Strict Standards: Only variables should be assigned by reference in /customers/5/f/7/dharaaro.com/httpd.www/plugins/system/jsocial_comments/jsocial_comments.php on line 147

Halacsiga Maalin-qorka

Heshiiskii Nabadeed ee ay 1988kii kala saxeexdeen Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Maryam (Abriil 1988kii) 

Bogagga taariikhda:

Halacsiga Maalin-qorka Heshiiskii Nabadeed ee ay 1988kii kala saxeexdeen Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Maryam (Abriil 1988kii)

“In kastoo guddoonkii burburay, loo gudcuro joogay,

In kastoo go’aankii dulliga, geesinnimo diidday,

In kastoo geyigu waa xurmee, gaadhka lagu meershay,

In kastuu gaggaabkii cuslaa, garangar duul-duulay,

Xaajada gun-raaca leh haddii, loo gabbalo eego,

Sida ay u kala geysan tahay, way gun dheer tahaye,

Kol haddaan garaad lagala hadhin, galabba sheeggeeda,

Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weli,”

Gud-gude, 1990kii, Hadraawi,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

Sida laga wada war-qabo daba-yaaqadii bishii Diisambar ee 2003dii, waxa BBC-da ka bixi jiray barnaamajyo taxane ah oo loogu magac-daray “Taariikhda Soomaaliyeed” kuwaas oo lagu meydhaami jiray taariikhda dhabta ah ee Soomaaliyeed. Waxay ahaayeen barnaamajyo idaacaddaa laga baahin jiray habeen kasta oo Axad ah. Barnaamajyadan waxa lagu wareysan jiray dad aanay dhegaystayaashu garanayn sababaha ama siyaabaha lagu soo doorto. Dadkaa laga wareysan jiray Taariikhda Soomaaliyeed waxay u badanaayeen dad ka tirsanaan jiray nidaamkii Siyaad Barre, kuwaas oo aan inta badan ka run-sheegi jirin dhacdooyinkii ay goob-joogga u ahaayeen ama dhagartii aan qiyaasta lahayn ee laga galay dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Bal mararka qaarkood waxaabay u muuqan jireen ama iska dhigi jireenba qaar nasteex u ahaa shacbiga Soomaaliyeed, taas oo uu garan karo qof kasta oo xog-ogaal u ahaa wixii Soomaaliya ka dhacay.

Iyada oo ay marka horeba mugdi ku jirto sida dadkaa lagu soo xushaa ama waxa loogu xisho in ay helaan fursado ay ku baahiyaan wax aan u cuntamayn dadka Soomaaliyeed in badan oo ka mid ah, ayay haddana ka sii yaab badan tahay in fursad la siin waayo dadkii ka soo hor jeeday ama fikirkooda wax ka sheegi lahaa. Waxa laga hadlayaa waa Taariikh, waana mowduuc aad u murugsan oo la isku khilaafi karo amaba la isku maan-dhaafi karo. Weliba waa taariikh Soomaaliyeed. Kaaga sii darane waa iyadii oo aan qornayn ee odhaah ah, marka ay sidaa tahayna in lagu murmaa wax la yaab leh ma aha.

Tusaale haddaan soo qaato, 28/12/2003dii oo habeennimo Axadeed ahayd ayay BBC-du wareysatay Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladdii Siyaad Barre muddo dheer u ahaa, isla markaana odeygu adeer u ahaa, kaas oo sheegay in ay SNM ku gacan-saydhay Dawladdii Siyaad Barre oo u soo jeedisay in la wada hadlo. Weriyuhu ma uu weydiin Cabdiraxmaan Jaamac Barre goorta ay ahayd? Meesha ay ahayd? Iyo cidda ay SNM kala kulmeen. Waa su’aalaha aasaasiga ah ee saxaafaddu ku socod-barato.

Toddobaad ka dib isla barnaamajkaa waxa habeennimadii lagu wareystay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaan jiray Guddoomiyihii SNM. Iyada oo uu Aadan Nuux Dhuulle barnaamajkaa gadh-wadeen ka ahaa labadaa habeenba, Axmed Siilaanyo ma uu weydiin in ay arrintaa wada-hadallada ee la sheegay in SNM ku gacan-saydhay wax ka jireen iyo in kale. Ma barnaamajyada ayaan u taxnayn weriyayaasha BBC-da? Ma iyaga oo aan waxba diyaarsan ayay dadka wareystaan? Mise waxay ku talo-galeenba in ay sidaa wax u dhacaan? Waa arrimo is-weydiintooda leh.

Saddex toddobaad (Axadood) oo is-xigay oo ka soo bilaabmayay 28/12/2003dii, waxa Heshiiskii Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Maryam ee 1988kii laga kala wareystay:

  1. Cabdiraxmaan Jaamac Barre iyo Maxamed Cabdi Gabboose oo Xukuumaddii Siyaad Barre ka tirsanaa,
  2. Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Axmed Mire Maxamed oo SNM ka tirsanaa,
  3. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo Xukuumaddii Siyaad Barre ka tirsanaa,

Aniga oo mowduuca laga hadlayo xiisaynayay xog-ogaalna u ahaa marka aan dhinaca SNM ka soo joogsado, ama aan cuskado wararkii rasmiga ahaa ee ay na siiyeen madaxdii Itoobiyaanka ahayd ee Heshiiskaa goob-joogga u ahayd, waxaan isku dayay in aan BBC-da la xidhiidho. Aniga oo idiin soo koobaya sheeko aad u dheereyd, Aadan Nuux Dhuulle ayaan E-mail u diray. Waxa ii xigay Axmed Xasan Cawke oo aan tilifoon kula hadlay oo ii sheegay in uu arrintaa Aadan Nuux Dhuulle kala hadli doono. Mar labaad ayaan Aadan Nuux Dhuulle E-mail u diray in kasta oo uu fasax ku maqnaa. Waxba yaan hadalka idinku daallinne, aakhirkii Yuusuf Garaad ayaan la hadlay waxna kama suuro-gelin in kasta oo uu tilifoonkaygii iga qortay oo uu iga ballan-qaaday in uu ila soo hadli doono.

Marka hore inta aanan dulucda qormadaydan u gelin, laba halba aan idhaahdo:

  1. Hal waxaan ka leeyahay wareysigii Cabdiraxmaan Jaamac Barre,
  2. Halna waxaan ugu marag-furayaa Maxamed Cabdi Gabboose oo si mowduuciya (objective) arrimihii uu soo qaaday uga hadlay.

Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxaan ku leeyahay: “Wada-hadallo ay SNM ku gacan-saydhay ma jirin.” Intii aan SNM ka tirsanaa waxaan ku jiray hay’adaheeda hoggaaminta, marka aanan hay’adaha hoggaaminta ee SNM ku jirinna, waan ka ag dhawaa. Arrintaasi mid marna gole timid ma ahayn. Cabdiraxmaan Jaamac Barre wuu is-moodsiiyay in uu SNM la xidhiidhaye, waxay u badan tahay in uu arrintaa kala hadlay niman Isaaq ah oo Xamar la joogay. Cabdiraxmaan se wuxu mooggan yahay in aanu Isaaqu SNM wada ahayn. Ha u bateene, SNM ma wada ahayn ayaa lagaa yidhi.

Dr. Gabboose wuxu wareysigiisii BBC-da ku sheegay in Siyaad Barre gobolladii woqooyiga u soo ambo-baxay si uu indhihiisa ugu soo arko ka dibna ku tallaabsado sidii uu maamulkiisa wax uga beddeli lahaa. Sidaa ayuu Jabuuti ku yimid 1987kii. Mengistu Xayle Maryam ayay is-arkeen. Kulankaa dabadii, Gabboose wuxu inoo sheegay in Siyaad Barre ciddiyo libaax yeeshay oo aanu ahayn kii Xamar ka yimid, bal se talo kale oo aar-goosi ahi ku dhalatay. Dr. Gabboose waxaan ugu marag-furayaa warar ay I siiyeen odayaasha Reer Gebilay mar ay Siyaad Barre oo jidka soo maray halkaa kula kulmeen. Waxaan soo xiganayaa war-galeenkii looga-qaateenka ahaa ee Chief Caaqil Maxamed Ibraahin Khaliif, naxariistii Janno Ilaahay ha siiyee. Maxamed Ibraahin Khaliif wuxu ii sheegay in uu Siyaad Barre ku yidhi:

“Waxaan jeclaan lahaa in maanta cimrigayga labaatan sannadood dib la ii celiyo.” Markii ay sababta weydiiyeenna wuxu ugu jawaabay: “Waxaan u joogi lahaa waxaanu rag kala yeello.” SNM ayuu u jeeday. Siyaad Barre wuxu aamminay haddii uu Mengistu la heshiiyo oo SNM meesha ka baxdo in uu cid walba ka adkaanayo. Sidii uu Dr. Gabboose sheegayna Siyaad Barre waan-waantii uu Muqdisho kala yimid wuu ka digo-rogtay oo aar-goosi iyo cadaawad ayuu u beddeshay ka dib kulankii uu Mengistu Xayle Maryam kula yeeshay Jabuuti.

Waa halkii Hadraawiye, arartan aan ku soo xidho:

“Afartaa xan durugtiyo,

Danni jira wax-sheeggii,”

Docda kale aan u soo noqdo qormadaydii aan qalinka u holladay. Intaasi haddii ay dhacday ayay ila noqotay in aan si kooban wax uga qoro Heshiiskii aan taabbo-galka noqon ee dhex maray Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Maryam 1988kii. Sida aan aamminsanahay ma ahayn Heshiis laba dal iyo laba dad dhex maray, wuxu se ahaa Heshiis ay laba shakhsi oo taladii dalalkooda xoog ku maroorsaday ay ku muraadsada is-yidhaahdeen, waxba se aanay uga naaso-caddaan. Runtii waxay noqotay in ay labadoodiiba eedeen oo dagaaleen.

Waxaan dib u halacsaday Buug aan ku ururiyay Xusuustayda Halgankii Hubeysnaa ee SNM oo la yidhaa: “Dharaaraa na soo maray”, oo weli qabyo ah, in kasta oo aan is-leeyahay intiisii badnayd way qorantay. Waxa laga yaabaa in aanay adkayn in qof xusuustiisa qoraa, marka se laga hadlayo halgankii hubeysnaa ee SNM inta qof ahaan iigu beegmaysa iyo inta la iga filayo ayaan is-lahayn. Inta qof uu qaban karo ayaaba iska kooban. Waa hawl ay hay’adi qaban lahayd, fallaadhi se gilgilasho kaagama go’do.

Geeddi (Chapter) Buuggaa qabyada ah ku jira ayaa ku saabsan Heshiiskaa hagaasay ee Siyaad Barre iyo Mengistu aanu midkoodna midhihiisii goosan, bal se soo deddejiyay dhicistoodii. Burkaba bahal kama ay filan, shakina kuma jiro in ay nimankaa odayaasha ahaa tiradii ka gedmatay oo ay gudcur gudayeen ama ay lafba toobin ku hayeen. Qalinkii ay saxeexaa ku duugeen way eedeen oo dagaaleen. Khadkii oo aan engegin ayaa qormadoodii rag kale degay.

Aniga oo aan Geeddiga Buuggaa qabyada ah ku jira sidiisii u soo wada qaadnayn oo uu badan yahay, bal aan wax idiin ka soo garooco. In aan mowduucan ka hadlo markii aan goostay, waan ka maarmi waayay in aan raad-raac ka dhigto. Waan idiin soo koobayaaye, dhareerka ceshada oo yaanu hunguri idin qaadin. Aan maalin-qorkaa idiin qodobbeeyo, aniga oo meelaha qaarkood ku yar hakan doona. Waa wixii aan qoray sannadkaa 1988kii iyo maalmihii arrimahani socdeen oo aan soo minguuriyay ka dibna aan tifaf-tiray ee ma aha wax aan hadda qoray. Waa qormooytin guun ah oo hadda 22-jirsaday, sidii ay wax u dhaceenna waa tan:

Heshiiskii Siyaad Barre & Mengistu Xayle Mariam:

Siduu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” BBC-da ka sheegay heshiiskaa waxa saxeexa lagu duugay 3/4/1988kii. Muqdisho ayaa lagu saxeexay. Habeenkaa BBC-da lagu wareysanayay waxa jirtay su’aal Qaybe la weydiiyay oo aanu ka jawaabin. Yuusuf Garaad wuxu weydiiyay “Qaybe”: “Maxaa Heshiiskaa loogu saxeexi waayay Jabuuti ee la isku diiday?” Qaybe wuxu ku jawaabay: “Wallaahi tafaasiishii ma xusuustoi.” Waxa kale oo uu Qaybe habeenkaa BBC-da ka sheegay in ay Siyaad Barre iyo Mengistu oo laba turjubaan la joogeen ay shirsanaayeen muddo lix saacadood ah. Maxaa haddaba arrimahan ka jiray?

Maxaa Heshiiskaa Jabuuti loogu saxeexi waayay? Maxaa se maalmo yar ka dib Muqdisho loogu saxeexay?

