee SNL ku guulaystay doorashadii oo uu dawladnimadii inteedii badnayd qaatay waxaana hormood ka ahaa marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Halkan markaanu ka samaynay xafladdii 26kii Juun ee 1960kii annaga oo ahayn kooxdii Walaalo Hargeysa ee xisbigaa ka tirsanayd, ayaa nalagu marti-qaaday in aanu 1da Juulayna ka qayb-gallo isku-darkii. Diyaarad baa la soo diray taas oo qaadaysay nimankii Barlamaanka ahaa ee Somaliland iyo wefdi Muqdisho ka yimid oo uu hoggaaminayay Aadan Cabdille Cismaan.

Annagu waxaanu door-bidnay in aanu jidka sii marno. Waxa naloo kireeyay baabuur yar oo Land-rover ah, Hargeysana waxaanu ka baxnay 27kii Juun. Waxaanu sii marnay Burco, ka dibna xuduudda ayaanu sii dhex qaadnay oo Gaalkacayo ayaanu halkaa ka gallay. Habeen ayaanu u sii hoyannay Beled-weyne 29kii Juunna waxaanu gallay Xamar. Halkaa waxa nagu qaabbilay Radio Muqdisho iyo Wasaaraddii Warfaafinta, hudheel ayaa nala geeyay ka dibna waxaanu ka qayb gallay dabbaal-deggii 1dii Juulay. Halkan, Hargeysa ama Somaliland, waxa jirtay in heeso faro badan oo khaas ahaa loo sameeyay calanka iyo 26kii Juun.

Shan hoobal ayaanu ahayn: Alla ha u naxariistee aabbihii fanka Soomaaliyeed Cabdillaahi Qarshe, Maxamed Axmed Kuluc, Maxamed Yuusuf Cabdi, Axmed Cali Haaruun iyo Alla ha u naxariistee Xasan Cali ‘Gidhin’ oo darbuugadda noo tumayay. Qoladii aanu martida u ahayn ayaanu uga warrannay heesihii aanu 26kii Juun u samaynay ka dibna waxaanu weydiinnay waxay ugu talo-galeen isku-darka.

Annagii ayay su’aashii dib noogu soo celiyeen oo ay nagu yidhaahdeen: ‘Idinku maxaad isku-darka ugu talo-gasheen?’ Nasiib wanaag annagu heesaha aanu wadannay waxa noogu jirtay hees khaas u ahayd isku-darka, taasoo ahayd: ‘Dharaartii walaalkay loo dhisayay, een hortii dhashay sow ma soo dhicin.’ Markaa waxaanu aad ula yaabnay sida aanay wax heeso ah ugu talo-gelin xornimada iyo isku-darka. Way naga qosliyeen. Nin la odhan jiray Maxamed Yuusuf ‘Laangadhe’ ayaa nagu yidhi: ‘Waar annagu heesaha Radio Hargeysa ayaanu idinka daba-qaadi jirnaye, waxaanu haynaa hees la yidhaa Bandiiraddayada bulugleey.’ Markaa heesihii 26kii Juun ayuun baanu munaasabaddii ka qaadnay.”

Caqligu wuxu ina siinayaa in munaasabad taas oo kale ah oo weliba laba-dhudood ahi aanay midho beeli karin. Ma odhan karayno dadweynuhu uma ay han-weyneyn maalintan qiimaha iyo qaayahaba ku lahayd ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtayba, bal se waxa halkan inooga soo baxaysa abaabul-darradii, dareen-la’aantii iyo sidii aanay wax qiime ah ugu lahayn madaxdii maalintaa talinaysay. Bal hadda waxaad isu eegtaan wixii suugaan nooc ay ahaydba 26kii Juun muuno iyo maamuus looga dhigay iyo sidii caddaysimo looga dhigay 1dii Juulay oo laba munaasabadood u taagnayd. Waxay tani inoo muujinaysaa labadii hiyi ee ka kala jiray Hargeysa iyo Muqdisho.

 

Additional information