Haddii uu Axmed Maxamed Aadan “Qaybe” la socday wefdigii Maxamed Siyaad Barre, aniga oo la socday wefdigii Guddoomiyaha SNM ee 1988kii Addis-Ababa wada-hadallada u tegay, waxa noo warramay madaxdii Itoobiyaanka ahayd ee wefdigii Mengistu Xayle Maryam la socday. Waxaan soo xiganayaa hadal-qorkii (minutes-kii) aan ka qaaday laba nin oo mas’uuliin ahaa oo aanu berigaa kula kulannay Hudheelka Guennet ee Addis-Ababa. Waxaan xiganayaa Ato Demise Tafarre oo ahaa Jeneraal hawl-gab ah oo Mengistu kala talin jiray arrimaha Soomaaliyeed iyo Ato Mogus Habte Mariam oo Xafiiskii Nabad-sugidda madax ka ahaa.

Si aad u qiimaysaan nimanka aan xiganayo aan ku yar hakado oo wax aan badnayn ka idhaahdo taariikhdooda. Ato Demise Tafarre wuxu ahaa Janan hawl-gab ah oo Mengistu kala talin jiray arrimaha Soomaalida. Nin da’ ah oo fur-furan ayuu ahaa. Wuxu isku darsaday deggenaantii Itoobiyaanka iyo kal-furnaantii Soomaalida. Markaad kulantaan, wuxu halhays u lahaa in uu kugu yidhaahdo: “Anigu nin Tol-jecle ah ayaan ahay.” Marna maan weydiin sababta uu sidaa u odhan jiray, halhays ayuu se u lahaa. In kasta oo uu immika dhintay beryahaa wuxu gacanta ku hayay oo uu qori jiray Buug Soomaalida ku saabsan, wuxuu ku danbeeyayna kama war hayo.

Ninka kale oo la yidhaa Ato Mogus Habte Maryam, in kasta oo aanan garanayn immika wixii uu ku danbeeyay, 1982kii markii aan SNM ku biiray ee aan Addis-Ababa tegay iyo ka horba wuxu madax ka ahaan jiray xafiiskii Nabad-sugidda ee Itoobiya. Wuxu ahaa nin ku xeel-dheer arrimahaa oo bari iyo galbeedba ka soo cabbay laguna soo carbiyay. 1988kii wuxu ahaa Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Itoobiya. 1990kii waxa loo magacaabay oo laga dhigay safiirka Itoobiya ee Boqortooyada Sucuudiga.

Si aan sheeko dheer idiin ku soo gaabiyo aynu gallo maalin-qorka Heshiiskaa mahadhada ku noqday nimankii qalinka ku duugay, ummadda Soomaaliyeedna u soo deddejiyay heeryadii Siyaad Barre in ay iska dul qaadaan:

Dabayaaqadii bishii Maarj 1988kii: Siyaad Barre iyo Mengistu ayaa Jabuuti ku kulmay si ay uga wada-hadlaan Heshiis 1987kii gogol-xaadhkiisa la sii sameeyay oo labadooda dhex maray. Kulankaa Siyaad Barre iyo Mengistu dhex maray saddex qaab ayuu u dhacay. Wuxu ku bilaabmay labada wefdi oo isu dhan. Muddo markii la wada hadlayay ayuu Siyaad Barre codsaday in ay isku keliyaystaan Mengistu oo labada wefdi intooda kale oo dhami baxaan. Sidii ayaa la yeelay. Siyaad Barre iyo Mengistu ayaa keli isku noqday. Ato Demise iyo Ato Mogus waxay noo sheegeen in Siyaad Barre jilbaha qabsaday Mengistu isaga oo ka codsanayay in ay Heshiiskaa Jabuuti ku saxeexaan oo aanay u kala kicin. Mengistu wuxu taagnaa oo ku cel-celinayay in Heshiisku majarihiisa caadiga ah maro oo Guddiyada Farsamada iyo Wasiirradu soo habeeyaan ka dibna ay saxeexaan. Markay labadii oday ku heshiiyeen qodobbadii Heshiiska ayaa labadii wefdiba loo yeedhay. Mengistu wuxu ku adkaystay in uu Heshiisku majarihiisa soo maro. Sidaa ayaa lagu kala tegay. Sidii uu Qaybe sheegay arrintu ma ahayn Qodobbo lagu heshiin waayay, waxa se lagu heshiin waayay waqtiga la saxeexayo oo Siyaad Barrena doonayay markaa ay Jabuuti wada joogeen, Mengistuna aamminsanaa in arrimuhu dariiqooda caadiga ah ay maraan. Qodobbada ugu darnaa ee muranku ka dhacay waxay ahaayeen: SNM oo Siyaad Barre in badan ka hadlay iyo arrimo la xidhiidhay xuduudda koonfurta Soomaaliya ee labada dal. Waxa kale oo laga wada hadlay arrintii Soomaalida galbeed oo Siyaad Barre ka tanaasulay isaga oo siisanayay taageerada SNM oo la joojiyo, in kasta oo aanay Itoobiyaanku arrintaasi qiran.

Bilowgii Abriil, 1988kii: Wefdi Itoobiyaan ah oo uu hoggaaminayay Birhanu Baye, Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa Muqdisho tegay, 3/4/1988kii oo maalin Axad ah ahaydna waxay halkaa ku kala saxeexdeen Siyaad Barre Heshiiskii ay ku diideen in ay ku saxeexaan Jabuuti maalmo yar ka hor. Maxaa dhacay? Maxaa se is-beddelay? Sida aan ka soo xigtay ee aan hadal-qorka aan hore idiin ku soo sheegay ku qaatay, labadii nin ee looga-qaateenka ahaa waxay noo mariyeen sheekadan soo socota. Waa Ato Demise Tafarre iyo Ato Mogus Habte Maryam. Mengistu markii hore ee uu Jabuuti ku sii socday si uu Siyaad Barre ula kulmo wuxu sii maray Asmara. Wuxu kulan la yeeshay janannadii hoggaaminayay dagaalladii halkaa ka socday. Waxa dhex maray muran ku saabsanaa sida loo maareynayo dagaalladii halkaa ka taagnaa. Murankaa waxa ka soo baxday bal in xal siyaasadeed arrintaa lagu dayo oo ay tibaaxeen nimankii dagaalladaa hoggaaminayay, taas oo aanu jeclaysan Mengistu Xayle Maryam. Sidaas ayuu Mengistu Jabuuti ku tegay. Markii uu Jabuuti ka yimid ee uu Adis-Ababa ku soo noqday waxa loo sheegay guutooyin badan oo ciidammadii Itoobiya ka tirsanaa oo isu dhiibay jabhadihii xoreynta iyo horumar xoreyneed oo ay jabhadahaasi sameeyeen. Mengistu isaga oo aan cidna kala tashan golayaashiisii hoggaaminta wuxu markiiba go’aansaday keligii in uu Heshiiskii Siyaad Barre la saxeexdo oo ciidammada Harargee ka jooga u raro Eretreeya. Mengistu wuxu u yeedhay Birhanu Baye oo uu u dhiibay farriin qoraal ah oo ku socotay Siyaad Barre; Xubnihii wefdigana way wada magacaabeen. Saq dhexe ayaa Ato Demise Tafarre iyo Ato Mogus Habte Mariam tilifoonno loo diray oo loo sheegay in ay diyaar-garoobaan. Waxa labadaa nin loo sheegay in ay shanta subaxnimo dayuurad “Cesna” ah u raaci doonaan Muqdisho oo ay ka mid yihiin wefdi halkaa hawlo u tegi doona in kasta oo aan sababta ay u tegayaan loo sheegin. Dayuuraddii ayay subaxnimadii raaceen. Magaalada Goday ayay ku hakadeen oo shidaal ka qaateen. Muqdisho ayay ka degeen, waxaana la dejiyay Villa Hargeysa oo ku dhex taallay Villa Soomaaliya. Subaxnimadii ayay la kulmeen Siyaad Barre. Farriintii ay sideen markay Siyaad Barre u dhiibeen wuxu u gudbiyay Axmed Maxamuud Faarax “Lax-was” oo akhriyay. Ato Demise iyo Ato Mogus waxay noo sheegeen in ay afka “Ina Lax-was” ka ogaadeen wixii ay u socdeen, taas oo ay aad iyo aad uga xumaadeen markii danbena kelliftay in ay Villa Hargeysa dhexdeeda isku qabsadaan Birhaanu Baye oo ‘niigtaynnadii’ la is-laaco oo gacan la isula tago. Waxay intaa noogu dareen in ay khajilaaddii iyo niyad-jabkii taariikhdooda ugu darraa maalintaa la kulmeen. Sidaas ayaa Heshiiskaas lagu saxeexay. In uu Heshiisku Jabuuti ku dhammadayna waxa kuu caddaynaysa saxeexa la saxeexay ee aan waxba Muqdisho lagu gorfayn ama lagaga wada-hadal. Haddii markii Jabuuti la joogay uu Siyaad Barre saxeexa Heshiiska u baahnaa, markii uu Birhane Baye Muqdisho u yimid saxeexa Heshiiska waxa halkaana ka muuqatay in uu markan Mengistu gondaha qabsaday Siyaad Barre oo uu is-na markiisii gacmaha hoorsaday.

Qodobbadii Heshiiska:

Labada hoggaamiye ee gabbalkoodu dhacayay waxay ku heshiiyeen:

  1. In ciidammada la kala gurto oo xuduudda laga durko ilaa 15 Kiilo Mitir,
  2. In ay joojiyaan kaalmada iyo taageerada ay labada dhinac siiyaan Jabhadaha ka kala soo hor jeeda labada nidaam ee Heshiisku dhex maray,
  3. In dacaayadaha iyo dagaalka war-baahinta ee labada dhinac isku hayaan ay kala joojiyaan,

Isniin, 4/4/1988kii: Dawladda Itoobiya iyada oo Qodobbadii Heshiiskaa fulinaysa, waxay xidhay oo ay albaabbada u laabtay Radio Halgan, Xaruntii SNM ee Guulallee ee Addis-Ababana tilifoonkii ayaa laga jaray. Waxaan xusuustaa cajalad heeso halgan aanu ku duubnay annaga oo Diri-dhabe markaa ku sugnayn oo koox aanu ugu magac darnay Colka Maxamed Mooge oo ay ka mid ahaayeen Shinbir, Cumar-rooraaye, Xasan Aarami iyo qaar kale in ay noo suurtoobi weyday in Radio Halgan laga saaro 6/4/1988kii oo ku beegnayd sannad-guuradii 7aad ee SNM,

Isniin, 4/4/1988kii: Waxa shirar aan caadi ahayn galay Guddidii Fulinta iyo Guddidii Joogtada ahayd ee Golaha Dhexe ee SNM, waxaana la go’aansaday diyaar-garow dagaal iyada oo sidii uu Guddoomiye Siilaanyo ka sheegay BBC-da la magacaabay laba Guddi: Mid Addis-Ababa tagta iyo Guddi-abaabul iyo taakuleyneed oo hoggaamisa diyaar-garowga dagaal oo jiidaha hore u baxda,

Salaasa, 5/4/1988kii: Waxay Itoobiyaanku si rasmiya noogu soo war-geliyeen in aanu SNM ahaan wefdi rasmiya u soo diranno Addis-Ababa si ay ula kulmaan Madaxweynaha iyo madaxda kale ee Itoobiya. SNM Wefdigaa waxay u dooratay:

  1. Axmed Maxamed Siilaanyo: Guddoomiyihii SNM,
  2. Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi): Guddoomiyihii Guddida Joogtada ee Golaha Dhexe,
  3. Boobe Yuusuf Ducaale: Xoghayihii Golaha Dhexe iyo Guddida Joogtada ee Golaha Dhexe,
  4. Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadh-weyne”: Xoghayihii Arrimaha Dibadda,
  5. Xuseen Cali Xirsi: Xoghayihii Warfaafinta iyo,
  6. Cabdi-samad Xaaji Cabdillaahi: La-taliyihii Guddoomiyaha ee Arrimaha Ciidammada Xoreynta,

Khamiis, 7/4/1988kii: subaxnimadii hore ayuu wefdigii SNM ee Addis-ababa tegayay ka ambo-baxay Diri-dhabe, sagaalkii habeennimona waxay gaadheen Adis-ababa, waxa nala dejiyay Hudheelka Guennet, iyada oo ay halkaa nagu soo dhaweeyeen madaxdii Xafiiskii Nabad-sugidda ee Itoobiyaanku,

Jimce, 8/4/1988kii: Halkii ay Dawladda Itoobiya markiiba ku tallaabsatay in ay Qodobbadii Heshiiskaa fuliso, isla maalintaa Ciidammadii Siyaad Barre ee Qaybtii 26aad oo Moorgan hoggaaminayo ayaa weerar ku soo qaaday Itoobiya iyo ciidammadii SNM ee joogay Kaam Cabdi Yuusuf, Burco-goobo oo bariga ku yaallay iyo Qabri-macallin oo Tog-wajaale dusheeda ku beegan. Ciidankaas Kaam Cabdi Yuusuf soo weeraray oo cajalad ‘video’ ah iska duubay ayaanu dagaalkii ku qabsannay cajaladdaa, taas oo aanu madaxdii Itoobiyaanka ee Adis-ababa iyo Hararba tusnay, markhaati cadna ka noqotay sidii aanu nidaamkii Siyaad Barre u ixtiraamayn Heshiisyada caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee uu saxeexaba. Major General Ababa Abarra oo ahaa Taliyihii Ciidammada Itoobiya ee Harar mar uu warbixin na siinayay wuxu noo sheegay in ciidammadaa Moorgan watay ay maalintaa Itoobiya gudaheeda soo galeen 22km.

Jimce, 8/4/1988kii – Arbaca, 13/4/1988kii: Waxaanu ku jirnay xog-urursi annaga oo kulammo kala gaar ah la yeelannay: Madaxdii Xafiiskii Nabadgelyada iyo Wasaaraddii Arrimaha Gudaha, SSDF, Safaaradihii iyo Jabhadihii kale ee aanu bah-wadaagta ahayn. Madaxdii Xafiiska Nabad-sugiddu annagana way na baadhanayeen annaguna waanu baadhanaynay. Waxaanu kulanno rasmiya iyo qaar aan rasmi ahaynba la yeelannay rag ay ka mid ahaayeen: Ato Demise Tafarre, Janan hawl-gab ahaa af-Soomaaliga si fiican u yaqaannay Mengistena la-taliye uga ahaa xagga arrimaha Soomaalida, Ato Mogus Habte Mariam oo markaa ahaa Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda, horena u ahaan jiray muddo dheer Agaasimaha Guud ee Xafiiska Nabad-sugidda ee Itoobiya, nin bari iyo galbeedba ka soo sharaabay oo hawlihiisa ku xeel dheeraa, sagaashannadiina waxa loo magacaabay safiirka Itoobiya ee Sucuudiga, iyo Indhaarge oo markaa Agaasime Guud ka ahaa Xafiiska Nabad-sugidda ee Qaranka Itoobiya. Waxa kale oo aanu maalmahaa SSDF-ta wada diyaarinnay qoraal ku socday Mengistu Xayle Maryam. Xasan Cali Mire oo markaa ahaa Guddoomiyaha SSDF, wuxu Axmed Siilaanyo ku yidhi: “SSDF ahaan meel aanu ka dagaallanno ma joogno, laakiin haddaad SNM tihiin waad dagaallami kartaan oo dad idiin dagaallama iyo qaar idin taakuleeya ama idin taageeraba waad helaysaan. Waxaanu idin ka ballan-qaadaynaa in aanu idin la saxeexno wax kasta oo aad go’aansataanba.” Ilaahay ha ka abaal-mariyo, mar uu Hargeysa nagu soo maray ilaa 2001diina Hudheelka Arraweelo ayaanu casho-sharafeed ku marti-qaadnay annaga oo dareensiinnay abaalka aanu u hayno. Warqaddaa Mengistu loo qoray waxa gacantiisa ku qoray Axmed Siilaanyo, Ingiriisi ayay ahayd waxaanay ka koobnayd afar bog, markii aan garaacayna laba bog ayay noqotay. Qalin buluuki ah ayuu ku qoray. Xasan Cali Mire markii loo dhiibay waxba kama beddelin, bal se halka hoose ayuu khad madow kaga qoray laba weedhood oo ka hadlayay sii-deynta maxaabiisitii SSDF oo ay ka mid ahaayeen: Cabdillaahi Yuusuf Axmed Yey, Guddoomiyihii hore SSDF, Cabdilqaadir Is-barriije: Xoghayihii Maaliyadda, Cabdillaahi Maxamed Xasan oo loo yaqaannay “Faash” oo xilkiisa aanan hubin bal se laba mid ahaa: Xubin Guddida Fulinta ah ama La-taliye Cabdillaahi Yuusuf u ahaa, iyo wiil dhallinyaro ahaa oo la odhan jiray Daahir Mire oo Cabdillaahi Yuusuf Xoghaye gaar ah u ahaa.

Khamiis, 14/4/1988kii: Saacaddu markii ay ahayd 15.05 ama 3.05 gelinkii danbe labadii Wefdi ee SSDF iyo SNM ayaa la kulmay Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Itoobiya oo halkaa loogu dhiibay warqaddii rasmiga ahayd ee labada urur u qoreen Mengistu Xayle Maryam. Wasiirka, Tasfaye Wolde Selaase ayaa hadal soo dhaweyn ah ku bilaabay, waxaanu ku wareejiyay Xasan Cali Mire, maa daama hab-maamuus ahaan ay SSDF halganka nooga soo horraysay. Xasan Cali Mire salaan ka dib, wuxu halkii kaga dhawaaqay: “Walaalkay Axmed Siilaanyo ayaa labada ururba u hadlaya.” Siilaanyo ayaa sidaa hadalkii ku qaatay. Hadalka laguma dheeraan oo maalmahaa aanu joognay warkayaga waa la geynayay annaguna kooda waanu helaynay. Ilaa waqti ku sinnaa shantii saacadood ee galabnimo ayaanu wada joognay.

Jimce, 15/4/1988kii, 9.30kii saac ilaa 12.30kii saac: Labadii Guddoomiye oo keliya ayaa kulan albaabbadu u xidhan yihiin la yeeshay Mengistu Xayle Mariam. Gelinkii danbe ayay Siilaanyo iyo Xasan Cali Mire labadii Jabhadood oo isu dhan uga warrameen wixii ay kala kulmeen Mengistu Xayle Mariam.

Sabti, 16/4/1988kii, saacaddu markay ahayd 5.30kii galabnimo ayaa labadii Jabhadoodba looga yeedhay Xafiiskii Nabad-sugidda. SNM waxaanu ku tagnay aniga iyo Siilaanyo, SSDFna Xasan Cali Mire, Maxamed Faarax Jimcaale iyo Injineer Ismaaciil. Waxaanu la kulannay Mogus, Asfaw iyo Xayle Miikaa’iil. Mogus wuxu nagu war-geliyay wada-hadalladii labadii Guddi ee Farsamo ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo wax ka soo kordheen. Wuxu noo sheegay dhaqdhaqaaqyo xuduudda ah isaga oo carrabka ku dhuftay Balanballe iyo Gal-dogob. Wuxu intaa noogu daray amar Madaxweyne Mengistu soo saaray oo ahaa in berrito labada Jabhadoodba ay u baxaan jiidaha hore ee dagaalka. Wuxu noo sheegay in jiidaha hore jaho-wareer badani ka jiro. Waxa kale oo uu Mogus warbixintiisa noogu daray in naloo oggolaaday 500.000 oo Birr oo Diri-Dhabe naloogu gudbiyay, isla markaana wixii taakuleyn ahaa amar lagu siiyay Taliyaha Ciidammada Itoobiya ee Harar Major General Ababa Aabarra oo aanu halkaa ka qaadan doonno. Awaamiirtii Madaxweynaha qudheedu in ay Diri-dhabe nagaga horreyso ayuu noo sheegay.

Sabti, 16/4/1988kii, saacaddu markay ahayd 7.15 fiidnimo, waxa Diri-dhabe tilifoon nooga soo diray annaga oo joognay Adis-Ababa Siciid Maxamed Nuur oo markaa ahaa Xoghayihii Maamulka ee SNM. Wuxu noo sheegay in ay shan janan oo Soomaaliya ka yimid ay Jigjiga habeen u hoydeen. Waxay wada hadleen madaxdii Itoobiya. Waxa la isku mari waayay kala-gurashada ciidammada halka laga bilaabayo. Itoobiya waxay doonaysay in Koonfurta laga bilaabo si ay ciidammada SNM u gudbaan, Siyaad Barrena wuxu doonayay in woqooyiga laga bilaabo si aanay ciidammada SNM u soo gudbin. Waa la is-mari waayay. Wefdigii Siyaad Barre Xamar ayay ku noqdeen. Mar kale ayay soo noqdeen iyaga oo uu hoggaaminayo Axmed Maxamuud Faarax “Lax-was”. Dooddii iyo murankii ayay halkii ka sii wadeen.

Axad, 17/4/1988kii: Wefdigii Siilaanyo hoggaaminayay ee SNM ayaa subaxnimadii hore ka soo ambo-baxay Addis-Ababa oo fiidkii ku soo hoyday Diri-dhabe.

Isniin, 18/4/1988kii, 9.10 saac ee subaxnimo: Waxa Xaruntii maamulka ee SNM ee Diri-dhabe ku kulmay Guddidii Fulinta iyo Guddidii Joogtada ahayd ee Golaha Dhexe ee SNM. Shirkaa waxaanu ku go’aansannay wixii loola tegi lahaa Itoobiyaanka (Harar) oo ahaa qodobbadan hoos ku taxan:

  1. “Provocations”-ka in la baajiyo,
  2. Halgankii in uu socdo iyada oo Heshiiska la dhowrayo,
  3. Inta ciidan la isla garto in gudaha la geliyo,
  4. Inta ciidan dib loo soo celiyo in ay SNM u madax-bannaanaato meelaha la dejinayo,
  5. In la codsado taakuleyn degdeg ah oo saddex bilood oo horumarin ah,

Salaasa, 19/4/1988kii: Indhaarge, madaxii Xafiiskii Nabad-sugidda iyo wefdi Itoobiyaan ah oo uu hoggaaminayay oo Addis-Ababa ka yimid ayaanu kula kulannay Xaruntii Itoobiyaanka ee u dhexeysay labada xarumood ee SSDF iyo SNM ee Diri-dhabe. Wuxu noo sheegay tusaalooyinkii ama amarradii uu soo faray Mengistu Xayle Maryam ee ku wajahnaa Heshiiskan Siyaad Barre lala galay iyo Jabhadaha Xoreynta Soomaaliyeed (SSDF & SNM) saamaynta uu ku yeelanayo. Markaan raaco sidii uu hadalka u yidhi Xayle Miikaa’iil oo tarjumayay, waxay noo sheegeen “Tacliimaadkii Madaxweynaha”. Waa sidii ay hadalka u yidhaahdeen. Waxay intaa noogu dareen in aanu la kulmi doonno Major General Gabriez Wolde Hanna oo ahaa Xoghayihii 1aad ee Xisbiga Shaqaalaha ee Itoobiya ee Harargee. Tacliimaadkii Madaxweyne Mengistu Xayle Maryam sidan ayay noogu akhriyeen:

  1. Xaasaska iyo qaxootiga xeryo ha loo dhiso,
  2. Ururradu ha samaystaan qaab warfafineed,
  3. Dawladda Siyaad Barre lama aammini karo e’ ha lagu marag-furo,
  4. Si aanay dadku u jaho-wareerin, madaxdu waa in ay dadkii u tagtaa,
  5. Amar degdeg ah ayaa la siiyay madaxda Harar ee arka,

Salaasa, 19/4/1988kii, saacaddu markay ahayd 4.40 galabnimo: Waxa shir isugu yimid Guddidii Fulinta iyo Guddidii Joogtada ee Golaha Dhexe ee SNM. Waxa la falanqeeyay talooyinkii Itoobiyaanka ka yimid iyo wixii lala tegi lahaa shir kale oo Itoobiyaanka lagula ballansanaa magaalada Harar 20/4/1988kii.

Arbaca, 20/4/1988kii: Galabnimadii ayaa shir saddex-geesood ah la isugu yimid Harar, Xaruntii Xisbiga ee Shaqaalaha Itoobiya. Shirkaa waxa isugu yimid Itoobiya oo ay ka socdeen Wefdi uu hoggaaminayay Major General Gabriez Wolde Hanna, Xoghayihii 1aad ee Xisbiga Shaqaalaha iyo Taliyihii Ciidammada ee Harar Major General Ababa Abarra, SSDF waxa ka socday: Xasan Cali Mire, Cumar Salaad Cilmi, Sanweyne, Xuseen Cali Shiddo, Garabey iyo Injineer Ismaaciil, halka ay SNMna ka socdeen: Axmed Siilaanyo, Hadraawi, Boobe, Rashiid Sheekh Cabdillaahi, Xuseen Cali Xirsi iyo Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi. Major General Gabriez ayaa hadalka furay oo ku dheeraaday. Marka la isku soo ururiyo waxay nagu qancinayeen in halgankii hubeysnaa hakad la yar geliyo si Heshiiska fursad loo siiyo. Galabtaa, Major General Gabriez wolde Hanna toban qodob ayuu dardaarankiisii ku soo ururiyay.

Khamiis, 21/4/1988kii: Subaxnimadii ayaanu Major General Aaba Abarra kulan kula yeelannay xafiiskiisa oo Harar ku yaallay. Waxaanu ahayn SNM oo keliya oo ay ka socdeen: Siilaanyo, Hadraawi iyo anigu. Subaxdaa aanu la kulannay Major General Ababa Abarra shalay oo kale ayuu ka soo noqday booqasho uu ku tegay Hargeysa oo ay Morgan iyo Taliskiisii ku kulmeen. Jananku wuxu subaxdaa noo sheegay raashin ay taakuleyn ahaan noo siinayaan oo ka koobnaa: 100 kiintaal oo bariis ah, 200 oo kiintaal oo daqiiq ah, 200 oo kiintaal oo timir ah, 50 kiintaal oo qasacado ah, 100 kiintaal oo caano ah, 100 kiintaal oo saliid ah iyo 100 kiintaal oo sonkor ah oo uu noo sheegay in aanu Jijiga ka qaadan doonno.

Jimce, 22/4/1988kii: Subaxnimadii Guddoomiye Siilaanyo ayaa kulan la yeeshay koox saraakiisha SNM ka mid ahayd si looga diyaar-garoobo saaxadda dagaalka.

Jimce, 22/4/1988kii: Gelinkii danbena waxa kulan yeeshay Guddidii Fulinta iyo Guddidii Joogtada ee Golaha Dhexe.

Inta badan markaan tegayo jiidaha hore ee dagaalka maan qaadan jirin xusuus-qorkayga miiska ama ka weynba. Waxaan u badnaa in aan sii qaato ka yar yar ee jeebka aniga oo wixii ka bata ku qoran jiray “note book”. Waxaan xusuustaa in maalmahaa wixii ka danbeeyay aanu u baxnay Jijiga iyo jiidaha hore ee dagaalka oo aan ka tegay xusuus-qorkaygii. Ku yar oo kuwa jeebka ah ayaan sitay oo immika iga maqan, waxaan se si fiican u xusuustaa in maalmahaa qudhoodu aanay I seegin in aan keydiyo. Waan hayn jiray xusuus-qorkaa yar dhowr sannadood ka hor ee mar aan Gebilay ka soo guuray ayuu meelahaa ku yar leexday. Waxaan is-leeyahay waad heli doontaa haddii Eebbe idmo.

Waxaan ku rajo-weynahay in aanu bishii Abriil 1988kii intii ka hadhsanayd ku dhammaysannay diyaar-garowgii aanu kaga soo ambo-baxaynay Diri-dhabe.

Bilowgii bishii Meey 1988kii ilaa badhtamaheedii waxaanu ku hawlanayn Jijiga ilaa jiidaha hore ee dagaalka. Waxaan ka mid ahaa oo aan la socday wefdi SNM ah oo uu hoggaaminayay Guddoomiyihii SNM Axmed Maxamed Siilaanyo. Meel kasta oo aanu is-taagnaba dadweyne iyo Mujaahidiinba waxa keliya ee nala weydiinayay wuxu ahaa: “Amarkii dagaalka ma siddaan?” Go’aanka dagaalka qof waliba halkiisa isaga oo jooga ayuu qaatay, si loo rasmiyeeyona urur ahaan waa loo saxeexay siduu Siilaanyoba ka sheegay BBC-da habeenkii la wareysanayay.

Badhtamihii bishii Meey 1988kii annaga oo markaa ku sugnayn Dooba-guduud, wuxu Guddoomiye Siilaanyo soo saaray amar qoraal ah oo uu xilkii Taliyaha Ciidanka kaga beddelay Axmed Mire, isla markaana Xoghayaha Ciidammada Xoreynta uu ugu magacaabay Jaamac Cali Cilmi oo markaa ahaa Taliyaha Dugsigii Tababarka ee Awaare. Cabdirasaaq Axmed Cali oo saraakiisha SNM ka mid ahaa ayaa warqaddaa magacaabista ee Jaamac Cali Cilmi loo sii dhiibay, isla maalintiina wuxu noogu yimid Dhoobo-guduud. Xilkaa Xoghayaha Ciidammada Xoreynta waxa markii hore hayay Guddoomiye Siilaanyo. Waxa kale oo isla goobtii lagu magacaabay Guddi dagaal-gelineed oo shan sarkaal ka koobnayd, kuwaas oo kala ahaa: Jaamac Cali Cilmi, Xoghayihii Ciidammada Xoreynta ee SNM, Xasan Yoonis Habbane oo hore u ahaa Abbaandulihii Ciidammada Xoreynta ee SNM, Taliskii hore ee la beddelayna ka mid ahaa, Maxamed Kaahin Axmed iyo Cabdisamad Xaaji Cabdillaahi.

Dhowr maalmood ayaanu ku soo marnay jiidihii Bari oo aanu kulammo kula yeelannay dadweynaha iyo Mujaahidiintaba.

Isniin, 16/5/1988kii: Qedadii ka dib waxaanu joognay Kabo-qorray oo ahayd bartii kulanka ee ay ka soo dhaqaaqeen ciidammadii galbeedka ee Hargeysa soo galay 31/5/1988kii, halkaas oo uu Guddoomiye Siilaanyo shir kula yeeshay saraakiishii ciidankaa hoggaaminaysay. Waxa isna halkii noogu yimid Jaamac Cali Cilmi, Xoghayihii Ciidammada Xoreynta, kaas oo uu halkii Guddoomiyuhu ku siiyay amarro dagaalka la xidhiidha, gaar ahaan in uu ciidankaa siiyo lacagtii ay shidaalka soo siisan lahaayeen.

Salaasa, 17/5/1988kii: Barqadii ayaanu Xaruntii SNM ee Aroori (Jigjiga) kula kulannay intii ka joogtay Guddida Fulinta iyo Guddida Joogtada; gelinkii danbena aniga iyo Guddoomiye Siilaanyo waxaanu u ambo-baxnay Diri-dhabe oo aanu galabnimadii ku hoyannay.

Arbaca, 18/5/1988kii: Subaxnimadii aniga iyo Guddoomiye Siilaanyo ayaa Harar nimid oo kulan kula yeelannay Major General Ababa Abarra, Taliyihii Ciidammada Itoobiya ee Harar. Subaxnimadaa intii aanaan Harar u ambo-bixin Guddoomiyuhu wuxu noo sheegay in xalay tilifoonno dibadda looga soo diray, laguna marti-qaaday shir ballaadhan oo laamihii dibadda ee Yurub ee SNM uga furmayay magaalada London.

Khamiis, 19/5/1988kii: Guddoomiye Siilaanyo oo London u ambo-baxayay ayaanu shir kula yeelannay Xaruntii SNM ee Diri-dhabe.

Jimce, 20/5/1988kii: Ayuu Siilaanyo u ambo-baxay Addis-Ababa.

Axad, 22/5/1988kii: Guddoomiye Siilaanyo ayaa ka duulay Addis-Ababa oo u dhoofay London si uu shirkii ballaadhnaa uga qayb-galo.

Arbaca, 25/5/1988kii: Wefdi uu hoggaaminayay Siyaad Barre ayaa ku sugnaa Adis-Ababa si ay uga qayb galaan 25-guuradii aasaaskii Ururkii Midowga Africa (OAU) oo ku beegnayd 25/5/1963kii.

Jimce, 27/5/1988kii: Ciidammadii Xoreynta ee SNM ee Qaybta Bari ayaa Burco ku waa-bariistay.

Sabti, 28/5/1988kii ciidammadii SNM ee jiidda dhexe ayaa ku ruqaansaday Cadaadley iyo jiidaha ku began.

Salaasa, 31/5/1988kii: Ciidammadii Xoreynta ee SNM ee Qaybta Galbeed 31aad ayaa Hargeysa ku carraabay.

Waxa wax-ka-soo-qaad leh in Siyaad Barre lagu marti-qaaday Addis-Ababa si uu uga qayb galo dabbaal-deggii 25kii Meey 1988kii oo ku beegnayd 25-guuradii aasaaskii Ururka Midowga Afrika (OAU). Labadii oday iyaga oo aan is-ogayn oo ku naalloonaya Heshiiskii ay kala saxeexdeen oo magaalada ‘Soodere’ ku dabbaalanayaa biyihii kululaa oo ku xafladaynaya ayaa lagu war-geliyay in SNM qabsatay Burco iyo Hargeysaba. Waxay ku noqotay af-kala-qaad iyo arrin aanay u daban. Sidaas ayuu Heshiiskaasi ku noqday wax aan jirin oo aan dib danbe loo soo hadal-qaadan.

Gunaanad:

Itoobiyaanku markii ay ka soo noqdeen wada-hadalladii Jabuuti, waxay soo noqdeen iyaga oo yaabban oo dhabanka iyo gacantu isku engegeen. Catowgii iyo calaacalkii Siyaad Barre ee SNM ayay la yaabeen. Waxay ka fajaceen werwerka iyo walaaca Siyaad Barre ka muujiyay SNM. Mararkii aanu la kulannay waxay nagu yidhaahdeen: “Siyaad Barre waxaad ku noqoteen laf dhuunta u taagan oo dhinacna u dhaafi weyday.” Iyagii baa nala yaabay oo nagu cel-celiyay SNM-tu ma intan nala joogtaa mise wax baa idiin qarsoon. Siyaad Barre haddii uu is-yidhi wax taranso, annaga qiimo iyo qaddarin aanaan ogsoonayn ayuu noo kordhiyay. Bal u fiirsada Heshiiska la saxeexay 3/4/1988kii iyo sidii dhakhsaha ahayd ee Itoobiya u dalbatay in ay SNM la kulanto. Markiiba waxa u caddaatay oo ay isku qanciyeen in aan SNM la’aanteed waxba u suuroobayn. Taladu se way seegtay Mengistu e’ waxay ahayd in uu nala kulmo Heshiiska hortii.

Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Maryam, iyaga oo ka fekeray tooda oo aan aan tixgelin tu’ ay cid kale leedahay ayay Heshiiskaa saxeexeen. Labada odayba way ka dheregsanaayeen in aanu Heshiiska caynkaas ahi keligood ku xidhnayne, sidii Goroyada inta ay madax ciidda gashadeen ayay saxeexeen wax aan keligood ku xidhnayn. Mengistu markuu Heshiiskan gelayay, SNM kalama sii tashan, xaqna wuu u lahaa in uu dantiisa ka fekero. SNM-na markay dagaalka gelaysay Mengistu kalama ay tashan xaqna way u lahayd. Gebegebadii Riwaayadda tii Siyaad Barre iyo Mengistu ma ay noqon, ee waxay noqotay tii Ilaahay iyo SNM.

Qormadani, waa mid kooban oo ku taxnayd Heshiiskaa aan la calfan. Haddii Eebbe inagu simo, waxaan rajaynayaa in aynu ku kulmi doonno qormo intan ka tifaf-tiran oo wadata shirarkaa aan soo sheegay wixii lagu wada-hadlay iyo halkii laga kala taagnaa dhacdooyinkii Heshiiskaa la xidhiidhay. Waxaan ahaa qof keliya oo Jabhaddii SNM ka mid ahaa, taariikhda qoraalkeeduna wuxu macno yeeshaa marka la isu geegeeyo ee qofba in ku daro. Markaas oo keliya ayaa sawirka buuxa la helaa. Waa waajib ina faran in qof waliba halkuu ku sugnaa iyo waayihiisii soo tebiyo si ay sheekadu inoogu xidhanto. Way fiican tahay haddii dhacdooyinka, saacadha iyo maalmaha la isla heli karayo, haddii mid ama laba la waayo se, taa macnaheedu ma aha waxba lama qori karo. Marka la isugu tago waa la buux-buuxin karaa. Bal dhacdooyinkii aynu ku dedaallo in aynu qorno, inta kale iyada ayaa is-qori doonta e’.

SNM Heshiiskaasi wuxu taro mooyiye waxba ma yeelin. Markii Heshiiskaa qalinka lagu duugayba, qof kastaaba halkii uu joogay ayuu dagaal kama danbays ah ku go’aan-qaatay. Baraarujin buu noo ahaa. Haddii aanu Heshiiskaasi dhicin, yaa og goorta aanu dagaal kama danbays ah soo qaadi lahayn?

Dagaalka goob kasta fooddaa la isku daray. Madasha suugaaneed qudheeda waa la isku geba-gebeeyay. Markii Heshiiskaa la saxeexay ayaa Cabdilqaadir Xirsi Yamyam, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, oo nidaamkii Siyaad Barre af-hayeen u ahaa tiriyay tix uu ku magacaabay “Ina Gaado-ku-nool” oo SNM ula jeeday Heshiiskaana uu ku maamuusayay, halkudheggeeduna ahaa:

“Gudgudaa I miray xalay,

Daruur baa I guud timid,

Wixii haro galsho lahaa,

Xareed baa ka galac tidhi”,

Ibraahin Sheekh Saleebaan oo “Ibraahin Gadhle” loo yaqaan ayaa isna ku qaxweeyay oo ugu jawaabay tixdii “Gar-naqsi” ee halkudheggeedu ahaa:

“Guluf baa ku miray xalay,

Madfac baa ku guud yimid,

Wixii haro galsho lahaa,

Dhiig baa ka galac yidhi,”

Dhammaad

 

 

Additional information